You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ma laga yaabaa in dunidu u guurto wax ku kala gadashada lacagta Yuan ee Shiinaha?
Weerarkii Mareykanka ee Iran ayaa dib u soo celiyay doodo ku saabsan in dollarka Mareykanka uu dhawaan lumin doono maqaamkiisa keydka iyo lacag bixinta adduunka.
Iran ayaa xirtay marin biyoodka Hormuz waxayna bilowday inay lacag ka ururiso maraakiibta shidaalka iyada oo adeegsanaysa lcagta shiinaha ee Yuan iyo cryptocurrency. Laakin intee in le'eg ayay tahay khatarta ku wajahan lacagta adduunka ugu weyn, iyo yuan wax ku kala gadashadu ay beddeli doonto dollarka haddii uu sii socdo isku dhac Iran?
Qiimaha shidaalka ayaa taariikh ahaan lagu go'aamiyay doollar, waxaana hadda ku dhawaad 85% saliidda iyo batroolka caalamka lagu kala iibsadaa doolarka Mareykanka.
In kasta oo rabitaanka Ruushka, Shiinaha, Iran, iyo dalal kale ay ku doonayaan in ay soo afjaraan awoodda dollarka Maraykanka ee wax kala iibsiga, uu badan yahay hadana waxba isma badalin muddo dheer.
Xaalad la mid ah ayaa jirta oo kayd ah. Caadiyan aduunku waxa uu kaydka u dhigaa dollar ahaan.
Doolarka ayaa 60% ka ah kaydka caalamiga ah, lacagta Euro 20%, inta soo hartayna waxa lagu qabtaa lacagaha dalalka kale ee reer galbeedka ee horumaray. Kaliya 2% kaydka ayaa lagu hayaa yuan-ka Shiinaha.
Waxaas oo dhami waxay ka yimaadeen xaqiiqada ah in Maraykanku yahay dhaqaalaha adduunka ugu weyn uguna horumarsan. Ameerika waxaa loo arkaa waddan leh suuq maaliyadeed oo ballaaran, sharciyo, dhaqdhaqaaqa xorta ah ee raasumaalka, bangi dhexe oo madax-banaan, iyo qaar ka mid ah ganacsiyada ugu faa'iidada badan uguna cusub ee Galbeedka.
Si kastaba ha ahaatee, markii uu Donald Trump ku soo laabtay Aqalka Cad markii labaad sannadkii hore, qaar ka mid ah sifooyinkaas ayaa la la waayay waxaana ruxmay awoodda dollarka.
Doolarka ayaa lumiyay 8% qiimihiisii sanadkii hore.
Caalamku waxa uu bilaabay in uu ka hadlo istiraatijiyad maaliyadeed oo cusub oo loogu magac daray "Iibinta Ameerika."
Dadka ka faalooda arrimahan qaarkood ayaa ku macneeyay hoos u dhacan in ay sabab u tahay ka guurista dollarka,mid ka dhashay dagaalka ganacsi ee Trump uu kula jiro caalamka, weerarada uu ku hayo xulafadiisa, iyo damac uu u qabo in Mareykanka uu u adeegsado awood dhaqaale iyo mid ciidan si uu cadaadis siyaasadeed iyo mid dhaqaale ugu sameeyo dalalka kale.
Hoos u dhacan ayaa socday ilaa weerarkii lagu qaaday Iran horaantii sanadkan. Laakin isla markii Trump uu khalkhal galiyay gobolka ugu muhiimsan ee laga soo saaro saliida iyo gaasta aduunka, aduunkana uu qarka usaaray dhibaato dhaqaale, waxaa joogsaday hoos u dhaca ku yimid dollarka Maraykanka oo uu bilaabay inuu sare u kaco.
Shidaal ku iibsashada Yuan-ka ma badali kartaa dollarka?
Xitaa haddii Iran, Russia, iyo Saudi Arabia ay dhamaantood ku iibiyaan saliidooda yuan, dollarka booskiisa wali wuxuu ahaan doonaa mid aan ruxmin.
Suuqa saliida adduunka, yuan waxay ka dhigan tahay kaliya hal ilaa laba boqolkiiba. Inta soo hartay waxaa lagu helaa doolarka Maraykanka.
Mid ka mid ah sababaha uu dollarku ugu sarreeyo suuqa saliida ayaa ah, ka dib dhibaatadii saliidda ee ugu horeysay 1970-meeyadii - oo ay ugu horreysey dagaalkii Carabta iyo Israa'iil, ka dibna kacaanka Islaamiga ah ee Iran - Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya waxay ku heshiiyeen in qiimaha saliidda lagu qiimeeyo dollar.
Taasi waa arrin ilaa hadda jirtay. Si kastaba ha ahaatee, sida uu qabo Brad Setser, sababaha ugu muhiimsan ee dollarku uga sarreeyo lacagaha iyo kaydka ayaa gebi ahaanba kala duwan.
Kadib dhibaatadii saliida ee ugu horaysay todobaatanaadkii, wadamada gacanka Faaris waxa buux dhaafiyay doolar. Markii ay waayeen meelo ay ku kharash gareeyaan dakhligoodii saliidda ee dalalkoodii aan weli horumarin, waxa ay bilaabeen in ay urursadaan kayd iyo lacag deyn ah.
Habka ugu faa'iidada iyo kalsoonida badan ee lagu kordhin karo dollarka ay kasbadaan waxay ahayd in la amaahiyo Ameerika oo lagu shubo bangiyada Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, Ameerika waxay taageertay Israa'iil, wayna ku faraxsanayn inay si cad cadawgeeda lacag u amaahiso. Ugu dambayntii, way yeeleen, in kastoo ay ahayd si dadban. Haddaba, xarumo maaliyadeed oo caalami ah ayaa ka soo ifbaxay London, Zurich, iyo markii dambe Hong Kong iyo Dubai.