Daraasad: Malaayiin haween ah oo ku nool Koonfurta Aasiya ayaan sharcigu ka ilaalin kufsiga guurka dhexdiisa

Hindiya
Qoraalka sawirka, Malaayiin haween iyo gabdho ah oo ku nool Koonfurta Aasiya ayaan helin ilaalin sharci oo ku filan, sababo la xiriira sharciyada aan wax ka qaban kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba
    • Author, Geeta Pandey
    • Role, Tifaftiraha Arrimaha Haweenka iyo Bulshada, Hindiya
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ku guuldarreysiga in si buuxda dembi looga dhigo kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba ayaa malaayiin haween iyo gabdho ah ka dhigaya kuwo aan helin ilaalin sharci oo ku filan siddeed dal oo ku yaalla Koonfurta Aasiya, halkaas oo rabshadaha ka dhex dhaca lammaanaha ay boqolkiiba 35 ka sarreeyaan celceliska caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub.

In ka badan 100 dal ayaa dembi ka dhigay kufsiga guurka dhexdiisa, balse dalal badan oo Koonfurta Aasiya ah, oo ay ka mid yihiin Hindiya, Afghanistan, Sri Lanka iyo Bangladesh, ayaa weli ka mid ah ku dhowaad 36-ka dal ee aan arrintaas sharci-darro ka dhigin.

Maldives ayaa ah dalka keliya ee Koonfurta Aasiya ee kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba lagu ciqaabo si la mid ah kufsiyada kale.

Daraasadda oo ay samaysay Samaj, oo ah isbahaysi ay ku mideysan yihiin ururrada u dooda xuquuqda haweenka ee gobolka, ayaa sheegtay in Nepal iyo Bhutan ay dembi ka dhigeen kufsiga guurka dhexdiisa, balse ay kuwa geysta ku soo rogaan ciqaabo ka fudud kuwa kufsiyada kale.

Hindiya
Qoraalka sawirka, Hindiya waxay ka mid tahay ku dhowaad 36-ka dal ee aan weli dembi ka dhigin kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba

Shuruucda la xiriirta kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba ee dalalka Koonfurta Aasiya ayaa inta badan salka ku haya xilligii uu gumeysiga Ingiriisku ka talinayay gobolka, sida ay sheegtay Ranjeeta Silwal oo ka tirsan Samaj, oo ah hay'ad caalami ah oo u doodda xuquuqda haweenka, laguna magacaabo Equality Now.

Sharcigaas oo Hindiya iyo Bangladesh laga dhaqan geliyay sannadkii 1860-kii, halka Sri Lanka laga hirgeliyay 1885-kii, ayaa qeexaya xaaladaha aan loo aqoonsan kufsi, waxaana ka mid ah galmada uu nin la sameeyo xaaskiisa qaangaarka ah.

Dhaqdhaqaaqayaasha u ololeeya xuquuqda haweenka ayaa sheegaya in sharcigu yahay mid waqtigiisii dhammaaday, isla markaana galmo kasta oo khasab ah ay tahay kufsi, cidda geysatana aysan waxba ka beddelayn. Khubaradu waxay ka digayaan in tacaddiyada galmada ee ka dhex dhaca lammaanaha is qaba ay dhaawacaan caafimaadka jireed, maskaxeed, shucuureed iyo kan galmada ee haweenka.

In ka badan 100 dal ayaa dembi ka dhigay kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba, waxaana ka mid ah UK oo sharcigeeda arrintaas wax ka beddeshay sannadkii 1991-kii. Hase yeeshee, ka-reebitaanka kufsiga guurka dhexdiisa weli wuxuu ka jiraa Hindiya, Sri Lanka iyo Bangladesh.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Pakistan ayaa sannadkii 2006-dii meesha ka saartay qodobkii sharciga ee kufsiga guurka ka reebayay, balse ma jirto maxkamad heerkeedu sarreeyo oo xaqiijisay in shuruucda kufsigu ay khuseeyaan xitaa marka ay labada qof is qabaan. Dhanka kale, go'aan ay dhawaan gaartay maxkamad sare ayaa nimanka siiyay difaac sharci oo ballaaran marka ay galmo la sameeyaan xaasaskooda iyaga oo aan ka haysan oggolaansho.

Tan iyo markii ay mar kale xukunka la wareegeen sannadkii 2021-kii, Daalibaan ayaa si tartiib tartiib ah u burburinayay ilaalintii iyo xuquuqdii haweenka ee dalka Afghanistan.

Silwal ayaa sheegtay in xeer ciqaabeed cusub oo la soo saaray bishii Janaayo uu xaaladda sii xumeeyay. Sida uu dhigayo xeerkaas, ninka waxaa lagu soo oogi karaa dacwad ku saabsan inuu xaaskiisa u geystay tacaddi oo keliya haddii uu u sababo jab laf ah, nabar furan ama jug daran oo jirka ka muuqata. Xitaa haddii lagu helo dambigaas, waxaa lagu xukumayaa 15 maalmood oo xabsi ah oo keliya.

Sida la filayay, xeerka cusub wax tixraac ah kama bixin kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba. Hase yeeshee, qeexidda aadka u kooban ee uu ka bixiyay tacaddiyada ciqaabta mudan ayaa si dhab ah haweenka uga reebaysa ilaalinta sharciga ee ka dhanka ah kufsiga noocaas ah.

Qof mudaaharaadaya oo u dhashay Kashmir ayaa sidaa boorar ay ku dalbanayso caddaalad, kaddib kiis dhowaan dhacay oo gabar siddeed jir ah lagu kufsaday laguna dilay gobolka Jammu iyo Kashmir ee dalka Hindiya. Mudaaharaadka ayaa ka dhacay magaalada Srinagar.
Qoraalka sawirka, Rabshadaha ka dhaca xiriirka lammaanaha dhexdooda ayaa dalalka Koonfurta Aasiya aad uga sarreeya celceliska caalamka

"Fikraddan waxay ka timid aaminsanaanta ah in oggolaanshaha galmada uu si toos ah uga dhalanayo guurka, isla markaana guurku yahay xuduudda ay ku dhammaanayso baahida oggolaanshaha galmada," ayay Silwal u sheegtay BBC-da.

"Laakiin tani waxay muujinaysaa wacyigelin la'aan, waxayna caddeyn u tahay inaan weli haweenka ula dhaqanno sidii hanti la leeyahay, isla markaana ay weli bulshadeennu ku dhisan tahay awoodda ragga."

Warbixintan ayaa soo baxday xilli uu gobolka dib uga billowday dood ku saabsan kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba.

Hindiya, 10 dacwadood oo lagu doonayo in wax laga beddelo sharciga oggolaanaya in ninku xaaskiisa kufsado ayaa haatan horyaalla Maxkamadda Sare ee dalka, taas oo la filayo inay dhegeysiga kama dambaysta ah billowdo 9-ka December.

Maxkamaduhu sannadihii la soo dhaafay waxay soo saareen go'aanno is khilaafsan, iyadoo garsoorayaal qaarkood ay qireen in sharcigu yahay mid duugoobay, waxayna baarlamaanka ugu baaqeen inuu dembi ka dhigo kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba.

Sannadkii hore waxaa caro xooggan dhalisay markii maxkamad ay sii deysay nin xaaskiisu dhimatay kaddib markii uu si arxan darro ah u kufsaday.

Hase yeeshee, dowladda Hindiya, ururrada diimeed iyo dhaqdhaqaaqayaasha u dooda xuquuqda ragga ayaa ka hor yimid codsiyada horyaalla maxkamadda ugu sarreysa dalka, iyagoo ku doodaya in dembi ka dhigista kufsiga guurka dhexdiisa ay noqon doonto tallaabo "xad-dhaaf u ah ciqaabta".

Warbixintu waxay sidoo kale sheegaysaa in ururrada xuquuqda aadanaha ee Bangladesh ay ka horyimaadeen qodobka sharciga ee ka reebaya kufsiga guurka dhexdiisa, iyagoo ku doodaya inuu ka hor imanayo xuquuqaha dastuuriga ah ee nolosha, xorriyadda iyo ka ilaalinta jirdilka iyo tacaddiyada arxan darrada ah.

"Kuwa ka soo horjeeda in kufsiga guurka dhexdiisa dembi laga dhigo waxay ku doodaan in arrintaasi ay wiiqi doonto qoyska oo ay kala daadin doonto. Qoyskuna muhiimad weyn ayuu ku leeyahay dalalkeenna," ayay tiri Silwal.

"Waxay sidoo kale sheegaan in arrintani ay saameyn ku yeelan doonto qiyamkeenna diimeed iyo dhaqameed, waxayna ka walaacsan yihiin in ragga loo jeediyo eedeymo been abuur ah."

Waxay sheegtay in wax ka beddelka sharciga uusan qasab ahayn inuu keeno in dhibbanayaashu helaan caddaalad.

Silwal waxay tusaale u soo qaadatay dalka Bhutan, halkaas oo kufsiga guurka dhexdiisa uu dembi ka yahay sharciga, balse loo arko dembi fudud, laguna ciqaabo xabsi u dhexeeya hal bil iyo hal sano.

Nepal, ciqaabta kufsigu waxay u dhexeysaa lix ilaa 20 sano oo xabsi ah, balse ninka xaaskiisa kufsada waxaa lagu xukumi karaa ugu badnaan shan sano oo xabsi ah.