Maxay bakteeriyada wanaagsan ee afku muhiim ugu tahay caafimaadkaaga? Maxaad cuni kartaa si aad u ilaaliso?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caafimaadka afku kuma filna oo keliya in ilkaha la cadaydo. Waxa aynu cunno ayaa sidoo kale saameeya bakteeriyada wanaagsan iyo kuwa waxyeellada leh ee afka ku jira. Haddaba maxaa la cuni karaa, maxaase laga fogaadaa si loo ilaaliyo noolaha yaryar ee u wanaagsan afka?
Qof walba wuu og yahay in cuntooyinka sonkorta badan ay keeni karaan suuska ilkaha. Sonkortu waxay ka caawisaa bakteeriyada waxyeellada leh in ay tarmaan. Laakiin ka fogaanshaha sonkorta oo keliya kuma ma aha xalka. Waxa aynu cunno ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaara caafimaadka bakteeriyada afka.
Cilmi-baadhisuhu waxay muujinayaan muhiimadda noolaha yaryar ee afka ku jira, oo loo yaqaan oral microbiome. Afka waxa ku nool ku dhawaad 700 nooc oo bakteeriyo ah, iyo sidoo kale fayrasyo, fangasyo iyo noolayaal kale oo yaryar.
Dhammaantood waxay saameyn ku yeelan karaan caafimaadkeenna.
Sida mindhicirka iyo hab-dhiska dheefshiidka, cuntadu waxay muhiim u tahay dheellitirka bakteeriyada afka.
Caafimaad-qabta Afka
Qaar ka mid ah noolaha yaryar ee afka ku jira ayaa waxyeello keena. Mid ka mid ah waa Streptococcus mutans, oo ku nool dusha ilkaha isla markaana isticmaala sonkorta.
Bakteeriyadani waxay sonkorta u beddeshaa aashito, taas oo dhaawici karta lakabka difaaca ilkaha oo loo yaqaan enamel. Taasi waxay keeni kartaa daloolo iyo suuska ilkaha.
Laakiin qaar kale ayaa faa'iido leh. Bakteeriyada sida Veillonella, Actinomyces, Streptococcus iyo Neisseria waxay ka hortagi karaan in bakteeriyada waxyeellada leh ay afka ku tarmaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddii ilkaha aan si fiican loo nadiifin, daloollo yaryar ayaa ka samaysmi kara inta u dhexaysa ilkaha iyo cirridka. Meelahaas hawadu way ku yar tahay, taas oo u sahlaysa bakteeriyada waxyeellada leh sida Porphyromonas gingivalis in ay ku tarmaan.
Noocaasi waxay sababi kartaa cudurrada cirridka, waxaana lala xidhiidhayay cudurro ay ka mid yihiin wadne-xanuunka, niyad-jabka, Alzheimer, macaanka, cudurrada caabuqa ku keena mindhicirka iyo arthritis-ka. Xilliga uurka, waxaa sidoo kale lala xiriiriyaa khatarta dhalmada ka hor waqtigeeda.
Sanadihii u dambeeyay, cilmi-baadhayaashu waxay sidoo kale eegayeen xiriirka ka dhexeeya isku-dheelitir la'aanta microbiome-ka afka iyo kansarka mindhicirka iyo kan ganaca.
Daraasad lagu sameeyay Maraykanka ayaa lagu baadhay candhuufta dad ka qaybgalay cilmi-baadhista, waxaana la eegay khatarta ay mustaqbalka ugu jiraan kansarka. Dadka afkooda laga helay noolayaal yaryar oo lala xiriiriyo suuska ilkaha ama fangaska ayaa u muuqday in ay khatar badan ugu jiraan kansarka ganaca.
Tani waxay muujinaysaa in kala-duwanaanshaha bakteeriyada afku uu muhiim yahay. Daraasad kale ayaa soo bandhigtay kala-duwanaanshaha hoose ee noolaha yaryar ee afka iyo niyad-jabka.
Waxa aynu cunno ayaa si toos ah u saameeya noocyada noolaha yaryar ee afka ku tarma.
Maxaa la cuni karaa, maxaase laga fogaadaa?
Waxaa wanaagsan in la yareeyo cuntooyinka iyo cabitaannada sonkorta badan, sababtoo ah bakteeriyada keenta suuska ilkaha ayaa si dhakhso ah u isticmaasha sonkorta. Sidoo kale waxaa fiican in la yareeyo karbohaydraytyada la farsameeyay, kuwaas oo afka si fudud ugu beddelmi kara sonkor.
Sidaa darteed, rootiga cad, buskudka, keegga iyo cuntooyinka kale ee laga sameeyo burka la sifeeyay waa in la yareeyo ama laga fogaado.
Bakteeriyada wanaagsan waxay faa'iido u leeyihiin inay kula tartamaan bakteeriyada waxyeellada leh cuntada. Qaar ka mid ah bakteeriyada wanaagsan ayaa sidoo kale si toos ah u weerari kara bakteeriyada waxyeellada leh.
Laura Weyrich, oo cilmi-baadhis ku samaysa noolaha yaryar ee afka, waxay sheegtay in xitaa qaar ka mid ah bakteeriyada Streptococcus ee sonkorta jecel ay yihiin kuwo wanaagsan. Waxay soo saaraan aashito yar, waxayna weerari karaan qaar ka mid ah bakteeriyada waxyeellada u leh ilkaha.
Tusaale ahaan, S. salivarius waxay soo saartaa borotiinno dili kara noolayaal badan oo waxyeello leh.
Khudaarta caleenta leh sida isbinaajka, baytaraafka iyo dabocasaha waxaa ku badan nitrate. Bakteeriyada Neisseria ee afka ku jirta ayaa nitrate-ka u beddesha nitrite, ka dibna bakteeriyada mindhicirku waxay u beddeli kartaa nitric oxide.
Toontuna, inkastoo ay keeni karto ur xun oo afka ah, waxay faa'iido u yeelan kartaa caafimaadka afka. Waxay ka kooban tahay allicin, oo la dagaallanta bakteeriyada keenta suuska iyo cudurrada cirridka.
Cunto ay ku badan yihiin waxyaabaha dhirta ka yimaadda ayaa sidoo kale faa'iido u leh microbiome-ka afka. Dhirta waxaa ku jira walxo loo yaqaan polyphenols, kuwaas oo sidoo kale ah antioxidants.
Cilmi-baadhis ayaa muujisay in polyphenols-ka ku jira shaaha ay yareyn karaan bakteeriyada keenta suuska iyo cudurrada cirridka. Waxay sidoo kale ka hortagi karaan in bakteeriyadu isku dhegto oo ay ku dhegto dusha ilkaha.
Cilmi-baadhisteedu waxay sidoo kale muujisay in cabbidda shaahu ay yarayn karto bakteeriyada keenta urta xun ee afka.
Miraha, gaar ahaan kuwa midabka madow leh, ayaa iyaguna hodan ku ah polyphenols. Cilmi-baadhistu waxay muujisay in sharaabka cranberry uu ka hortagi karo samaysanka huurada, isla markaana uu yareyn karo bakteeriyada keenta suuska iyo cudurrada cirridka.
Malabkuna waxa ku badan polyphenols, waxaana laga yaabaa inuu ka hortago huurada isla markaana caawiyo la dagaallanka bakteeriyada keenta suuska.
Cuntooyinka la khamiiriyey, sida kefir, ayaa iyaguna faa'iido u yeelan kara bakteeriyada wanaagsan, maaddaama ay leeyihiin bakteeriyo kula tartanta kuwa waxyeellada leh. Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in kefir uu yareyn karo qaar ka mid ah bakteeriyada waxyeellada leh iyo lakabka dhegdhegta ah ee ay ku samaystaan ilkaha.
Daraasad kale ayaa muujisay in dadka cuna cunto u eg tan laga isticmaalo Mediterranean-ka oo ay ku badan yihiin miraha, khudaarta, badarka aan la sifayn iyo dufanka caafimaadka leh, ay lahaayeen cudurrada cirridka. Dadka si joogto ah u cuna hilibka cas ayaa cudurrada cirridku ku ahaayeen kuwodaran, inkastoo sababta xiriirkaas aan weli si cad loo fahmin.
Dabcan, cadayashada ilkaha iyo isticmaalka dunta yar ee ilkaha (flossing) weli waa muhiim. Duntaasi waxay caawin kartaa in ay yaraato bakteeriyada S. mutans, halka nadiifinta ilkaha iyo carrabku ay si weyn u yareyn karto bakteeriyada keenta cudurrada ilkaha.
Nadiifinta ilkaha ee caadiga ah ee bakteeriyada wanaagsan iyo kuwa xun weli si buuxda looma fahmin. Waxaa la og yahay in qaar ka mid ah luqluqashada oo ay ku jirto chlorhexidine ay khalkhal gelin karaan dheellitirka dabiiciga ah ee microbiome-ka.

Xigashada Sawirka, Alamy
Sidaa darteed, cunto dheellitiran ayaa muhiim u ah caafimaadka afka. Weyrich waxay ku talinaysaa in cuntada lagu daro khudaar badan, gaar ahaan kuwa caleenta leh, iyo borotiin dufanku ku yar yahay, iyadoo la yareynayo sonkorta, gaar ahaan cabitaannada sonkorta leh.
Sidaas darteed, saladh wanaagsan cun, ama burcad kala duwan oo uu weheliyo koob shaah ah. Taasi waxay faa'iido u yeelan kartaa jidhka, isla markaana waxay caawin kartaa noolaha wanaagsan ee ku jira afka.












