Sacuudiga oo diiday heshiisyada Abraham Accords — Wall Street Journal

Heshiiska Makka

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wargeyska ka soo baxa Maraykanka ee Wall Street Journal, ayaa qoray magaal ku saabsan "Heshiiska Makka" kaas o ahaa mid difaac oo wadajir ah oo ay kala saxiixdeen saddexda dal ee Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan, iyadoo sidoo kale wargeyska ka soo baxa Inrgiiska ee The Telegraph uu isna qoray maqaal ku saabsan khatarta Xuutiyiintu ku hayaan marinka Bab al-Mandab.

Waxaan ku bilaabaynaa maqaalka lagu daabacay Wall Street Journal, kaas oo cinwaankiisu yahay "Sacuudiyiintu way diideen Heshiisyada Abraham". Maqaalku wuxuu tilmaamayaa in heshiiska difaaca ee Maka ee ay la galeen Turkiga iyo Pakistan uu muujinayo aragti ka duwan tii hore.

Wargeysku wuxuu maqaalka ku bilaabayaa in isbahaysi cusub oo gobolka ah uu ka samaysmayo Bariga Dhexe, kaas oo loogu yeeri karo "Heshiisyada Maka."

Laakiin isbahaysigan cusub "ma aha isbahaysigii Sacuudiga, Israa'iil iyo Imaaraadka ee Maraykanku rajaynayay," balse waa "heshiis difaac oo wadajir ah oo ay Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan Jimcihii ku kala saxiixdeen magaalada barakaysan ee Maka."

Saddexda dal ee Sunni-ga ah waxay ku heshiiyeen in weerar hubaysan oo lagu qaado mid ka mid ah dalalkaas loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood.

Muxuu heshiiskani ka dhigan yahay?

Wargeysku wuxuu maqaalkiisa ku soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo lagu fahmi karo waxa Heshiiska Maka dhab ahaan uga dhigan yahay dhulka iyo saamayntiisa iyo dhinacyadiisa kala duwan.

Maqaalku wuxuu walaac ka muujinayaa Turkiga iyo Pakistan oo loo arko inay ka labalabeeyaan arrimaha la xiriira la-dagaallanka argagixisada. Wuxuu leeyahay wargeysku.

"Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan wuxuu martigeliyaa oo ammaanaa Xamaas, isagoo xubnaheeda ku tilmaama 'dagaalyahanno quduus ah', halka xiriirka Pakistan ay la leedahay Taalibaan iyo Al-Qaacida, marka ugu wanaagsan ee loo tilmaami karo, uu yahay ciyaar laba-geesood ah. Masarna waxay si cad uga gaabsatay inay ku biirto heshiiskan."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maqaalku sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyaa in saddexdan dal ay xulafo la yihiin Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sidoo kale sheegayaa in "Sacuudigu, marka uu dooranayo saaxiibbadiisa iyo xulafadiisa, uu doonayo inuu xiriirka iyo awoodda gobolka si ka dheellitiran ula macaamilo Iiraan."

Sida lagu xusay maqaalka: "Sacuudigu wuxuu kala duwanaynayaa xulafadiisa iyo saaxiibbadiisa, taasoo muujinaysa in kalsoonidii uu ku qabay Washington, oo ahayd ilaaliyihiisa, ay hoos u dhacayso xilli uu jiro dagaal lala xiriirinayo Iiraan. Sacuudigu wuxuu sannad kasta ku bixiya difaaca qiyaastii $80 bilyan, taasoo aad uga badan lacagta ay Israa'iil ku bixiso difaaca, isla markaana si weyn uga badan tan ay Iiraan ku bixiso."

Wuxuu intaas ku darayaa:

"Heshiiskan cusub waxaa laga yaabaa inuusan wax saameyn dhab ah ku yeelan xaaladda dhabta ah ee dhulka. Ma jiraa qof u malaynaya in Turkiga iyo Sacuudigu ay u degdegi doonaan goobta dagaalka iyagoo hubkooda wata marka xigta ee Hindiya iyo Pakistan ay isweydaarsadaan weerarro?"

Maqaalka wargeysku wuxuu leeyahay:

"Tani waxay noqon kartaa qodobka ugu muhiimsan. Heshiiskani ma aha Qodobka 5-aad ee NATO, marka gantaallo Iiraan ka soo duulaya lagu soo tuuro Sacuudiga, wicitaannadu waxay tagayaan Washington, ee ma tagayaan Ankara, Islamabad ama xitaa Beijing. Taasina waa arrinta ugu muhiimsan."

Ugu dambayn, maqaalku wuxuu ku doodayaa:

"Marka quwad weyn ay daciifto ama ay dib u gurato, quwadaha gobolku waxay bilaabaan inay samaystaan qorshayaal iyo heshiisyo u gaar ah. Tani waxay noqon kartaa arrin wanaagsan, maadaama quwadaha maxalliga ahi ay tahay inay qaataan qayb weyn oo ka mid ah masuuliyadda. Laakiin waxay sidoo kale noqon kartaa arrin xun marka xulafadu ay raalli-geliyaan cadowgayaga oo ay raacaan dano ka hor imanaya danahayaga. Waxa halkan ka dhacaya waxay u muuqataa inay ka tirsan tahay suurtagalnimada labaad," sida uu qabo aragtida wargeysku.

Heshiiska Makka

Xigashada Sawirka, Reuters Via SPA

Arrintan marka laga hadlayo, falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in heshiiskan ay saddexdan dal gaareen uu shaki la'aan muhiim yahay, balse aan la oran karin wax walba ayaa heshiiskan ka dib is beddeli doona.

Kadib heshiiska, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, isagoo qoraal ku daabacay barta bulshada ee X, wuxuu caddeeyay in heshiiska difaaca ee ay kala saxiixdeen Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga uu yahay heshiis "aan ka dhan ahayn dal gaar ah."

Diblomaasi hore oo Pakistani ah, Imran Ali, ayaa sheegay in heshiiskani uu aad muhiim ugu yahay marka la eego xaaladda Bariga Dhexe iyo hamiga Israa'iil ee gobolka.

Isagoo la hadlayay BBC News Urdu, Imran Ali wuxuu sheegay in Ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil uu dhowr bilood ka hor sheegay in cadowga dhabta ah ee Israa'iil uu yahay "Isbahaysiga Sunni-ga" ee ka dhex samaysmaya Pakistan, Turkiga iyo Sacuudiga.