Iiraan oo war hor leh soo saartay xilli Trump diiday soo jeedintoodii ay soo bandhigeen

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iiraan waxay sheegtay inay sugayso jawaab rasmi ah oo ka timaadda wada-xaajoodayaasha Mareykanka, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu diiday soo jeedin ahayd in Marinka Hormuz dib loogu furo maraakiibta ganacsiga muddo toddoba maalmood gudahood ah.
Qoraal uu ku baahiyey Telegram, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi wuxuu qiray in Trump uu diiday soo jeedinta, balse wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay inuu hore u sheegay hadallo is khilaafsan.
Horay, Trump oo wariyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, wuxuuna sheegay in soo jeedinta Tehran aysan ahayn mid "la aqbali karo", isla markaana ay doonayeen heshiis ay marinka isla markiiba ku furaan, sababtoo ah "si aad ah ayay dagaalka ugu khasaarayaan."
Jimcihii, isaga oo jooga Qaramada Midoobay, Araghchi wuxuu wariyeyaasha u sheegay in heshiis la gaari karo haddii "shuruudaha lagama maarmaanka ah la buuxiyo" labada dal dhexdooda.
Araghchi wuxuu sheegay in shuruudaha lagu furayo marinku ay yihiin isla kuwii lagu daray heshiis is-afgarad ah oo dhexmaray Mareykanka iyo Iiraan, kaas oo la saxiixay bishii Juun.
Iiraan waxay sheegtay inay soo hadal qaaday dib u furista marinka iyo joojinta colaadaha intii lagu jiray wada-xaajoodyadii ka dhacay magaalada New York toddobaadkan, kuwaas oo dhinac socday shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Marinkan muhiimka ah, oo caadiyan ay adeegsadaan qiyaastii shan meelood meel sahayda saliidda iyo gaaska adduunka, ayaa si wax ku ool ah u xirnaa tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii Febraayo.
"Waan diidayaa heshiiskooda," ayuu Trump yiri Sabtidii, isagoo intaas ku daray in Mareykanku uu horey u haystay "gacan buuxda oo ku saabsan marinka", isla markaana "xaddi aad u badan oo shidaal ah" uu maray.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Araghchi wuxuu qoraal uu soo dhigay Telegram ku sheegay in Trump uu "sameeyay hadallo badan oo wanaagsan, sidoo kale hadallo badan oo is-khilaafsan, kuwaas oo nasiib-darro aan si joogto ah u maqalno."
"Waxaan sugaynaa in dhexdhexaadiyayaashu noo soo gudbiyaan mowqifyada kama dambaysta ah, kaddibna waxaan go'aan ka gaari doonnaa arrintaas," ayuu yiri Araghchi.
Cumaan, oo dhex-dhexaadin ka dhex waday Mareykanka iyo Iiraan, ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay sii wadaan wada-hadal furan si loo xalliyo xiisadda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Cumaan, Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, ayaa shirka guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in "dhammaan dhinacyada" ay tahay inay Cumaan kala shaqeeyaan dadaallada lagu sugayo isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodkan istaraatiijiga ah.
Diidmada Trump ee soo jeedinta Iiraan waxaa sidoo kale taageeray safiirka Mareykanka ee NATO, Matthew Whitaker.
Isagoo Sabtidii la hadlay Fox News, Whitaker wuxuu sheegay in Iiraan ay soo bandhigtay "tallaabooyin aan dhammaystirnayn" iyo "heshiisyo dhalanteed ah" si ay isku wanaagsan uga muuqato masraxa caalamka.
"Waa sax in Madaxweyne Trump uu diido," ayuu yiri.
Dhanka kale, xoghayaha maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa Sabtidii sheegay in cadaadiska dhaqaale ee Mareykanku uu saameyn ku yeelanayo Tehran.
Bessent ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ku shegay in Turkiga, Cumaan iyo Imaaraadka Carabta ay joojiyeen duulimaadyadii ay samayn jireen qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan, halka bangiyada qaar ee Imaaraadka iyo Turkigana ay joojiyeen macaamiladii maaliyadeed ee ay la lahaayeen Iiraan.

Maamulka Trump ayaa xannibaadda dhaqaale ee lagu soo rogay Iiraan ugu magac daray "Hawlgalka Dhaqaale ee Go'doonka", wuxuuna cunaqabataynta u adeegsanayaa inuu Tehran cadaadis ku saaro si ay u joojiso weerarrada lagu qaado maraakiibta ku sugan Marinka Hormuz.
Hase yeeshee, qaar ka mid ah dhaqaaleyahannada ayaa su'aal geliyay in cunaqabatayntan cusub ay wax-ku-ool noqon doonto, maadaama ay ku xirnaan doonto sida ay uga jawaabaan dalalka Iiraan la leh xiriirka ganacsi ee ugu weyn.
Dalalkaas waxaa ka mid ah Shiinaha, oo ah iibsadaha ugu weyn ee shidaalka Iiraan, kaas oo iska indhatiray cunaqabatayntii hore ee Mareykanka, isla markaana sii waday ganacsiga uu la leeyahay Tehran.