Ninkii haweeneydan dilay hilibkeedana xayawaanka siiyay oo lasoo xiray

Xigashada Sawirka, Federal Police
Digniin: Warbixintani waxaa ku jira macluumaad laga yaabo inaad dhibsato.
Booliska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in la qabtay eedeysane lagu tuhunsan yahay inuu dilay shaqaale ka tirsan Bangiga Ganacsiga Itoobiya faraca deegaanka Alaltuu.
Aadde Adaanach Kumsaa, oo la tuhunsan yahay in si arxan darro ah loo dilay 15kii December 2025, isla markaana la waayay raadkeeda, ayay hore BBC uga warrantay kiiskeeda.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninka lagu tuhunsan yahay dilka, oo lagu magacaabo Obbo Tsaggaayee Asaallifaw Gonxee, lagu qabtay magaalada Dabra Birhaan.
Sida ay muujinayaan diiwaannada booliska, maalintii dilku dhacay, Aadde Adaanach iyo ninkan tuhmanaha ah waxay ku sugnaayeen hoteel iyagoo cunto wada cunaya.
Si kastaba ha ahaatee, khilaaf ka dhex dhashay kadib, Aadde Adaanach ayaa ka tagtay eedeysanaha, balse markii ay fuushay gaarigiisa, waxaa lagu tuhmay inuu ku dilay meel lagu magacaabo "Gomaaxaa" isagoo isticmaalaya mindi.
Intaas kadib, meydkeeda ayaa la waayay, iyadoo boolisku sheegay in xayawaan ay cuneen jirkeeda, halka madaxeeda oo keliya la helay.
Aadde Adaanach waxay degganeyd magaalada Sandaafaa Bakkee.
Booliska ayaa hore u sheegay in eedeysanaha uu isticmaalay gaari lagu fuliyey falka, kadibna uu gaariga iyo mindidii uga tagay magaalada Alaltuu, halkaasna uu ka baxsaday.
Sidaas darteed, boolisku waxay sheegeen inay caddeymo ka ururiyeen gaariga, oo ay ku jiraan dhiig, isla markaana ay ku raad joogeen eedeysanaha.
Booliska Federaalka, iyagoo kaashanaya Hay'adda Sirdoonka Qaranka iyo hay'adaha kale ee ammaanka, ayaa sheegay inay sameeyeen raadraac xooggan oo ay la kaashadeen maamulka Sandaafaa Bakkee.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu isticmaalayay waraaqo aqoonsi been ah, kuna dhuumanayay magaalooyin kale, isagoo u muuqday qof caadi ah, ilaa ugu dambeyntii la qabtay.
Booliska ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaanka, isla markaana aysan oggolaan doonin in cid dembi lagu tuhunsan yahay ay ka baxsato sharciga.
Sidoo kale waxay u mahadceliyeen dhammaan hay'adaha ka qeyb qaatay hawlgalkan.
"Sidee ayaa loo dilay?"

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Eedeysanaha ayaa haweeneyda toogtay kadibna ka tagay. Jirka haweeneyda la dilay waxaa cunay xayawaanno ama dugaaga.
Sida uu booliisku sheegay, bulshada ku dhaqan halakasi ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay maqleen rasaas habeenkaas, sidoo kalena gaarigu ay booliiska heleen uu ahaa isla noocii uu ninkaasi isticmaalayay.
Haraadiga hilibka jirka haweeneydan ee ay xayawaanku cuneen ayaa la so uruuriyya kadibna waxaa loo qaaday Isbitaalka Paul si loo sameeyo meydkeeda.
Adaanech oo ahayd hooyo labo carruur ah leh waxay ka soo jeedaa qoys balaaran oo aqoonyahano ah, waxayna ahayd gabadha reerka ugu yar .
Qaar ka mid ah qaraabadeeda iyo dadka ay taqaannay ayaa BBC u sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu hore uga daba tagi jiray ilaa goobteeda shaqo, isla markaana uu cabsi gelin jiray. Iyaduna waxay arrintaas hore ugu sheegtay qoyskeeda.
Si kastaba ha ahaatee, walaalkeed Kaasahun Kumsaa ayaa sheegay in qoysku uusan si cad uga warqabin hanjabaadahaas.
"Annaga walaalo ahaan dhammaanteen halkan ayaan joognaa, wax badan oo na soo gaaray ma aanan maqal," ayuu yiri isaga oo murugaysan.
Walaalkeed Kaasahun ayaa sheegay in nin darawal ah oo ka shaqeyn jiray shirkad dhisme uu soo kaxeeyay, isagoo u keenay Addis Ababa, halkaas oo ay muddo ku wada noolaayeen kuna dhaleen laba carruur ah, balse markii dambe ay kala tageen.
Walaalkeed ayaa sidoo kale sheegay in iyaga qoys ahaan ay gacan ka geysteen tarbiyeynta carruurteeda iyo waxbarashadeeda.
"Waxay ahayd qof adkaysi badan; kadib markay baratay xisaabaadka, waxay ku guuleysatay inay shaqo ka hesho Bangiga Ganacsiga Itoobiya," ayuu yiri.
Kadibna, iyadoo la nool labadeeda carruur, ayay guri kiro ah ka degtay xaafadda Sandaafaa, halkaas oo ay shaqadeeda bangiga ku wadatay.
Hase yeeshee, walaalkeed wuxuu muujiyay murugo isagoo sheegay in ay arrimo hore oo nolosheeda ka mid ahaa dartood ay mararka qaar qarin jirtay dhibaatooyinka ay la kulmeysay.
"Qoyska maxay leeyihiin?"
Walaalkeed Kaasahun ayaa sheegay inuusan hore u ogeyn xiriirka ka dhexeeyay Adaanech iyo ninka la tuhunsan yahay, isla markaana ay arrintan kaddib bilaabeen inay xog ka ururiyaan carruurteeda, jaarkeeda, asxaabteeda iyo booliska. Wuxuu sheegay inay kaliya ogaayeen inay shaqadeeda hayso oo ay carruurteeda si nabad ah u korinayso.
Markii la weydiiyay haddii ay hore u lahaayeen xiriir jacayl, walaalkeed wuxuu yiri:
"Xitaa haddii ay dad is jeclaayeen, ma aha wax caadi ah in qof lagu sameeyo fal sidan oo kale ah."
Wuxuu aad u muujiyay murugo isagoo yiri:
"Dilkeeda kaliya kuma ekaan, xataa waxaa loo dhiibay xayawaan inuu cuno."
Wuxuuna ku daray: "Fal sidan oo kale ah xitaa xayawaan ma sameeyo; qofka sidaas sameeyay xitaa xayawaanka isagaa ka daran."
Qof si dhow u yaqaan eedeysanaha ayaa sheegay inuu yahay nin deggan Addis Ababa, gaar ahaan degmada Gulele, isla markaana leh qoys. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ahaa qandaraasle ka shaqeeya mashruucyo dhowr ah, taas oo ka dhigtay inuu si joogto ah ugu safro goobta ay haweeneydu ka shaqeynaysay.
Dadka yaqaan waxay sidoo kale sheegeen in marar badan uu wajiga ku dabooli jiray maaskaro iyo maro madow, gaar ahaan marka uu bannaanka joogo, isla markaana uu iska bixini jiray marka uu gaariga galo.
Qofkan ayaa sheegay in ninkaasi uu si joogto ah Adaanech ugu hanjabi jiray inuu guursanayo.
Si kastaba ha ahaatee, Adaanech oo ahayd hooyo laba carruur ah leh, waxay hore u soo martay guur fashilmay, sidaas darteedna waxay diiradda saartay korinta carruurteeda oo ma aysan rabin guur kale.
Baaritaanka ilaa hadda socda ayaa muujinaya in Adaanech iyo ninka la tuhunsan yahay, Tsagaayee Asaalifoo, ay lahaayeen xiriir jacayl, isla markaana habeenkii dilka ay hoteel ku wada cuneen cunto.












