TOOS, Maraykanka iyo Iiraan oo is-weydaarsaday weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday maraakiib xilli uu dagaalku sii xoogaysanayo

Weeraradan ayaa dhacay maalin kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu colaadda ku tilmaamay “arrin aan sidaas u weynayn”, iyadoo aysan muuqan wax horumar la taaban karo oo laga sameeyay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka lixda bilood socday.

Kooban

Maraykanka iyo Iiraan oo is-weydaarsaday weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday maraakiib xilli uu dagaalku sii xoogaysanayo

Tebin toos ah

Maraykanka iyo Iiraan oo is-weydaarsaday weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday maraakiib xilli uu dagaalku sii xoogaysanayo

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Maraykanka iyo Iiraan ayaa Sabtidii is-weydaarsaday weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday maraakiib, taasoo ahayd wareeggii ugu dambeeyay ee weerarrada tan iyo markii dagaalku toddobaad ka hor dib uga qarxay muddo bil ah oo xasillooni ahayd.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in uu “si joogto ah u naafeeyay” laba booyadood oo shidaal oo xiriir la leh Iiraan, oo uu ku jiro mid ku dhow Jasiiradda Kharg, isla markaana uu “si buuxda u burburiyay” booyad saddexaad oo ku jirtay Gacanka Cumaan.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay weerarrada, waxayna sheegtay in Tehran ay jawaab ahaan u weerartay saddex markab oo xiriir la leh Maraykanka, sidoo kalena ay weerartay saddex booyadood oo shidaal ah oo marayay Marinka Hormuz iyagoo isticmaalaya waddo ay Iiraan ku tilmaantay “aan la oggolayn.”

BBC ayaa la xiriirtay Taliska Dhexe ee Maraykanka (Centcom) si ay uga hesho faallo ku saabsan sheegashadii ugu dambeysay ee Iiraan ee ahayd in ay bartilmaameedsatay maraakiib Maraykan ah.

Weeraradan ayaa dhacay maalin kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu colaadda ku tilmaamay “arrin aan sidaas u weynayn”, iyadoo aysan muuqan wax horumar ah oo la taaban karo oo ku aaddan soo afjaridda dagaalka lixda bilood socday. Trump wax faallo ah kama uusan bixin weerarradii Sabtidii.

Warka ku saabsan aargoosigii ugu dambeeyay ee Iiraan ayaa yimid saacado kaddib markii Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth uu baraha bulshada ku qoray: “Arrintu waa sahlan tahay: haddii Iiraan ay rasaas ku furto maraakiibta Maraykanka, waxaan burburin doonnaa (oo quusin doonnaa) booyadahooda shidaalka.”

Sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Maraykanka (Centcom), laba markab oo dagaal oo Maraykan ah ayay Iiraan bartilmaameedsatay ka hor inta uusan Maraykanku weerarin saddex booyadood oo shidaal oo xiriir la leh Iiraan.

Warar dheeraad ah: