Baadarigii geeriyooday oo xasuus qorkiisu shaaca ka qaaday in 'wadaadku arkay sheydaanka iyo irdaha cadaabta'

Xigashada Sawirka, AP
Baadarigii mad-habta katooligga ee geeriyooday Pope Francis ayaa sheegay inuu saddex jeer noloshiisa ku arkay shaydaanka, iyo sidoo kale "albaabada cadaabta" sida lagu sheegay qaybo cusub oo laga soo xigtay xusuus qorkiisa gaarka ah.
Buugga cinwaankiisu yahay Xusuus qorka Gaarka ah ee Baadari Francis (The Private Diary of Pope Francis) oo la daabacay Talaadadii, ayaa waxaa ku jira qoraal laga qoray sannadkii 2021-kii oo tilmaamaya inuu saddex jeer arkay shaydaanka: mar isagoo gaari saaran, mar kale oo uu ku arkay "goobta heesaaga kaniisadda" intii lagu guda jiray cibaadada, iyo markii saddexaad oo uu ku arkay kulan uu la lahaa mas'uuliyiinta Vatican-ka.
"Ilaa hadda ma illoobi karo codkiisa oo ahaa mid aad u qallafsan oo xoog badan" ayuu qoray Francis, isagoo xasuusanaya mid ka mid ah wakhtiyadaas uu arkay shaydaanka.
Xusuus qorkan oo la qoray intii u dhaxaysay 1992 ilaa 2024, ayuu sidoo kale kaga hadlayaa dareen qoomamo ah oo ku saabsan booqashadiisii 2018-kii uu ku tagay dalka Chile; xilligaas oo uu la kulmay dhaleecayn xooggan ka dib markii uu difaacay baadari sare (bishop) oo lagu eedeeyay inuu qariyay xadgudubyo galmo oo uu geystay wadaad kale.
Pope Francis oo hoggaaminayay Kaniisadda Katooliga muddo 12 sano ah ilaa geeridiisii 2025-kii, ayaa markii dambe raalligelin bixiyay, wuxuuna u yeeray dhammaan hoggaamiyeyaasha kaniisadaha dalkaas inay yimaadaan magaalada Rome, halkaas oo ay dhammaantood ku ballan qaadeen inay xilka iska casilayaan.


















