Maxay tahay sababta xulka England aanay badanaa uga guulaysan waddammada waaweyn?

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Maanta, marka ay xulka England ay garoonka Wembley kula kulmaan xulka qaranka Spain, kulanka furitaanka ee koobka loo yaqaan Nations League, taageerayaasha xulkan lagu naanayso Saddexda Libaax, waxaa ay ka sii wewerayaan inay dib ugu soo laabato xusuus guuldarro ah oo ay marar badan la kulmeen.

Kulankan waxa uu dhacayaa saddex bilood kaddib markii England ay si xanuun badan u beerdarraysay fursaddii ay Spain kula ciyaari lahayd finalka Koobka Adduunka, kaddib markii Argentina ay semi-finalka ku reebtay.

Haddii England ay Argentina ka gudbi lahayd, waxay Spain kula ciyaari lahaayeen ciyaarta kama danbaysta ah ee Koobka Adduunka, taas oo noqon lahayd ku celiskii kulankii Euro 2024 oo ay England markaas Spain kaga adkaatay.

Dhibaatada xulka England ayaa badanaa ah in marka laga hadlayo kulammada ay Ela ciyaaraan xulalka ku jira tobanka ugu sarreeya qiimeynta FIFA, rikoodhkoodu uu yahay mid aan wanaagsanayn.

15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen xulalka ku jira tobanka ugu sarreeya adduunka, England waxay badiyeen lix kulan oo keliya.

Saddex ka mid ah lixdaas guulood waxay ka dhacday tartamada waaweyn. Waxay Denmark kaga badiyeen ciyaartii afar dhammaadka ee Euro 2021, Netherlands-na isla afar dhammaadkii Euro 2024, halka ay France kaga badiyeen kulankii kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka xagaagan.

Guushii ay France ka gaadheen kulanka kaalinta saddexaad waxay ahayd guushii ugu horreysay ee Thomas Tuchel, tan iyo markii uu noqday tababaraha England, uu ka gaadho xul ku jira tobanka ugu sarreeya adduunka.

Sidoo kale, guushii ugu horreysay ee uu ka gaadoh xul ku jira 20-ka ugu sarreeya waxay timid kulankii furitaanka heerka guruubyada Koobka Adduunka, markaas oo England ay Croatia ka badiyeen

Maxay tirakoobyadu sheegayaan?

Lix guulood oo keliya in ay kaa gaadheen 15 kulan oo ay la ciyaareen cxulalka tobanka ugu sarreeya ma aha rikoodh ku filan xul higsanaya inuu ku guuleysto tartamada waaweyn.

Laba ka mid ah guulahaas waxay England u horseedeen inay gaadhaan finalka Euro 2020 iyo Euro 2024. Mid kale wuxuu ahaa kulankii kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka, halka laba ay ahaayeen kulamo isreebreebka ee Koobka Euro ah oo ay la ciyaareen Talyaaniga oo ku jiray isna xaalad hoos u dhac ah. Guusha kale waxay ahayd mid ay Belgium kaga gaadheen Nations League lix sano ka hor.

Marka si gaar ah loo eego kulamada ay la ciyaaraan xulalka ugu sarreeya, tirakoobyadu waxay muujinayaan in England ay aad ugu dhibtoodaan in ay ka adkaadaan xulalka heerkaas ah, gaar ahaan Koobka Adduunka.

Tan iyo 1998, England waxaa laga reebay dhammaan toddobadii jeer ee ay wareegyada Koobka Adduunka kula kulmeen xul ku jiray tobanka ugu sarreeya qiimeynta FIFA.

10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka ee ay England la ciyaartay xulal ku jira tobanka ugu sarreeya, hal guul oo keliya ayay gaadheen. Waxay ahayd kulankii heerka guruubyada ee Koobka Adduunka 2002, markaas oo ay Argentina ka badiyeen.

Sidoo kale, markii ay Koobka Adduunka la kulmeen xulka difaacanayay koobkaas, England dhammaan afartii kulan waa laga badiyay:

• 1954: Uruguay 4–2 England

• 1962: Brazil 3–1 England

• 2022: England 1–2 France

• 2026: England 1–2 Argentina

Dhanka tartamada Yurub, England waxay leedahay rikoodh ka wanaagsan marka ay la ciyaarayaan xulalka ku jira qiimaynta sare. Waxay Denmark iyo Netherlands kaga badiyeen semi-finaladii Euro 2021 iyo Euro 2024, taas oo u sahashay inay labada jeerba gaadhaan finalka.

Hase yeeshee, labada finalba waxay ku dhammaadeen guuldarro. Italy ayaa ka qaadday Euro 2020, halka Spain ay ka qaadday Euro 2024.

Arrin kale oo tirakoobyadu muujinayaan ayaa ah haysashada ciyaarta dhexdeeda kubbadda. 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay England la ciyaartay xulalka ku jira tobanka ugu sarreeya, boqolkiiba lahaanshaha kubbadda ee ugu hooseeyay waxay gaadheen 35.8% kulankii semi-finalka ay Argentina la ciyaareen Koobka Adduunka.

Sidoo kale, England waxay kubbadda haysatay 34.9% finalkii Euro 2024 ee ay Spain la ciyaareen, halka ay 42.1% ka haysatay Italy finalkii Euro 2020.

"Waxaan u baahanahay inaan is aamminno"

"Waxaan u baahanahay inaan isku kalsoonaanno"

Harry Kane, oo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda England, kaas oo dhaliyay 85 gool, ayaa la weydiiyay waxa uu u arko inay England aanay badanaa ka gudbin kulammada waaweyn iyo waxa caqabaddaa ku xallin karaan

"Waxaan u malaynayaa in waxa ugu muhiimsani ay tahay inaan xilliyada ugu waaweyn isku kalsoonaanno," ayuu Kane u sheegay BBC Radio 5 Live.

"Ciyaartii Argentina aad bay u adkayd in la aqbalo natiijadeedii, sababtoo ah waxaan maskaxda ku haysannay in aan ku guuleysanno tartanka, annagoo ku guuleysanayna qaabkeenna iyo habkeenna ciyaareed ee noo gaarka ah. Haddii aan sidaas sameyno oo nala badiyo, waan aqbali lahayn."

"Laakiin ciyaartii Argentina waxay ahayd laga yaabee kulankii ugu horreeyay ee 30-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay aan isku daynay inaan iska ilaalinno guuldarro, ugu dambayntiina haddana waa nalaga badiyay."

Kane, oo Bayern Munich u dhaliyay 152 gool 154 kulan, isla markaana kula guuleystay laba horyaal oo Bundesliga ah, ayaa tusaale uga soo qaatay khibraddiisa ku aaddan kooxda Jarmalka ee uu hadda u ciyaaro.

"Waxaan taas ka bartay Bayern Munich, tusaale ahaan. Halkan markaannu joogno kama cabsanno koox kasta," ayuu yidhi 33 jirkan reer England.

"Aad ayaan ugu dhowaanay guusha, marar badanna aad ayaan ugu dhowaanay. Laakiin ugu dambayntii, cidna ma aha in aan ka cabsanno."

"Waxaan u baahanahay oo keliya inaan annaga ahaanno xilliyada ugu waaweyn, waxaana rajaynaynaa inaan ugu dambayn ka gudubno caqabaddaas."