War deg deg ah, Trump oo sheegay weerarada ay ku joojinayaan codsi uga yimd Iiraan

Xigashada Sawirka, EPA / Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerarrada ay “joojin doonaan dhowaan” kadib codsi ka yimid Iran.
Sida ay ku warrantay Fox News, Trump wuxuu wareysi ku sheegay inuu amar ku bixiyay in la hakiyo weerarro cusub oo ka dhan ah Iran kadib “wicis taleefoon oo toos ah oo ka yimid Iran” iyo codsi uu sameeyay mas’uul sare oo dalkaasi ah.
Dhanka kale, warbaahinta rasmiga ah ee ku dhow Ilaalada Kacaanka (IRGC) ee Iran ayaa si cad u diiday sheegashadaas, iyagoo ku tilmaamay “been” in Iran ay codsatay joojinta weerarrada.
Wariyaha Fox News ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu ku xusay wicitaanka telefoonka ah in weerarro lagu qaaday gudaha Iran ay ku lug lahaayeen gantaallada Tomahawk oo lagu bartilmaameedsaday raadaarada difaaca, xarumaha difaaca, iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.
Weerarradaas ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha Iran, dhowr kiilomitir meel u jira magaalada caasimada ah ee Tehran.
Markii la weydiiyay su’aal ku saabsan suuragalnimada in Iran ay diido heshiiska uu Mareykanku soo jeediyay, Trump wuxuu ku jawaabay: “haddii ay diidaan, mar kale waa la duqeeyn doonaa.”






