Sababta ay gacmahaaga oo wasakhooba ugu wanaagsan tahay caafimaadkaaga

Gacmo

Xigashada Sawirka, BBC/ Serenity Strull

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Gacmaha oo lagu taabto ciidda, cawska, geedaha ama caleenta dhirta waxay yeelan kartaa faa'iidooyin caafimaad oo kala duwan, kuwaas oo saameeya maqaarka iyo guud ahaan hab-dhiska difaaca jirka.

Maalin kasta waxaan socod dheer ku maraa jardiinada iigu dhow, waxaana caado ii noqotay inaan sidaas sameeyo. Waxaa halkaas ka baxa noocyo badan oo geedo ah oo indhaha soo jiita, xilliga gu'gana waxaa soo baxa ubaxyo caraf badan oo marba nooc ah, halka hawadana ay ka buuxaan codadka shimbiraha.

Laakiin inta badan, khibraddayda dareenku halkaas ayay ku ekaataa. Inkasta oo kabahaygu ay mararka qaar dhoobo yeeshaan, haddana inta badan guriga waxaan ku soo laabtaa anigoo gacmahaygu nadiif yihiin.

Hase yeeshee, cilmi-baaris ayaa muujinaysa in ay jiraan faa'iidooyin laga heli karo in la taabto geedaha, dhirta yaryar iyo ciidda aan inta badan iska ag maro.

Mira Grönroos, oo ah khabiir ku takhasustay cilmiga deegaanka iyo cilmi-baarista xiriirka dabiiciga iyo caafimaadka, kana tirsan Machadka Deegaanka ee Finland, ayaa dad ka codsatay inay gacmahooda ku xoqaan ciid, iyo oogada geedaha cagaaran muddo 20 ilbiriqsi ah, taas oo qayb ka ahayd tijaabo cilmiyeed.

Waxay ogaatay in tirada iyo noocyada noolaha yaryar ee ku jira maqaarka gacmaha ay kordheen, xitaa markii dadkaasi gacmahooda ku maydheen biyo tuubbo ah.

"Marka indhaha oo keliya lagu eego, gacmahoodu waxay u muuqdeen kuwo nadiif ah," ayay tiri, "laakiin isbeddelku aad buu u weynaa."

Fikradda ah in bakteeriyo badan ay ku bataan maqaarkeenna waxaa laga yaabaa inaanay dadka qaar u muuqan mid wanaagsan. Laakiin marka noocyo badan oo noolayaal yaryar ah ay si wadajir ah ugu nool yihiin maqaarka, waxay is xakameeyaan, waxayna jirka ka difaacaan bakteeriyada waxyeellada leh ee keenta cudurrada.

Cilmi-baaris sii kordheysa ayaa muujinaysa in taabashada waxyaabaha dabiiciga ah, sida ciidda iyo dhirta, ay tahay hab fudud oo lagu kordhin karo kala-duwanaanshaha noolaha yaryar ee ku nool maqaarka.

Arrintani ma aha oo keliya mid faa'iido u leh maqaarka, balse waxay sidoo kale saameyn wanaagsan ku yeelan kartaa hab-dhiska difaaca jirka.

20 ilbiriqsi ma aha waqti dheer. Aniga ahaan, si dhib yar ayaan uga hakad geli lahaa socodkayga si aan u taabto qolofta geed ama aan cawska ugu fariisto.

Laakiin Grönroos waxay sheegaysaa in waqti ka badan uu ka sii wanaagsan yahay. Tijaabadii ay samaysay ayaa muujisay in noolayaasha yaryar ee ku nool maqaarku ay si degdeg ah ugu soo laabteen xaaladdii ay ku jireen ka hor tijaabada.

Natiijooyinkani waxay tilmaamayaan in taabashada dabeecadda muddo dheer ama si joogto ah ay si weyn u beddeli karto waxa ka dhacaya maqaarkeenna iyo gudaha jirkeenna.

Taabashada ciidda iyo dhirta ma aha oo kaliya inay faa'iido u leedahay maqaarkeenna, balse waxay sidoo kale faa'iido u leedahay hab-dhiska difaaca jirkeenna (Xigasho: BBC/ Serenity Strull)

Xigashada Sawirka, BBC/ Serenity Strull

Ku ciyaar dhiiqada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gacmo wasakhaysan ayaa caadi ka ah xarunta xannaanada carruurta ee Aurinkolinna, oo ku taalla bartamaha Finland. Carruurtu maalin kasta ugu yaraan dhowr saacadood ayay ku qaataan bannaanka, iyagoo ku ciyaara goob ay ku badan yihiin geedo iyo dhir. Waxay dhex ordaan geedaha iyo duurka, fuulaan xargaha, dhistaan guryo ciid ah, ku boodaan meelaha biyuhu fariistaan, waxayna gacmahooda ku qaataan ciid iyo jajabka alwaaxda.

Dhammaadka maalin kasta, carruurtu waxay inta badan noqdaan kuwo dhoobo madaxa ilaa cagaha kaga dheggan tahay.

Hadda saynisyahannadu waxay baarayaan sida arrintani caafimaad ahaan faa'iido ugu yeelan karto carruurta. Iyagoo falanqeynaya noolayaasha yaryar ee ku jira maqaarka, candhuufta iyo saxarada carruurta, iyo sidoo kale baaritaanno dhiig iyo timo ah.

Cilmi-baarayaashu waxay doonayaan inay ogaadaan waxa ku dhaca hab-dhiska difaaca carruurta muddo saddex sano ah, marka waxyaabahan dabiiciga ah lagu soo daro goobaha ay carruurtu maalin kasta ku ciyaaraan.

Aurinkolinna waxay ka mid tahay 43 xarumood oo xannaano carruur ah oo ku yaalla Finland, kuwaas oo ka qayb qaadanaya mashruuca cilmi-baarista ee Vahvistu. Mashruucani wuxuu ku dhisan yahay daraasad laba sano socotay oo dhowaan uu hoggaaminayay Marja Roslund, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga deegaanka.

Intii u dhexeysay 2016 iyo 2017, Roslund waxay qayb ka mid ah sagxadda kaynta keentay barxadda xannaanada carruurta, iyadoo ku dartay caro lagu bacrimiyo dhirta iyo sanduuqyo lagu beero dhir. Waxay markaas cabbirtay saameynta ay arrintani ku yeelatay bakteeriyada ku jirta maqaarka, candhuufta iyo mindhicirka carruurta yaryar, kaddib markii ay si joogto ah halkaas ugu ciyaareen muddo 28 maalmood ah, iyo mar kale sannad ka dib.

Marka la barbar dhigo carruurtii ku ciyaari jirtay barxad laami ah, carruurtii ku ciyaari jirtay dhulka kaynta ayaa sannad ka dib lahaa kala-duwanaansho badan oo noolayaasha yaryar ah oo ku jira maqaarkooda.

Kala-duwanaanshaha noolayaasha yaryar ee ku jira maqaarkeenna ayaa muhiim u ah caafimaadka maqaarka. Roslund waxay sheegaysaa in kordhinta kala-duwanaanshaha bakteeriyada ku nool maqaarku ay ka hortagi karto in bakteeriyada cudurrada keenta ay noqoto tan ugu badan, taas oo gacan ka geysanaysa in bulshada noolayaasha yaryar ee maqaarku ay isku dheelitirnaato.

"Cudurku wuxuu la mid yahay kaligii-taliye, halka maqaarka caafimaad qaba uu la mid yahay dimuqraadiyad," ayay Roslund tiri.

Cilmi-baaristii Roslund ayaa sidoo kale muujisay in carruurtii ku ciyaartay dhulka kaynta ay maqaarkooda ku lahaayeen bakteeriyo cudur keeni karta oo ka yar marka loo eego carruurta kale.

Waxay u badan tahay in tirada iyo kala-duwanaanshaha noolayaasha kale ee maqaarka ku bata ay ciriiri geliyaan bakteeriyadaas "xun".

"Maadaama ay jiraan noocyo badan oo noolayaal kale ah, meel badan uma bannaana bakteeriyada cudurrada keenta," ayay tiri.

Maqaar caafimaad qaba, jir caafimaad qaba

Daryeelka maqaarkeennu wuxuu leeyahay faa'iidooyin qoto dheer. Caafimaadka maqaarku wuxuu saameyn ku yeelan karaa dhaqdhaqaaqa hormoonnada, cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, iyo xitaa hawlaha maskaxda ee la xiriira garashada.

Gaar ahaan, cilmi-baarisuhu waxay hadda bilaabayaan inay muujinayaan in maqaarka oo la kulma bakteeriyo kala duwan ay saameyn ku yeelan karto hab-dhiska difaaca jirka.

Roslund ayaa koox carruur yaryar ah ka codsatay inay ku ciyaaraan sanduuq ciid ah oo lagu daray carro ay ku badan yihiin noocyo kala duwan oo noolayaal yaryar ah. Koox kale oo carruur ah ayaa iyaguna ku ciyaartay sanduuq ciid ah oo muuqaal ahaan la mid ahaa kii hore, balse ay ku jireen noolayaal yaryar oo aad uga kala-duwanaansho yar.

Sida la filayay, kala-duwanaanshaha qaar ka mid ah bakteeriyada ku nool maqaarka carruurta ayaa kordhay markii ay ku ciyaareen ciidda ay ku badan yihiin noolayaasha yaryar.

Laakiin cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale arkeen isbeddello ku yimid calaamadaha difaaca jirka, oo loo yaqaan cytokines, kuwaas oo laga helay dhiigga carruurta.

Isbeddelladani waxay taageerayaan nidaaminta hab-dhiska difaaca jirka – taas oo ah awoodda hab-dhiska difaaca uu u leeyahay inuu la dagaallamo waxyaabaha khatarta ku ah jirka, isaga oo aan si xad-dhaaf ah uga falcelin.

Natiijooyinkan iyo cilmi-baarisyo kale oo la mid ah ayaa dhiirrigeliyay mashruuca Vahvistu.

Xarunta xannaanada carruurta ee Aurinkolinna, maalgelin ay bixisay dowladda ayaa lagu beddelay goobtii ay carruurtu ku ciyaari jireen. Hadda waxaa halkaas lagu daray jajabka alwaaxda halkii ay ka ahaan lahaayeen dhagxaan yaryar, waxaa la ballaariyay goobta ciidda ah, waxaana lagu daray waddooyin alwaax laga sameeyay.

Geedihii bjørk iyo geedaha geed-cad ee horey goobta uga jiray ayaa iyaguna weli halkaas ku yaalla.

Cilmi-baarista uu ku dhisan yahay mashruuca Vahvistu waxay taageeraysaa aragti loo yaqaan "mala-awaalka kala-duwanaanshaha noolaha".

Aragtidani waxay qabtaa in hawada, dhirta iyo ciidda ay ku badan yihiin noocyo kala duwan oo noolayaal yaryar ah ay door muhiim ah ku leeyihiin noolayaasha yaryar ee ku jira jirka aadanaha, sidaas darteedna ay saameyn ku yeelan karaan caafimaadkeenna.

Muddo dheer ayaa la soo jeedinayay in hoos u dhaca kala-duwanaanshaha noolaha ee deegaanka uu qayb ka noqon karo kororka xaaladaha caafimaad ee la xiriira hab-dhiska difaaca jirka ee dunida maanta ka jira.

Cilmi-baarista Roslund ayaa laga yaabaa inay gacan ka geysato fahamka sida iyo sababta ay lumitaanka kala-duwanaanshaha noolaha deegaanka ula xiriiri karto isbeddelladan caafimaad.