You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wararkii ugu dambeeyay ee isku dhacyadii ilaa xaaly Muqdisho ka socday
Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tan iyo shalay galab iska hor'iaamdyo goos goos ah ay ka dhacayeen degmooyinka Hawlwadaag iyo Cabdicasiis.
Iska hor'imaadka ayaa waxa uu dhexmarayaa ciidamada dawladda iyo ilaallada qaar kamid ah siyaasiyiinta micaaradka ee ku sugan Muqdisho.
Waxaa wali magaalada gaar ahan goobihii isku dhacyada ay ka dhaceen ka so socda dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalakan.Dadka magalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha ay isku dhacyada ka dhaceen ayaa saaka sheegay in ay maqleen rasaas goos -goos ah.
Maxay laamaha ammaanka ee dowladda ka yiraahdeen isku dhacyadan?
Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa war qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in 'in ciidanku ku hawlan yihiin soo afjaridda hawl-gal uu ku sheegay "in ay wadaan Hay'adaha Amniga Caasimadda, kaas oo lagu sifeynayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus, kuwaas oo hoobiyeyaal ku garaacay qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda".
Sida uu sheegay taliyaha booliiska ma jiro wax bannaan ah oo la iskugu iman karo isaga oo dadka ugu baaqay "nay ka feejignaadaan falalka abaabulan ee hubeysan ee lidka ku ah amniga iyo xasilloonida, isla markaana ay la shaqeeyaan Hay'adaha Amniga si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni buuxda", ayuu ku yiri qoraalka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo dhankiisa shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho xalay ayaa ka warbixiyey waxa uu ku tilmaamay israsaaseyn laga maqlay qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag.
Afhayeenku waxa uu sheegay in "koox maleeshiyaad ah oo u abaabulan qaab liddi ku ah nabadgalyadu ay soo weerareen ciidammada dawladda oo ku sugan bar-kaantarool".
Waxa kale oo uu sheegay in ciidanku uu falkaas ka jawaabay iyaga oo ka taxaddaray in khasaare uu soo gaadho dadka shacabka ah.
Maxay yiraahdeen dhinacyada Mucaaradka?
Dagaalka ayaa la sheegay in markii hore uu ka bilaabmay guriga uu Muqdisho ka dagan yahay ra''sul wsaarihii hore ee soomaaliya Xasan Caliu Kheyre.
Xasan Cali Khayrre ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.
"Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.'
Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.
"Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday' oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan", ayuu intaa ku daray.
Sida ay tebiyeen warbaahinta maxalliga ah magaalada Muqdisho, isku dhacyo u dhaxeeeya ciidammada dawladda iyo ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale isla xalay ka dhacay aagga uu ka deggan yahay Degmadda Cabdicasiis, inkasta oo BBC-du ayaan si madax bannaan u xaqiijin karin dhacdooyinkaasi.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo xalay goor dambe warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in berri ay banaan-baxa uu yahya mid ay xaq u leeyihiin qaladna ay tahay in wax berri dhici doona la isku dayo in la xukumo, "sharciga haddii la raacayo berri ayuu qofkaaan waxaan qabanayaa waxba ugama qaban kartid", ayuu yiri.
"Madaxweyne la gala hadlaayo doorasho, oo la gala hadlaayo mudaharaad inuu ciidankii qaranka cadowga ka difaaci lahaa soo kiciyo, inuu doroomo soo kiciyo, oo wax allaale waxii uu heli karo annaga noo soo diro taasaa horta nasiib darro ah, isaga oo diidan in la mudaharaado". ayuu yiri sheekh shariif.