Sida ay dunidu u garab-istaagtay garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Tan iyo Markii maraykanku dalkiisa u diiday in uu galo garsooraha ciyaaraha ee Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ku socday in uu dhexdhexdaadiyo hardanka koobka adduunka ee ee sanadkaan dhacaya sheekada Cumar ayaa noqotay mid dunida oo dhan qabsatay, sida ka muuqata dhacdooyinkii waaweynaa ee dunida saamaynaayay iyo waliba kuwii Soomaaliya gudaheeda ka dhacaayay.
Dadyoow badan oo ah maqaawiirta ciyaaraha, siyaasiyiin, iyo hoggaamiyeyaasha hay'adaha caalamiga ah ayaa ka falceliyay dhacdadaan. Dadkaas waxaa kamid ah.
Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro: Wuxuu si cad uga falceliyay arrinta. Wuxuu ku dhaleeceeyay in Cumar Artan laga reebay Koobka Adduunka sababo la xidhiidha midabka maqaarkiisa ..waxuu sheegay in qofna aan loo takoorin midabkiisa sida ku dhacday Cumar Cartan.
Hillary Clinton Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee hore: Clinton waxay ku qortay barteeda Facebook ah inay Maraykanka ahayd mid "si fudud u xannibaysa saraakiisha oo ka diidaysa inay waxqabadka u yimaadaan" iyadoo martida ku ah Koobka Adduunka. Waxay ku tilmaantay go'aanka inuu yahay "aad u dambeeya" iyo "mid waxyeello ku keena" xiriirka caalamiga ah.
Tedros Adhanom Ghebreyesus Agaasimaha Guud ee WHO: Tedros ayaa qoraal ku daabacay barta X, isagoo sheegay in Cartan uu garay heerka ugu sarreeya ee xirfaddiisa isagoo noqday "garsoorihii kubadda cagta ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee halkaas gaara, isla markaana ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan Afrika. Guushaas cidina kama qaadi karto." Ayuu yidhi isagoo Tedros laba qoraal oo midna Soomaali yahay midna Ingiriis yahay ku daabacay bartiisa.

Xigashada Sawirka, OMAR ARTAN/FACEBOOK
Filippo Grandi Agaasimaha Sare ee UNHCR - Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa si cad uga hadlay arrinta Cumar Artan. Wuxuu qoraal ku daabacay barta X isagoo muujinaya taageero xooggan:
"Waxa aan muujinayaa garab-istaag Cumar Artan, garsooraha Koobka Adduunka ee Soomaaliya oo laga diiday inuu galo Mareykanka.
Waa murugo in la arko waddan weynidiisa ay ku xiran tahay hibada muhaajiriinta iyo qaxootiga oo diidaya nin hibada weyn leh."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jonathan L. Jackson oo ah Xildhibaanka Mareykanka: wuxuu qoraal ku daabacay barta X isagoo muujinaya garab-istaag Cumar Artan, waxuu yidhi "Indhaha dunidu waxay ku soo jeedaan Maraykanka iyadoo Koobka Adduunku sii dhawaanayo bilowgiisa. Halkii ay Maraykanku ka adeegsan lahaa dhacdadan isboorti ee ugu weyn dunida si uu u xoojiyo diblomaasiyadda una yareeyo kala qaybsanaanta, wuxuu si aan caddaalad ahayn u diidayaa fiisooyin.
"Mid ka mid ah 52-da garsoore ee ay FIFA u xulatay tartanka 2026, garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Aadan, ayaa ku mutaystay fursadda uu ku garsoori lahaa ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka, balse waxaa loo diiday gelitaanka Maraykanka.
Maraykanku waa inuu ixtiraamaa ruuxda ciyaarta oo uu dabaaldegaa awoodda kubbadda cagtu u leedahay inay dadka mideyso."
Olivia Chow Duqa magaalada Toronto iyo Duqa British Columbia, David Eby, ayaa sidoo kale soo jeediyay in Cumar Cartan isagoo ku yidhi in lagusoo dhaweyn lahaa Canada ayna aqbalayaan marwalba.
Sida Muqdisho u dhaqaaqdey

Xigashada Sawirka, OMAR ARTAN/FACEBOOK
Cartan wuxuu ku soo laabtay Muqdisho isagoo la soo dhaweeyay si baaxadleh. Saraakiisha xukuumadda ayaa ku soo dhaweeyay ubax, taageerayaashuna waxay ku huwiyeen calaanka Soomaaliya.
Cartan isna wuxuu u hadlay dadka isagoo leh: "Soomaaliya inaga ayaa leh. Wakhtiga fiican iyo wakhtiga adag labadaba, waxa aan doonayaa inaan dhallinyaradayada u sheego: Ha quudhsanina dalkeenna."
Marka si guud loo qiimeeyo dhacdadaan dadvbadan waxayba ku doodayaan Cumar in tani ay ka dhigtay xiddig shaacsane ah oo lagaba yaabi haddii fursad uu helo dhexdhexaadinta koobka adduunka in uu sii ahaan lahaa mid sheelan oo sheekadiisa aan cidi ogeyn, laakiin haddeer waa mid qof walba oo ciyaaraha u kuurgala uu ka dheregsanyahay, waana mid mustaqbalka si wanaagsan uu u sarrifan karo.














