Agaasimaha Guud ee BBC: Qaar ka mid ah kanaallada BBC iyo idaacadaha ayaa laga yaabaa in la xidho

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaaladda dhaqaale ee BBC iyo isbeddelka ku yimid habka ay dhageystayaasha iyo daawadayaashu u isticmaalaan adeegyada warbaahinta ayaa "si weyn u keeni kara" in qaar ka mid ah kanaallada telefishinka iyo idaacadaha la xidho, si kharashkaas loogu maalgeliyo adeegyada ay dadku si toos ah uga daawan karaan ama ugdhageysan karaan marka ay rabaan, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee BBC.
Iyada oo BBC ay raadineyso in ay sameyso kharash dhimid gaadhsiisan £500 milyan, Matt Brittin ayaa barnaamijka Sunday With Laura Kuenssberg ee BBC One u sheegay in "aannu dammaanad qaadi karin in barnaamij yada ama kanaallada BBC ahaanayaan kuwo weligood sii jiraya".
Wuxuu yidhi: "Xaaladda dhaqaale ee adag waxay nagu qasbaysaa inaan qaar ka mid ah go'aannadaas qaadanno si ka soo hormaraysa wakhtigii qorshuhu ahaa."
Wuxuu sheegay in hab-dhaqanka dhageystayaasha iyo daawadayaashuna si degdeg ah isu beddelayo.
"Haddii inta badan dhageystayaashu door bidayaan habab cusub, waxaan ku qasbannahay in aan eegno oo qiimayno, kharash ahaanna dhinacaas awoodda saarno" ayuu yidhi.
"Uma xannibnaan karno qaabkii shalay"
Brittin wuxuu sheegay in marka uu go'aannada dhimista kharashaadka qaadanayo, uu diiradda saarayo "in la yareeyo saameynta ay ku yeelanayaan dhageystayaasha iyo daawadayaasha". Taas oo ka dhigan in BBc weli ahaan doonto mid u sii adeegta dadka ku xidhan, si ka casrisan habkii hore.
Wuxuu sharraxay: "Waxaa laga yaabaa inaan haysanno kanaallo iyo adeegyo qaarkood oo 100,000 qof ay kala socdaan adeegga tooska ah, halka 500,000 qof ay barnaamijyadaas ka daawanayaan adeegga iPlayer.
"Masuuliyadda na saaran ayaa ah in si habboon oo kharash ahaanna ku filan aannu dadka ugu adeegno"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
BBC waa inay "siyaabo kala duwan ugu adeegto dhageystayaasha iyo daawadayaasha, waxaana ku xannibannahay qaabkii shalay ee dadku u isticmaali jireen warbaahinta, iyada oo dhab ahaantii dhageystayaashu ay xilli horebe casriyoobeen oo sii joogaan mustaqbalka," ayuu yiri.
Bilihii u dambeeyay, BBC waxay ku dhawaaqday in la xidhayo shaqooyin iyo barnaamijyo dhowr ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Blankety Blank, Celebrity Mastermind, Live At The Apollo iyo Football Focus. Waxaa sidoo kale la filayaa in dhimista kharashaadku sii socoto.
Brittin ayaa xilka Agaasimaha Guud ee BBC la wareegay bishii May, kaddib markii uu muddo toban sano ah ahaa madaxweynaha Google ee Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika.
Markii Laura Kuenssberg ay weydiisay haddii uu oggolaan lahaa in barnaamijyada ay qaarkood noqdaan kuwo AI samayso oo ay sidoo kale AI soo jeediso, Brittin wuxuu ku jawaabay: "Waan oggolaan lahaa, iyadoo la raacayo xeerar iyo xuduudo cad."
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan doonaynaa inaan tijaabino tiknoolajiyadan oo aan fahanno waxa ay qaban karto iyo waxa aysan qaban karin."
"Uma malaynayo in wax kasta oo aan sameyno ay tahay in AI loo beddelo. Waxaan u malaynayaa inay jiraan meelo badan oo AI ay naga caawin karto inaan si wanaagsan uga faa'iidaysanno lacagta laga bixiyo rukhsadda BBC, sidoo kalena ay naga caawin karto go'aan qaadashada iyo hal-abuurka. Laakiin ma aha beddelkii aadanaha."
Wuxuu sidoo kale ka digay khatarta ah in tiro yar oo shirkado tiknoolajiyadeed ahi mustaqbalka si xad-dhaaf ah u maamulaan helitaanka iyo qulqulka xogta ama macluumaadka.
"Waxaan sidoo kale ku jirnaa xilli AI ay si xawli ah u korayso. Sidaas darteed, waxaan u malaynayaa inay jirto khatar ah in lix shirkadood oo keli ah mustaqbalka ay gacanta ku dhigi karaan helitaanka macluumaadka iyo sida oo kalena abuuri karaan macluumaadka oo noqon karta xog marin-habaabin ah," ayuu yidhi.
"Lix shirkadood, oo aan midkoodna Yurub ka soo jeedin, iskaba daa inay British noqdaan. Dunidaas haddii ay timaaddo, waa in ay BBC door yeelato. Waa hay'adda ay in ka badan nus bilyan qof ahi ku kalsoon yihiin."
Markii la weydiiyay inuu ku kalsoon yahay shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda, wuxuu ku jawaabay:
"Waxaa jira goobo iyo barnaamijyo badan oo kala duwan, sidaas darteed si dabiici ah uguma kalsoonaado barnaamij kasta."
"Waxaan u malaynayaa waxa muhiimka ahi inuu yahay inaad si joogto ah dib ugu eegto sida adeegyadaasi u shaqeeyaan, iyo in waxyaabaha aad soo saarto ay ka muuqan karaan meesha saxda ah isla markaana ay gaari karaan ujeeddadooda."
"Waxaan u malaynayaa in BBC iyo barnaamijyadeenna iyo adeegyadeennu ay noqon karaan wax ka hortaga awoodda algorithm-ka. isla mar ahaantaana aanay noqon mid dano ganacsi riixayaan"



























