Maxay tahay goobta haddii aad booqato aadan dib u soo laabayn adiga oo nool?

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Dadka halkan yimaada qorrax-dhaca ka dib mar dambe nolol kuma laabtaan. Dadka yimaada habeenkii waxaa la sheegaa inay dhintaan ama la waayo."
Kuwaasi waa erayadii qof haga dadka dalxiiska ku yimaadda Santosh Prajapati.
Taariikhda Qalcadda
Waxaa si cad ugu qoran boorka qalcadda in gelitaanka mamnuuc yahay laga bilaabo qorrax-dhaca ilaa qorrax-soo-baxa maalinta xigta. Dadka deegaanka waxay aaminsan yihiin in qalcaddan ay jinniyo ama ruuxaan ku nool yihiin. Waxaa la sheegaa inay tahay goobta ugu cabsi badan uguna la yaabka badan ee Hindiya.
Qalcadda Bhangarh waxaa la dhisay qarnigii 16-aad. Waxay ahayd xarunta ugu weyn ee boqortooyadii Raja Madhav Singh. Hase yeeshee, dhowr sano ka dib markii la dhisay qalcadda, dadkii ku noolaa halkaas way ka guureen waxayna u wareegeen meelo kale.
Sheekooyinka dadka deegaanka ayaa sheegaya in tani dhacday markii saaxirad deegaanka ka tirsan ay habaartay qalcadda iyo dadkii ku noolaa.
Waxaa la sheegay inay arrintan samaysay iyadoo ka carootay kadib markii ay ku guuldarraysatay inay kasbato jacaylka boqoradda qalcadda.
Qalcaddan ayaa la sheegay inay tahay goobta ugu jinniyaha badan uguna cabsi badan ee Hindiya, sida uu sheegay khabiirka ku taqasusay waxyaabaha qadiimiga ah Dr. Vinay Kumar Gupta.
Wuxuu sheegay in dhismaha qalcaddu uu billowday sannadkii 1570, isla markaana lagu dhammaystiray muddo ku dhow 16 sano.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qasri ay dhex-mushaaxaan ruuxda dadka dhintay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qalcadan waxaa loogu magac daray boqorkii Amer, Raja Ban Singh. Magac kale oo caan ah oo Raja Ban Singh lagu yaqaanay wuxuu ahaa Man Singh.
Madhav Singh wuxuu ahaa boqorkii xukumi jiray goobtan, halka Ratnavati ay ahayd boqoraddiisa, sida uu sheegay Santhosh Prajapati oo isagu ah hagaha dalxiisayaasha islamarkana tusa dalxiisayaasha gobahan muhiimka ah .
"Qalcaddan waxay jirtaa ku dhowaad 450 sano,waxaa lagu yaqaannaa inay ahayd meel aad u dad badnayd xilliyadii hore ee Hindiya, deegaankan wuxuu ka mid ahaa meelihii ugu dadka badnaa dalka," ayuu yiri Santosh.
Waxaa la sheegaa in habeenkii laga maqlo codad iyo dhawaaqyo aan caadi ahayn. Dadka deegaanka waxay aaminsan yihiin in qofkii halkaas yimaada habeenkii uusan dib ugu laaban si nabad ah ama la waayo meel uu jaan iyo cirib dhigay.
Waagii hore waxaa la sheegay inay halkaas ka dhaceen dhimashooyin dhowr ah. Tan iyo markaasna, sheekooyinka la isla dhex maro waxay sheegaan in ruuxyada dadka dhintay ay weli ku meeraystaan qalcaddan.
Sida uu sheegay Santosh Prajapati, oo ah hage dalxiis, dusha sare ee qalcadda waxaa ku yaallay munaarad saacad leh, waxaana halkaas ku noolayd saaxirad lagu magacaabi jiray Sindhu Sevda.
"Markii ay ku guuldarraysatay inay kasbato boqoradda, saaxiraddu waxay habaar ku ridday Qalcadda Bhangarh. Natiijadii, qayb weyn oo qalcadda ka mid ah ayaa burburtay muddo 24 saacadood gudahood ah," ayuu yiri Santosh.
Waxaa la sheegay in sannadkii 1605, dadka ku noolaa qalcaddan ay tiradoodu gaaraysay ku dhowaad 14,000 qof. Kadib masiibadaas la sheegay inay dhacday 24 saacadood gudahood, boqorka iyo qayb weyn oo dadkii degganaa halkaas way ka qaxeen.
Santosh wuxuu sheegay in dadkii halkaas deggenaa ay ka guureen deegaankaas una wareegeen meel kale, halkaas oo ay ka aasaaseen magaalada maanta loo yaqaan Jaipur. Sidaas darteed, ayuu yiri, deegaankan mararka qaar waxaa loo yaqaan "Jaipur-kii Hore."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Siddharth Bandwal, oo ka tirsan urur aan dowli ahayn oo Hindi ah, ayaa sheegay in uu dhowr jeer uu booqday Bhangarh.
"Kooxdayadu waxay Bhangarh tageen xilli habeennimo ah sannadkii 2012. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee koox caadi ah oo aan khubaro ahayn ay booqato goobtan," ayuu yiri.
"Kooxdayadu hal habeen ayay halkaas joogeen, waxayna sameeyeen baaritaan guud, qalabkii aan wadannay ayaa saldhig u noqday cilmi-baarista,waxaan isticmaalnay si aan xog u ururino, waxaan isku daynay inaan ogaanno haddii wax dhaqdhaqaaq ah halkaas ka jiraan," ayuu sii raaciyay.
Siddharth wuxuu sheegay in aysan arkin wax isbeddel ama dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo ay qalabkoodu diiwaangeliyay. "Runtii wax aan caadi ahayn ma dhicin habeenkaas oo aan dareemi karno ama aan duubi karno," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in aaggaas ay ku nool yihiin xayawaanno kala duwan. "Daanyeerro badan ayaa ku nool qalcadda,waxay fadhiyaan geedaha, laamaha ayay kor iyo hoos ugu boodboodaan, caleemaha qallalanna way ruxmaan,waxaas oo dhan waxay keeni karaan dhawaaqyo layaab leh," ayuu yiri.
Ugu dambayn wuxuu sheegay in sheekooyinka caanka ah ee goobtan laga faafiyey ay saameyn maskaxeed ku yeelan karaan dadka:
"Sababta sheekooyinkan iyo dhacdooyinkan awgood, waxaa dhici karta in dadku si nafsi ah u dareemaan waxyaabo aan jirin."
Dr. Vinay Kumar Gupta, oo ah khabiir ku taqasusay radadka waxyaabah qadiimiga, ayaa sheegay in si loo gaaro qalcaddan ay tahay in la maro saddex lakab oo darbiyo ah.
"Bilowga qalcaddan waxaa laga helaa raadad qadiimi ah oo muujinaya dukaamo lagu iibin jiray alaabo muhiim ah,waxaa suuragal ah in halkaas lagu kala iibsan jiray badeecooyin qiimo leh, waxa kale oo jiray Johari Bazaar, halkaas oo laga yaabo inay ku yaalleen dukaanada dahabka lagu iibiyo.
Wuxuu intaas ku daray:"Qalcaddani waxay lahayd qaybo gaar ah oo loogu talagalay dadka hodanka ah ee halkaas deggenaa,waxa kale oo jiray dhismayaal la xiriira maxkamadda boqorka."
"Fardo iyo maroodiyaal ayaa si weyn loogu adeegsan jiray dagaalladii waqtigaas. Sidaas darteed, waxaa jiray goobo iyo xerooyin gaar ah oo lagu hayn jiray xayawaannadaas,qalcaddu waxay sidoo kale lahayd qasri qurux badan oo uu ku noolaa boqorka iyo boqoraddiisu."
Marka laga eego dhinaca amniga, qalcad kasta waxay lahayd munaarado ilaalin ah oo lagu kormeeri jiray dadka gudaha iyo cadowga dibadda.
Ugu dambayn, wuxuu xusay in qalcaddu ay aad ugu dhowdahay Sariska Tiger Reserve, halkaas oo biyaha ku hareeraysan qalcadda ay soo jiitaan duurjoogta kala duwan.
Si kastaba ha ahaatee, sheekadani waxay ka mid tahay halyeeyo iyo sheekooyin dadku isugu sheekeeyaan, mana aha xaqiiqo taariikheed oo si rasmi ah loo caddeeyey. Magaalada Jaipur waxaa taariikh ahaan la aasaasay qarnigii 18-aad iyadoo ay dhiseen taliyayaashii boqortooyada Amer.














