You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Iran oo ku dhawaaqday inay diyaar u tahay wadahadal iyo dagaal labadaba

Sarkaal ka tirsan militariga Iran Mohammad Jacfar Asadi ayaa sheegay in dib u dib u qarxo dagaalka kala dhaxeeya Mareykanka ay “u badan tahay”

Kooban

Tebin toos ah

  1. Garoonka diyaaradaha ugu weyn London: Dagaalka Iran ayaa yareyn kara tirada rakaabka

    Garoonka diyaaradaha ugu weyn London ayaa ka digay in uu filayo in tirada rakaabku hoos u dhacdo inta ka harsan sannadka, sababo la xiriira hubanti la’aanta ka taagan Bariga Dhexe ee ka dhalatay dagaalka Iran.

    Mas’uuliyiinta Garoonka Heathrow ayaa sheegay in saddexdii bilood ee ugu horreysay sannadka, ku dhowaad 18.9 milyan oo qof ay ka gudbeen afarta terminal ee garoonka galbeedka London ku yaalla, taas oo ah koror boqolkiiba 3.7 ah marka loo barbar dhigo isla muddadii sannadkii hore.

    Si kastaba ha ahaatee, waxay tilmaameen in kororkan uu ka dhashay “si ku-meel-gaar ah u daboolidda baahi ka timid meelo kale”.

    Xiritaanka hawada sare ee gobolka Bariga Dhexe ka dib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen weerarro ka dhan ah Iran bishii Maarso ayaa saameyn weyn ku yeeshay duullimaadyada hawada.

    Waxaan hore u soo sheegnay in shirkadda diyaaradaha ee Maraykanka, Spirit Airlines, ay ku dhawaaqday inay musallaftay sababo la xiriira qiimaha shidaalka diyaaradaha oo si weyn u kordhay.

    Warar dheeraad ah:

  2. Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?

    Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.

    Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?

    Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da iyo doofaarka.

    Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.

    Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.

  3. Senatar ka tirsan Jamhuuriga: Trump waa inuu "dhameeystiraa shaqada" haddii Iran aysan ka jawaabin

    Senator-ka Jamhuuriga ah Lindsey Graham ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu “dhammaystiro hawsha” Iran, isla markaana uu dib u bilaabo weerarro militari haddii Tehran ay sii waddo “dabeecaddeeda kicinta ah.”

    Isaga oo la hadlayay wargeyska Ingiriiska ee Financial Times, Graham wuxuu sharxay in Mareykanku u baahan yahay inuu “furo marin-biyoodka” si uu u jebiyo ismari-waaga, isagoo tilmaamay in tani ay u baahan tahay tallaabooyin militari oo ka adag kuwii hore.

    Wuxuu yiri: “Waxaan leenahay awood aan ku kordhin karno isu- socodka maraakiibta.”

    La-taliyaha Trump ee u dhow ayaa intaa ku daray in Mareykanku uu qaadi karo “isku darka tallaabooyin kasta oo lagama maarmaan ah si loo bilaabo qulqulka” maraakiibta, isla markaana “cadaadiska laga qaado Iran.”

    Wuxuu sii raaciyay: “Haddii taasi aysan dhicin, waa inaan ka hortagnaa Iran oo aanan u oggolaan inay adduunka ku qasabto dalabyo iyo shuruudo.”

  4. Xildhibaan ka tirsan Iran: Xakamaynta marin biyoodka Hormuz ayaa ka muhiimsan hubka Nukliyeerka

    Moxamed Reza Rezaei, oo ah madaxa guddiga dib-u-dhiska ee golaha Shuurada, ayaa sheegay in maareynta iyo xakamaynta marinka Strait of Hormuz ay ka muhiimsan tahay helitaanka hub nukliyeer ah.

    Sida ay weriyay telefishinka dowladda Iran ee Al-Alam TV, Rezaei wuxuu sheegay in gacan ku dhigidda iyo xakamaynta marinkan ay tahay dalab ay qabaan shacabka Iran, isla markaana aysan ka tanaasuli doonin xuquuqdaas.

    Sidoo kale, xubin ka tirsan baarlamaanka Iran ayaa sheegay in 30% lacagaha laga qaado maraakiibta ee qorshaha maareynta marinka Hormuz loo adeegsan doono xoojinta kaabayaasha militari.

  5. Israa'iil oo ansixisay soo iibsashada diyaarado dagaal oo casri ah

    Wasaaradda Difaaca Israa’iil ayaa sheegtay in guddi heer wasiir ah uu ansixiyay qorshe lagu soo iibsanayo raxan diyaarado laba nooc oo cusub oo ah kuwa dagaalka ah ee F-35 iyo F-15IA, taas oo qiimaheedu gaarayo tobanaan bilyan oo oo ah lacagta shekel.

    Qorshahan ayaa ka mid ah casriyeynta ciidamada cirka ee Israa’iil, iyadoo lagu xoojinayo awoodda hawlgal ee diyaaradaha dagaalka ee jiilasha cusub.

  6. Trump: Waxaa jirta suurtagalnimada in Mareykanka uu dib u bilaabo weerarada ka dhanka ah Iran

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si degdeg ah u eegi doono qorshaha ay Iran soo bandhigtay, balse uu u arko inuusan ahayn mid la aqbali karo.

    Isaga oo ka jawaabaya su’aal uu wariye ku weydiiyay West Palm Beach, Florida, ka hor inta uusan u ambabixin Miami, Donald Trump wuxuu sheegay in “ay jirto suurtagalnimo ah in Mareykanku uu dib u bilaabo weerarrada ka dhanka ah Iran.”

    Horraantii, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iran Kazem Gharibabadi ayaa sheegay in Iran ay soo gudbisay soo jeedinteeda iyada oo loo marayo Pakistan oo dhexdhexaadiye ah, ujeeddaduna tahay in si joogto ah loo soo afjaro dagaalka, isla markaana “arrintu ay hadda ku jirto gacanta Mareykanka si uu u doorto dariiqa diblomaasiyadda ama uu sii wado siyaasaddiisa iska hor imaadka.”

    Donald Trump ayaa fariin uu ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay in “Iran aysan weli bixin qiimo aad u culus oo ku saabsan ficilladeeda ka dhanka ah aadanaha iyo dunida 47-kii sano ee la soo dhaafay.”

    Isaga oo ka jawaabaya su’aalaha wariyeyaasha, Madaxweynaha ayaa sheegay in lagu wargeliyay qaabka guud ee heshiiska, balse aan wali loo gudbin qoraalka faahfaahsan ee heshiiska.

    Sida ay sheegeen mas’uuliyiin Iran ah, soo jeedinta uu Trump diiday waxaa ku jira shuruudo la xiriira dib u furista maraakiibta marinka Hormuz iyo in la qaado xayiraadda Mareykanka ee Iran, halka sidoo kale la soo jeediyay in wada-hadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran dib loo dhigo ilaa marxalad dambe.

  7. Ugu yaraan todobo qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka geysatay koonfurta Lubnaan

    Ugu yaraan toddoba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen weerarro ay Israa’iil ka fulisay koonfurta Lebanon, inkastoo ay jirto xabbad-joojin socota.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale sii wada burburinta dhismayaasha ku yaalla koonfurta dalkaas, iyadoo ay ka mid tahay goob cusub oo la sheegay in la dumiyay keniisad Katoolik ah oo ku taalla tuulada xuduudda ee Yaron.

    Milatariga Israel ayaa sheegay in Xisbullah ay keniisaddaas u adeegsan jirtay in laga rido gantaallo lagu beegsado Israa’iil, balse sheegashadaas waxaa si cad u beenisay Kaniisadda Katooliga ee Lubnaan.

    Inkasta oo ay jirto heshiis xabbad-joojin ah, xiisadda xadka labada dal ayaa weli sare u sii kacaysa, iyadoo ay socdaan weerarro iyo burburin ka dhan ah kaabayaal lagu tuhunsan yahay inay la xiriiraan dagaalka.

  8. Markab siday Shidaal oo ka baxsaday ciidamadda badda Mareykanka

    Sida ay sheegtay shirkadda la socodka maraakiibta ee TankerTrackers, markab weyn oo shidaal siday oo ka tirsan shirkadda National Iranian Tanker Company ayaa lagu soo warramayaa inuu ka baxsaday dabagalka ciidamada badda ee Mareykanka, isla markaana uu gaaray Bariga Fog.

    Markabkan, oo la sheegay in magaciisu yahay “Hugh”, ayaa siday in ka badan 1.9 milyan oo foosto oo saliid cayriin ah, taas oo qiimaheedu ku dhow yahay $220 milyan.

    Warbixintu waxay sheegaysaa in markii ugu dambeysay ee la arkay uu ku sugnaa meel u dhow xeebaha Sri Lanka, in ka badan hal toddobaad ka hor. Hadda waxaa la sheegay inuu ka sii socdo marinka Lombok Strait ee Indonesia isagoo u sii jeeda Jasiiradaha Riau.

  9. Dhakhtarka Cali Khamenei: Ma uusan qabin xanuun gaar ah maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa

    Alireza Marandi, oo ahaa dhakhtarka gaarka ah ee hoggaamiyihii hore ee Iran, ayaa beeniyay in Cali Khamenei uu qabay “xanuun gaar ah oo halis ah” maalmahiisii ugu dambeeyay ee nolosha.

    Wuxuu hadalkan jeediyay kadib markii weriye uu weydiiyay warar sheegayay in Khamenei, ka hor inta aan la dilin, uu la ildarnaa xanuun uusan ka badbaadi lahayn haddii uusan ku dhiman qarax.

    Marandi ayaa sidoo kale sheegay in hku dhicin xanuunka Kansarka.”

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in marka qofku gaboobo “uu noqdo mid jilicsan oo nugul.”

    Wuxuu intaas ku daray in Khamenei uu ahaa mid“caafimaad qaba oo xaaladdiisu wanaagsan tahay” ilaa maalmahiisii ugu dambeeyay, isla markaana uu arki jiray “hal mar toddobaadkii” ilaa “ka hor dagaalka.”

  10. Israa'iil oo uga digtay dadka deegaanka in ay isaga guuraan dhowr magaalo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan

    Ciidamada Israa’iil ayaa Axaddii soo saaray digniin degdeg ah oo ku socota dadka deggan magaalooyinka iyo tuulooyinka koonfurta Lubnaan, iyagoo ku amray inay ka guuraan guryahooda oo ay u wareegaan meelaha bannaan ee ugu yaraan 1,000 mitir u jira, sida ay sheegtay Reuters.

    Ciidanka ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabi doono weerarro ka dhan ah 11 magaalo iyo tuulo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, isagoo sheegay in howlgalkaasi uu yahay mid ka dhan ah Xisbullah, sida uu qoray wargeyska The Independent.

    Magaalooyinka iyo tuulooyinka la sheegay waxaa ka mid ah Doueir, Arab Salim, Sharqieh (Nabatieh), Jebchit, Brachit, Sarafand, Dounine, Briqa, Qaqaiyat al-Jisr, Qasiba (Nabatieh), iyo Kfar Sir, sida ay werisay Al Jazeera.

    Ciidanka ayaa sidoo kale dadka deegaanka ka codsaday inay ugu yaraan 1,000 mitir ka fogaadaan magaalooyinkooda iyo tuulooyinkooda, kuna sugaan meelaha bannaan.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ka dhan ah Hezbollah kadib waxa ay ku tilmaameen jebinta heshiiska xabbad joojinta, iyagoo ka digay in qof kasta oo lagu arko meel u dhow dagaalyahannada ama xarumaha kooxda uu halis gali karo.

    Israai’l ayaa weli sii wada duqeymaha cirka ee koonfurta Lubnaan, halka ciidamadeedu ay haystaan dhul ku yaalla koonfurta dalkaas, iyagoo burburinaya guryo ay ku sheegaan inay yihiin kaabayaal ay isticmaasho Xisbullah.

    Dhanka kale, kooxda hubeysan ee ay Iran taageerto ee Xisbullah ayaa sidoo kale sii wada weerarro ay ku qaadayso diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ay ku beegsaneyso ciidamada Israa’iil ee ku sugan Lubnaan iyo waqooyiga Israa’iil.

  11. Cawaaqibka dagaalka Iran; shirkadda Diyaaradaha Mareykanka ee Spirit oo musalaftay

    Kadib markii qiimaha shidaalka diyaaradaha uu sare u kacay dagaalka Iran awgiis, shirkadda diyaaradaha Mareykanka ee Spirit Airlines ayaa ku dhawaaqday inay musalaftay oo ay kacday.

    Rakaab badan oo ku sugan Mareykanka ayaa ku xayirmay garoomada, kadib markii shirkaddu ay gudbisay codsi musalafnimo, iyadoo ku guuldareysatay inay ka hesho taageero deyn-bixiyeyaasha qorshe badbaadin ah.

    Rakaabka ayaa sheegay in aan loo soo bandhigin wax lacag celin degdeg ah si loogu magdhabayo khasaaraha soo gaaray, xitaa aan aga bixin kharashaadka hoteellada ee dadka ku xayirmay.

    Musalafidda degdegga ah ee shirkaddu ku dhawaaqday habeenkii Jimcaha ilaa Sabtida ayaa timid kadib markii qiimaha shidaalka diyaaradaha uu laba jibbaarmay, taas oo ka dhalatay dagaalka laba bilood socday ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran.

    Dhanka kale, shirkadda EgyptAir ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii Xajka ee ka imaanayay Mali, iyadoo sabab uga dhigtay qiimaha shidaalka oo sare u kacay iyo walaacyo amni kadib weerarro maleeshiyaad ah oo dhacay toddobaadkii hore.

  12. Xiisad ka dhex-qaraxday Spain iyo israa'iil

    Dowladda Spain ayaa cambaareysay xiritaanka mid ka mid ah muwaadiniinteeda oo ay Israa’iil xirtay.

    Ninkan ayaa ka mid ah laba qof oo u ololeeya Falastiin oo weli xiran, kuwaas oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa kolonyo gargaar oo u socotay Gaza, balse lagu qabtay meel ka baxsan xeebaha Giriigga.

    Ciidamada Israa’iil ayaa xiray laba qof, oo ay ku jirto muwaadin u dhashay Brazil, iyagoo ku qabtay biyaha caalamiga ah kadibna u gudbiyay Israa’iil si “su’aalo loo weydiiyo”.

    Dad kale oo badan oo markii hore lagu qabtay markabka ayaa la sii daayay.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Spain, José Manuel Álvarez, ayaa ku tilmaamay xariggaas “sharci darro”, wuxuuna ka digay in tallaabadaasi ay sii xumeyn karto xiriirka labada dal.

    Israai’l ayaa sheegtay in dadkaasi ay xiriir la leeyihiin urur u shaqeeya magaca Xamaas.

    Kolonyada, oo ujeedkeedu ahaa in la jebiyo xayiraadda Israa’iil ee Gaza lana geeyo gargaar bani’aadamnimo, ayaa markii hore dhalisay cambaareyn caalami ah, iyadoo in ka badan 170 qof oo u ololeeya arrintan la xiray.

    Warar dheeraad ah:

  13. Iran oo seheegtay inay diyaar u tahay wadahadal iyo dagaal labadaba

    Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Iran, Maxammed Jafar Asadi, ayaa sheegay in isku dhac cusub oo dhex mara Iran iyo Mareykanka ay“u badan tahay” inuu dhaco, iyadoo ay weli taagan tahay ismari-waaga wadaxaajoodyada nabadda iyo dhaleeceynta Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay soo jeedintii ugu dambeysay ee Iran ee wadahadallada.

    Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ee Iran ayaa ka soo xigatay Asadi, oo ka tirsan xarunta taliska Khatam al-Anbiya ee ciidanka Iran, isagoo yiri:“Isku dhac cusub oo dhex mara Iran iyo Mareykanka waa suurtagal, caddeymo badanna waxay muujinayaan in Mareykanku aysan ka go’neyn wax ballanqaadyo ama heshiisyo ah.”

    Dhanka kale wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan Kazem Gharibabadi ayaa sheegay in Iraan ay dagaal iyo wadahadal labada diyaar u tahay.

    Warar dheeraad ah: