Muftiga Sacuudiga oo soo saaray fatwo ku saabsan dagaalka dowladdiisu kula jirto Xuutiyiinta Yemen

Sacuudiga
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Muftiga Guud ee Sacuudiga, Saalax Al-Fawzan, ayaa bayaan uu soo saaray u jeediyey dad uu ku tilmaamay "difaacayaasha" iyo ciidamada isbahaysiga ee uu hoggaaminayo Boqortooyadu, kuwaas oo dagaal kula jira kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee Yemen. Fatwada waxaa ku jiray aayado Qur'aan ah iyo axaaddiis ku boorrinaya inay "difaacaan oo jihaad galaan."

Al-Fawzan, oo ah Muftiga Guud ee Sacuudiga, madaxa Golaha Culimada Waaweyn, ahna Madaxweynaha Hay'adda Guud ee Cilmi-baarista iyo Fatwada, darajo ahaana leh awood wasiir, ayaa la hadlay ciidamada Sacuudiga. Wuxuu ku tilmaamay "kuwa ku sugan jiidda hore ee dagaalka", isaga oo yiri: "Waa inaad mar walba diyaar u ahaataan gudashada waajibaadkiinna, inaad dhageysataan oo adeecdaan madaxda iyo taliyeyaashiinna goobta dagaalka, isla markaana aad amarrada u fulisaan si aad u wanaagsan oo heerkii ugu sarreeyay ah."

Waxa uu sidoo kale la hadlay ciidamada isbahaysiga, isagoo yiri: "Ogaada inaad la dagaallamaysaan cadow ku faafiyay dalka fasahaad, kala qaybiyay shacabka, ka fallaagoobay madaxda, isla markaana doonayay inuu waxyeello u geysto goobaha barakeysan ee Muslimiinta."

Wuxuu ugu baaqay inay safafkooda mideeyaan, is-kaashadaan, isla markaana ay hal mowqif yeeshaan, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Fawzan wuxuu kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ku tilmaamay "koox diimeed baadi ah" iyo "burcad shar iyo shirqool cadow ah"

Khamiistii, Sacuudiga ayaa sheegay inay ka hortageen gantaallo ay Xuutiyiintu ku ganeen dalkaas , kadib markii digniino kooban la soo saaray oo ay ku jireen goobo ay ka mid tahay magaalada barakayskan ee Maka, iyadoo ay sii kordhayeen weerarrada Yemen laga soo qaaday ee lagu beegsanayo Boqortooyada.

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay in ciidamadiisu qabteen lix gantaal oo ballistic ah, isagoo sheegay in la fashiliyey weerarro lagu qaaday magaalooyinka Sacuudiga ee Daa'if iyo Yanbu.

Habeenkii Khamiista, afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa ku dhawaaqay in la duqeeyay "bartilmaameed xasaasi ah" oo ku yaalla Riyadh, sidoo kalena la qaaday hawlgal kale oo "lagu beegsanayo shirkadda Aramco ee Yanbu" oo ku taalla xeebta Badda Cas, iyadoo la adeegsanayo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn .

Tani waa markii labaad ee wax ka yar toddobaad gudaheed ay Xuutiyiintu ku dhawaaqaan inay bartilmaameedsadeen caasimadda Sacuudiga, iyadoo hore ay dhowr weerar ugu qaadeen xarumo ku yaalla Yanbu, oo ah goob muhiim u ah saliidda dalka, kuna taalla xeebta galbeed ee Boqortooyada ee Badda Cas.

Saree, ayaa sidoo kale Khamiistii sheegay in Xuutiyiintu ay fuliyeen "hawlgal militari oo ballaaran oo tayo gaar ah leh, kaas oo loo adeegsaday tobannaan gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn", kaas oo lagu qaaday gobolka Jizan ee koonfur-galbeed ee Boqortooyada.

Wuxuu sheegay in weerarradu bartilmaameedsadeen "xarumaha hawlgallada, qolalka taliska iyo kantaroolka, bakhaarrada hubka iyo goobaha muhiimka ah", iyo sidoo kale goobaha laga rido gantaallada.

Faransiiska oo gargaar militari u diraya Sacuudiga

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Paris ay Sacuudiga u diri doonto ciidamo iyo nidaamyo difaac si ay uga caawiyaan ilaalinta magaalada dekedda ah ee Yanbu ee ku taalla Badda Cas.

Wuxuu wareysi uu siiyay TF1 iyo France 2 ku yiri: "Tani waa heshiiskii aan la galnay Sacuudiga. Waxaan diri doonnaa qalab iyo awood milatari: askar, nidaamyada raadaarka iyo nidaamyada difaaca si loo ilaaliyo goobtan. Ma aha inaan ku lug yeelanno wax dagaallo ah, balse waa inaan ilaalinno goobtan."

Markii wax laga weydiiyay suurtagalnimada ah in la diro diyaaradaha dagaalka ee Rafale, Macron wuxuu yiri: "Waxaan arki doonnaa sida ay xaaladdu u noqoto, waxaana qaadi doonnaa tallaabo iyadoo loo eegayo baahiyaha jira."

Wuxuu intaa sii raaciyay: "Laakiin si kastaba ha ahaatee, waxaan ka shaqaynaynaa ilaalinta goobtan, taas oo toddobaadyo ka hor ay maalin kasta mari jireen in ka badan shan milyan oo foosto oo saliid ah. Marka aan xiisadda ka yareyno mid ka mid ah goobahan, saameyntu waxay si toos ah uga muuqan doontaa qiimaha shidaalka ee xarumaha qaybinta."

Pakistan, Turkiga iyo Sacuudiga oo yeeshay kulan amniga ah oo deg deg ah

Sacuudiga

Magaalada New York waxaa ka dhacay kulan saddex geesood ah oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan, Pakistan, Muhammad Ishaq Dar, iyo Turkiga, Hakan Fidan, kaas oo ku saabsanaa qaab-dhismeedka Heshiiska Makkah ee Difaaca Wadajirka ah.

Intii uu kulanku socday, wasiirradu waxay muujiyeen "cambaareyntooda ku aaddan weerarradii lagu beegsaday Maka iyo xarumaha rayidka iyo kuwa dhaqaale ee Boqortooyada", waxayna xaqiijiyeen "xaqa ay u leedahay inay qaaddo tallaabooyinka ay u aragto inay ku habboon yihiin difaaca amnigeeda, iyadoo la raacayo Qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay", sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay qabanqaabada socota ee lagu qabanayo "kulan degdeg ah" oo ay yeeshaan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee saddexda dal, iyadoo ujeeddadu tahay "in laga wada hadlo hababka lagu taageerayo Boqortooyada, iyadoo la raacayo Heshiiska Makkah ee Difaaca Wadajirka ah, kaas oo dhigaya in weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah dhinacyada loo tixgeliyo weerar lagu qaaday dhammaan dhinacyada," sida lagu sheegay bayaanka.