Ciidamada dowladda Yemen oo sheegay inay galeen qaybo ka mid ah marinka Baab al-Mandab.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay inay qaadeen weerar istiraatiiji ah oo looga dan leeyahay in dib loogu qabsado magaalada Sanca.
Ciidamadan ayaa sheegaya inay weerar istiraatiiji ah ku qaadeen caasimadda Yemen, isla markaana ay isku dayayaan inay Sanca kala wareegaan kooxda Xuutiyiinta.
Telefishinka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale soo weriyay duqeymo cirka ah oo Sacuudigu ka geystay magaalada Sanca.
Dhanka kale, sida ay sheegeen laba il-wareed oo dhanka milatariga ah, ciidamada dowladda Yemen ayaa sidoo kale weeraray goobo ay Xuutiyiintu ku sugnaayeen oo ku yaalla gobolka Dhubab, kaas oo ku teedsan marinka badda ee Bab al-Mandab.
Sida uu sheegay Majid Abdullah Nazili, oo ah afhayeenka ciidamada dowladda Yemen, qaybihii ugu horreeyay ee ciidamada ayaa gaaray aagga Bab al-Mandab, waxayna la wareegeen gacan ku hayntooda.
Shalay, dowladda Yemen ayaa ku dhawaaqday billowga hawlgal lagu magacaabo "Waqtiga Soo-bixitaanka Qorraxda Yemen", kaas oo looga golleeyahay in dib loogu qabsado dhulalka ay gacanta ku hayaan Xuutiyiintu.
Wuxuu bartiisa X (oo hore loo oran jiray Twitter) ku qoray in ka dib markii gobolkaas la hareereeyay, ay maleeshiyaadka Xuutiyiintu ku baxsadeen doonyo.



















