Labiska loogu diyaargaroobayo xilka hoggaanka: Maxay Kuuriyada Waqooyi ka sheegeen dharka inanta dhaxal sugaha ah ee Kim Ju Ae?

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Bishii Nofeembar 2022, waxaa soo baxay sawir muujinaya hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo ay dhinaciisa ay taagan tahay gabar yar oo si qurux badan u labisan — gabadhiisa Ju Ae.

Iyada oo la socota aabaheed oo maraya gantaal weyn oo nooca qaaradaha u kala gudba ah hortiisa, waxay xiratay surwaal madow iyo jaakad cad oo buuran, islamarkaana guudka gadaal uga xiratay.

Markii ugu horraysay ee lagu soo bandhigay warbaahinta dowladda — iyadoo la sheegay in ay markaas ahayd sagaal sano jir oo keliya — Ju Ae waxay durba ahayd qof si aad ah loo soo diyaariyey.

Tan iyo xilligaas, qaabka labiskeeda iyo timaheedu wuxuu noqday mid qurxoon oo lagu faro-yareystay.

Hay'adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed waxay aaminsan tahay in Kim Jong Un uu iyada u doortay in ay xilka ka dhaxasho mustaqbalka, maadaama ay si weyn u soo caan baxaysay iyadoo weli aad u yar.

Ju Ae, oo la rumeysan yahay in ay hadda 13 jir tahay, ayaa si isa soo taraysa sawirro ula gashay aabaheed, iyadoo garab taagan xilliyada la sameynayo tijaabooyinka gantaallada, bandhigyada militariga, xitaa safarrada dibadda.

Laakiin falanqeeyeyaasha qaar ayaa aaminsan in qaabka labiskeeda oo ka sameysan harag, dhogor, iyo timo loo qaabeeyey "shanlo diiq" ay sidoo kale muujinayaan in loo carbinayo hoggaaminta dalka.

Dharka Ju Ae waxay u badan tahay in ay hageyso Waaxda Dacaayadda iyo Kicinta dadweynaha ee dowladda.

Mararka qaar waxaa lagu arkay iyadoo xiran isku-joogyo rasmi ah iyo goonooyin, ku waas oo u eg qaabka ay u labisato hooyadeed Ri Sol Ju.

"Ju Ae aad ayey u yar tahay, sidaas darteed da'deeda waxaa loo qaadan karaa qof ka nugul hoggaamiye mustaqbal. Sidaas darteed daxay u muuqataa in nidaamku ugu labbisayo dhar rasmi ah oo la mid ah kuwa hooyadeed si loo qariyo yaraanteeda looguna muujiyo muuqaal qof weyn," ayuu yiri ku-xigeenka agaasimaha Machadka Sejong, Cheong Seong-chang, oo la hadlay BBC-da Kuuriya la hadasha.

Mararka qaar waxay xirataa jaakado harag ah — "dhar leh muuqaal adag islamarkaana caadi ah" oo ku habboon booqashada "goobaha qallafsan" sida saldhigyada militariga, ayuu xusay Cheong.

Laakiin tani waxay sidoo kale ka dhigaysaa in ay u ekaato aabaheed, kaas oo jecel xirashada jaakadaha haragga madow iyo koorarka dhaadheer.

Sanadihii hore ee hoggaamintiisa, Kim Jong Un wuxuu isku dayay in uu sharciyadda ku xoojiyo isaga oo u labisan sida awoowgiis Kim Il Sung.

Kim Il Sung, oo aasaasay kuna hoggaamiyay Kuuriyada Waqooyi in ka badan 45 sano, waxaa dalka gudihiisa loogu arkaa qof ilaah u dhow, sida ay qabaan khubaradu.

"Waaxda Dacaayadda iyo Kicinta waxay door aad muhiim u ah ka ciyaartay abaabulka habab kala duwan oo ixtiraamkii Kim Il Sung si dabiici ah ugu gudbiyay Kim Jong Un," ayuu yiri Cheong.

"Waxaa la sheegay in dadka Kuuriyada Waqooyi ay la yaabeen markii ugu horreysay ee Kim Jong Un soo muuqday. Laakiin sababta khubarada Kuuriyada Koonfureed iyaguna ula yaabeen waxay ahayd in muuqaalka hore ee Kim Jong Un uu aad ugu ekaa Kim Il Sung markii uu yaraa.

"Caqabadaha haystay Kim Jong Un oo ahaa dhallinyaro aan khibrad lahayn ayaa lagu daboolay keliya isaga oo u ekaa Kim Il Sung.

"Waxay gaartay heer ay dadka Kuuriyada Waqooyi dhexdeeda ka faafaan warar sheegaya in Kim Il Sung uu dib u soo noolaaday."

Marka laga soo tago xoojinta sharciyadda Ju Ae, "muujinta iyadoo xiran dhar galbeedka lagu naqshadeeyey, waxay muujineysaa in Ju Ae iyo hooyadeed Ri Sol Ju ay adeegsanayaan 'xeelad kala soocan' bulshada inteeda kale," ayuu yiri Cheong.

Xaqiiqda ah in Ju Ae dhowr jeer lagu arkay jaakado harag ah waxay muujinaysaa in Waaxda Dacaayadda iyo Kicinta ay dooneyso in ay heerkeeda ka sarreyso dadka caadiga ah.

"Xirashada dhar laga sameeyay harag tayo sare leh waa hab lagu muujiyo maqaam gaar ah," ayuu yiri Cheong.

"Dharka haragga ahi kuma badna dadka Kuuriyada Waqooyi. Noocyada raaxada, jaakadaha haragga iyo koorarka dhogorta leh waa dhar qaali ah oo aysan xiran karin dadweynahu."

Sanadkii 2020, Kuuriyada Waqooyi waxay meel marisay sharci diidaya "fikradaha iyo dhaqamada falceliska ah", kaas oo xannibaya "dhaqamada dibadda".

Laakiin sanadkii 2023, wakaaladda wararka dowladda ee magaceeda loo soo gaabiyo KCNA waxay sii daysay muuqaal muujinaya Ju Ae oo mar kale la socota aabaheed meel gantaal weyn lagu tajiaabinayo, iyada oo markan xiran jaakad madow oo gadaal laga ogaadey in qiimaheedu yahay $1,900 oo laga soo iibsaday dukaanka caanka ah ee Faransiiska Christian Dior.

Sanadkii xigay, Ju Ae waxay xiratay shaati qayb ahaan hufan oo gacmaheeda muujinaya, munaasabad lagu furayey xaafad cusub oo ku taalla caasimadda Pyongyang.

Kadib waxaa la sii daayay khudbad muuqaal ah oo loogu talagalay dadka caadiga ah, taas oo uga digaysay in aysan u labisan karin nuuceeda, maadaama loo arkayay "dhaqan ka dhan ah hantiwadaagga iyo nidaamka bulshada," sida uu ilo maxalli ahi u sheegay Radio Free Asia.

Dhacdooyinkan waxay muujiyeen sida qoyska Kim inta badan looga dhaafo sharciyada lagu dhaqo bulshada inteeda kale.

"Inkastoo jiinisyada laga mamnuucay Kuuriyada Waqooyi maadaama loo arko astaan reer galbeed, Kim Jong Un ayaa lagu arkay isaga oo xiran," ayuu yiri Prof. Lee Woo-young oo ka tirsan Jaamacadda Daraasaadka Kuuriyada Waqooyi.

"Si kasta oo ay u mamnuucaan dhaqamada shisheeye ama sharciyo u sameeyaan, Kuuriyada Waqooyi waa meel aanay jirin wax aanu sameyn karin hoggaamiyaha ugu sarreeya."

Si kastaba ha ahaatee, taasi kama aysan hor istaagin qaar ka mid ah dadka Kuuriyada Waqooyi in ay doonayaan in ay la jaanqaadaan qoyska Kim oo ay u labistaan si casri ah sida Ju Ae.

Waxaa jiray warbixino sheegaya in alaabooyinka raaxada sida waxyaabaha la isku qurxiyo iyo cadarrada Chanel ay si sii kordheysa ugu dhex faafayaan dadka taajiriinta ah ee Kuuriyada Waqooyi, halka koorarka dhogorta leh ay caan ka noqdeen magaalo ku taalla xadka Shiinaha.