Fowsiya Cabdullaahi Garaad: Waa tuma gabadha Soomaaliya ku matashatay Miss World 2026?

Somalia

Xigashada Sawirka, MISS WORLD

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Tartanka quruxda ee Miss World ayaa sanadkan xusaya sannad-guuradii 75-aad ee tartanka, iyadoo tartanka 73-aad ee Miss World lagu qabtay dalka Vietnam.

Tartanku wuxuu ku billowday 111 tartame 8-dii Agoosto 2026, wuxuuna soo gabagaboobay shalay 5-ta Sebtembar 2026.

Joheirry Mola oo ka socota Jamhuuriyadda Dominika ayaa ku guuleysatay taajka Miss World. Mr World 2024 Daniel Mejía oo ka socda Puerto Rico iyo Miss World 2016 Stephanie del Valle ayaana daadihinayay munaasabadda.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa tartanka qeyb ka ahaa, iyadoo dalka Soomaaliya ay ku mateleysay Fowsiya Cabdullaahi Garaad, taas oo loo caleemo saaray Miss World Somalia 2026 27-kii Juun.

Gabadhan 21-jirka ah waxay ku dhalatay Sacuudiga, balse waxay ku barbaartay magaalada Muqdisho, sida lagu shaaciyay bogga rasmiga ah ee Miss World. Waxay hiigsanaysaa inay noqoto duuliye, iyadoo sidoo kale ah qof ku xeeldheer isgaarsiinta luuqado badan. Waxay si fiican ugu hadashaa Af-Soomaali iyo Carabi, waxayna xoogaa taqaan Af-Ingiriisiga.

Fowsiya

Xigashada Sawirka, MISS WORLD

Waxay ku dayataa Asli Xasan Cabdi, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed iyo Afrikaan ah ee duuliye noqota.

Fowsiya waxay rajaynaysaa inay xirfad ka dhigato duulista, iyadoo sidoo kale dhiirrigelinaysa haween badan inay raadsadaan fursado ku jira xirfadaha dhaqan ahaan raggu u badan yihiin.

Fowsi waxay noqotay haweeneydii afraad ee Soomaaliyeed ee Soomaaliya ku matasha Miss World. Waxay raacaysaa saddexdii wakiil ee ka horreeyay, kuwaas oo dhammaantood Soomaaliya u soo hoyiyay natiijooyin caalami ah, iyagoo gaaray wareegyada semi-fiinalka iyo rubuc-dhammaadka ee Miss World.

Yaa ku guuleystay?

Miss World

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Joheirry Mola oo ka socota Jamhuuriyadda Dominika ayaa ku guuleysatay taajka Miss World.

Gabadhan 24-jirka ah ayaa ku guuleysatay tartanka fiidnimadii Sabtida lagu soo gabagabeeyay Vietnam, halkaas oo sanadkan lagu qabtay tartanka quruxda ee caalamiga ah.

Mola ayaa Jamhuuriyadda Dominika u horseedday taajkeedii labaad, kaddib markii Mariasela Alvarez ay dalkaas markii ugu horreysay ku guuleysatay tartanka sannadkii 1982.

Mola ayaa ka guuleysatay 111 tartame oo kale oo ka qaybgalay tartanka lagu qabtay magaalada Nha Trang ee Vietnam.

Elisabeth Reynes Alabern oo ka socota Spain ayaa kusoo xigtay, halka Miss Malaysia, Taanusiya Chetty, ay noqotay qofka saddexaad.

Eritrea, Malaysia, Vietnam, Jamhuuriyadda Dominika, Spain iyo Koonfur Afrika ayaa gaaray wareegga kama dambaysta ah, iyagoo noqday lixda dal ee ugu sarreeyay tartanka Miss World.

Opal Suchata, oo ahayd ku guuleystihii sannadkii hore ee taajka Miss World, ayaa taajka ku wareejisay Joheirry Mola.

Waa tuma Joheirry Mola?

Miss World

Xigashada Sawirka, MISS WORLD

Joheirry Mola waa macallimad, wariye iyo u doode bulshada oo 24 jir ah, kana soo jeedda magaalada Santo Domingo.

Waxay shahaadada jaamacadeed ee Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga ka qaadatay Universidad Iberoamericana (UNIBE).

Waxay aasaastay hindise bulsho oo lagu magacaabo Voices of Tomorrow, kaas oo loogu talagalay in carruurta iyo dhalinyarada bulshadeeda lagu caawiyo inay kobciyaan aqoontooda luuqadda Ingiriisiga iyo waxbarashada. Ujeeddada mashruucu waa in dhalinyarada loo abuuro fursado badan, kalsooni iyo agab ay ugu diyaargaroobaan mustaqbalkooda.

Mola waxay matalaysay Distrito Nacional markii ay ku guuleysatay magaca Miss World Dominican Republic 2025. Waxay sidoo kale ku guuleysatay tartanka Top Model ee qaaradda Ameerika iyo Kariibiyaanka, ugu dambayntiina waxay ku guuleysatay taajka Miss World 2026 kaddib markii ay boos ka heshay 40-ka gabdhood ee ugu sarreeyay tartanka kama dambaysta ah ee lagu qabtay Vietnam.

Waxbarashadu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah shaqada Mola, iyadoo dugsiyada ka dhigta maaddooyinka Suugaanta iyo Cilmiga Bulshada.

Mola waxay sidoo kale ka qaybqaadataa barnaamijyo bulsho oo lagu taageero carruurta. Bishii Maarso 2026, waxay ahayd weriye toos ah oo ka tirsan Univision, iyadoo ka qaybqaadatay telethon-ka UNICEF ee Jamhuuriyadda Dominika bishii May 2026, halkaas oo lagu dhiirrigeliyay olole lagu ururinayay $24.752 milyan oo loogu talagalay barnaamijyada taageera carruurta.