Sidee u joojin karnaa cunista xad-dhaafka ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cabitaanno culus, hambeegar qoys dhan ku filan, iyo saxanno cuntadu ka buuxdo. Qaar ka mid ah dalalka dunida, 50-kii sano ee la soo dhaafay, cayilka ayaa sii kordhayay iyadoo cabbirka raashinkuna sii kordhayay.
Haddaba sidee ayaan caafimaad u ahaan karnaa annagoo aan si xad-dhaaf ah u cunin, iyadoo warshadaha cuntadu ay soo bandhigayaan cuntooyin aad u soo jiidasho badan?
Cabbirka cuntada ayaa si weyn u kordhay Maraykanka tan iyo 1980-meeyadii, markii dadka ay bilaabeen inay in badan dibadda ka cunteeyaan, tartanka maqaayaduhuna uu sii xoogaystay.
Dr. Lisa Young oo ka tirsan Jaamacadda New York ayaa BBC-da u sheegtay: "Haddii dukaan baasto iibiya uu bixiyo qayb yar halka mid kale uu bixiyo qayb weyn, dadku waxay rabaan inay aadaan meesha bixisa qaybta weyn."
Waxay intaas ku dartay: "Cuntadu sidoo kale aad bay u jabanayd. Marka cuntadu jaban tahayna, labada dhinacba faa'iido ayay u tahay. Soo saaraha wuxuu ku siinayaa laba jibbaar isagoo wax yar qiimaha kordhinaya. Adiguna waxaad moodaysaa inaad gorgortan fiican heshay, iyaguna lacag badan ayay sameynayaan".
Sida uu sheegay Dr. Marle Alvarenga oo ka tirsan Jaamacadda São Paulo, isbeddelladan waxaa sidoo kale lagu arkayaa dalalka soo koraya sida Brazil.
"Arrintani waxay si gaar ah ugu badan tahay cuntooyinka baakadaysan iyo kuwa warshadaysan. Kuma arkeysid qaybo waaweyn cuntooyinka dhaqanka sida bariiska, digirta, kalluunka ama kasaafada," ayuu yiri.
Sida ay sheegtay Dr. Young, sababta ugu weyn waa "Ameerikeeyn" ku dhacday nidaamka cuntada.
"Marka cuntooyinka qaabka Maraykanka ah sida McDonald's ama nacnacyada qaarkood ay gaaraan dalal kale, cabbirrada cuntadu way sii weynaanayaan. Ugu dambayntiina waxaad cunaysaa cuntooyin aad loo warshadeeyay oo aad qaadanaysaa 500 kaloori oo dheeraad ah," ayay tiri.
Miyaan cunnaa wax badan marka cabbirka cuntadu bato?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida uu sheegay cilmi-nafsi yaqaan aan la hadalnay, waxaa jira caddeyn xooggan oo muujinaysa in dadku cunaan wax badan marka loo dhiibo qaybo waaweyn. Mid ka mid ah daraasadaha ayaa qiyaastay in dadku cuneen 35% ka badan markii cabbirka cuntada laba jibbaar laga dhigay.
"Ma aha oo keliya arrin la xiriirta dhammeystirka saxanka, sababtoo ah dadku si degdeg ah uma liqaan cuntada, balse waxaan ognahay in marka cabbirka cuntadu bato, qadarka guud ee la cunana uu kordho," ayuu yiri Professor Lenny Vartanian oo ka tirsan Jaamacadda New South Wales ee Sydney, Australia.
Professor-ku wuxuu sheegay in dhibaatada ugu weyn ay tahay in ay adag tahay in la ogaado inta ay tahay in la cuno, sababtoo ah jirkeennu mar walba ma bixiyo calaamado sax ah. Cabbirka cuntaduna wuxuu noqdaa tilmaame aynu raacno marka aynaan hubin.
"Badanaa ma joogno xaalad aan aad u gaajoonno ama aad u dheregno; waxaan ku jirnaa meel dhexe, taasoo naga dhigaysa kuwo u nugul saameynno kala duwan," ayuu yiri Professor Vartanian.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saxannada yaryar mana caawin karaan?
Mar ayaa la rumaysnaa in yaraynta cabbirka saxanka ay xal fudud noqon karto. Taasi waxay ka dhigan tahay in saxan buuxa uu qaadi doono cunto yar, taasoo abuuraysa khiyaano muuqaal ah. Haddii qadarka isku midka ah lagu rido saxan yar, wuxuu u muuqanayaa cunto badan, waxaana laga yaabaa inaad dareento dhereg badan oo aad wax yar cunto. Si kastaba ha ahaatee, aragtidan cilmi-baaristu ma taageerto.
Professor Vartanian wuxuu yiri: "Cabbirka saxanka kaligiis saameyn kuma yeesho inta ay dadku cunaan; waxa dhab ahaan muhiimka ah waa in cunto dheeraad ah la heli karo iyo in kale."
Marka cuntadu si fudud loo heli karo, dadku waa ay sii qaadanayaan cunto dheeraad ah iyadoon loo eegin cabbirka saxanka.
Xalka ugu fiican waa in hal qaybood lasoo qaato inta kalena meel aan la arki karin laga qaado.
"Ka fogee si aadan fursad ugu helin qayb labaad," ayuu yiri professor-ku.
Sidee loo xakameeyaa cabbirka cuntada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay qabaan khubaradu, waxa ugu muhiimsan ee qofku sameyn karo waa inuu fiiro gaar ah u yeesho calaamadaha gaajada iyo inuu si miyir leh uga warqabo waxa uu cunayo.
"Dadku fiiro uma yeeshaan waxa saxankooda saaran, mana eegaan gaajadooda. Ma oga inay dheregsan yihiin iyo in kale," ayay tiri Dr. Lisa Young oo ka tirsan Jaamacadda New York.
Arrin kale oo muhiim ah waa sida ay dadku u fahmaan cabbirka caadiga ah ee cuntada. Qaybaha sii weynaanaya ayaa beddelaya waxa dadku u arkaan "qadar caadi ah."
Khabiirka hab-dhaqanka cunnada Dr. Marle Alvarenga ayaa yiri:
"Talooyinkaygu waa inaad fiiro gaar ah yeelato. Eeg summadda, eeg cabbirka. Isku day inaad fahanto waxa warshaduhu ku sameynayaan suuq-geynta iyo xeeladaha kale."
Qaybaha cuntooyinka fudud
Dr. Young waxay tiri: "Haddii aad cunayso cuntooyin dabiici ah oo leh fiber sida tufaaxa ama miraha kale, qadarka aad cunaysaa muhiimad badan ma laha sababtoo ah waa cunto caafimaad leh oo aan baakadeysnayn."
Laakiin haddii aad iibsanayso cunto baakadaysan, waxaa ku qoran inta loo tixgeliyo hal qayb caadi ah, tusaale ahaan afar qaybood oo ku jira hal baakad. Waa inaad cuntada kasoo saartaa baakadka oo aad barbar dhigtaa qaybta caadiga ah iyo inta aad dhab ahaan u cunayso.
"Dadku waxay yiraahdaan, 'Waxaan quraacda u cunaa baaquli yar oo badar ah.' Laakiin marka aad ka codsato inay ku shubaan qadarka ay cunaan oo aad barbar dhigto qaybta caadiga ah ee ku qoran baakadka, waxaad arkaysaa inay cunayaan saddex jibbaar intaas," ayay tiri iyadoo raacisay:
"Ku shub cabirka cuntada caadiga ah oo si muuqaal ah u eeg. Markaas isweydii, 'Immisa qaybood ayaan ku cunayaa saxankayga ama baaquligayga?' Taasi way caawisaa."













