Maxaan ka ognahay shuruudaha lixda ah ee ay Iiraan ku xirtay Mareykanka?

Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Iiraan ayaa Sabtidii sheegtay in heshiis ay Cumaan kala gasho oo ku saabsan habaynta maraakiibta maraysa marin-biyoodka Hormuz uu soo dhow yahay, balse heshiiskaasi uusan ku filnaan doonin in marin-biyoodka dib loo furo. Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Iiraan ay weerartay markab kale oo halkaas marayay.

Mohammad Baqer Zolghadr, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, ayaa sheegay in marin-biyoodka Hormuz uusan furmi doonin ilaa Mareykanku uu buuxiyo lixda shuruudood ee Tehran.

Shuruudahaas waxaa ka mid ah in la fududeeyo cunaqabateynta, in Iiraan la siiyo magdhowga khasaaraha dagaalka, in si degdeg ah loo soo afjaro go'doominta badda ee lagu hayo dekedaha Iiraan, in la joojiyo hanjabaadaha ka dhanka ah Iiraan iyo in la sii daayo hantida dalka ee la xannibay.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hadallada Zolghadr, inkastoo ay inta badan ku celinayaan dalabyo ay Tehran hore u soo bandhigtay, ay muujinayaan in mowqifka Iiraan uu adkaanayo marka laga hadlayo wadaxaajoodyada ku saabsan marin-biyoodka Hormuz.

Hadalladan ayaa imanaya xilli Iiraan iyo Cumaan ay maalmihii u dambeeyay wadaxaajoodyada ku saabsan habraacyada cusub ee maraakiibtu u mari doonaan marin-biyoodka Hormuz ku tilmaameen kuwo "wanaagsan oo wax dhisaya".

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sidoo kale sheegay in wadaxaajoodyada Cumaan ay marayaan marxaladdoodii ugu dambeysay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in heshiis la gaaro aysan ka dhignayn in marin-biyoodka Hormuz isla markiiba dib loo furi doono, isagoo sheegay in dib-u-furistiisu ay "ku xiran tahay shuruudo kale".

Maalin ka hor, weriyaha Axios Barak Ravid ayaa sheegay, isagoo soo xiganaya diblomaasi ka tirsan mid ka mid ah dalalka dhex-dhexaadinaya, in gorgortamayaasha Iiraan ay sugayeen oggolaanshaha ugu dambeeya ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan si loo soo gabagabeeyo heshiiska ay la galayaan Cumaan iyo Mareykanka.

Iiraan

Xigashada Sawirka, JAMARAN NEWS

Diblomaasiga ayaa sheegay in oggolaanshahaas la filayo in la bixiyo "dhowaan".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Reuters ayaa sidoo kale soo werisay, iyadoo soo xiganaysa sarkaal Mareykan ah, in horumar laga sameeyay wadaxaajoodyada u dhexeeya Iiraan iyo Cumaan ee ku saabsan marin-biyoodka Hormuz, isla markaana Washington ay filayso in heshiis dhowaan la gaaro.

Sida uu sheegay sarkaalka, Mareykanku wuxuu qaadi doonaa go'doominta lagu hayo dekedaha Iiraan kaddib marka lagu dhawaaqo heshiis dammaanad qaadaya in maraakiibta ganacsigu si aan wax caqabad ah lahayn uga gudbi karaan marin-biyoodka Hormuz.

Hadalladii ugu dambeeyay ee Mohammad Baqer Zolghadr ayaa muhiim ah, maadaama uu yahay xoghayaha isla hay'adda la sheegay inay Tehran ka gaari doonto go'aanka kama dambaysta ah ee heshiiska.

Dhanka kale, waxaa soo baxay warar la xiriira suurtagalnimada in Zolghadr uu iska casilo xilka xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan.

Wararka ayaa sheegaya inuu gudbiyay istiqaaladiisa, balse Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian uu ka hor yimid, isla markaana ka codsaday inuu xilka sii hayo.

Markii wax laga weydiiyay wararkaasi, Pezeshkian wuxuu yiri: "Waxaa jira khilaafaadyo dhowr ah oo aan isku dayeyno inaan xallinno." Faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin nooca khilaafaadkaas.

Cumaan oo cambaareysay weerarrada maraakiibta

Cumaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cumaan ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay weerarro soo noqnoqday oo lagu qaaday maraakiib xilli ay marayeen marin-biyoodka Hormuz, balse ma aysan cid gaar ah dusha ka saarin mas'uuliyadda. Waxay sidoo kale sheegtay in wadaxaajoodyada ay Iiraan kala leedahay habaynta maraakiibta mara Hormuz ay yihiin kuwo "wanaagsan oo wax dhisaya".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa sheegtay: "Cumaan waxay carrabka ku adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay in laga fogaado tallaabo kasta oo saameyn karta wadaxaajoodyadan iyo horumarka la gaaray, iyadoo la tixgelinayo danaha dhammaan dhinacyada."

Araqchi ayaa sheegay in nidaamkii hore ee kala hagista marinnada maraakiibta ee marin-biyoodka uusan Tehran hadda ka sii aqbali karin, isla markaana Iiraan ay Cumaan kala hadlayso waddo ku-meel-gaar ah, inta laga xallinayo arrimaha farsamo iyo sharci ee la xiriira waddo joogto ah.

Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian, oo loo arko siyaasi dhexdhexaad ah, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in hadda ay tahay waqtigii ugu habboonaa ee heshiis la gaari lahaa.

Wakaaladaha wararka Iiraan ayaa soo xigtay isagoo leh: "Waxaa dalka ka jira isku duubni, awood iyo midnimo, inta aan ogahayna, Iiraan waxaa loo arkaa inay dagaalkan ku guuleysatay oo ay awood badan leedahay."

Iiraan ayaa ka jawaabtay weerarrada Mareykanka iyadoo beegsatay saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dalalka Khaliijka iyo Urdun, sidoo kalena weerarro ku qaaday maraakiibta maraysa marin-biyoodka cidhiidhiga ah ee Hormuz. Kahor dagaalka, marin-biyoodkaasi waxaa mara ku dhowaad shan meelood meel shixnadaha saliidda iyo gaaska adduunka.

Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii sheegay in Iiraan ay gantaal ku weerartay markab xamuul ah oo xiriir la leh shirkadda shidaalka ee dowladda Imaaraadka, xilli uu marayay marin-biyoodka Hormuz. Wax dhaawac ah lagama soo sheegin weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta halkaas marayay.

Hay'adda UKMTO ee la socota ganacsiga badda ee Britain ayaa sheegtay in markab uu dab qabsaday kaddib markii lagu dhuftay wax gantaal ama hub ah oo aan la aqoonsan, balse dabkii la damiyay, mana jirin wax saameyn ah oo deegaanka ah oo la soo sheegay.

Mas'uuliyiinta Iiraan isla markiiba kama aysan hadlin dhacdadan.

Toddobaadyadii u dambeeyay, maamulka Trump ayaa marar badan tilmaamay in heshiis lagu furayo marin-biyoodka Hormuz uu soo dhow yahay, balse Iiraan ayaa mar kasta beenisay in wadaxaajoodyo socdaan. Weli lama oga in dadaalladan wadaxaajood ee ugu dambeeyay ay horseedi doonaan heshiis waara.

Sarkaalka Mareykanka ah ayaa Jimcihii Reuters u sheegay: "Marka lagu dhawaaqo heshiis lagu soo celinayo maraakiibta ganacsiga si aan wax caqabad ah lahayn, Mareykanku wuxuu qaadi doonaa go'doominta dekedaha Iiraan."

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ay ku xirnaan doonaan sida Iiraan u fuliso ballanqaadyadeeda.