Weerarrada Sacuudiga iyo Xuutiyiinta oo sii xoogeysanaya

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Xuutiyiinta Yemen ayaa Arbacadii sheegay inay weerareen warshadda sifaynta shidaalka ee Ras Tanura iyo xarunta maaliyadeed ee magaalada Riyadh ee Sacuudiga.
Dhanka kale, Sacuudiga ayaa sheegay inuu fashiliyay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu soo direen kuna doonayeen inay ku qaadaan warshadda Ras Tanura.
Hase yeeshee, sawirro dayax-gacmeed ayaa muujiyay qiiq weyn oo ka baxaya xaruntaasi, kaas oo lagu qiyaasay inuu gaarayay baaxad dhan 600 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran.
Dhanka kale, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu soo direen, taas oo ku dhowayd dekedda Jeddah ee ku taalla xeebta Badda Cas ee Sacuudiga.
Wax yar kaddib, Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay inay bartilmaameedsadeen labada dekedood ee Jeddah iyo Jazan ee Sacuudiga, iyagoo sheegay inay jawaab uga bixinayaan weerarrada Sacuudiga ee lagu qaaday mid ka mid ah dekedaha Yemen.
Dagaallada u dhexeeya labada dhinac ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeysanayay.
Weerarradan ayaa dhacay kaddib markii isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo, kaas oo la dagaallama Xuutiyiinta, uu ku dhawaaqay inuu bartilmaameedsaday dekedda Xudeyda ee ku taalla xeebta Badda Cas ee Yemen.
“Labada howlgalba waxay waxyeello u geysteen bartilmaameedyadii loogu talagalay,” ayuu yiri Yahya Saree, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta.
Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa horay u sheegay in madfac ay Xuutiyiintu soo rideen uu ku dhacay dekedda Jazan.
“Waxaa halkaasi ka dhacay burbur kooban, mana jirto cid rayid ah oo ku dhimatay ama ku dhaawacantay,” ayuu baraha bulshada ku qoray afhayeenka isbahaysiga, Turki Amalaki.
“Waxaa weli socda dadaallo lagu ogaanayo nooca madfaca la adeegsaday,” ayuu raaciyay.
Sii akhri sheekooyinka kale
















