Xog caafimaad iyo mid shaqsiyeed oo xasaasi ah oo laga xaday FBI-da Mareykanka

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xog caafimaad iyo mid shaqsiyeed oo xasaasi ah oo ku saabsan kumannaan wakiillo gaar ah oo ka tirsan Hay'adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da, ayaa la sheegay inay gacanta u gashay burcad internet.

Kooxda weerarka qaaday ayaa sheegtay inay heshay xog caafimaad oo aad u xasaasi ah oo ku saabsan kumannaan wakiillo ka tirsan FBI -da.

BBC News ayaa aragtay tusaalooyin ka mid ah baaritaanno caafimaad oo loogu talagalay in lagu qiimeeyo in shaqaaluhu u qalmaan shaqada. Diiwaannadaasi waxay ka koobnaayeen natiijooyinka baaritaannada dhiigga iyo kaadida iyo qoraallo dhakhaatiir, kuwaas oo xusay xaalado ay ka mid yihiin xasaasiyadda cuntada badda, iyo mooska ama muuska.

Diiwaannada waxaa sidoo kale ku jiray magacyada oo buuxa, cinwaannada, iyo xog la xiriirta dhibaatooyin caafimaad, sida dhiiga ,kaadida iyo kolestarool sare ama dufanka jirka.

Khubaro ayaa sheegay in haddii xogtan la xaqiijiyo inay gacan u geli karto dambiilayaasha, ay wakiillada FBI u horseedi karto khiyaano, baad iyo weerarro si gaar ah loo bartilmaameedsado, sidoo kalena ay fududeyn karto in dambiilayaashu iska dhigaan saraakiil ka tirsan hay'adaha ammaanka.

Etty Moore, oo ah madaxweyne ku-xigeenka sirdoonka khataraha internetka ee Cato Networks, ayaa sheegtay in xogtan ay ku jiraan diiwaannada caafimaad iyo kuwa shaqo-u-qalmidda ee kumannaan wakiillo ah.

Waxay sheegtay in furaha sirta ah la beddeli karo haddii la xado, balse diiwaannada caafimaadka aan dib loo beddeli karin, sidaas darteed marka xogtu bannaanka u soo baxdo ay jiri karto muddo dheer.

FBI kama aysan jawaabin codsiyada BBC ee ku aaddan faahfaahin, balse Arbacadii ayay qiratay inay dhacdadani dhacday, iyadoo sheegtay inay baarayso sababta.

Kooxda dambiilayaasha internetka ee Shiny Hunters ayaa sheegatay inay Isniintii jabsatay nidaamyada FBI, kaddibna xogta ku baahisay bog ay isticmaalaan burcadda internetka.

Kooxdu waxay sidoo kale saxafiyiinta la wadaagtay tusaalooyin xogta la sheegay in la xaday, iyadoo dalbatay in FBI ay ka noqoto digniin ay bishii May soo saartay oo ay kooxdu sheegtay inay ka carootay.

Tusaalooyinka la helay waxay u muuqdaan kuwo dhab ah, waxaana ku jiray magacyo, cinwaanno, lambarrada telefoonka, lambarrada aqoonsiga shaqada, jagooyin iyo xog ku saabsan xaasas.

Diiwaannadan ayaa la sheegay inay khuseeyaan kumannaan wakiillo ah, oo ay ku jiraan saraakiil sare sida ku-xigeennada agaasimaha FBI.

Professor Ciaran Martin, oo hore u ahaa madaxa Xarunta Qaranka ee Amniga Internetka ee Britain, ayaa sheegay in haddii weerarkan la xaqiijiyo uu noqon karo "mid ka mid ah jebinta xogta ugu halista badan ee abid dhacda."

Khiyaano internetka, been-abuur iyo xatooyo aqoonsi.

Sida ay sheegtay Reuters, xogta la xaday waxaa sidoo kale ku jira macluumaad ku saabsan wakiillo ka shaqaynayay baaritaanno la xiriiray Ruushka, Shiinaha iyo kooxaha daroogada ka ganacsada.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in xogta laga yaabo inay ku jirto faahfaahin ku saabsan qayb ka mid ah FBI-da oo aan si weyn loo aqoon, taas oo qaabilsan jabsiga internetka.

Markii hore waxaa la rumaysnaa in xogtu saameysay 38,000 shaqaale oo hadda ka tirsan FBI, balse burcadda internetka ayaa hadda sheegaysa in tiradu intaas ka badan tahay.

Kooxdu waxay sheegtay inay markii hore dhayalsatay baaxadda xogta la xaday, ayna hadda haysato xog xasaasi ah oo ku saabsan ku dhowaad 60,000 shaqaale hore iyo kuwa hadda ka tirsan FBI.

Jamie Akhtar, madaxa shirkadda CyberSmart, ayaa sheegay in sheegashada burcaddu ay tahay in taxaddar laga qaato, balse xog-bixintan ay u muuqato mid aad looga walaaco.

Wuxuu sheegay in xogtan loo adeegsan karo khiyaano internet, been-abuur, xatooyo aqoonsi, baad, ama xitaa in si gaar ah loo bartilmaameedsado saraakiisha ammaanka.

Kooxda burcadda ah ayaa saxafiyiinta kula xiriirtay Telegram, waxayna sheegtay inay shan maalmood gudahood daabici doonto dhammaan xogta, haddii FBI aysan fulin dalabaadkooda.

Shiny Hunters waa koox caalami ah oo jabsiga internetka ku hawlan tan iyo 2019, waxaana lala xiriiriyay weerarro waaweyn oo dhanka internetka ah.

Kooxdu waxay sheegtay inay ka faa'iidaysatay cillad amni oo ku jirtay nidaamka kaydinta xogta Oracle Cloud ee ay FBI isticmaasho, taas oo siisay marin ay ku gaaraan dhowr nidaam oo ay ku jiraan FBI Jobs iyo nidaamyada kaydiya xogta caafimaadka iyo baaritaannada.

FBI ayaa sheegtay inay weli baarayso in burcaddu si toos ah u gashay nidaamyadeeda iyo in kale, ama ay adeegsatay shirkad saddexaad oo xiriir la leh FBI.

Hay'addu waxay sheegtay inay si adag u baarayso dhacdada, isla markaana ay la shaqaynayso shirkadaha kale ee ku lugta leh si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara.