Maxaan ka ognahay wixii ka dhacay dalka Mali?

Xigashada Sawirka, Reuters
Bayaan ay soo saareen Sabtidii, milatarigu wuxuu ku sheegay "dagaalku wuu socdaa", isagoo intaa ku daray "ciidamadayada difaaca iyo amniga ayaa hadda ku hawlan sidii ay uga hortagi lahaayeen kuwa weerarka soo qaaday".
Dad goob joog ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters qaraxyo iyo rasaas ka dhacay agagaarka saldhigga militariga ee Kati, oo ah goob weyn oo ka baxsan caasimadda. Askarta ayaa la howlgeliyay si ay u xiraan waddooyinka aagga.
Waxa sidoo kale jira warar sheegaya weerarro ka dhacay Gao iyo Kidal oo ku yaal waqooyiga iyo Sevare oo ku yaal bartamaha Mali, taas oo falanqeeye uu ku tilmaamay weerarkii jihaadiyiinta ugu weynaa sannado badan.
Mid ka mid ah dadka deegaanka, oo u safrayay Bamako oo ka yimid Itoobiya, ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan duulimaadyada magaalada la joojiyay horraantii Sabtida. Wali ma cadda in weerarrada lasoo sheegay ay saameeyeen garoonka diyaaradaha.
Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa dadka kula taliyay in aan loo safrin Mali ka dib weerarrada, isagoo intaa ku daray in garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Bamako uu si ku meel gaar ah u xiran yahay. Dhanka kale, Safaaradda Mareykanka ee halkaas ku taal ayaa u sheegtay muwaadiniinta inay ku gabadaan halka ay joogaan oo ay ka fogaadaan safarka, iyadoo sheegtay qaraxyo iyo rasaas ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha iyo meel u dhow Kati.
Iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen xasillooni ka jirta inta badan qaybaha Bamako, haddana waxa jira warar sheegaya in rasaas ay ka dhacayso meelaha qaar. Bara kontorool ayaa laga sameeyay waddooyinka gala garoonka diyaaradaha, waxaana la baarayaa gaadiidka, sida ay sheegayaan wararku.
Ulf Laessing, madaxa Barnaamijka Sahel ee Hay'adda Konrad Adenauer ee Mali, ayaa BBC-da u sheegay in dhacdadu ay u muuqato "weerarkii jihaadiyiinta ee ugu weynaa ee sannado badan lagu qaado Mali".
Milatariga Mali ayaa sheegay inay la dagaallamayaan "kooxo argagixiso ah" oo aan la aqoon, xaaladdana la xakameeyay, laakiin warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalku uu sii socdo. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in ay ku lug leeyihiin kooxda jihaadiyiinta ah ee Jama'at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) iyo fallaagada Tuareg Azawad Liberation Front (FLA).
Mohamed Elmaouloud Ramadane, oo ah afhayeenka FLA, ayaa baraha bulshada ku sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen dhowr goobood oo ku yaal Gao iyo Kidal. Waxa uu sidoo kale ku boorriyay waddamada deriska la ah ee Burkina Faso iyo Niger inaysan faragelin. BBC-du ma aysan awoodin inay xaqiijiso sheegashooyinkan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dalka Mali waxa hadda ka taliya xukun milatari oo uu hoggaaminayo Jeneraal Assimi Goïta, kaas oo markii ugu horreysay xukunka ku qabsaday afgambi sannadkii 2020, isagoo ballan qaaday inuu soo celin doono amniga isla markaana uu dib u riixi doono kooxaha hubaysan.
Junta waxay heshay taageero dadweyne markii ay xukunka la wareegeen, iyagoo ballanqaaday inay wax ka qaban doonaan dhibaatada amni ee muddada dheer socotay ee ka dhalatay kacdoon gooni-u-goosad ah oo ka dhacay waqooyiga oo ay sameeyeen qowmiyadda Tuaregs, kaas oo markii danbe ay taladiisa afduubeen dagaalyahanno Islaamiyiin ah.
Hawlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay iyo ciidamada Faransiiska ayaa la geeyay sanadkii 2013 si ay wax uga qabtaan kacdoonka sii kordhaya.
Labaduba way ka baxeen tan iyo markii ay talada dalka la wareegeen ciidamada milatariga, dowladda militarigana waxay shaqaaleysiisay calooshood u shaqeystayaal Ruush ah si ay wax uga qabtaan amni darrada.
Si kastaba ha ahaatee, kacdoonka jihaadiyiinta ayaa sii socday, qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga iyo bariga dalkana waxay ku jiraan gacan ka baxsan xakamaynta dawladda.
Mali, Niger iyo Burkina Faso ayaa dhawaan ka baxay ururka Galbeedka Afrika ee Ecowas si ay u sameeyaan Isbahaysiga Dalalka Sahel. Ururkan wuxuu hiigsanayaa inuu wadaago kheyraadka, dhiso kaabayaasha dhaqaalaha, abuuro suuq iyo lacag guud iyo inuu u oggolaado dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, iyadoo hadafka muddada dheer uu yahay is-dhexgal qoto dheer.
Saddexda waddanba waxaa hadda hoggaaminaya dowlado militari ah ka dib markii ay dhaceen afgambiyo taxane ah.











