TOOS, Iiraan oo wacad ku martay in aysan ogolaan doonin in kiimikada Nukliyeerka laga qaado gudaha dalkeeda.

Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa kulan uu la yeeshay Asim Munir, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan, ku sheegay: “Xitaa hal qurub oo ka mid ah walxaha nukliyeerka ee la kobciyay laga bixin doonin Iraan”.

Kooban

  • Iran oo sheegtay inay Mareykanka wada-hadallo kula jirto iyada oo loo marayo Pakistan iyo Qatar
  • Trump: Waa inaan go'aamiyaa sida aan Iran uga adkaan lahayn, si kasta oo ay xaaladdu u adkaato
  • Cabbaas Araqchi: "Weli waxaan Mareykanka kula jirnaa wadaxaajood aan u mareyno Pakistan iyo Qadar"
  • Abiy Ahmed oo sheegay in Eritrea wajihi doonto cawaaqib xun hadii ay sii waddo 'ku tiirsanaanta wadamada kale'
  • Soomaali ku dhimatay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobol lagu muransan yahay oo u dhaxeeyay Koonfurta Suudaan iyo Suudaan

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo shaacisay inay wax ka beddeshay nidaamkeedii hore ee is difaaca, maxayse samaynayaan

    Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in caqiidada difaaca Iran ay markii hore ahayd mid ku salaysan is-difaacid, isla markaana ay sheegi jireen in haddii dal soo weeraro ay ka jawaabi doonaan, balse hadda ay leeyihiin haddii dal soo weeraro ay ka jawaabi doonaan, sidoo kalena ay iyagu weerari doonaan.

    Sareeye Guuto Hossein Mohebbi, oo sharraxayay siyaasaddan, ayaa wakaaladda wararka u sheegay: “Caqiidadeennu mar dambe ma ahaan doonto mid weerar toos ah ku salaysan, balse waxay noqon doontaa mid aan sinnayn (asymmetric). Waxaan cadowga u weerari doonnaa qaab ka dhigaya inuu garwaaqsado culayska iyo baaxadda tallaabooyinkayaga.”

    Maalmihii u dambeeyay, iyadoo ay sii xoogaysanayaan hanjabaadaha milatari ee Israa’iil iyo Maraykanka, ayaa mas’uuliyiinta Iran waxay dhankooda adeegsadeen hadallo hanjabaad ah oo ay kaga jawaabayaan.

  2. Shirkad macaamiisheeda ku soo rogaysa inay wax dalbadan ka hor inta aysan fariisan kuraastooda

    Starbucks
    Qoraalka sawirka, Starbucks

    Shirkadda Starbucks ayaa Shiinaha oo dhan macaamiisheeda ku soo rogeysa siyaasad cusub, taas oo dhigaysa in macaamiishu ay wax ka iibsadaan shirkadda ka hor inta aan loo oggolaan inay kuraasteeda fariistaan.

    Isbeddelkan ayaa imanaya xilli shirkadda qaxwaha ee Maraykanku ay wajahayo tartan xooggan oo ka jira Shiinaha, halkaas oo ay sidoo kale ku bixinayso 45 milyan oo doollar si ay u casriyeyso goobaha ay ku leedahay.

    Shirkaddu waxay sheegtay in haweenka uurka leh iyo dadka naafada ah ay weli heli doonaan taageerada ay u baahan yihiin.

    Sannadkii hore, Starbucks ayaa dib uga laabatay siyaasad ka dhaqan gashay Maraykanka, taas oo qof kasta u oggolaanaysay inuu isticmaalo goobaha ay shirkaddu ku iibiso qaxwaha, barxadaha bannaanka iyo musqulaha.

  3. Ruushka oo sii daayey muwaadin Maraykankan ah xilli ergeyga Trump joogo dalkaas

    Ruushka oo sii daayey muwaadin Maraykankan ah
    Qoraalka sawirka, Ruushka oo sii daayey muwaadin Maraykankan ah

    Ruushka ayaa sii daayay muwaadin Mareykan ah oo 74 jir ah, kaas oo xabsi loo taxaabay isaga oo lagu eedeeyay inuu u dagaallamayay Ukraine, xilli Madaxweyne Vladimir Putin uu magaalada St Petersburg wada-hadallo kula yeeshay ergayga Mareykanka Steve Witkoff.

    Stephen Hubbard ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha ee Pulkovo, sida uu Putin sheegay intii uu socday kulanka subaxnimadii hore ee Arbacada.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa markii dambe sheegay in muwaadinkaas uu “ku soo socdo dalkiisa”, isla markaana “aan loo baahnayn wax is-weydaarsi maxaabiis ah”.

    Hubbard ayaa sannadkii 2024 lagu xukumay ku dhowaad toddoba sano oo xabsi ah oo uu ku qaadan lahaa xero ciqaabeed. Waxaa lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa cutub difaac oo ku sugnaa magaalada Izyum ee Ukraine, xilligaas oo ciidamada Ruushku ay qabteen wax yar kaddib markii Moscow ay billowday duullaankii ballaarnaa ee Ukraine sannadkii 2022.

    Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada kaddib markii warbaahinta dowladda Ruushku ay baahisay warka sii deynta Hubbard, ku sheegay in tallaabadan ay timid kaddib codsi uu toddobaadkii hore “si toos ah” ugu gudbiyay Putin.

    Qaar ka mid ah muwaadiniinta kale ee Mareykanka ee Ruushka ku xirnaa ayaa hore loo sii daayay kaddib heshiisyo is-weydaarsi maxaabiis ah.

  4. Dal kale oo xaqiijiyey kiis cudurka Ebola ah

    Kiis cudurka Ebola oo laga xaqiijiyey Nigeria
    Qoraalka sawirka, Kiis cudurka Ebola oo laga xaqiijiyey Nigeria

    Nigeria ayaa xaqiijisay kiis Ebola ah oo laga helay haweeney ka soo safartay dalka Uganda ee Bariga Afrika, tagtayna magaalada Abuja, caasimadda dalkaas ku yaalla Galbeedka Afrika.

    Wasiirka Caafimaadka Nigeria, Muhammad Ali Pate, ayaa sheegay in baaritaannada shaybaarka ay xaqiijiyeen in bukaanku uu qabo cudurka.

    Ilo caafimaad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in haweeneydu aysan u dhalan Nigeria, isla markaana ay tahay xaaska diblomaasi. Waxaa lagu karantiilay isbitaal ku yaalla Abuja, halkaas oo ay ku qaadanayso daryeel caafimaad.

    Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), haweeneydu waxay calaamadaha cudurka isku aragtay Arbacadii, 7-dii Oktoobar, afar maalmood kaddib markii ay dalka timid.

    Hay’adaha caafimaadka ayaa bilaabay raadraaca dadka ay la xiriirtay haweeneydu, si looga hortago faafitaanka cudurka. Ilaa hadda, waxaa la aqoonsaday 44 qof oo xiriir dhow la yeeshay bukaanka.

    Nigeria ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Galbeedka Afrika ee soo sheega kiis la xiriira dillaaca Ebola ee hadda ka jira Bariga Afrika. Dalkaasi wuxuu si guul leh u xakameeyay dillaac hore oo cudurka ah sannadkii 2014.

    Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa adkaysay in xilligan aysan jirin kiisas Ebola ah oo si rasmi ah looga xaqiijiyay dalkaas, kuwaas oo weli firfircoon.

  5. Ruushka oo ku dhawaaqay war farxad weyn u ah Trump

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Ruushka, Alexander Novak
    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Ruushka, Alexander Novak

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Ruushka, Alexander Novak, ayaa sheegay in Ruushku uu Khamiista u diri doono Maraykanka markabkii ugu horreeyay ee shidaalka naaftada qaada, sida ay baahisay warbaahinta Vedomosti, kaddib heshiis lala galay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    Ruushka ayaa 9-kii Oktoobar qaaday mamnuucid uu isagu saaray dhoofinta shidaalka naaftada. Mamnuuciddaas ayaa markii hore loo soo rogay si wax looga qabto yaraanta shidaalka ee gudaha dalka, taas oo ay sababeen weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku qaadday warshadaha sifaynta shidaalka.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Trump uu ku baaqay in shidaalka naaftada la gaarsiiyo suuqyada caalamka.

    Trump ayaa sheegay in Ruushku uu isla markiiba dhoofin doono 300,000 oo tan oo shidaalka naaftada ah, taas oo u dhiganta 2.25 milyan oo fuusto.

    Dhanka kale, Novak ayaa Arbacada sheegay in markabka ugu horreeya uu qaadi doono 40,000 oo tan oo shidaalkaas ah. Wuxuu intaas ku daray in dukumentiyada la xiriira sahayda shidaalka ay ku dhow yihiin in la dhammaystiro, sida ay warbaahintu soo werisay. Hase yeeshee, ma uusan sheegin dekedda laga rari doono shidaalka.

    “Shixnado kale ayaa dabcan xigi doona. Labada hoggaamiye ayaa heshiisyo gaaray. Waxaan dabooli doonnaa baahida Maraykanka inta ay awooddeennu saamaxayso,” ayay wakaaladda wararka ee RIA soo xigatay.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Ruushku uu bisha Nofeembar dhoofin doono 500,000 oo tan, halka hal milyan oo tan oo kale la dhoofin doono isla markiiba kaddib.

  6. Dowladda Ciraaq oo qaaday tallaabo culus oo ka dhana Xuutiyiinta Yemen

    Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Cali al-Zaidi
    Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Cali al-Zaidi

    Warar ayaa sheegaya in dowladda Ciraaq ay xayiraado ku soo rogtay wakiillada Xuutiyiinta Yemen ee ku sugan magaalada Baqdaad, iyadoo ka mamnuucday inay dhulkeeda ka fuliyaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo warbaahineed.

    Sida ay wararku tilmaamayaan, awaamiirtan waxay khuseeyaan xubno ka tirsan Xuutiyiinta oo Ciraaq ku sugnaa tan iyo sannadkii 2018, kuwaas oo qayb ka ah urur lagu magacaabo “Xafiiska Wakiillada Ansarullah”.

    Waaxda BBC Monitoring ayaa soo xigatay wargeyska internet-ka ee Al-Arabi Al-Jadeed, oo xaruntiisu tahay London, balse laga leeyahay dalka Qatar, kaas oo sheegay in sarkaal Ciraaqi ah uu sheegay in tallaabooyinkan ay mamnuucayaan xubnaha dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee ay taageero Iiraan, kuwaas oo ku nool Ciraaq, inay qabtaan kulammo, shirar jaraa'id ama ay fuliyaan dhaqdhaqaaqyo ka baxsan xeerarka iyo shuruucda deggenaanshaha ee Ciraaq.

    Sarkaalku wuxuu sharaxay in dowladda Ciraaq ay u cayintay wakiillada kooxda goobo gaar ah oo ay degganaadaan, isla markaana ay ku amartay inay hore ugu wargeliyaan qorshayaashooda ka hor inta aysan safar gelin.

    Horaantii toddobaadkan, qaraar ka soo baxay shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeesheen Baqdaad ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah ururka inay ka fogaadaan fududeynta safarka wakiilka Xuutiyiinta ee ku sugan Tehran, isla markaana ay “ku wareejiyaan dowladda Jamhuuriyadda Yemen haddii uu ku sugan yahay dhulkooda”.

  7. Xuutiyiinta Yemen oo war ka soo saaray weerar Sacuudigu ku eedeeyey

    Afhayeen u hadlay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in kooxdaasi aysan Arbacadii wax diyaarado aan duuliye lahayn u dirin Madiina ee dalka Sacuudiga, isla markaana aysan wax hawlgallo militari ah ka fulin dalkaas.

    Hadalkan waxaa jeediyay Yahya Saree, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, kaddib markii isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo uu horay u shaaciyay inuu dhexda ugalay oo uu qabtay shan diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo ku wajahnaa Sacuudiga.

    Gobolka Madiina ayaa lagu sheegay inuu ka mid ahaa goobihii la beegsaday weerarradan.

    “Afarta diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn ee ku wajahnaa Boqortooyada Sacuudiga waa la dhex galay, waana la burburiyay,” ayuu Turki al-Maliki, afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, ku qoray farriin uu ku baahiyay barta X.

    Farriin labaad oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in diyaaradahaas lagu dhexda lagu qabtay gobolka bari ee Sacuudiga iyo gobolka Madiina.

    Isagoo aan sheegin cidda ka dambaysay weerarrada, ayuu al-Maliki markii dambe shaaciyay in diyaarad kale oo aan duuliye lahayn lagu soo dhexgalay bariga Sacuudiga

  8. Itoobiya oo soo xushay saddex goobood oo laga dhisayo xarumaha tamarta nukliyeerka

    Abiy iyo xubnaha ku weheliya booqashada
    Qoraalka sawirka, Abiy iyo xubnaha ku weheliya booqashada

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in la baaray in ka badan 30 goobood oo loo qorsheeyay in laga dhiso xarumaha tamarta nukliyeerka, balse ugu dambayn la soo xulay saddex goobood.

    Abiy ayaa hadalkan sheegay Arbacadii, intii uu booqashada ku joogay xarunta Guddiga Tamarta Nukliyeerka ee dalkaas.

    Waxa uu sheegay in Itoobiya ay hadda heer wanaagsan ka gaartay dhismaha hay’adaha iyo qaab-dhismeedka looga baahan yahay horumarinta tiknoolajiyadda nukliyeerka.

    Sida uu sheegay, waxaa la sameeyay koox cilmi-baaris ah, shirkadna si sharci ah ayaa loo aasaasay. Waxaa sidoo kale la magacaabay shaqaalaha iyo maamulayaasha, iyadoo la dhammaystiray qaab-dhismeedka xafiisyada iyo maamulka shaqaalaha.

    Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in goobihii hore loo aqoonsaday ay markii dambe ka yaraadeen 30, loona soo koobay 13, ka dibna shan, ugu dambayna laga soo xulay saddex goobood.

    Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Itoobiya aysan keligeed go’aamin karin in goobahaasi ku habboon yihiin dhismaha xarumaha tamarta nukliyeerka.

    “Ma xaqiijin karno in goobahan ay yihiin kuwa ku habboon. Waa in shirkado shisheeye ay qiimeeyaan goobaha la soo xulay, ayna xaqiijiyaan ku habboonaantooda,” ayuu yiri Abiy.

    Waxa uu intaas ku daray in marka la xaqiijiyo ku habboonaanta goobta la doortay, ay lagama maarmaan noqon doonto in goobta loo diyaariyo mashruuca, isla markaana heshiis lala saxiixdo shirkad bixisa tiknoolajiyadda nukliyeerka.

    Abiy ayaa sheegay in mashaariicda tamarta nukliyeerka, sida Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee GERD, aan lagu dhammaystiri karin waqti gaaban ama heshiis keliya oo shirkad lala galo.

    “Waxay ku lug leedahay hay’ado badan oo xirfadeed iyo kuwo tacliimeed, iyo qaybo kala duwan. Waa mashruuc muddo dheer qaadanaya, una baahan shaqaale badan iyo diyaargarow ballaaran,” ayuu yiri.

    Farriin uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in hay’adda tamarta nukliyeerku ay door istaraatiiji ah oo muhiim ah ku leedahay hiigsiga horumarineed ee Itoobiya muddada dheer.

    Itoobiya ayaa muddo dheer lagu tilmaami jiray dal leh khayraad dabiici ah oo aad u badan. Abiy ayaa sheegay in marxaladda cusub ay tahay sidii khayraadkaas loogu beddeli lahaa horumar la taaban karo, koboc tiknoolajiyadeed iyo barwaaqo ay bulshadu wadaagto.

    Itoobiya ayaa 4-tii May bilowday qorshaha dhismaha xarun tamarta nukliyeerka laga dhaliyo.

    Markii uu daahfurayay mashruuca, Abiy wuxuu sheegay in tamarta nukliyeerka loo adeegsan doono ujeeddooyin nabadeed oo keliya.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  9. Xuutiyiinta oo weeraray xarun tababar oo ay leeyihiin ciidamada dowladda Yemen, kuna dilay askar badan

    sawirada laga soo qaaday goobta
    Qoraalka sawirka, sawirada laga soo qaaday goobta

    Ugu yaraan 73 qof ayaa lagu dilay weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarun tababar oo ay ciidamada dowladda Yemen ku lahaayeen gobolka Shabwa, sida ay warbaahinta maxalliga ahi sheegtay.

    Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in saddex gantaal oo kuwa riddada dheer ah lagu dhuftay xarunta tababarka.

    Weerarka ayaa dhacay Axaddii, waxaana tan iyo xilligaas sii kordhay tirada dadka ku dhintay.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijisay muuqaallo muujinaya askar dhaawac ah iyo meydad dhulka daadsan.

    Guddoomiyaha gobolka Shabwa, Cawad Al-Wazir, ayaa sheegay in in ka badan 200 oo qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in xarunta tababarka ay weerareen ciidamada Sacuudiga.

    Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaan markiiba ka jawaabin codsi faallo looga dalbaday.

    Wararka kale ee dheeraadka:

    Tirada khasaaraha ayaa sii kordhaya
    Qoraalka sawirka, Tirada khasaaraha ayaa sii kordhaya
  10. Madadaalo iyo goolal badan: Champions League oo dhigay rikoor cusub

    Foden oo saddex gool dhaliyay, Manchester City-na 5-1 ku garaacday AEK Athens
    Qoraalka sawirka, Foden oo saddex gool dhaliyay, Manchester City-na 5-1 ku garaacday AEK Athens

    Tan iyo markii bilowgii xilli ciyaareedkii 2024-2025 la hirgeliyay qaabka cusub ee tartanka Champions League, waxaa tartanka ka dhacay waxyaabo badan oo ay taageerayaashu xiiseeyaan.

    Hase yeeshee, waxa sida gaarka ah u muuqda xilli ciyaareedkan waa kororka weyn ee goolasha la dhalinayo.

    Ilaa hadda, waxaa tartanka laga dhaliyay 187 gool, taas oo celcelis ahaan u dhiganta 4.16 gool kulan kasta. Waa celceliskii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda Champions League.

    “Marka aad eegto tirada goolasha ay dhalinayaan, waa wax lala yaabo,” ayuu yiri Ashley Young, oo hore ugu ciyaari jiray Manchester United iyo xulka England, u sheegay BBC Radio 5 Live.

    Waxa uu intaas ku daray in weeraryahannadu ay si weyn diiradda u saarayaan fursadaha gool dhalinta.

    Stephen Warnock, oo hore ugu ciyaari jiray difaaca Liverpool, ayaa isaguna tirada goolasha ku tilmaamay mid aan caadi ahayn. Hase yeeshee, su’aashu waxay tahay: arrintani ma wax ku kooban xilli ciyaareedkan oo keliya ayay tahay?

    Maxay tirakoobyadu muujinayaan?

    Celceliska hadda ah ee 4.16 gool kulan kasta ma aha oo keliya rikoor cusub oo Champions League ah, balse sidoo kale waa celceliskii saddexaad ee ugu sarreeyay taariikhda tartanka Yurub ee European Cup.

    Kaliya laba xilli ciyaareed ayaa laga diiwaangeliyay celcelis ka sarreeya: xilli ciyaareedkii 1955-1956, oo celceliskiisu ahaa 4.38 gool kulan kasta, iyo kii 1959-1960, oo ahaa 4.19 gool.

    Goolasha ayaa weli ku socda xawaare aad u sarreeya. Talaadadii, sagaal kulan oo keliya ayaa laga dhaliyay 40 gool.

    Hase yeeshee, maalintii ugu goolasha badnayd waxay ahayd Arbacadii toddobaadkii hore, markaas oo la dhaliyay 46 gool. Taasi waa tiradii saddexaad ee ugu badnayd ee hal maalin laga dhaliyo taariikhda tartanka.

    Marka la isku daro kulamadii Talaadada iyo Arbacada ee toddobaadkii hore, waxaa la dhaliyay 78 gool. Taasi waxay wareegga labaad ka dhigtay wareeggii ugu goolasha badnaa ee abid laga diiwaangeliyo tartanka.

    Tiradaasi waxay sagaal gool ka badan tahay 69-kii gool ee la dhaliyay wareeggii koowaad ee xilli ciyaareedkan.

    Waqtigaas, wareegga koowaad ayaa hore u noqday kii labaad ee ugu goolasha badnaa tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee heerka horyaalka xilli ciyaareedkii 2024-2025.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  11. Mareykanka oo sheegay inuu baabi’iyay in ka badan 300,000 oo fiise muddo ka yar laba sano

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu baabi’iyay in ka badan 300,000 oo fiise ama dal-kugal ah tan iyo markii uu xilka madaxweynaha mar labaad la wareegay.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in tirada fiisooyinka lala laabtay kor u dhaaftay 300,000, iyadoo dowladda federaalku ay sii waddo adkeynta tallaabooyinka ka dhanka ah dadka soo-galootiga ah.

    Tiradan ayaa muujinaysa in xawaaraha lagu baabi’inayo ama lagu diidayo fiisooyinka uu si weyn u kordhay toddobaadyadii u dambeeyay.

    “Waxaan baabi’inay in ka badan 300,000 oo fiise, tiraduna weli way sii kordhaysaa. Farriintayada ku socota dadka haysta fiisooyinka waa mid cad: u hoggaansama shuruucdayada, haddii kale waxaad lumin doontaan xaqa aad ugu safri kartaan Mareykanka,” ayay Moora Namdar, oo ah ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha qunsuliyadaha, ku qortay barta X.

    Waxay intaas ku dartay in ilaalinta dalka iyo shacabka Mareykanku ay weli tahay mudnaanta koowaad ee madaxweyne Trump iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio.

    Namdar ayaa sidoo kale boggeeda ku baahisay farriin ka timid Aqalka Cad, taas oo sheegaysa in maamulka Trump uu fiisooyinka u diidmo u siinayo si ka dhakhso badan maamul kasta oo hore oo dalka soo maray.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Tommy Pigott, ayaa isna sheegay in dadka ajaanibta ah ee fiisooyinkooda la baabi’iyay ay ka mid yihiin kuwa ku kacay falal sharci-darro ah ama khatar ku ah amniga qaranka.

    “Uma dulqaadanayno ajaanibta dalka ku jooga fiisaha ee jebiya sharciga, sameeya khiyaano ama khatar geliya amnigeenna qaranka,” ayuu yiri.

    Tirokoob la shaaciyay horraantii bishii August ee sannadkii hore ayaa muujinayay in maamulka Trump uu baabi’iyay ama diidmo siiyay in ka badan 175,000 oo fiise tan iyo markii uu xilka la wareegay.

    Tirada cusub ayaa muujinaysa koror weyn oo ku yimid fiisooyinka la diiday muddo kooban gudaheed.

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dadka aan haysan sharci ay Mareykanka ku joogaan dib loogu celinayo dalalkooda si loo xoojiyo amniga gudaha ee dalka.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  12. Netanyahu oo Trump kala hadlay suurtagalnimada weerar cusub oo lagu qaado Iran

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu
    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa wada-hadal telefoon oo uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku muujiyay in labada dal ay suurtagal tahay inay weerar cusub ku qaadaan Iran.

    Wada-hadalka oo muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Netanyahu oo Trump uga mahadcelinaya taageerada uu u muujiyay Israa’iil, xilli doorashada dalkaasi ay dhici doonto toddobaadka soo socda.

    Doorashada ayaa si weyn loogu arkaa afti lagu qiimeynayo hoggaaminta Netanyahu, ka hor iyo kaddib weerarkii Xamaas ee bishii Oktoobar, iyo sida uu u maareeyay dagaalladii kala duwanaa ee dhacay, oo uu ku jiro dagaalka Iran. Waxaa la filayaa inuu wajahayo tartan adag.

    “Donald, waxaa jira hawl ina hor taalla. Sida aad sheegtay, waan wada qaban doonnaa. Waan dhammaystiri doonnaa, cid kalena ma qaban karto,” ayuu Netanyahu ku yiri Trump.

    Trump ayaa hore u sheegay inuusan weerar cusub ku qaadi doonin Iran ka hor doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka.

    Hase yeeshee, warbaahinta Mareykanka ee Axios ayaa toddobaadkii hore sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen suurtagalnimada in dib loo bilaabo weerarrada.

    Axios oo soo xiganaysay saddex ilo xog-ogaal ah ayaa sheegtay in wada-hadalladaasi ay dhaceen ka hor inta uusan Trump ku dhawaaqin inuusan Iran weerari doonin ka hor doorashada xilliga dhexe.

    Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa wararka sheegaya in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen dib u bilaabista dagaalka ku tilmaamay “kuwo been ah”, isaga oo daliishaday hadalka Trump ee ah inuusan weerar qaadi doonin ka hor doorashada bisha Nofeembar.

    Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ciidamada milatari ee labada dal ay heegan sare ku jiraan, isla markaana ay dhammaystirayaan diyaargarowgooda haddii Trump uu beddelo mowqifkiisa.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  13. Abiy Axmed oo digniin adag u diray Eritrea

    Abiy Ahmed
    Qoraalka sawirka, Abiy Ahmed

    Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay doonayso nabad ay la yeelato Eritrea, isla markaana ay rabto inay noqoto lamaane dhanka horumarka ah; hase yeeshee, wuxuu xusay in Eritrea "ay la kulmi doonto cawaaqib xun haddii ay sii waddo ku tiirsanaanta ciidamo kale, oo ay ku sii socoto waddadeeda burburka ah."

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  14. Trump oo sheegay in Ilhaan Cumar ay “xabsi geli karto”,

    Ilhan iyo Trump
    Qoraalka sawirka, Ilhan iyo Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Ilhaan Cumar, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga isla markaana si weyn u dhaliisha, ay “xabsi geli karto”,.

    Hadalka madaxwaynaha ayaa imanaya xilli ay baaritaan lagu hayo dukumentiyadeeda socdaalka ee Mareykanka.

    Bartamihii bishan ayay ahayd markii mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykankaay baaritaan ku sameeyeen guriga xildhibaanadda matasha gobolka Minnesota Ilhan Cumar, taasoo qayb ka ah waxa lagu tilmaamay "baaritaan dambiyeed heer federaal ah".

    Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in maxkamad ay ansixisay amarka lagu galay guriga. Nooca dambiga la baarayo weli si cad looma oga.

    Ka dib markii gurigeeda la baaray, Ilhaan ayaa barta X (Twitter-kii hore) ku soo qortay: "Waan fiicanahay. Ha isku khaldina arrintan: waa isku day lagu beegsanayo cadowga siyaasadeed, iyadoo la adeegsanayo awoodda sharci fulinta ee federaalka".

    Wararka kale ee dheeraadka:

  15. Iran oo sheegtay inaysan Mareykanka la hadli doonin ilaa laga fuliyo shuruudaheeda

    Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezizkian oo Tehran kula kulmay Field Marshal Asim Mounir
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezizkian oo Tehran kula kulmay Field Marshal Asim Mounir

    Iran ayaa taliyaha ciidamada Pakistan u sheegtay inaysan wada-hadallo la geli doonin Mareykanka ilaa laga fuliyo shuruudaha ay dejisay.

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in madaxweynaha dalkaas, Masoud Pezeshkian, uu magaalada Tehran kula kulmay taliyaha ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir, ayna ka wada hadleen dadaallada socda ee wada-xaajoodka iyo xaaladaha gobolka.

    Pakistan ayaa door muhiim ah ka ciyaaraysa dhexdhexaadinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran.

    Dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu gaaro heshiis nabadeed ayaa horseeday is-afgarad hordhac ah bishii Juun ee sannadkii hore, balse heshiiskaasi wuxuu burburay toddobaadyo kaddib markii ay mar kale xoogaysteen xiisadaha u dhexeeya labada dal.

    Munir ayaa sidoo kale kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf.

    Bayaan ay Iran soo saartay oo ku saabsan kulanka ayaa lagu sheegay in Tehran aysan dib u heli doonin kalsoonida Washington ilaa Mareykanku fuliyo toddobada shuruudood ee Iran ay bishii hore u dejisay dib u furista marin-biyoodka Hormuz.

    Shuruudahaas waxaa ka mid ah in Mareykanku qaado xayiraadaha saaran dekedaha Iran, uu joojiyo cunaqabateynta dhoofinta shidaalka Iran, isla markaana la soo afjaro colaadaha ka socda dhammaan jihooyinka gobolka.

    Madaxa sirdoonka Iran, Mohsen Rezaei, ayaa farriin la mid ah u gudbiyay Munir intii uu la hadlayay.

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Tehran aysan wada-hadallo la geli doonin Washington ilaa laga fuliyo dalabaadkeeda.

    Rezaei ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan uranium-ka la kobciyay uu ku sii nagaan doono gudaha Iran. Hadalkiisa ayaa la jaanqaadaya mowqifka hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Mojtaba Khamenei, oo sheegay in uranium-ka la gaarsiiyay heer lagu samayn karo hub aan loo wareejin doonin dal kale.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  16. Isbahaysiga Sacuudiga oo sheegay in la soo riday shan diyaaradood oo aan duuliye lahayn

    Isbahaysiga milatari ee uu hoggaamiyo Sacuudiga, ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay shan diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo ku soo wajahnaa dhulka Sacuudiga.

    Mid ka mid ah meelaha la sheegay in diyaaradahaasi bartilmaameedsanayeen ayaa ah gobolka Madiina.

    Madiina, oo ay ku yaallaan Masjidka Nabiga iyo qabriga Nebi Muxammad, waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu barakaysan Islaamka, waxaana kaalintaas la wadaagta magaalada Maka. Xuutiyiinta ayaa hore u ballanqaaday inaysan weerari doonin labada magaalo.

    Afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa farriin uu ku baahiyay barta X ku sheegay in afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo ku soo wajahnaa Sacuudiga, la qabtay lana burburiyay.

    Farriin kale ayuu ku sheegay in diyaaradahaasi lagu qabtay gobolka bariga Sacuudiga iyo gobolka Madiina.

    Al-Maliki oo aan sheegin cidda ka dambaysay weerarrada ayaa markii dambe xaqiijiyay in diyaarad kale oo aan duuliye lahayn lagu qabtay gobolka bariga Sacuudiga.

    Toddobaadyadii la soo dhaafay, Sacuudiga waxaa si joogto ah u bartilmaameedsanayay Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran.

    Weerarradaas waxaa ka mid ahaa weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyaad, kaas oo lagu tilmaamay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Sacuudiga ku dhaca sannadihii u dambeeyay.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  17. Turkiga oo baarlamaanka u gudbiyay heshiiska difaaca wadajirka ah ee Makka

    Heshiiska saddex geesoodka
    Qoraalka sawirka, Heshiiska saddex geesoodka

    Dowladda Turkiga ayaa guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas u gudbisay hindise sharciyeed la xiriira heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka, kaas oo ay Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga kala saxiixdeen.

    Hindise-sharciyeedka ayaa marka hore loo gudbin doonaa guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Turkiga.

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa heshiiska saxiixay 7-dii August.

    Dastuurka Turkiga ayaa dhigaya in heshiisyada caalamiga ah laga ansixiyo baarlamaanka dalkaas ka hor inta aysan dhaqan gelin.

    Turkiga ayaa hadda dib u eegaya baaxadda iyo qaab-dhismeedka sharci ee taageerada milatari ee uu siin karo dowladda Sacuudiga, taas oo ku salaysan heshiiskan.

    Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa isagoo ka hadlayay baaxadda heshiiska sheegay in Turkigu uusan ciidamadiisa u diri doonin gudaha dal kale si ay halkaas uga hawlgalaan, isla markaana uusan weerarro ka fulin doonin dhulka dal kale.

    Sacuudiga ayaa muddooyinkii dambe wajahayay weerarro sii kordhaya oo ay Xuutiyiintu ka fulinayaan Yemen.

    Turkiga ayaa ka fiirsanaya suurtagalnimada inuu Sacuudiga siiyo taageero milatari, isaga oo ku salaynaya heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  18. Wax ka ogow daawadan laga yaabo in aad u cuntid gaas, laakiin loo adeegsado ilma iska soo xaaqidda

    Dawo gaas
    Qoraalka sawirka, Dawo gaas

    Ilma iska soo xaaqidda, waa wax kala qeybsanaan ballaaran ka dhex abuuray waddamo badan oo caalamka ah, waxaana laga mamnuucay qaar kamid ah dalalkaas.

    Arrintan ayaa sidoo kale saameyn wanaagsan ku leh nolosha malaayiin haween ah oo dunida ku nool.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose.

  19. Iran oo sheegtay inay Mareykanka wada-hadallo kula jirto iyada oo loo marayo Pakistan iyo Qatar

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araqchi,
    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araqchi,

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa sheegay in dalkiisu ay fikrado iyo wdaxaajoodyo is-weydaarsanayaan Mareykanka, iyada oo adeegsanaya dhexdhexaadinta Qatar iyo Pakistan.

    Araqchi oo Talaadadii wareysi siiyay telefishinka Al-Ikhbariya ee Ciraaq ayaa sidoo kale ku adkeystay in marin-biyoodka Hormuz uusan ahayn marin-biyood caalami ah, balse uu ku yaallo biyaha dhuleed ee Iran iyo Cumaan.

    “Biyaha marin-biyoodka Hormuz ma aha biyo caalami ah,” ayuu yiri wasiirku.

    Araqchi ayaa sheegay in Tehran iyo Muscat ay heshiis ka gaareen faahfaahinta isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.

    “Waxaa la diyaariyay khariidad gaar ah oo muujinaysa marinnada maraakiibta, waxaana la cayimay lana sawiray isku-duwayaashooda juqraafiyeed, Sidaas darteed, haddii maalin uun dib loo furo marin-biyoodka Hormuz, waddada ay Iran iyo Cumaan ku heshiiyeen ayaa noqon doonta marinka rasmiga ah ee la isku raacsan yahay ee maraakiibtu isticmaali doonaan, ee ma aha waddo kale,” ayuu yiri Araqchi.

    Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Iran ay weli xiriir iyo wada-hadallo la leedahay Mareykanka, iyada oo loo marayo Qatar iyo Pakistan, si loo gaaro heshiis lagu soo afjarayo colaadda milatari.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  20. Trump: Waa inaan go’aamiyaa sida aan Iran uga adkaan lahayn, si kasta oo ay xaaladdu u adkaato

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuusan u baahnayn wax caawimaad ah si uu Iran uga adkaado.

    Trump ayaa mar kale ku celiyay sheegashadiisa ah in Mareykanku uu si weyn uga gacan sarreeyo Iran dagaalka u dhexeeya labada dal.

    “Sidii aad la socotaan, si wanaagsan ayaan u wadnaa dagaalka Iran. Waxa keliya ee ay tahay inaan go’aamiyo waa sida aan guusha ku gaari doonno; ma waxaan rabnaa inaan si wanaagsan u guuleysanno mise si adag oo aan naxariis lahayn?” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo Talaadadii fiidkii ka dhacay Aqalka Cad.

    “Si kastaba ha ahaatee, si wanaagsan ayaan u soconnaa, mana u baahnin cid naga caawisa,” ayuu raaciyay.

    Isagoo ka hadlayay sare u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay xayiraadaha saameeyay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, ayuu Trump yiri dadka ayaa ka cabanaya qiimaha shidaalka oo sare u kacay.

    “Ma doonayo inaan hadal aan macno badan lahayn ku dhawaaqo, balse dhab ahaantii waa qiimo yar oo la bixinayo si looga hortago in Iran ay hesho hub nukliyeer ah,” ayuu yiri.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu la xiriiray hoggaamiyeyaasha dalal dhowr ah si uu u ogaado kuwa diyaar u ah inay Mareykanka ka caawiyaan dagaalka.

    Wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha uu la xiriiray ay u sheegeen inaysan diyaar u ahayn inay caawiyaan.

    “Waxaan tijaabinayay. Waxaan wacay madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal kala duwan, waxaanan weydiiyay inay doonayaan inay na caawiyaan, waxayna igu yiraahdeen maya,” ayuu yiri Trump.

    Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan sheegin magacyada hoggaamiyeyaasha uu la xiriiray ama faahfaahinta wada-hadallada uu la yeeshay.

    Hadalka Trump ayaa yimid saacado kaddib markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu baahiyay muuqaal laga duubay wada-hadal taleefoon oo uu la yeeshay Trump.