Maxaan ka ognahay dhacdadii naxdinta lahayd ee lagu dilay askari ka tirsanaa militariga Soomaaliya?

Qoraalka Codka, Dhacdadan ayaa aad u qabsatay baraha bulshada
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Hadal heyn xoog leh ayuu dhaliyay muuqaal dabley hubeysan ay ka duubeen askari ka tirsan milatariga Soomaaliya, kahor inta aanay aano qabiil ugu dilin xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Askarigan oo fasax ka ahaa xerada ciidan ee uu ka tirsanaa oo ku taala gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku socday qoyskiisa oo dagganaa gobolka Hiiraan.

Dhacdooyinka la xiriirra dadka loo dilo aanada qabiilka ayaa muddaba ka jirtay deegaannada Soomaalida, waxaase dadka aad uga nixiyay ayaa ah, erayada uu ku dalbanayay ninkan dhalinyaradada ah in la sii daayo kahor dilkiisa, markaas oo dableydii dishay ay muuqaal ka duubtay, kuna faafisay baraha bulshada.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno dhacdadaasi iyo illaa hadda waxa maamulka gobolka uu ka qabtay, waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan wareystay wasiirka arimaha gudaha dawlad goboleedka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure.

Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysiga oo dhammeystiran: