7 xaqiiqo oo muhiim ah oo ku saabsan curcurkaaga, kuwaas oo tilaami kara xanuunkaaga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaab-nololeedka casriga ah ayaa saameyn xun ku yeelanaya kala-goysyada gacmaheenna. Dhammaanteen waa inaan tallaabooyin qaadnaa sidii aan arrintan uga hortagi lahayn. Daryeelka nafteena inta aynu weli da'da yar nahay ayaa arrintan wax ka tari kara.
Dhibaatadani waxay ku bilaabataa xanuun yar. Xaaladda way sii xumaatay xilligii xagaaga, ilaa heer ay gaartay in garaacista kubadda iyadoo la adeegsanayo raakedka teniska, ama xitaa isku-dayga furidda albaabka, ay keenaan xanuun aad u daran iyo barar ku dhaca gacantayda bidix.
Waxa aan jiray 18 sano. Ciyaarista tennis-ka ee heerka tartanka waxay ahayd qayb muhiim ah oo ka mid ah noloshayda. Laakiin dhaawac ayaa i gaaray. Dhaawacaas ayaa dhibaato igu hayay sanado badan.
Hadda, ku dhawaad labaatan sano ka dib, dhaawacaas hore ayaa i geliyay khatar sare oo ah inuu igu dhaco xanuunka kala-goysyada (arthritis) ee curcurka.
Dhibaatooyinka noocan ah ayaa ku badan dadka da'da dhexe iyo kuwa waayeelka ah.
Kala-goysyada gacmaheenna ayaa leh awood weyn oo ay kula qabsan karaan xaalado kala duwan.
Waxay leeyihiin awood ay ku qaadaan oo ah rikoor caalami ah, dabacsanaan ay ku celin karaan kubbadaha ka imaanaya jihooyin aan la filayn oo laga ciyaaro ciyaaraha raakedka (racquet sports), iyo awood ay si fudud ugu qaban karaan hawlaha u baahan saxnaan iyo feejignaan, sida sawir-qaadista.
Laga soo bilaabo qorista kumbuyuutarka ilaa qabashada koobka qaxwaha, curcurku wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa nolol-maalmeedkeenna. Sidoo kale, si fudud oo degdeg ah ayuu u dhaawacmi karaa.
Taasi waa sababta aan ugu baahannahay inaan caafimaadkooda daryeelno waqti ka hor inta aynaan filayn. Aan eegno sida aynu mustaqbalka u ilaalin karno caafimaadka kala-goysyada gacmaheenna oo aynu uga ilaalin karno xanuunka.
1. Waxyaabaha ay u nugulyihiin iyo dheellitirnaanta
Waxa aan u aragnaa curcurka mid ka kooban hal kala-goys oo keliya, balse dhab ahaantii waa qaab-dhismeed adag oo ka samaysan kala-goysyo badan oo yaryar. Kuwaas waxaa ka mid ah siddeed lafood oo yaryar oo loo yaqaanno *carpal bones*, laba lafood oo dhaadheer oo ka tirsan qaybta hoose ee gacanta, iyo qaybaha hoose ee shanta lafood ee *metacarpal* ee ku yaalla calaacasha gacanta.
"Xidid kasta oo isku haya lafaha curcurka iyo laf kasta oo curcurka ku xirta lafaha gacanta sare, aad bay u jilicsan yihiin waxayna ku jiraan xaalad dheellitiran," ayuu yiri Andrew Abadir, oo ah kaaliye bare oo ka tirsan Jaamacadda South Florida. "Marka dheellitirkaas uu khalkhal galo, waa xilliga ay bilaabato inay curcurka ku dhacaan xanuunka kala-goysyada ee loo yaqaanno *arthritis*," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2- Calaacasha gacantaadu waxay sharraxayaan mustaqbalkaaga
Ilaalinta curcurka (gacanta) caafimaad qabta waxay kaa caawin kartaa ka hortagga xanuunka kala-goysyada. Waxaa jira noocyo badan oo kala-goysyada ah.
Noocyada ugu badan ee saameyn kara aagga gacanta waa rheumatoid arthritis, osteoarthritis, xanuunka kal goyska ka ka dambeeya dhaawaca xanuunka kala-goysyada oo ka dhasha.
Labada nooc ee ugu dambeeya waxay dhacaan marka carjawda u dhaxaysa lafaha yaryar ee gacanta ay xumaato, ama marka lafuhu lumiyaan isku-xidhnaantooda dabiiciga ah.
Dhibaatooyinkan waxa sidoo kale sababi kara saameynta muddada dheer ee dhaawacyadii hore u soo gaaray lafaha iyo seedaha gacanta, iyo weliba barar joogto ah oo ka dhasha shaqo-gacmeedka soo noqnoqda.
Mareykanka, toddobadii qofba mid ayaa la ildaran xanuunka kala-goysyada (arthritis-ka) ee gacmaha. Marka hore laga yaabee inaanay u muuqan arrin weyn, balse waxay adkeyn kartaa labbiska iyo cunista cuntada. Waxayna sababi kartaa walwal.

Xigashada Sawirka, Getty Images
3. Sidee loogu diyaargaroobaa?
Jehan Kim oo ah dhakhtarka qalliinka lafaha oo ka tirsan Icahn School of Medicine ee Mount Sinai ee New York ayaa soo jeediyay in sameynta isbeddelada cuntada ay gacan ka geysan karto ka hortagga xaaldaha cafaimaad ee yareeyo awoodda lafaha.
Waxa uu sheegay in dhibaatadan looga hortagi karo cunista cuntooyinka hodanka ku ah kalshiyamka macdanta, kalluun yar oo leh laf dhabar, iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo.
Waxa uu sheegay in dufanka xad-dhaafka ah ee jirka uu carqaladeeyo dheelitirka dabiiciga ah ee kala-goysyada curcurka, waana in taxaddar la sameeyo si looga hortago in dufanka xad-dhaafka ah uu ururo.
Larson wuxuu sheegay in jimicsiga fudud ee guriga lagu sameeyo aysan kaliya hagaajin karin caafimaadka curcurka, laakiin sidoo kale ay yareyn karto dhibaatooyinka.
4. Kordhi xoogga muruqyada garabka
Muruqyada garbahaaga waxaa loo yaqaan deltoids. Waxay u muuqaan karaan kuwo aan la xiriirin curcurkaaga, laakiin xoojinta murqaha gacantaada waxaa ka faa'iideysan kara curcurkaaga, ayuu yiri Larson. Wax walba laga bilaabo garabkaaga ilaa curcurkaaga waxay u shaqeeyaan sida silsilad.
"Wax kasta oo aad sameyso waxay ku lug leehiin isticmaalka gacantaada oo dhan, ee ma aha curcurkaaga oo keliya," ayuu yiri Larson. "Haddii garbahaagu daciif yihiin, waxay saameyn ku leedahay curcurkaaga. Markaa haddii aad xoojiso xoogga garabkaaga, waxa aad gacan ka geysan kartaa inaad ilaaliso curcurkaaga caafimaad."
Si aad u xoojiso muruqyada garabkaaga, istaag meel dheer iyadoo gacantaadu dhinac u soo jeeddo. Gacantaada ha toosanaato ama si yar usoo laab dhanka xusulka. Si tartiib ah gacantaada kor ugu qaad kor, ka dibna si tartiib ah hoos ugu dhig. Samee toban qaybood oo tan ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
5. Xooji awoodda gacantaada
Jimicsiyada lagu xoojinayo awoodda qabsashada ayaa hagaajin kara shaqada gacantaada (gaar ahaan aagga curcurka). Tani waxay ku lug leedahay xoojinta muruqyada xusulka, kuwaas oo loo yaqaanno *flexors* (muruqyada laabista) iyo *extensors* (muruqyada kala-bixinta).
Daraasado badan ayaa muujiyay in jimicsigani uu leeyahay faa'iidooyin waaweyn, xitaa dadka horey u qabay dhibaatooyinka curcurka. "Dhammaan muruqyada xusulkaagu waxay ku xiran yihiin labada dhinac ee curcurkaaga, sida nidaamka jiidista ee loo yaqaan *pulley*," ayuu yiri Abadir.
Jimicsigan, waxa aad isticmaali kartaa kubbad gaar ah oo gacanta lagu jimciyo dawooyin gacanta lagu jilciyo ama xitaa kubbad tennis-ka ah.
6. Curcurka - iyada oo aan lagu qaadin waxyaabo culus
Sida laga soo xigtay Kim, jimicsi kale oo yareyn kara cadaadiska curcurka waa in si tartiib tartiib ah loogu daro miisaanka curcurka ka dibna la laabo oo la toosiyo.
Tani waxay sidoo kale xoojisaa lafaha ku jira aagga curcurka. Waxay kaa caawin kartaa inaad ka fogaato dhibaatooyinka caafimaad ee muddada dheer. Waxay kaa caawin kartaa inaad ka fogaato cudurrada sida kuwa lafaha baabi'yo. "Lafaha ayaa xoogeysta marka la geliyo cadaadis. Waxay dib isu dhisaan iyagoo xoog badan leh. Waxay sidoo kale siisaa habdhiska lafaha xoog cusub," ayuu yiri Abadir.
Ka hor inta aadan bilaabin, xusulkaaga saar miiska. Kadib, gacantaada hoos uga laalaadi geeska miiska. Gacantaada ku qabo miisaan culeyskiisu u dhexeeyo saddex ilaa shan rodol. Kadib, miisaanka u soo jiid dhinacaaga adigoo isticmaalaya curcurkaaga. Markaas ka dib hoos u dhig.

Xigashada Sawirka, Getty Images
7. Dhaqdhaqaaqyada iyo muujinta dareenka
Ugu dambeyntii, waxa jira jimicsiyo kuuwaas oo hagaajiya shaqada curcurka iyo sidoo kale nidaamka oo dhan. Sida fidinta laalaabka, kuwaas waxaa sidoo kale lagu samayn karaa miis miisaan leh ama iyadoo la kaashanayo xarig cadaadis leh.
Gacantaada saar miiska iyadoo suulkaagu kor u jeedo. Kadib wareeji gacantaada si calaacashaadu u siman tahay miiska. Kadib ku noqo booska caadiga ah. Mar labaad, gacantaada u wareeji jihada kasoo horjeeda si calaacashaadu kor ugu jeeddo. Samee toban qaybood oo tan ah.
Abaadir waxa uu arrintan ku tilmaamay in ay tahay mid dunida laga yaqaan oo gacmaheenna ay inta badan isku boos ku jiraan, sababtoo ah waxa aan waqti badan ku qaadannaa Laptop-yada iyo Taleefannada.
Caafimadka gacmaheena ayaan u qaadanaa wax iska caadi ah. Laakiin waxaynu ogaanaa shayga qiimaha uu leeyahay marka aynu wayno, waxa aanan taasi xaqiiqsadaa markii ay gacantayda shaqada joojisay muddo dheer.
























