TOOS , Madaxweynaha Ukriane oo muujiyey niyad-jab xooggan oo uu ka qabo Mareykanka, isagoo Donald Trump ku dhaliilay inuu Vladimir Putin ku tilmaamay “saaxiibkiis

Volodymyr Zelensky ayaa muujiyay niyad-jab xooggan oo uu ka qabo Mareykanka, isaga oo Donald Trump ku dhaliilay inuu Vladimir Putin ku tilmaamay “saaxiibkay”. Waxa kale oo uu sheegay in dib-u-dhaca ku yimid gaarsiinta gantaallada muhiimka ah ee ka hortaga gantaallada ballistic-ga uu sababayso dhimashada dad reer Ukraine ah.

Kooban

  • Sacuudiga: Hawlaha warshad sifaysa shidaalka oo si ku-meel-gaar ah loo hakiyey kaddib weerar.
  • Trump: Haddii aanu dagaalka gelin, waxaa dhici lahaa masiibo nukliyeer ahSoomaaliya deris la yihiin
  • Abiy Axmed: Koboca Itoobiya waxba uma dhimayo Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya
  • Elon Musk oo loo ansixiyey inuu hal malyan oo dayax gacmeed geeyo hawada sare

Tebin toos ah

  1. Uganda oo ku dhawaaqday magaalo ay ciidamadeeda kala baxayso

    Uganda

    Uganda ayaa ku dhawaaqday inay ciidamadeeda kala baxayso magaalada Lubero ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), xilli ay sii kordhayaan xiisadaha diblomaasiyadeed ee labada dal.

    Milatariga Uganda ma uusan sheegin sababta ay ciidamadu uga baxayaan Lubero, halkaas oo ay ka caawinayeen ciidamada dowladda Congo dagaalka ay kula jiraan kooxda Islaamiyiinta ah ee ADF.

    Khamiistii, diblomaasiga ugu sarreeya Uganda u fadhiya magaalada Kinshasa ayaa loogu yeeray wasaaradda arrimaha dibadda ee Congo, kaddib markii taliyaha ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, uu muujiyay taageerada uu u hayo fallaagada ka dagaallanta aaggaas.

    Kainerugaba waa wiilka madaxweynaha muddada dheer talada haya ee Uganda, Yoweri Museveni.

    Milatariga Uganda ayaa sheegay in iskaashiga labada dal uu ka sii socon doono deegaannada kale ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

    Warar dheeraad ah

  2. Kooxaha jihaad-doonka caalamka sida al-Shabaab ma fashilmeen, mise istaraatijiyaddooda oo keliya ayay beddeleen?

    warbixin gaara

    Bariis, baasto, sonkor, saliidda cuntada lagu karsado iyo digir ma aha waxyaabaha aad filayso in lagu arko dacaayadaha kooxaha jihaad doonka ah. Hase yeeshee, agabkan ayaa ka mid ahaa raashin ay garabka Al-Qaacida ee Soomaaliya, Al-Shabaab, sheegtay in hay'ad samafal oo ay leeyihiin ay bishii Agoosto u qaybisay boqollaal qoys oo dhibaatooyin nololeed haystaan.

    Kooxdu waxay gargaarkaas ku baahisay baraha ay bulshada ku wada xiriirto iyo idaacaddeeda.

    Al-Shabaab, oo maamusha qaybo badan oo ka mid ah miyiga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa sannadka 2026 si weyn u soo bandhigaysay waxa ay ku tilmaamayso hawlaheeda samafalka.

    "Alle ha ka abaalmariyo," ayay tiri haweeney deegaanka ah oo ka dhex muuqatay mid ka mid ah muuqaallada Al-Shabaab.

    Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaalka kooxda ay ku doonayso inay ku kasbato taageerada bulshada deegaanka, isla markaana ay isu muujiso inaysan ahayn oo keliya koox jihaad doon ah.

  3. Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo Qaramada Midoobay digniin ka soo saartay

    Qaramada Midoobay

    Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in xaaladda gaajada ay si weyn uga sii dari doonto 16 goobood oo dunida ka mid ah lixda bilood ee soo socda. Arrintan ayaa waxaa ugu weyn ee sababaya colaadaha sii kordhaya, barakaca dadka iyo xaaladaha cimilo ee aadka u daran oo uu uga sii daray isbeddelka cimilada ee El Niño.

    Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) iyo Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegay in dalalka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ay yihiin kuwa ugu walaaca badan, iyadoo ay jirto khatar macquul ah oo ah in macaluul ka dhacdo.

    Waqooyiga Nigeria, Yemen iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inay si ba'an u saameeyaan xaaladdan.

    Hay'adaha ayaa sheegay in sare u kaca qiimaha cuntada, bacriminta beeraha iyo tamarta uu gacan ka geystay kororka gaajada adduunka. Waxay sidoo kale ka digeen in dhimista weyn ee miisaaniyadda gargaarka bani'aadannimo ay wiiqayso dadaallada looga hortagayo masiibo bini'aadannimo.

    Warar dheeraad ah

  4. Madaxweynaha Ukraine oo niyad xooggan ka muujiyey Maraykanka

    Madaxweynaha Ukriane

    Volodymyr Zelensky ayaa muujiyay niyad-jab xooggan oo uu ka qabo Mareykanka, isaga oo Donald Trump ku dhaliilay inuu Vladimir Putin ku tilmaamay “saaxiibkay”. Waxa kale oo uu sheegay in dib-u-dhaca ku yimid gaarsiinta gantaallada muhiimka ah ee difaaca ka hortaga gantaallada ballistic-ga uu sababayo dhimashada dad reer Ukraine ah.

    Wareysi uu BBC-da ku siiyay xafiiskiisa ku yaalla bartamaha Kyiv, madaxweynaha Ukraine ayaa ka cabanayay in Mareykanku uusan cadaadis ku filan saarin Ruushka wada-hadallada nabadda, wuxuuna ku tilmaamay “wax lala yaabo” in Trump uu soo dhigay sawir isaga oo Putin isku duubaya.

    “Dabcan, waxay ku xiran tahay madaxweynaha Mareykanka, laakiin… waa wax lala yaabo,” ayuu Zelensky yiri.

    “Waa gardarroole, waana gacan-ku-dhiigle… Saaxiib ma noqon karo. Suurtagal ma aha,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in arrintaasi ay la mid tahay inaad tiraahdo waxaad saaxiib la tahay Adolf Hitler xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Tan iyo markii uu 2025-kii kulan adag oo muran badan uu kula yeeshay Trump ka dhacay Aqalka Cad, Zelensky wuxuu si taxaddar leh u maareynayay xiriirka Ukraine iyo Mareykanka.

    Labada ergay ee Trump ayaa isku dayayay inay dhex-dhexaadiyaan Ruushka iyo Ukraine si loo gaaro heshiis nabadeed oo soo afjara khasaaraha weyn ee nafeed. Hase yeeshee, marar badan waxay u muuqdaan inay ka dhow yihiin mowqifka Moscow marka loo eego kan Kyiv.

    Wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada nabadda, oo horraantii bishan Abu Dhabi lagu dhex-dhexaadiyay, wax horumar muuqda ah kama uusan dhalan. “Inta aan wax badan ogaanno, ayay dhibaatooyinku sii badanayaan,” ayuu Zelensky ku tilmaamay xaaladda.

    Wuxuu sheegay in wada-hadallada la filayo inay dib u bilowdaan bisha December.

  5. Daawo: 5 arrimood oo cajiib ah oo habeenkii badda lagu arko

    Iftiinka dayaxa wuxuu dhaliyaa ashqaraarka dunida ugu weyn. Nooleyaal cajiib ah ayaa badda gunteeda ka soo baxa, marka ay ku dhacaan mowjaduhuna waxay bixiyaan midab buluug ah. Waa aragti la arki karo marka uu gabbalku dhaco oo kaliya.

    Fahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose.

    Noolaha Dinoflagellates wuxuu bixiyaa iftiin buluug ah marka la taabto, badduna way iftiintaa sida gacan biyoodkan ku yaalla Maldives.
    Qoraalka sawirka, Noolaha Dinoflagellates wuxuu bixiyaa iftiin buluug ah marka la taabto, badduna way iftiintaa sida gacan biyoodkan ku yaalla Maldives.
  6. Taliyaha ciidamada badda ee Iiraan: Ciidamo gaar ah ayaa Mareykanka kala wareegay laba markab oo shidaal oo Iiraani ah

    Taliyaha ciidamada badda ee Iiraan, Admiral Shahram Irani, ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan ciidamada badda dalkaasi ay dib ula wareegeen laba markab oo shidaal oo Iiraani ah, kuwaas oo uu sheegay in Mareykanku hore u qabsaday.

    Wuxuu sheegay in howlgalkaasi uu dhacay xilli “Mareykanku hurday”.

    Isagoo khudbad ka jeedinayay salaaddii Jimcaha ee Tehran toddobaadkan, ayuu taliyaha ciidamada badda ee Iiraan sheegay in cadowgu adeegsaday dhammaan awooddiisa si uu markab uga gudbiyo marinka Hormuz, balse ay taasi tahay rajo aan rumoobi doonin.

    Wuxuu intaas ku daray in amarku yahay in marinkaasi uu sii xirnaado.

    Admiral Irani ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Mareykanku marka hore lacag ka qaataan milkiilayaasha maraakiibta si ay ugu oggolaadaan inay maraan marinka Hormuz, balse marka maraakiibta la bartilmaameedsado aysan mas’uuliyadda qaadin, isla markaana aysan lacagtii dib u celin.

    Iiraan iyo Mareykanka ayaa labaduba sheegta inay gacanta ku hayaan marinka muhiimka ah ee Hormuz.

    Dhanka kale, Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK ayaa sheegtay in intii u dhexeysay 18-kii iyo 20-kii Nofeembar ay 114 markab ka gudbeen marinka Hormuz, iyagoo helaya taageerada Mareykanka.

    Warar dheeraad ah

  7. Dowladda dhexe ee Hindiya oo soo saartay awaamiir cusub oo ku saabsan hay’adda Zakir Naik

    Zakir Naik
    Qoraalka sawirka, Zakir Naik

    Dowladda dhexe ee Hindiya ayaa sheegtay inay tallaabooyin adag ka qaadi doonto Hay’adda Cilmi-baarista Islaamka (Islamic Research Foundation), oo uu aasaasay wadaadka muranka dhaliyay ee Zakir Naik, taas oo dalka laga mamnuucay.

    Dowladdu waxay sidoo kale dowlad-goboleedyada siisay awood ay ku dhaqangeliyaan sharciga ka hortagga falalka sharci-darrada ah ee loo yaqaan UAPA, kaas oo lagu qaadi karo tallaabooyin ka dhan ah hay’adda.

    Wakaaladda wararka ee ANI ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hindiya ay soo saartay amarkan maalmo kaddib markii 13-kii Nofeembar ay shan sano oo kale ku kordhisay mamnuucidda hay’adda Zakir Naik.

    Sida ku cad amarka wasaaradda, awoodaha dowladda dhexe u lahayd ee ku xusan qodobbada 7 iyo 8 ee sharciga UAPA ayaa hadda sidoo kale loo oggolaaday dowlad-goboleedyada iyo maamullada dhulalka midowga.

    Warar dheeraad ah

  8. Trump: Uma malaynayo in Ruushka iyo Shiinuhu Iiraan siinayaan xog sirdoon

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ruushka iyo Shiinuhu aysan Iiraan siinayn xog sirdoon oo muhiim ah.

    Trump ayaa hadalkan sheegay xilli uu khadka telefoonka kula hadlayay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe.

    Wuxuu sheegay in dagaalka Iiraan uu ka mid ahaa arrimihii ay ka wada hadleen intii uu socday kulamadii uu dhawaan la yeeshay madaxweynayaasha Shiinaha iyo Ruushka, Xi Jinping iyo Vladimir Putin.

    Isagoo ka hadlayay kulankiisii madaxweyne Xi Jinping, ayuu yiri:“Wadahadalkaygii madaxweyne Xi wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan. Waxaan u malaynayaa in Shiinuhu uu si aad u kooban ugu lug leeyahay arrinta Iiraan. Waxaa laga yaabaa inuu xoogaa ku lug leeyahay, balse aniga ahaan ku lug lahaanshuhu wuxuu ka dhigan yahay in gantaallo la rido ama tallaabo milatari oo toos ah la qaado, ee ma aha in Iiraan xog la siiyo.”

    Mar la weydiiyay in Shiinaha iyo Ruushku Iiraan siiyaan xog sirdoon, ayuu Trump yiri:

    “Annaguna sidaas oo kale ayaan sameynaa. Marka ay sheegaan inay na basaasayaan, waa inaan iraahdaa annaguna iyaga ayaan basaasnaa. Waxay u badan tahay inaan basaasidda kaga fiican nahay iyaga.”

    Isagoo ka hadlayay suurtagalnimada in Ruushku Iiraan siiyo xog sirdoon, ayuu yiri:“Uma malaynayo inay xog badan siiyaan.”

    Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in, tan iyo markii uu Mareykanku bilaabay duqeymaha milatari ee Iiraan, xulafada Tehran ay siinayeen xogta dayax-gacmeedyada, si milatariga Iiraan uu u bartilmaameedsado saldhigyada ciidamada Mareykanka.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay doonayaan in la soo afjaro colaadda hadda ka dhex taagan Mareykanka iyo Iiraan.

    “Waxaan u malaynayaa inay arrintan igu taageersan yihiin,” ayuu yiri.

  9. Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa magaalada Lubero ee bariga DR Congo

    Ciidamada Uganda
    Qoraalka sawirka, Ciidamada Uganda

    Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ayaa ku dhawaaqay inay labada toddobaad ee soo socda ciidamadooda kala bixi doonaan magaalada Lubero, oo ku taalla gobolka Waqooyiga Kivu ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo).

    Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Uganda, amniga magaalada ayaa lagu wareejin doonaa ciidamada dowladda Congo (FARDC) marka ay ciidamada Uganda halkaas ka baxaan.

    Ciidamada Uganda ayaa tan iyo bishii Janaayo 2025 hawlgallo ka waday deegaankaas, iyaga oo isku dayayey inay la dagaallamaan maleeshiyaadka kooxda Allied Democratic Forces (ADF), kuwaas oo ka soo cararay hawlgallo milatari oo ay si wadajir ah uga fuliyeen gobollada Waqooyiga Kivu iyo Ituri.

    Bayaanka waxaa saxiixay Korneyl Chris Magezi, oo ah ku-simaha agaasimaha warfaafinta ciidamada Uganda, balse laguma sheegin sababaha keenay go'aanka ciidanka loogala baxayo Lubero.

    Dhanka kale, shalay ayay dowladda DR Congo u yeertay safiirka Uganda ee magaalada Kinshasa, si uu sharaxaad uga bixiyo qoraallo uu baraha bulshada ku baahiyey taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweynaha dalkaas.

    Qoraallo dhowr ah oo uu ku baahiyey barta X ayuu jeneraalka ku sheegay inay suurtagal tahay in kooxaha fallaagadu la wareegaan magaalada Walikale, oo ah deegaan macdan badan leh oo ku yaalla bariga DR Congo.

    Uganda iyo DR Congo ayaa bishii Nofeembar 2021 bilaabay hawlgal milatari oo wadajir ah oo ka dhan ah kooxda ADF iyo kooxo kale oo hubaysan oo ka hawlgala gobolka.

    Ujeeddada hawlgalladaas ayaa ahayd in la wiiqo awoodda kooxahaas, lagana hortago inay khatar ku noqdaan amniga gobolka.

    Warar dheeraad ah

  10. Ilaalada Kacaanka Iiraan: Diyaarad dagaal oo Mareykan ah ayaa dib uga laabatay meel u dhow jasiiradda Hengam

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in diyaarad dagaal oo Mareykan ah oo nooca F-16 ah ay dib uga laabatay koonfur-bari jasiiradda Hengam, kaddib markii digniin rasaas difaac ah loo adeegsaday.

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in diyaaradda F-16 ay hawlgal ku jirtay, kaas oo ahaa ilaalinta iyo garabsiinta maraakiib ay ku tilmaameen kuwo xadgudub sameynaya, kuwaas oo ku sugnaa koonfur-bari jasiiradda Hengam.

    Waxay intaas ku dartay in diyaaradda ay ku soo dhowaanaysay hawada Iiraan.

    Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda dagaalka lagu qasbay inay beddesho jihada duulimaadkeeda, isla markaana ay ka fogaato hawada dalka, kaddib markii ay samaysay leexasho degdeg ah.

    Iiraan iyo Mareykanka ayaa labaduba sheegta inay awood ku leeyihiin marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

    Dhanka kale, Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Britain ayaa sheegtay in intii u dhexeysay 18-kii iyo 20-kii Nofeembar ay 114 markab soo mareen marinka Hormuz, iyaga oo kaashanaya Mareykanka.

    Warar dheeraad ah

  11. Xayawaanka laga helo Soomaaliya ee loo maleynayo in laga qaado xanuunka juudaanka

    Xanuunka Juudaanka ayaa ah mid halis ah
    Qoraalka sawirka, Xanuunka Juudaanka ayaa ah mid halis ah

    Bani’aadamka ayaa laga yaabaa inay xilliyadii hore cudurka juudaanka ka qaadeen xayawaanada oo xanuunkaasi sida.

    Waxay daraaseeyeen lafaha bani’aadamka iyo dabagaallaha cas oo laga soo saaray goobo ku yaalla magaalada Winchester, ee koofurta England, waxayna ogaadeen inay si dhow ula xiriireen bakteeriyada cudurka sababta.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  12. Warbaahinta Turkiga: Erdogan oo si rasmi ah u ansixiyey heshiiska difaaca ee Maka

    Recep Tayyip Erdogan iyo Maxamed Binu Salmaan
    Qoraalka sawirka, Recep Tayyip Erdogan iyo Maxamed Binu Salmaan

    Warbaahinta Turkiga ayaa Jimcihii sheegtay in madaxweynaha dalkaas, Recep Tayyip Erdogan, uu si rasmi ah u ansixiyey heshiis difaac oo wadajir ah oo dhexmaray Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii baarlamaanka Turkigu uu heshiiska ansixiyey horraantii bishan Nofeembar, taas oo dhammaystirtay hannaankii sharci ee lagu meelmarinayey.

    Saddexda dal ayaa heshiiskan difaaca wadajirka ah ku kala saxiixday magaalada Maka ee Sacuudiga bishii August ee sannadkan.

    Dalalkan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay maalmaha Jimcaha iyo Sabtida shir madaxeed ku yeeshaan magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.

    Baarlamaanka Turkiga ayaa heshiiska ansixiyey 5-tii Nofeembar, taas oo Ankara u suurtagelinaysa inay taageero milatari siiso Riyadh, iyadoo la raacayo qodobada heshiiska.

    Sida ku cad heshiiska, weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal ayaa loo aqoonsanayaa weerar lagu qaaday dhammaantood.

    Xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa bishii hore wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in baarlamaanka la horgeyn doono hindise sharciyeed oggolaanaya in heshiiskan lagu salayn karo dirista ciidamo Turki ah oo la geeyo Sacuudiga.

    Turkiga ayaa leh ciidanka labaad ee ugu weyn dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO.

    Warar dheeraad ah

  13. DR Congo oo Uganda ka dalbatay sharaxaad ku saabsan hanjabaadaha Jeneraal Muhoozi

    Jeneraal Muhoozi Kainerugaba
    Qoraalka sawirka, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo) ayaa u yeertay safiirka Uganda ee magaalada Kinshasa, kaddib qoraallo uu baraha bulshada ku baahiyey taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo sidoo kale ah wiilka madaxweynaha dalkaas.

    Qoraallo dhowr ah oo uu ku baahiyey barta X ayuu Jeneraal Kainerugaba u muuqday inuu taageerayo suurtagalnimada in kooxaha fallaagada ahi la wareegaan deegaanka Walikale ee bariga DR Congo, oo hodan ku ah macdanta.

    Hase yeeshee, waxa uu ku adkaystay in joogitaanka ciidamada Uganda ee gudaha DR Congo uu keliya la xiriiro arrimo amni.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee DR Congo ayaa safiirka Uganda ugu yeertay inuu sharaxaad ka bixiyo hadallada jeneraalka, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo “aad khatar u ah” isla markaana dhaawici kara xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

    Dowladda Uganda ilaa hadda wax jawaab ah kama aysan bixin arrintan.

    Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa soo baxday iyadoo labada dal ay muddooyinkii dambe iska kaashanayeen dhinaca milatariga.

    Tan iyo sannadkii 2021, ciidamada Uganda iyo kuwa Congo ayaa si wadajir ah uga fulinayey hawlgallo milatari bariga DR Congo, kuwaas oo ka dhan ah kooxda Allied Democratic Forces (ADF), oo xiriir la leh ururka Daacish.

    Uganda ayaa sidoo kale ku lug lahayd dadaallo lagu dhexdhexaadinayo dowladda Congo iyo koox hubaysan oo uu hoggaamiyo Thomas Lubanga, oo hore u ahaa hoggaamiye kooxeed, kana hawlgasha gobolka Ituri.

    Qoraalladiisa, Jeneraal Kainerugaba ayaa kooxda hubaysan ee Democratic Forces for the Liberation of Rwanda (FDLR), oo ka dagaallanta bariga DR Congo, ku eedeeyey inay bartilmaameedsato bulshada Bahima.

    Bahima waa bulsho dhaqan ahaan xoolo-dhaqato ah oo inta badan ku nool gobolka Ituri ee waqooyi-bari DR Congo, isla markaana leh xiriir taariikheed iyo mid dhaqan oo ay la wadaagto bulshada Bahima ee Uganda.

    Jeneraalka ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu taageeri doono in fallaagadu la wareegaan deegaanka Walikale, isaga oo isla markaas difaacay joogitaanka ciidamada Uganda ee DR Congo.

    Walikale waa deegaan hodan ku ah macdanta, waxaana ku yaalla qaar ka mid ah macdan-qodista ugu waaweyn ee dalka, gaar ahaan kuwa laga soo saaro daasadda iyo dahabka.

    Akoonka Jeneraal Kainerugaba ee barta X, oo ay ku xiran yihiin ku dhowaad 1.4 milyan oo qof, ayaa markii dambe noqday mid aan la geli karin.

    Lama oga inuu isagu xiray, sidii uu hore u sameeyey, iyo in shirkadda X ay xannibtay.

    Isla toddobaadkan, jeneraalka ayaa ku dhawaaqay:“Qoraalladayda aan barta X ku baahiyo ee Uganda waa amarro ay tahay in la fuliyo.”

    Warar dheeraad ah

  14. Ukraine oo raalli-gelin ka siisay Liibiya weerarkii lagu qaaday dekedda Benghazi

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa sheegay in weerarkii ay Ukraine ku qaadday maraakiibta Ruushka ee ku sugnaa dekedda Benghazi ee dalka Liibiya uu bartilmaameedkiisu ahaa ciidamada milatariga Ruushka, balse aanu ahayn mid ka dhan ah Liibiya.

    Sybiha oo farriin ku baahiyey barta X ayaa sheegay in Ukraine aanay wax qorshe ah u lahayn inay dagaalka ay Ruushka kula jirto ku fidiso Liibiya ama dal kale.

    Axaddii, Ukraine ayaa adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee badda si ay u weerarto markab dagaal oo nooca Corvette-ka ah iyo markab xamuul oo Ruushku leeyahay, kuwaas oo ku sugnaa dekedda Benghazi.

    Wasiirka ayaa sheegay in bartilmaameedyada weerarku ay ahaayeen maraakiibta dagaalka ee Ruushka iyo kuwa xamuulka ee sida qalabka milatariga. Waxa uu intaas ku daray in Ukraine ay adeegsanayso xaqa ay u leedahay is-difaaca.

    Sybiha ayaa sidoo kale raalli-gelin ka bixiyey, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ka dhashay weerarka ee gudaha Liibiya.

    Dhanka kale, dowladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Tripoli, isla markaana taageerada ka hesha dalalka reer Galbeedka, ayaa cambaareysay hawlgalka Ukraine. Waxay sheegtay in Liibiya aan lagu soo jiidi karin dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

    Dhankeeda, dowladda Ruushka ee Kremlin-ka ayaa Ukraine ku eedaysay inay isku dayayso inay dagaalka ku fidiso badda Mediterranean-ka iyo badda Baltic-ga, tallaabadaas oo ay ku tilmaantay mid aad khatar u ah.

    Warar dheeraad ah

  15. Wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

    Erling Haaland
    Qoraalka sawirka, Erling Haaland

    Manchester City: Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland, oo 26 jir ah, ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu kooxda ka tago dhammaadka xilli ciyaareedkan. Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha uu doorbidayo inuu ku biiro. (El Nacional)

    - Liverpool: Kooxda Liverpool ayaa ka fiirsanaysa inay la soo wareegto khadka dhexe ee Bayern Munich, Jamal Musiala, oo 23 jir ah, haddii ciyaaryahanka xulka Jarmalku uu taam u noqdo inuu garoomada ku soo laabto dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Football Insider)

    - Manchester United: Kooxda ayaa isha ku haysa daafaca kooxda Sporting, Maxi Araujo, oo 26 jir ah. Ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa la sheegay inuu doonayo inuu kooxda ku biiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Janaayo. (Sport Witness)

    - Atletico Madrid: Kooxda reer Spain ayaa kalsooni ku qabta inay sii haysan doonto weeraryahanka reer Argentina ee Julian Alvarez, inkasta oo ay xiiseynayaan Paris Saint-Germain iyo Arsenal. (Teamtalk)

    - Chelsea: Kooxda Chelsea ayaa ka fiirsanaysa inay dib ula soo wareegto daaficii hore ee xulka Jarmalka, Antonio Rudiger, oo 33 jir ah, kaas oo haatan u ciyaara Real Madrid. (Football Insider)

    - Leicester City: Kooxaha Leeds United, Brentford iyo Crystal Palace ayaa dhammaantood la socda horumarka weeraryahanka da'da yar ee reer England, Bismark Owusu, oo 18 jir ah. (Teamtalk)

    Warar dheeraad ah

  16. Abiy Axmed: Koboca Itoobiya waxba uma dhimayo Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya

    Abiy Axmed
    Qoraalka sawirka, Abiy Axmed

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale ka hadlay arrinta marin-badeedka Badda Cas, isaga oo khudbad u jeediyey baarlamaanka dalkiisa.

    Abiy ayaa sheegay in Itoobiya aanay doonayn inay xoog ku qaadato ama boobto wax ay dal kale leeyihiin, balse ay rabto in dalalka gobolka ay si wadajir ah uga faa’iidaystaan khayraadka jira.

    “Ujeeddadeennu ma aha inaan wax xadno ama boobno, waxaan rabnaa inaan si wadajir ah u kobocno,” ayuu yiri Abiy.

    Waxa uu sheegay in arrinta Badda Cas aanay ahayn oo keliya mid dhul la xiriirta, balse ay sidoo kale khusayso amniga gobolka iyo hawada sare.

    Abiy ayaa intaas ku daray in Itoobiya ay doorbidayso iskaashi iyo wadajir, isaga oo sheegay in aanay doonayn in dalalka deriska ahi isku dhacaan.

    Waxa uu si gaar ah u xusay Eritrea, isaga oo sheegay in aanu jirin dal Itoobiya uga dhow marka laga eego dhaqanka, deegaanka iyo diinta.

    “Koboca dalkeenna waxba uma dhimayo Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya. Waxaan nahay qoys ay deris yihiin,” ayuu yiri.

    Hase yeeshee, waxa uu sheegay in iskaashiga dalalka derisku aanu noqon karin mid hal dhinac oo keliya uu faa’iido ka helo, dhinaca kalena uu khasaaro kala kulmo.

    Abiy ayaa sidoo kale sheegay in haddii helitaanka deked ay Itoobiya doonayso uu dhibaato u keenayo Eritrea, aanay taasi sax ahayn.

    Isaga oo ka hadlayay xiriirka labada dal, ayuu sheegay in aanay sax ahayn in la yiraahdo Eritrea muddo 30 sano ah ma adeegsan waddooyin, isaga oo xusay in boqollaal kun oo Eritrean ahi ay Itoobiya ku nool yihiin, halka dalkiisu uu siiyo shaqo iyo hoy.

    Warar dheeraad ah

  17. Trump: Haddii aanu dagaalka gelin, waxaa dhici lahaa masiibo nukliyeer ah

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania Trump ayaa khadka telefoonka kula xiriiray cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Mareykanka.
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania Trump ayaa khadka telefoonka kula xiriiray cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Mareykanka.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku aanu dagaalka kula jirin Iiraan u gelin dano shidaal, balse uu u galay ilaalinta Israa’iil iyo dalalka kale ee gobolka.

    Trump ayaa hadalkan sheegay khamiistii , xilli uu khadka telefoonka kula hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, munaasabadda maalinta Thanksgiving-ka.

    Isaga oo ka hadlayay sababta Mareykanku uga qayb qaatay dagaalka, ayuu sheegay in dalkiisu aanu u baahnayn shidaalka Bariga Dhexe, maadaama uu haysto kayd shidaal oo badan, isla markaana uu shidaal ka helo Venezuela.

    Trump ayaa intaas ku daray in Mareykanku uu doonayo nabad ka dhalata Bariga Dhexe, isaga oo ka digay in haddii aan nabad la helin ay dhici karaan dhibaatooyin waaweyn.

    Waxa uu sidoo kale ku andacooday in haddii Mareykanku aanu dagaalka gelin, Iiraan ay hub nukliyeer ah u adeegsan lahayd Israa’iil iyo dalalka gobolka, taasina ay sababi lahayd masiibo nukliyeer ah.

    Iiraan ayaa marar badan beenisay inay doonayso inay samaysato hub nukliyeer ah, waxayna sheegtaa in barnaamijkeeda nukliyeerka aanu lahayn ujeeddo militari.

    Dhankeeda, Iiraan waxay Mareykanka ku eedaysay inuu dagaalka ku galay talo iyo qorshe Israa’iil, halkii ay ka ahaan lahayd inuu jiray khatar degdeg ah oo amniga qaranka Mareykanka ku wajahan.

    Warar dheeraad ah

  18. Sacuudiga: Hawlaha warshad sifaysa shidaalka oo si ku-meel-gaar ah loo hakiyey kaddib weerar.

    Afhayeenka Xuutiyiinta
    Qoraalka sawirka, Afhayeenka xuutiyiinta

    Sida aan horey ugu soo sheegnay wararkeenna, shaqaale u dhashay dalka Nepal ayaa ku dhintay, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday warshad sifaysa shidaalka oo ku taalla gobolka Jizan ee Sacuudiga.

    Wasaaradda Tamarta ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in qayb ka mid ah hawlihii warshadda si ku-meel-gaar ah loo hakiyey.

    Wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in dabkii ka dhashay weerarka la xakameeyey.

    Khamiistii, wakaaladda wararka ee Sacuudiga, oo soo xiganaysay Wasaaradda Tamarta dalkaas, ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay weerarka lagu qaaday warshadda sifaysa shidaalka ee Jizan.

    Wakaaladdu waxay sheegtay in “shaqaale u dhashay Nepal uu ku dhintay, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen”, kaddib markii gantaal hawada laga soo tuuray uu ku dhacay warshadda.

    Saacado kaddib weerarka, isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa ku dhawaaqay in fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay weerarka ku qaadeen warshadda.