War deg deg ah, Arrin khatar ku ah hooyooyinka uurka leh oo la shaaciyay iyo sababta
Xigashada Sawirka, Thinkstock
Mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan
isbeddelka cimilada ayaa ka digay in kulaylka daran uu khatar weyn ku yahay
haweenka uurka leh iyo dhallaanka.
Simon Stiell oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay
in kulaylka daran ee la xiriira isbeddelka cimilada uu sii kordhayo xiriirka uu
la leeyahay dhalmada xilli hore, dhalmada ilmo dhintay iyo dhibaatooyin
caafimaad oo ku dhaca hooyooyinka.
Waxaa la filayaa inuu sidaas u sheego ergooyinka shirka
isbeddelka cimilada ee ka dhacaya Fiji, isagoo xiganaya daraasad cusub oo
muujisay in ku dhawaad saddex-meelood meel afar ka mid ah khubarada caafimaadka
hooyada ay sheegeen in shantii sano ee la soo dhaafay ay kordheen
dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha kulaylka daran.
War deg deg ah, Maxaa ka soo kordhay ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo Xabsi ku jira
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kumannaan taageerayaal ah oo u ololeynaya sii deynta
ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa ku wajahan caasimadda
Islamabad.
Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo caafimaadka Khan oo
73 jir ah. Qoyskiisa ayaa sheegay in araggiisa isha midig uu si weyn u
daciifay, iyagoo ku eedeeyay maamulka xabsiga inuu ku guuldarreystay inuu qaado
tallaabooyinka caafimaad ee loo baahnaa.
Khan, oo hore u ahaa xiddig cricket-ka ah, ayaa sannadkii
hore lagu xukumay 17 sano oo xabsi ah iyadoo loo haysto kiis musuqmaasuq ah.
Isaga ayaa sheegay in dhammaan dacwadaha lagu soo oogay ay yihiin kuwo
siyaasadeysan.
Inkasta oo uu xiran yahay, Khan weli waa shaqsi saameyn
weyn ku leh siyaasadda Pakistan, waxaana dibadbaxyada taageerayaashiisa hore
uga dhashay rabshado dhimasho sababay.
Dibadbaxyada Axaddii ka billowday magaalada Lakki Marwat
ayaa hakad galay habeenkii, waxaana la filayaa inay dib u bilowdaan galabta.
Xisbiga PTI ayaa sheegay in wada-hadalladii dowladda ay
fashilmeen, kaddib markii maamulka uu diiday codsigooda ahaa in loo oggolaado
inay la kulmaan Khan si ay ugala tashadaan arrimaha siyaasadda iyo dalka.
Xisbiga ayaa sidoo kale dalbaday in Khan si degdeg ah loo
baaro caafimaadkiisa, lana siiyo daaweyn ku habboon.
War deg deg ah, Israa'iil oo hoggaamiye Ingiriiska ka soo jeeda ka mamnuucday dalkeeda
Xigashada Sawirka, EPA
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegtay inay ka
mamnuucday in dalka uu galo Zach Polanski, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Green
Party ee Britain.
Arrintan ayaa timid kaddib markii xisbiga Green Party uu
ansixiyay mooshin uu ku tilmaamaya “Sahyuuniyadda” cunsuriyad.
Inta badan xubnaha xisbiga ayaa taageeray mooshinka intii
lagu jiray shirkii sannadlaha ahaa, inkastoo qaar ka mid ah madaxda xisbiga ay
kasoo horjeesteen.
Golaha Wakiillada Yuhuudda Britain iyo Golaha Hoggaanka
Yuhuudda ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ku tilmaamidda Yuhuudda iyo
hay’adaha Yuhuudda Britain inay yihiin cunsuriyiin ay sii hurinayso nacaybka
Yuhuudda ee dalka.
Madaxa xubnaha Yuhuudda ee Green Party ayaa sheegay inuu
dib u eegayo xubinnimadiisa xisbiga.
Ra'iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoogaainayo ayaa saaka gaaray degmada Ballanballe ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagu soo dhaweyay.
Sababta uu ra'iisul wasaaruhu u tagay Ballanbal ayaa lagu sheegay in uu ka qayb galayo shir dib u heshiisiineed oo loo qabanayo beelaha wada dega Waqooyiga gobaolkaas Galgaduud.
Muddooyinkii la soo dhaafay gobolkaas waxaa ka dhacayay dagaallo u dhaxeeyay beelaha halkaa wada dega, iyadoo inta badan colaadda halkaasi ay salka ku hayso aanooyin qabiil.
Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa la filayaa
inuu ku dhawaaqo doorasho baarlamaan oo degdeg ah, xilli uu maanta jeedinayo
khudbad laga sii daawan doono telefishinka.
Sánchez ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajahayay cadaadis
sii kordhaya, kaas oo xoogaystay kaddib markii dowladdiisu Jimcihii ku
guuldarreysatay cod muhiim ah oo ku saabsanaa tallaabooyin guryaha la xiriira.
Tallaabooyinkan ayaa la diyaariyay kaddib dibadbaxyo dalka
oo dhan ka dhacay, kuwaas oo looga soo horjeeday in haweeney 87 jir ah laga
saaro gurigeeda, kadib markii kirada si weyn loo kordhiyay.
Dowladda Sánchez ayaa sidoo kale wajahaysa fadeexado iyo
dacwado maxkamadeed oo saameeyay xisbiga Socialist Party iyo qaar ka mid ah
xulafadiisa dhow.
Ra’iisul wasaaraha Spain ayaa hadda aan haysan aqlabiyad
baarlamaan.
War deg deg ah, Mareykanka oo weerar ku laayay dad doon saarnaa
Xigashada Sawirka, Pete Hegseth on X
Taliska Mareykanka ee Koonfurta ayaa Axaddii, weerar ku
qaaday doon kuwa dheeraysa ah oo uu
sheegay inay ku shaqaynaysay waddooyin loo adeegsado tahriibinta daroogada ee
Kariibiyaanka.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in afarta qof ee doonta
saarnaa, oo uu ku tilmaamay “argagixisada daroogada”, lagu dilay weerarka.
Si kastaba, Mareykanku ma uusan shaacin nooca daroogada
ama caddeymaha muujinaya waxa doonta ay sidday.
Hawlgallada noocan ah ayaa hore loogu dhaleeceeyay dhinaca
sharciga caalamiga ah, iyadoo qaar ka mid ah khubarada ay ku eedeeyeen
Mareykanka inuu galay dambiyo dagaal.
Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaa sheegay in dagaalka ka
dhanka ah daroogada iyo in kooxaha daroogada lagu daray liiska ururrada
“argagixisada ah.
War deg deg ah, Dowladda Yemen oo xuutiyiinta ku qaadday weerarro tiro badan
Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda Yemen ayaa
sheegay in ay qaadeen 1,122 weerar oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay
leeyihiin Xuutiyiinta, oo ay ku jiraan goobo madaafiic, gantaallo iyo xarumo
talis.
Majid Cabdullaahi Nazili ayaa qoraal uu ku daabacay
barta X ku sheegay in weerarrada loo adeegsaday diyaarado dagaal, diyaaradaha
aan duuliyaha lahayn, gantaallo, madaafiic iyo hoobiyaal.
Wuxuu sheegay in weerarradu ka dhaceen gobollada
Saada, Al-Jawf iyo Tacis, iyo sidoo kale deegaannada xeebaha Yemen.
Sida uu sheegay, ku dhawaad 1,747 xubnood oo ka tirsan
Xuutiyiinta ayaa lagu dilay weerarradaas.
Cirbad ragga ka hor istaagaysa in ay dhalaan iyo dood ka dhalatay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalmahan, tijaabo ay sameeyeen Golaha Baaritaanka Caafimaad ee Hindiya (ICMR) ayaa qabsatay caalamka.
Tijaabadan caafimaad ee cirbadda dhalmada joojisa ee ragga ayaa la sameeyay kaddib toddobo sano oo baaritaan ah oo haatan soo gabagaboobay.Tan micnaheedu waa in haatan la ansixiyay isticmaalka cirbaddan.
ICMR ayaa sheegtay in cirbaddan aysan lahayn wax saameyn taban ah ayna aad waxtar u leedahay.
Maxay dareemaan ragga iyo dumarku marka ay Timuhu ka daataan?
Xilli fiid ah, anigoo isu diyaarinaya dhalashada saaxiibaday, 17 maalmood kaddib fadhigeygii ugu horreeyay ee Kimikada ee kansarka naasaha, timahaygu waxay bilaabeen in ay si kedis ah ugu daataan Musqusha qubayska ee hoteelka.
In kasta oo aan xidhnaa koofiyada, si ay timaha u badbaadiso, haddana ii ma shaqayn. Luminta timahayga waxay iiga xanuun badnayd xataa naaskii la iiga jaray qalliinka, sababtoo ah waxaan ogaaday in timuhu ay qayb ka ahaayeen aqoonsiga qofnimadayda.
War deg deg ah, Cabsi darteed guryaheenna ma seexanno
Xigashada Sawirka, Social Media
Dadka ku nool magaalada Wasagu iyo ku dhawaad toddobo
magaalo oo kale oo ka tirsan deegaanka Danko/Wasagu ee gobolka Kebbi ee Nigeria
ayaa weli wajahaya dhibaato ka dhalatay kooxaha hubeysan.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inaysan
guryahooda seexan muddo shan bilood ah, halka xaaladda amnigu ay sidoo kale
caqabad ku noqotay goosashada iyo gaadiidka dalagyadooda.
Khamiistii, in ka badan 20 qof ayaa laga soo daadgureeyay
beerahooda, kadib cabsi laga qabay weerarro.
Booliska Nigeria ayaa sheegay inay tallaabooyin qaadayaan
si wax looga qabto xaaladda, iyagoo la shaqeynaya dowladda gobolka Kebbi.
Qof deegaanka ah ayaa BBC u sheegay in magaalada Wasagu ay
cabsi iyo qalalaase ka jiraan.
Wuxuu yiri: “Meel kasta oo aad Wasagu ka baxdo ama aad ka
soo gasho, waad ogaan kartaa inaad bixi karto, balse ma garanaysid inaad si
nabad ah ugu soo laaban karto, sababtoo ah kooxahan hubeysan meel kasta ayaad
kula kulmi kartaa.”
War deg deg ah, Dhamaan dadkii saarnaa diyaarad badda ku burburtay oo laga cabsi qabo in ay dhinteen
Xigashada Sawirka, Getty Images
Lix qof oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen shil
diyaaradeed
Lix qof oo saarnaa diyaarad caafimaad oo Sabtidii ka
duushay Bermuda kuna sii jeeday Boston ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen,
kadib markii diyaaraddii ay la socdeen ay ku dhacday badda.
Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa Axaddii hakiyay
baadigoobkii loogu jiray dad ka badbaaday shilka, kaas oo ka dhacay meel u dhow
jasiiradda Nantucket ee gobolka Massachusetts.
Diyaaradda ayaa la waayay wax yar kadib 1:00 habeenimo,
waxaana markii dambe la helay cadad la xaqiijiyay in ay yihiin burburka diyaaradda.
Shirkadda Latitude Air Ambulance ayaa sheegtay in
diyaaradda ay saarnaayeen afar muwaadin oo Canadian ah iyo laba muwaadin oo
Bermuda ah.
War deg deg ah, Shir ka dhacay Sacuudiga oo looga hadlayo xaaladda Yemen
Xigashada Sawirka, AFP
Caasimadda Sacuudiga ee Riyad ayaa Isniinta maanta ah
martigelin doonta kulan ay yeelanayaan dalalka xubnaha ka ah “Heshiiska Maka ee
Difaaca Wadajirka ah”, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda, kulanka
waxaa ka qaybgalaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, Wasiirka
Difaaca Yaşar Güler iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga Selçuk
Bayraktaroğlu, iyo sidoo kale wakiillo ka socda Sacuudiga iyo Pakistan oo iyaguna
saxiixayaasha heshiiska ka mid ah.
Kulanka ayaa looga hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyay
ee gobolka iyo horumarka laga sameeyay dadaallada lagu xoojinayo isbahaysiga,
iyo sidii loo siin lahaa qaab hawleed rasmi ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa Jimcihii sheegay
in Iran ay muujisay inay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato dadaallada
dhexdhexaadinta siyaasadeed ee lala xiriirinayo fallaagada Xuutiyiinta,
arrintaas oo la filayo in kulanka looga hadlo.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Yemen, oo
Sacuudigu taageero, ay ku dhawaaqday inay bilowday howlgallo militari oo
waaweyn oo ka dhan ah kooxda Ansar Allah ee Xuutiyiinta, oo Iran taageerto,
iyadoo ujeeddadu tahay in dib loogu soo celiyo saameynta iyo gacan-ku-haynta
deegaannada ay kooxdaasi maamusho.
War deg deg ah, Iran oo haweenka u tababaraysa in ay dalkooda difaacaan
Xigashada Sawirka, EPA
Xero gaar ah oo haweenka lagu barayo sida loo
isticmaalo hubka iyo gargaarka degdegga ah ayaa laga sameeyay magaalada Tehran,
xilli madaxda Iran ay muwaadiniinta ku boorrinayaan inay diyaar u noqdaan inay
“naftooda u huraan difaaca dalka.”
Axaddii, fagaaraha Imam Xuseen ee caasimadda Tehran
waxaa lagu qabtay tababarkii ugu horreeyay ee noocan ah oo si gaar ah loogu
talagalay haweenka.
Tobannaan haween ah ayaa ka qayb galay tababarka,
iyagoo xiran dharka dhaqanka ee haweenka Iran, kaas oo jirka oo dhan daboola
marka laga reebo wejiga.
Tababarka ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda Bariga
Dhexe ay sii kordhayso, isla markaana qiimaha saliidda ee suuqyada caalamka uu
sare u kacayo.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in tababarku yahay
mid lagu diyaarinayo muwaadiniinta xaaladaha degdegga ah, isla markaana lagu
xoojinayo awoodda bulshada ee is-difaaca haddii ay timaaddo khatar ku wajahan
amniga qaranka.
Hase yeeshee, tallaabadan ayaa dad badan u fasireen
inay astaan u tahay diyaar-garowga Iran ee wax looga qabanayo xiisadda ka
taagan gobolka.
Xigashada Sawirka, EPA
War deg deg ah, War cusub oo ka soo kordhay duuliyihii Flydubai ee dhawaan duuliyaha kale weeraray
Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta CBS, oo ah bahwadaagta BBC ee Mareykanka, ayaa
soo xigatay ilo xog-ogaal u ah baaritaanka dhacdadii diyaaradda Flydubai,
kuwaas oo sheegay in duuliyihii labaad ee lagu eedeeyay inuu weeraray duuliyaha
koowaad, isagoo isku dayay inuu diyaaradda ku soo rido dhulka Israel, ay u
badan tahay inuu kaligiis falkaas waday.
Si kastaba, baaritaanka dhacdada iyo sababihii ka
dambeeyay ayaa weli socda, iyadoo aan wali la soo saarin warbixin rasmi ah ama
caddeymo la xiriira arrinta.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wariyeyaasha u
sheegay inuu ilo ka maqlay in dhacdadu ay “la xiriirtay Iran”, balse ma uusan
soo bandhigin faahfaahin ama caddeyn, isagoo sheegay in baaritaanku weli socdo.
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa
dhankiisa sheegay inuusan aaminsanayn in duuliyihii labaad uu damacsanaa inuu
afduubo diyaaradda.
Israel ayaa horay u sheegtay in duuliyaha labaad uu
saameyn ku yeeshay “fikirro Islaami ah oo xagjir ah”.
Maxay dadka qaar ay si lama filaan ah uga soo kacaan hurdada 3 habeennimo?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Weligaa ma soo kacday si lama filaan ah bartamaha habeenkii, ka dibna ma ku dhibtootay inaad dib u seexato?
Sababo kala duwan ayaa internetka lagu sheegaa inay keenaan soo-kicidda saacadda 2-da ama 3-da subaxnimo – sida walwalka, hormoonnada, arrimaha ruuxiga ah ama dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.
War deg deg ah, TPLF oo si ku-meelgaar ah uga baxday Mekelle iyo wararkii ugu dambeyyay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda TPLF ee ka talisa gobolka Tigray ee waqooyiga
Itoobiya ayaa sheegtay inay si ku-meelgaar ah uga baxday caasimadda gobolka,
Mekelle, iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidamada federaalka iyo TPLF ay ku sii
dhowaanayaan magaalada.
TPLF ayaa sheegtay inay go’aanka uga baxday Mekelle si ay
uga fogaato khatarta soo wajahaysa dadka rayidka ah.
Laba qof oo magaalada ku sugan ayaa BBC u sheegay in
ciidamada dowladda ay hadda gacanta ku hayaan Mekelle, halka ciidamada TPLF ay
ka baxeen magaalada. Mid ka mid ah dadkaas ayaa sidoo kale sheegay in adeegga
taleefannada gacanta uu dib uga shaqeynayo qaybo ka mid ah magaalada.
Dagaallo ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday
qaybo ka mid ah Tigray, Afar iyo Amhara, kuwaas oo u dhexeeya TPLF, ciidamada
dowladda federaalka iyo maleeshiyaad xulafo la ah.
Xaaladda ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in
dagaalladu sii xumeeyaan xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana ay ku lug
yeeshaan dalalka deriska ah.
Mareykanka ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay
“is-xakameyn” iyo “wadahadal” ka hor kulan diblomaasiyadeed oo Axadda ka
dhacaya Masar, kaas oo ay ka qeyb galayaan hoggaamiyeyaal ka socda qaar ka mid
ah dalalka deriska la ah Itoobiya.
Dowladda Yemen oo dagaal ku dhawaaqday iyo xaaladda oo ka sii dari karta
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Madaxweynaha dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay
ayaa ku dhawaaqay dagaal buuxa, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay in
Xuutiyiinta laga qabsado dhammaan dhulalka ay gacanta ku hayaan.
Xuutiyiinta oo Iran taageerto ayaa sheegay inay weerareen
goobo ay leedahay shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco, iyagoo sheegay inay
jawaab u ahayd 50 duqeyn oo isbahaysiga Sacuudigu ku qaaday Yemen muddo 12
saacadood ah. Sacuudigu weli kama uusan hadlin eedeymahaas.
Ku dhawaaqista dowladda Yemen ayaa timid kaddib weerarkii
Xuutiyiinta ee bishii hore, markaas oo ay la wareegeen qaybo ka mid ah xeebaha
dalka, oo u uku jiro marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.
War deg deg ah, Mareykanka oo diyaaradihiisa dagaalka kala baxay saldhig muhiim ah iyo xog dheeri ah oo laga helayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa
xaqiijisay in dhammaan diyaaradaha dagaalka ee nooca B-1 ee Mareykanka ay dib
ugu laabteen dalkaas, kaddib markii ay ka baxeen saldhigga cirka ee RAF
Fairford ee Britain.
Wargeyska Wall Street Journal ayaa markii hore warkan
baahiyay, waxaana saacad kaddib xaqiijiyay Pentagon-ka oo sheegay in sababo
amni awgood aan hore loo shaacin dhaqdhaqaaqa diyaaradaha iyo ciidamada.
War-saxaafadeed ay Pentagon-ku soo saartay xalay ayay ku
sheegtay in diyaaradaha duqeynta ee Mareykanka, oo ay ku jiraan B-1, B-2 iyo
B-52, ay weli diyaar u yihiin inay weerarro sax ah ka fuliyaan meelo kala duwan
oo caalamka ah, xitaa iyagoo ka duulaya gudaha Mareykanka kuna soo laabanaya
saldhigyadooda.
Wall Street Journal ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid la
xiriirta walaaca amni ee ka dhashay dhacdo ka dhacday meel u dhow saldhigga
Fairford toddobaadkii hore. Dhowr qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen
qorshe weerar ayaa la xiray, balse markii dambe damiin ayaa lagu sii daayay.
Booliska Britain ayaa sheegay in baaritaanno lagu sameeyay saddex gaari aan
laga helin waxyaabo qarxa, marka laga reebo shidaal.
Intii uu socday baaritaanku, Israel, Mareykanka iyo
Britain ayaa Iran ku eedeeyay inay ku lug lahayd dhacdada, balse Tehran ayaa si
adag u beenisay eedeymahaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji,
ayaa ka jawaabay hadallo uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham,
isagoo yiri “sii deynta dadka la tuhunsanaa ayaa wax badan muujinaysa”.
Horey, intii uu socday dagaalkii Mareykanka ee Iran,
Tehran ayaa Britain ku dhaliishay in Mareykanku saldhigga Fairford u adeegsaday
weerarro ka dhan ah Iran. Waxay sidoo kale sheegtay inay xaq u leedahay inay
beegsato saldhig kasta oo militari oo Mareykanku adeegsado.