Australia oo baareysa xiriir ay sheegtay in uu ka dhaxeeyo ninkii weeraray duuliyihii Flydubai iyo dalkeeda

Xigashada Sawirka, Reuters
Mas'uuliyiinta Australia ayaa baaraya xiriirka uu duuliye-ku-xigeenka shirkadda FlyDubai ee isku dayay inuu la wareego diyaarad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ku sii jeedday Israa'iil uu la leeyahay dalka.
Sida uu sheegay xafiiska xeer-ilaalinta Imaaraadka Carabta, duuliye-ku-xigeenka ayaa weeraray duuliyaha isagoo adeegsanaya faaska arimaha degdegga ah ee diyaaradda xilli ay ku jireen duulimaad ka yimid Dubai oo ku sii jeeday Tel Aviv, balse rakaabka ayaa ku guuleystay inay ka adkaadaan oo ay la wareegaan maamulka diyaaradda.
Booliiska Federaalka Australia ayaa bayaan ay u direen BBC-da ku xaqiijiyay inay baarayaan "xiriirka ninkaas uu la leeyahay Australia."
Bayaanka ayaa lagu sheegay in booliiska gobolka iyo Hay'adda Amniga Qaranka ay iyaguna ka qayb-qaadanayaan baaritaanka, isla markaana macluumaad dheeraad ah la bixin doono "waqtiga ku habboon."
Mas'uuliyiinta Australia weli ma aysan shaacin aqoonsiga duuliye-ku-xigeenka, balse dhowr hay'adood oo warbaahin ah, oo ay ku jiraan Reuters, CNN, iyo New York Times, ayaa magaciisa ku sheegay Hammam Al-Hamami, kaas oo u dhashay dalka Cumaan.
Il-wareedyo la hadlay warbaahinta Australia ayaa sheegay in duuliyaha labaad la siiyay fiisaha ardaynimo sannadkii 2014-kii, uuna wax ku bartay Australia intii u dhaxaysay 2015 iyo 2017 ka hor inta uusan dalka ka bixin.
Warbaahinta ABC Australia ayaa sheegtay in fiisaha ardaynimo ee duuliyaha labaad la baabi'iyay sannadkii 2019-kii, maadaama uusan markaas ku jirin wax koorsooyin waxbarasho ah, sidaas darteedna uusan u qalmin inuu haysto.
Hay'adaha la-dagaallanka argagixisada ayaa baaraya in fikirka xagjirnimada lagu beeray intii uu joogay Australia iyo in kale, sida ay sheegtay ABC.
Xeer ilaaliyaha Imaaraadka Carabta ayaa wali baaraya dhacdada iyo sababaha suurtagalka ah.
Duulimaadkii Dubai-Tel Aviv ee Sebtembar 30 waxaa saarnaa in ka badan 170 rakaab ah.
Sida laga soo xigtay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Imaaraadka Carabta, diyaaraddu si lama filaan ah ayay u lumisay joogga qiyaastii 5,200 mitir laba saacadood iyo bar ka dib markii ninku bilaabmay in uu weeraro duuliyaha.
Kabtan Smith Macchar, duuliyaha diyaaradda, ayaa sharraxay sida, isagoo dhaawac ah oo ku jira qolka, in uu u ogaaday in diyaaraddu ay dhacayso haddii aan tallaabo la qaadin: "Waxaan naftayda ku iri waa inaan sameeyaa dadaalkii ugu dambeeyay ee aan ku furi lahaa albaabka gudaha," taasoo u ogolaatay rakaabka inay galaan qolka.
Laba duuliye oo kayd ah ayaa markaa si nabad ah diyaaradda ugu dejiyay Sacuudi Carabiya.

Xigashada Sawirka, Embassy of India in Israel
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muwaadinka u dhashay Hindiya oo lagu magacaabo Smith Machar ayaa markii ugu horreysay loo qaaday isbitaal u dhow garoonka diyaaradaha ee Sacuudi Carabiya, ka dibna diyaarad helikobtar ah ayaa loogu qaaday Abu Dhabi. Xaaladdiisa hadda waa la soo sheegayaa inay deggan tahay.
Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in duuliyaha labaad la xiray ka dib markii ay si degdeg ah u degtay diyaaraddu. Wuxuu ahaa dhaawac sidaas darteed waxaa markii hore loo qaaday isbitaal.
Kaaliyaha duuliyaha ayaa markaa laga wareejiyay Sacuudi Carabiya una gudbiyay Imaaraadka Carabta. Reuters ayaa werisay in wakiillada Israa'iil ay sidoo kale su'aalo weydiin doonaan.
Hamad Saif Al Shamsi, oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Imaaraadka Carabta, ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in baaritaanno ay socdaan si loo caddeeyo faahfaahinta iyo ujeeddooyinka, iyo sidoo kale xiriir kasta oo suurtagal ah oo la xiriira dhacdada.
Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee rasmiga ah ee Imaaraadka, Mr. Al Shamsi wuxuu sheegay in baaritaannadu ay muujinayaan in duuliyaha labaad uu damacsanaa inuu fuliyo "fal argagixiso."
Maalmihii ka dambeeyay weerarka, faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan taariikhda shaqada duuliyaha labaad ayaa soo baxday.
Warbaahinta Mareykanka ayaa werisay in Hammam Al-Hammami laga saaray tababarka duuliyeyaasha intii uu ku sugnaa Oman Air sababo la xiriira walaac laga qabo aragtidiisa xagjirnimada waxaana loo xilsaaray boos kale oo diyaaradda qaranka ee Oman ah.
Waxaa sidoo kale la shaaciyay inuu dhiganayay koorso waxbarasho oo noline ah oo uu ka baranayay Jaamacadda New of Buckinghamshire ee UK tan iyo 2020.
Jaamacadda ayaa sheegtay inuu ka qalin jabiyay 2023 isagoo haysta shahaadada maamulka duulista laakiin uusan wax tababar duuliye ah ka helin xarunta.

























