Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka: Wasiirrada Arrimaha Dibadda Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga oo kulan yeeshay

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, wasiirrada arrimaha dibadda ee Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa kulan ka yeeshay qaabka heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Ishaq Dar, wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ka wada hadlay horumarka laga sameeyay dhismaha xoghaynta guud, guddiyada iyo kooxaha shaqada ee heshiiska, iyo diyaar-garowga ay ugu bilaabayaan shaqadooda.
Saddexda wasiir waxay cambaareeyeen weerarrada lagu qaaday xarumaha rayidka iyo kuwa dhaqaalaha ee Sacuudiga.
Waxay bogaadiyeen diyaar-garowga ciidamada qalabka sida ee Sacuudiga iyo tallaabooyinka difaaca ee boqortooyadu qaadday, iyagoo mar kale xaqiijiyay xaqa Sacuudiga u leeyahay is-difaacidda, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay in la qabto kulan degdeg ah oo ay yeeshaan taliyeyaasha ciidamada saddexda dal, si loo eego qaabka Sacuudiga loo siin karo taageero militari.
Sida heshiisku dhigayo, weerar lagu qaado mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah waxaa loo aqoonsanayaa weerar lagu qaaday dhammaan dalalka heshiiska ku jira.
Wasiirradu waxay sidoo kale ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka, iyagoo adkeeyay muhiimadda sharciga caalamiga ah, deris-wanaagga, ixtiraamka madaxbannaanida dowladaha, faragelin la’aanta arrimaha gudaha iyo xorriyadda iyo amniga isu-socodka maraakiibta.
Dhammaadkii kulanka, saddexda dal waxay mar kale xaqiijiyeen inay sii wadi doonaan dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo nabad iyo xasillooni waarta oo gobolka ah, dhimista xiisadaha iyo in khilaafaadka lagu xalliyo si nabadeed.
Sheekooyin dheeraad ah
















