Wadahadalo noocee ah ayay wadamada Khaliijka Carabta doonayaan inuu Maraykanka la galo Iran?

Xigashada Sawirka, OMAN TV
Waxaa jiray dareen nafis ah oo ka dhex muuqday dalalka ku jira golaha is-kaashiga khaliijka (GCC) markii Mareykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen xabbad-joojin laba toddobaad ah 8-da APril. ku dhawaaqistan waxay ka dhignayd hakad ku-meel-gaar ah oo ku yimid weerarradii aargoosiga ahaa ee Iran, kuwaas oo bartilmaameedsanayay kaabayaal militari iyo kuwo rayid oo ku yaalla dalalkan.
Jawaabta dalalka xubnaha ka ah GCC ayaa si weyn isu ekaa, gaar ahaan baaqooda wadajirka ah ee ah in la gaaro xal waqti dheer ah iyo in la hubiyo marin xor ah oo loo maro marinka Hormuz.
Dhanka kale, Imaaraadka ayaa qaadatay mowqif ka adag marka ay cambaareyneyso Tehran. Halka Oman ay qaadatay hab ka duwan, oo ka baxsan sida caadiga ah, iyadoo dhaleeceysay Washington isla markaana si toos ah ula falgashay Tehran.
Su'aasha ugu weyn hadda taagan ayaa ah in heshiis kasta oo dhex mara Mareykanka iyo Iran uu gaarsiin karo waxa ay dalalka Khaliijka ugu dambeyn doonayaan.
Qatar
Jawaabta Qatar waxay diiradda saartay dejinta xiisadaha, xoojinta iskaashiga gobolka, iyo ilaalinta iyo joogteynta qulqulka tamarta caalamiga ah ama in shidaalka iyo gaaska iib geyntiisu ay sii socoto.
Majid Al-Ansari, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, ayaa shir jaraa'id oo dhacay 14-kii April ku sheegay in mudnaanta degdegga ah ee Doxa ay tahay "in la xoojiyo xabbad-joojinta loona beddelo nabad waarta."
Doxa sidoo kale waxay ku baaqday qaab wadahadal oo heer "goboleed" oo ballaaran, kaas oo ay ku jiri lahaayeen dalalka Khaliijka iyo waddamo kale oo gobolka la xiriira iyada oo loo marayo sisu socodka badeecooyiinka gaar ahaan Tamarta.
Mid ka mid ah dalabaadka ugu waaweyn ee Qatar ayaa ah ilaalinta amniga badda. Al-Ansari wuxuu ku tilmaamay socodka ganacsiga ee sii mara Strait of Hormuz mid "muhiim u ah amniga caalamiga ah," wuxuuna diiday in marin-biyoodkan loo adeegsado "qalab cadaadis ama gorgortan."
Shir jaraa'id oo kale oo dhacay 21-ka April, ayuu yiri Majid Al-Ansari in xaqiijinta socodka maraakiibta ee marinkaas ay tahay "mas'uuliyad wadaag ah" oo saaran dhammaan dalalka, oo aanay ahayn hawl uu hal dhinac kaliya qaato.
Qatar sidoo kale waxay taageertay dadaallada dhexdhexaadinta ee socda, waxayna ka hadashay "isku-duwid heer sare ah" oo ay la leedahay Pakistan, Mareykanka iyo dhexdhexaadiyeyaal kale, inkastoo aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Xigashada Sawirka, AL ARABIA
Sacuudiga
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In kasta oo yoolalka ama aragtida Sacuudiga ee 2030 ay yihiin in dalku helo dhaqaale ka baxsan Shidaalka hadana weli Shidaalku waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.
Khatarta sii socota ee colaadaha ayaa sii adkayn karta ama khatar gelin karta geeddi-socodka isbeddelka dhaqaalaha ee dalka.
Inkasta oo dagaalku muujiyay xaddidaadaha heshiiskii 2023 ee dhex maray Sacuudiga iyo Iran, kaas oo ay dhexdhexaadisay dowladda Shiinaha, labada dal waxay sii wadaan qaar ka mid ah xiriirrada diblomaasiyadeed.
Si kastaba ha ahaatee, warar ayaa sheegaya in dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salman uu ku dhiirrigeliyay Washington inay sii waddo weerarrada ka dhanka ah Iran ayaa muujinaya in Riyadh laga yaabo inay doorbido guul militari.
Maxamed bin Salman wuxuu 2018 ka digay: "Haddii Iran ay hesho bam nukliyeer ah, waxaan si degdeg ah u raaci doonnaa isla waddadaas."
Arrin kale oo walaac ku ah Riyadh waa taageerada Tehran ee kooxaha wakiillada uga ah gobolka , gaar ahaan dahqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee dalka dariska ah ee Yemen.
Dalkan ku yaalla Gacanka Faaris wuxuu lumin karaa mid ka mid ah marinnada muhiimka ah ee dhoofinta Shidaalka haddii Xuutiyiinta ay fuliyaan hanjabaadooda ah inay xiraan Bab al-Mandab.
Baxreyn
Baxreyn ayaa soo dhoweysay xabbad-joojinta iyo dib u furista qayb ahaan ee marinka Hormuz. Waxay sidoo kale ku baaqday in si "degdeg ah oo dhammaystiran loo joojiyo dhammaan weerarrada Iran ee aan sababta lahayn."
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Baxreyn ayaa 8-dii April ku adkaysay baahida loo qabo in la gaaro "xal waara oo xaqiijinaya in Tehran aysan helin hub nukliyeer ah," isla markaana ka hortagaya awooddeeda ay ku sameysan karto hub kale.
Dalka ayaa sidoo kale dalbaday in la joojiyo "isticmaalka Iran ee kooxaha ay taageerto iyo "faragelinta ay ku hayso gobolka."
Manama waxay ku baaqday heshiis dammaanad qaadaya "amniga duulista iyo maraakiibta caalamiga ah," oo ay ku jirto marin-biyoodka Hormuz, iyadoo xoogga saartay baahida loo qabo "xasilloonida tamarta iyo socodka xorta ah ee ganacsiga caalamiga ah."
Baxreyn sidoo kale waxay ugu baaqday Tehran inay bixiso "magdhow buuxa, wax ku ool ah oo degdeg ah dhaawacyada iyo khasaaraha ay sababeen weerarradeeda."
Kuwait
Kuwait waxay soo dhoweysay xabbad-joojinta 8-dii April, iyadoo taageertay dadaallada dhexdhexaadinta, waxayna sheegtay in geeddi-socodku uu horseedi karo heshiis dhammaystiran oo waara oo xoojiya amniga gobolka.
Kuwait waxay ku baaqday in Iran iyo kooxaheeda ay taageerto ay si degdeg ah u joojiyaan falalka colaadeed, isla markaana ay ixtiraamaan madax-bannaanida dalalka, ayna ka fogaadaan "falal wax u dhimaya xasilloonida gobolka."
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait, Sheikh Jarrah Jaber Al-Ahmad Al-Sabah, ayaa ka horyimid dadaallada Iran ee lagu doonayo in lagu xakameeyo Hormuz, isagoo sheegay in marinkaasi uu hoos yimaado heshiiska Qaramada Midoobay ee 1982 ee Sharciga Badda, kaas oo dammaanad qaadaya xaqa maraakiibta ee gudbidda.
Shir caalami ah oo ku saabsanaa marinkaas oo dhacay 17-ka April, Kuwait waxay ku adkaysay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga badda iyo in la hubiyo in Iran ay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah.
Kuwait sidoo kale waxay cambaareysay isticmaalka Iran ee gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu beegsado kaabeyaasha iyo hantida istiraatiijiga ah ee dalalka Gacanka Faaris.

Xigashada Sawirka, SKY NEWS ARABIA
Imaaraadka
Imaaraadka carabta ayaa ka mid ah waddamada Khaliijka ee qaaday mowqifka ugu adag ee dhaleeceynta ah ee ka dhanka ah Iran, isagoo ku eedeeyay Tehran "gardarro aan sabab lahayn oo sharci-darro ah." Abu Dhabi waxay sidoo kale si adag u diiday sheegashada Iran ee ah in weerarradeedu ahaayeen kuwo aargoosi ah.
Jawaab taxaddar leh oo ku saabsan xabbad-joojinta, UAE waxay ku baaqday "hufnaan dheeraad ah" si loo hubiyo "ballanqaadka Iran ee joojinta degdegga ah ee dhammaan colaadaha gobolka iyo furitaanka buuxa ee marinka Strait of Hormuz si aan shuruud lahayn."
Abu Dhabi waxay sidoo kale dalbatay "tallaabooyin dhammeystiran" oo ka dhan ah "awoodda nukliyeerka ee Tehran, gantaallada ballistic-ga, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, awooddeeda militari, iyo wakiilladeeda iyo kooxaha la xiriira ee ay ku tilmaantay argagixiso." Waxay sidoo kale ku baaqday in la joojiyo "dagaalka dhaqaale ee Iran iyo burcad-badeednimada ka socota marinka Strait of Hormuz."
La-taliyaha madaxweynaha UAE, Anwar Gargash, ayaa sidoo kale dalbaday in Iran magdhow bixiso, sida lagu sheegay qoraal uu ku daabacay shabakadda X 29-kii Maarso.
Abu Dhabi waxay sidoo kale hanjabtay inay ku biiri karto dadaallada Mareykanka ee lagu sugayo amniga marinka Hormuz si "looga hortago nidaam ay ku tilmaantay khatarta ugu weyn ee amniga Gacanka Faaris."
Cumaan
Cuman, oo muddo dheer door dhexdhexaadin ah ka ciyaari jirtay xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, ayaa si joogto ah u taageerta siyaasadda yareynta xiisadaha. Siyaasadda dibadda ee Oman waxaa lagu yaqaan halku-dhegga "saaxiib qof walba, cadowna ma leh."
Muscat waxay sidoo kale qaaday mowqif aad u adag marka loo eego qaar ka mid ah waddamada ururka is-kaashiga khaliijka ee ka dhanka ah Mareykanka, ilaa heer uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Oman, Badr bin Hamad Al Busaidi, uu muujiyay niyad-jab ku saabsan Washington kadib markii ay bilaabeen hawlgallo militari oo lagu sheegay inay carqaladeeyeen wadahadallo hore oo socday.
Wuxuu ku yiri Mareykanka: "Tani ma aha dagaalkaaga." Hadalkan ayaa yimid xilli la isla dhexmarayay in Israel ay saameyn ku lahayd go'aannada siyaasadeed ee Mareykanka ee la xiriira Iran.
Cuman waxay isku dheellitirtaa xiriirka ay la leedahay Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) iyo xiriirkeeda gaarka ah ee ay la leedahay Iran, taas oo ka dhigaysa waddan si gaar ah u dhexdhexaad ah gobolka.
Inkasta oo ay soo dhoweysay xabbad-joojinta, Cuman waxay sidoo kale ku baaqday "joojinta joogtada ah ee xaaladda dagaal" ee ka jirta gobolka, taas oo muujinaysa in ay rabto xal waara oo ka baxsan xabbad-joojin kumeelgaar ah.










