You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mataano Liverbool ku dhashay oo la kala kaxeeyay "ayaa hab isasiiyay gacmahana is qabsaday" markii ay midoobeen labo isbuuc kaddib
Hooyo ayaa sheegtay inay "illin farxadeed kasoo daadatay" markii ay carruurteeda mataanaha ah dib u midoobeen labo isbuuc kaddib markii qalliin lagu kala saaray.
Laura Hough ayaa sheegtay in dhakhaatiirta ay ku wargaliyeen in gabadheeda, Neve, oo ku dhalatay culeys dhan 1lb 7oz (652g), laga yaabo in aysan noolaanin.
Laakiin walaakeeda mataanaha la ahaa, Louie, oo culeyskiisu ahaa 3lbs 3oz (1.5kg), ayaa loo geeyay dhakhtar ku takhasusay xannaanada carruurta, sidaasna waxaa lagu kala kaxeeyay mataanihii.
Miss Hough, oo 27 jir ah, kana soo jeedda magaalada Liverpool, ayaa sheegtay in midowga mataanaha uu "aad u qurux badnaa, markii la isu keenayna ay hab isasiiyeen iyagoo gacmahana is qabsadat".
"Waa mataano cajiib ah. Aad bay u awood badan yihiin. Farxaddeyda lama soo koobi karo," ayay tidhi.
Neve iyo Louie waxay ku dhasheen qalliin deg deg ah oo lagu sameeyay hooyadood oo 30 isbuuc uurkooda lahayd. Wuxuu qalliinkaas 8-dii bishan March ka dhacay ka dhacay isbitaalka haweenka ee magaalada Liverpool.
Markii hore hooyada waxay ka cabsi qabtay dhalashada carruurteeda. Sababtoo ah waxaa isbuucyadii ugu dambeeyay loo sheegay "in [Neve] laga yaabo inay noolaan weyso", laakiin waxay sheegtay in ay fiican tahay hadda.
Neve wuxuu dhiiggeeda u shaqeynayay gadaal dagaal, mana aysan heleynin nafaqo ku filan, laakiin inkastoo ay aad caato u ahayd haddana uma baahanin in Oxygen lagu xiro, sida ay sheegtay Miss Hough.
"Aad bay cajiib u tahay. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in aysan waligood arkin cunug sidaas u yar oo aan wax caawinaad ahna u baahneyn," ayay tidhi.
Hase yeeshee, mataanahan waxaa lagu xannaaneynayay labo qeybood oo kala duwan, maadaama Louie uu ku dhashay xanuunno ka heystay dhinaca sambabbada.
Miss Hough waxay sheegtay in wiilkeeda "uu hadda aad uga fiican yahay sidii hore" mataanahana ugu dambeyn la mideeyay maalintii Talaadada ahayd.
"Aad baan u argagaxay markii la kala fogeeyay islamarkii ay dhasheen, laakiin farxad ayaan la ooyay markii ay isu soo laabteen," ayay tidhi.
"Lugaha ayay isku marteen, hab ayayna isasiiyeen, iyagoo mar xitaa is qabsaday gacmaha. Aad ayay u qurux badnaayeen."
Miss Hough waxay sheegtay in dhakhaatiirtu ay rajeynayaan inay mataanahan guriga tagaan wixii loo gaaro bisha May.
"Qof walba xiiso ayuu u qabaa. Aad baan u dharareynaa inaan kusoo dhaweyno guriga," ayay tidhi.