TOOS, Toogashada labaad oo ka dhacday Thailand maalmo gudahood iyadoo xildhibaan hore uu rasaas ku furay dhisme dowladeed

Wax dhimasho ah lama xaqiijin, balse wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in laba qof ay si daran ugu dhaawacmeen toogashada oo la sheegay inuu geystay xildhibaan hore

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Toogasho labaad oo ka dhacday Thailand maalmo gudahood

    Markii uu toogashada geystay, ayaa waxaa uu wacay barmaaji YouTube ah si uu ugu sheego waxa uu sameeyay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Markii uu toogashada geystay, ayaa waxaa uu wacay barmaaji YouTube ah si uu ugu sheego waxa uu sameeyay

    Xildhibaan hore oo u dhashayThailand ah ayaa Isniinta maanta ah rasaas ku furay mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka, kaddibna wuxuu wacay barnaamij YouTube ah isagoo wariyeyaasha u sheegay waxa uu sameeyay.

    Booliiska ayaa sheegay in la xiray Chalong Reawraeng, oo hore uga tirsanaa baarlamaanka dalka, kana soo jeeday gobolka Nonthaburi. Qofkii uu toogtay, Thongchai Yenprasert, ayaa ah madaxa Ururka Maamulka Gobolka Nonthaburi.

    Thongchai ayaa isbitaalka la dhigay, waxaana sidoo kale isbitaalka loo qaaday darawalkiisii oo isaguna rasaas lagu dhuftay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadooduba ay si daran u dhaawacmeen.

    Dhacdadan ayaa timid maalmo yar kaddib toogasho kale oo ka dhacday isla gobolkaas. Wiil dhalinyaro ah ayaa markaas gurigiisa iyo iskuulkiisa ku dilay toddobo qof, kaddibna isagii ayaa is dilay. Weerarkaas ayaa noqday toogashadii ugu dhimashada badnayd ee Thailand ka dhacda tan iyo sanadkii 2022-kii.

    Ilaa hadda ma muuqato wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada weerar.

    Waxaan idiin soo gudbin doonnaa wararkii ugu dambeeyay ee halkan kala socda.

  2. Kurdiyiinta Turkiga oo shuruud ku xiray heshiis ay la galaan dowadda

    Mid kamid ah dagaalamayaasha PKK

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mid kamid ah dagaalamayaasha PKK

    Kooxda hubaysan ee Kurdiyiinta ee PKK ayaa dhaliishay hindise sharciyeed ka socda Turkiga, kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaaddii tobannaan sano jirtay ee u dhexaysay kooxda iyo dowladda.

    Bayaan ay hoggaanka PKK soo saareen Axaddii ayay ku sheegeen, in sharcigu leeyahay cillado waaweyn.

    Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay lama huraan tahay in hoggaamiyaha PKK, Cabdullaahi Öcalan, laga sii daayo xabsiga, halkaas oo xabsiga lagu hayay tan iyo sanadkii 1999.

    Hindise-sharciyeedka ayaa la filayaa in Isniinta la horgeeyo baarlamaanka Turkiga. Haddii la ansixiyo, PKK waa la kala diri doonaa, taa beddelkeeda, dagaalyahanno badan oo hore uga tirsanaa kooxda ayaa laga ilaalin doonaa in dacwad lagu soo oogo, halka qaar kalena xukunnadii xabsiga laga joojin doono.

    Qowmiyadda Kurdiyiinta waa mid ka mid ah dadka asalka ah ee dhulka siman iyo buuraha Mesopotamia, halkaas oo hadda u kala qeybsan Koonfurta-Bari ee Turkiga, Waqooyi-Bari Suuriya, Waqooyiga Ciraaq, Waqooyi-galbeed Iraan, iyo Koonfur-Galbeed Armenia.

    Sidoo kale akhriso;

  3. Qorrax madoobaad la filayo isbuucan gudihiis iyo meelaa uu ka dhici doono

    Qorrax madoow

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Qorrax madoow

    Waxaa Arbacada, 12-ka Agoosto la filayaa inuu ka dhaco qaybo kala duwan oo dunida ah qorrax madoobaad. Meelaha qaar ayaa laga arki doonaa madoobaad buuxa, halka meelo kalana laga arki doono madoobaad qayb ah.

    Haddii aadan si toos ah xitaa u arki karin, waxaa jiri doono muuqaallo cajiib ah oo ay suurtagal tahay in laga baahiyo meelo kala duwan oo dunida ah.

    Madoobaadka qorraxda ayaa dhaca marka dayaxu u dhaxeeyo dhulka iyo qorraxda, taas oo xannibaysa qayb ama dhammaan iftiinka qorraxda ee ina soo gaara.

    Noocyo kala duwan ayaa jira oo madoobaadka qorraxda ah. Nooca aad arki doonto wuxuu ku xiran yahay meesha aad ka joogto Dhulka iyo masaafada u dhexeysa Dayaxa iyo Dhulka.

    Madoobaadka qorraxda ee xiga ayaa la filayaa inuu dhico Arbacada, 12-ka Agoosto.

    Madoobaadka buuxa ayaa la filayaa in laga arki doonaa: Waqooyiga Ruushka, Greenland, Iceland, Isbayn iyo Boortaqiiska.

    Madoobaadkan lagama arki doono Turkiga. Madoobaadka qorraxda ee xiga ee laga daawan karo Turkiga wuxuu noqon doonaa madoobaad qayb ahaan ah, kaas oo dhici doona 2-da Agoosto, 2027.

    Sida ay sheegtay NASA, madoobaadka buuxa wuxuu ka bilaaban doonaa duhurnimada meel yar oo fog oo ku taalla waqooyiga Ruushka. Kadibna iyadoo Dhulku wareegayo, madoobaadku wuxuu u gudbi doonaa dhinaca Isbayn, halkaas oo laga arki doono fiidkii wax yar ka hor qorrax-dhaca.

    Muddada madoobaadka buuxu waxay noqon doontaa mid aad u gaaban, wax ka yar laba daqiiqo iyo bar.

    Qaybo ka mid ah waqooyiga Maraykanka, Kanada, waqooyi-galbeed Afrika, iyo meelo badan oo Yurub ah waxay arki doonaan madoobaad qayb ahaan ah, iyadoo meelo qaarkood in ka badan 90% Qorraxda la dabooli doono.

    Dhacdadan waxay sii noqon doontaa mid gaar ah, maadaama qaybo ka mid ah Afrika iyo qaaradda Yurub ay arki doonaan madoobaad ku beegan qorrax-dhac, taas oo macnaheedu yahay in Qorraxdu qayb ahaan madoobaan doonto iyadoo dhacaysa.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  4. Iiraan oo hoggaamiye cusub u magacawday Golaha Sare ee Amniga Qaranka

    Mohsen Rezaei

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, Mohsen Rezaei

    Iiraan ayaa hoggaamiye cusub u magacawday Golaha Sare ee Amniga Qaranka. Mohsen Rezaei waa taliye hore oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iiraan, waxaana hadda loo magacaabay door muhiim ah oo uu ku yeelan doono go’aaminta sida Iiraan u wajahdo colaadda kala dhexeysa Maraykanka iyo Israa’iil.

    Mr. Rezaei ayaa hore u sheegay in ay muhiim u tahay Iiraan inay sii haysato gacan-ku-haynta marin-biyoodka Hormuz, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay ka muhiimsan tahay in la helo hub nukliyeer ah.

    Maadaama uu muddo dheer soo hayay xilal sare oo dalka ah, magacaabistiisa waxaa loo arkaa calaamad muujinaysa in jiilkii hore ee siyaasadda Iiraan ay weli awoodda hayaan, inkastoo ay jireen saadaallo ahaa in dhowaan xilalka sare loo dallacsiin doono siyaasiyiin da’yar.

  5. Lix dawo oo lagu iibiyo farmashiyeyaasha Soomaalida oo hoos u dhiga awoodda raganimada

    Kiniiniyo kala duwan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kiniiniyo kala duwan

    Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.

    Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.

    Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

    Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.

    Xanuun-baabi'iye

    Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.

    Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?

    Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.

    Daawada walwalka

    Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.

    Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada. Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga.

    Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.

  6. Sidee Iiraan uga falcelisay heshiiska Makka ee Pakistan,Sacuudiga iyo Turkiga saxiixeyn?

    Sidee Iiraan uga falcelisay heshiiska Makka ee Pakistan,Sacuudiga iyo Turkiga saxiixeyn?

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in heshiisku uusan Iiraan xilligan si toos ah khatar ugu ahayn, iyadoo mas’uuliyiinta Iiraan ay xoogga saarayaan dhinaca heshiiska iyo xallinta arrimaha kala dhexeeya Maraykanka.

    Heshiiska saddex-geesoodka ah ayaa lagu dhawaaqay in ka badan shan bilood kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen duqeymo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo sababay dagaal si degdeg ah ugu fiday waddamada Khaliijka, isla markaana carqaladeeyay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.

    Si kastaba ha ahaatee, Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa taxaddar weyn muujiyay si aysan u carqaladeyn ama uga hor imaan dhinac kasta oo gobolka ama caalamka ah, xilli ay soo gabagabeynayeen heshiiskan oo ay sheegeen inuu ka dhashay sannado badan oo shaqo iyo wada-xaajood ah.

    Waxay carrabka ku adkeeyeen in heshiisku oo aan si gaar ah uga dhex muuqan halis amni uusan ka dhan ahayn waddan gaar ah, gaar ahaan Iiraan, isla markaana uusan burin ama beddelin heshiisyo kale oo hore ay ula galeen dhinacyo kale.

    Jawaabta ay Tehraan illaa iyo hadda waa mid diblomaasiyadeed oo degan, iyadoo mas’uuliyiintu xoogga saareen iskaashiga gobolka iyo kan Muslimiinta, iyo sidoo kale waxa ay u arkaan inuu yahay heshiiskan mid muujinaya in hoos uu ku yimid saameyntii Mareykanka ee waddamadaan.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbas Araghchi, ayaa Jimcihii yiri "marka Muslimiintu midoobaan, waxaan si wadajir ah uga hortagi karna caqabad kasta oo ay dibadda noogu soo maleegaan dhinacyo xun.”

    “Waa waqtigii aan isku tiirsanaan lahayn oo keliya, isla markaana aan qaadan lahayn walaaltinimada dhabta ah,” ayuu ku qoray bartiisa X, isaga oo aan si toos ah u xusin heshiiska saddex-geesoodka ah ee ay kala saxiixdeyn Sacuudiga, Pakistaan iyo Turkiga.

  7. Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka oo shaaciyey maraakiibta ay leexiyeen tan iyo bilowgii cunaqabateynta

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka oo shaaciyey maraakiibta ay leexiyeen tan bilowgii cunaqabateynta

    Xigashada Sawirka, CENTCOM

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) oo maamula howlgallada milatari ee Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa sheegay in tan iyo markii la bilaabay xannibaadda badeed ee ka dhanka ah Iiraan ay “leexiyeen 55 markab oo ganacsi, ayna joojiyeen laba markab” iyagoo rasaas ku furay.

    CENTCOM ayaa qoraal ay ku daabacday barta X ku sheegtay in markabkaas iyo in ka badan “20 markab dagaal oo Mareykan ah ay ka hawlgalaan Bariga Dhexe si ay u taageeraan howlgallada milatari oo ay ku jirto fulinta iyo hubinta cunqabateynta Mareykanku ku soo rogay Iiraan,” iyadoo qoraalka lagu lifaaqay sawir ay ka muuqdaan badmaaxiinta markabka dagaalka ee USS Ross.

    CENTCOM ayaa sidoo kale sheegtay in intii lagu guda jiray fulinta xannibaadda badeed ciidamada Mareykanku ay fuuleen laba markab.

    Sii akhri

  8. Trump: "Iiraan wax lacag ah ma haysto".

    Trump: "Iiraan wax lacag ah ma haysto".

    Xigashada Sawirka, truthsocial.com/@realDonaldTrump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu ku daabacay barta Truth Social ku sheegay in Iiraan ay adduunka ku wadday “51 sano oo dhaqan xumo ah.”

    Trump ayaa sidoo kale soo bandhigay sawir muujinaya hoos-u-dhaca weyn ee ku yimid qiimaha lacagta rialka Iiraan.

    Sawirku wuxuu muujinayaa hoos-u-dhaca qiimaha rialka laga soo bilaabo bilowgii sannadka 2025 ilaa maanta.

    Trump waxa uu sawirka cinwaan uga dhigay “Iiraan lacag ma haysato, isaga oo intaas raaciyey “Lacagtoodu wax qiimo ah ma leh.”

    Sii akhri

  9. Subax wanaagsan

    Kusoo dhowoow baahinteenna tooska ee maanta oo halkaan innooga bilaabaneysa!

    Waxaad halkaan kala socon kartaa wararkii ugu dambeeyey gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba