You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Rai'sul wasaaraha Ingiriiska oo ku dhawaaqay lacago dheeraad ah oo lagu maalgalinayo casriyaynta difaaca

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa ku dhawaaqay £15 bilyan oo dheeraad ah oo lagu maalgelinayo difaaca dalka, ka hor inta aan maanta la soo bandhigin qorshaha muddada dheer ee kharashaadka dowladda.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Shaqaale gargaar oo lagu dilay dalka Suudaanta Koonfureed

    Shan ka mid ah shaqaalaha gargaarka bani'aadannimo ayaa lagu dilay Koonfurta Suudaan kadib markii kolonyo ay la socdeen ay jidka u galeen rag hubeysan.

    Hay'adda samafalka ee John Dau Foundation, oo maamuleysay kolonyada, ayaa sheegtay in weerarka ka dhacay gobolka Jonglei ay sidoo kale ku dhinteen dad rayid ah.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in gaadiidka kolonyada ay si cad ugu calaamadsanaayeen inay yihiin kuwa gargaar bani'aadannimo, isla markaana shaqaaluhu ay kasoo laabanayeen tababar ay ka qeyb galeen.

    Ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay weerarka.

    Koonfurta Suudaan waxaa ka dhacay colaado soo noqnoqday tan iyo markii ay xorriyaddeeda qaadatay sanadkii 2011.

  2. War deg deg ah, Degdeg: Pakistan iyo Afghanistaan oo xiisadi ka dhex taagantahay

    Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Pakistan ayaa sheegtay in maanta, maamulka Daalibaan ee Afghanistan uu afar diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn oo fudud ka soo gudbiyay xadka una soo diray gobolka Balochistan, kuwaas oo ay sheegeen in nidaamka difaaca cirka ee Pakistan uu qabtay kadib markii goor hore la ogaaday.

    Bayaan ay ISPR soo saartay caawa ayaa lagu sheegay in diyaaradahaasi ay qayb ka ahaayeen, sida ay hadalka u dhigtay, taageerada iyo garab istaagga ay Daalibaan siiyaan ururrada ay Pakistan ku tilmaanto argagixisada ee ka hawlgala deegaannada ay maamulaan.

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in nidaamka difaaca cirka ee Pakistan uu si degdeg ah u aqoonsaday dhammaan afarta diyaaradood, kadibna ciidamada ammaanku ay ku burburiyeen iyagoo adeegsanaya habab casri ah oo difaac.

    Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Pakistan ayaa uga digtay maamulka Daalibaan in haddii ay sii wadaan waxa ay ku tilmaantay daandaansiga ka dhanka ah Pakistan, ay la kulmi doonaan jawaab culus oo ay ku bixin doonaan qiimo weyn.

    Sida ay sheegtay ISPR, ciidamada qalabka sida ee Pakistan waxay ku jiraan heegan buuxa, isla markaana waxay awood u leeyihiin inay difaacaan dhammaan xuduudaha dalka.

    Bayaanka ayaa intaas ku daray in tallaabo kasta oo xuduudda ka timaadda ama daandaansi kasta oo khatar gelinaya madaxbannaanida Pakistan lagu wajihi doono jawaab degdeg ah, go'aan leh oo xooggan, iyadoo loo marayo howlgalka Ghadb-ul-Haq.

  3. War deg deg ah, Daalibaan oo duqeysay xaruumo ISIS leedahay

    Sediqullah Nusrat, oo ah afhayeen ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee maamulka Daalibaan ee Afghanistan, ayaa ku andacooday in Ciidanka Cirka ee Afghanistan ay duqeeyeen xarumo ay ku sheegeen inay leeyihiin kooxda ISIS oo ku yaalla deegaanka Saranan ee degmada Pishin ee gobolka Balochistan ee Pakistan, iyo goobo kale oo ku yaalla gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in weerar cirka ah lagu qaaday xarun ay ku tilmaantay xarun wadajir ah oo ku taalla Saranan ee Balochistan, taas oo ay ku eedeysay in loo adeegsanayay qorsheynta falal lagu carqaladeynayo amniga iyo weerarro ka dhaca Afghanistan.

    Waxay sidoo kale sheegtay in la beegsaday xarun kale oo ay ku tilmaantay mid ay ISIS ku leedahay deegaanka Qambarkhel ee Khyber Pakhtunkhwa, iyo xarun kale oo ay ku sheegtay inay wada isticmaalaan ISIS iyo kooxo hubeysan oo kale, taas oo ku taalla deegaanka Garm Chashma ee dooxada Shah Saleem ee degmada Chitral.

    Afhayeenku wuxuu ku eedeeyay in xarumahaasi ay qorsheynayeen falal lagu waxyeelleynayo amniga iyo weerarro lagu qaado dadka rayidka ah ee Afghanistan.

    Wasaaradda Gaashaandhigga ee maamulka Daalibaan ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu sababay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dagaalyahannada ISIS, taageerayaashooda iyo xubno kale oo ka tirsan kooxaha hubeysan, iyadoo sheegtay in weerarrada si sax ah loo fuliyay isla markaana aysan wax rayid ah ku waxyeelloobin.

    BBC uma suurtaglin inay si madax-bannaan u xaqiijiso sheegashooyinka maamulka Daalibaan, waxaana ilaa iyo hadda aan wax jawaab rasmi ah ka bixin arrintaan dowladda Pakistan.

    Sii akhri:

  4. Ra'iisul Wasaaraha Hindiya iyo madaxweynaha Iiraan oo ka wadahadlay xiisadaha taagan

    Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa sheegay inuu wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Iiraan, Dr. Masoud Pezeshkian, oo ku saabsanaa xaaladda hadda ka jirta Galbeedka Aasiya.

    Narendra Modi ayaa sheegay inuu soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay wada-hadallada u socda Mareykanka iyo Iiraan, isagoo muujiyay rajada ah in dadaallada socda ay horseedi doonaan nabad waarta oo ka dhalata gobolka.

    Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xorriyadda maraakiibta ee marinka Hormuz, isagoo sheegay in arrintaasi ay muhiim u tahay Hindiya iyo guud ahaan bulshada caalamka.

  5. Shiinaha oo hadda ah dalka keliya ee sii wada iibsashada saliidda Iiraan

    Xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Shiinaha uu yahay dalka keliya ee weli sii wada iibsashada saliidda Iiraan, halka dalalka kale ay ka baaqsanayaan iibsigeeda iyagoo ka cabsi qaba suurtagalnimada in dib loo soo rogo cunaqabateynta Mareykanka.

    Scott Bessent ayaa u sheegay Fox News: “Iiraan si habboon uma suurtagelin inay iibiso saliiddeeda, sababtoo ah iibsadayaashu waxay ka baqayaan in cunaqabateyntii dib loo soo celiyo.”

    Kadib isfaham dhex maray Iiraan iyo Mareykanka, Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa soo saartay oggolaansho ku-meel-gaar ah oo ku hakisay cunaqabateynta saarneyd saliidda iyo waxyaabaha batroolka laga sameeyo ee Iiraan muddo 60 maalmood ah.

    Mr. Bessent ayaa sheegay in marka laga reebo Shiinaha, oo sii waday iibsashada saliidda Iiraan tan iyo intii ay cunaqabateyntu jirtay, uusan jirin dal kale oo iibsaday saliidda Iiraan. Taas awgeed, ayuu yiri, saliidda Iiraan weli waxaa lagu iibiyaa qiimo ka hooseeya kan suuqa.

    Wuxuu intaas ku daray in yaraanta iibsadayaasha saliidda Iiraan ay sii xoojinayso dadaallada Tehraan ay ku doonayso inay soo jiidato dareenka Washington.

    Sii akhri:

  6. Carruur badan oo ku geeriyootay xaruun waxbarasho oo shil ka dhacay

    Afar iyo toban carruur ah ayaa ku dhintay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii saqafka xarun waxbarasho oo casharro dheeraad ah lagu bixiyo uu ku dumay magaalada Lahore ee gobolka Punjab dalka Pakistan, maanta.

    Isla markii la helay warka shilka, waxaa si degdeg ah loo bilaabay howlaha gurmadka iyo samatabbixinta, waxaana si nabad ah looga soo saaray dhismaha 20 carruur ah.

    Sida ay qortay BBC Urdu, Guddoomiyaha magaalada, Maryam Khan, ayaa sheegtay in qiyaastii 35 carruur ah ay ku jireen dhismaha xilligii uu shilku dhacay. Sidoo kale, macallin ayaa ka mid ahaa dadka dhaawacmay.

    Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Punjab, Maryam Nawaz, ayaa dalbatay in booliisku soo gudbiyo warbixin baaritaan oo ku saabsan shilka.

    Ilaa iyo hadda, booliisku waxay xireen laba qof, oo uu ku jiro milkiilaha dhismaha.

    Sida uu sheegay Faisal Kamran, oo ah Agaasimaha Hawlgallada Booliiska waxaa la ururinayaa dhammaan caddeymaha la xiriira kiiska si loo ogaado sababta shilka iyo cidda mas’uulka ka ah.

    Wuxuu sheegay: “Hannaanka sharciga ayaa si buuxda loo marsiin doonaa kiiskan, waxaana tallaabo laga qaadi doonaa cid kasta oo lagu helo inay mas’uul ka ahayd.”

    Sii akhri:

  7. War deg deg ah, Toogasho lagu dilay ciidamo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iiraan

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Gobolka Kermanshah ee Iiraan ayaa sheegay in laba ka mid ah xubnahooda lagu dilay weerar loo adeegsaday rasaas oo ka dhacday afaafka hore ee gurigooda, magaalada Paveh, fiidnimadii Isniinta.

    Xafiiska xiriirka dadweynaha ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee gobolka Kermanshah ayaa bayaan kooban ku sheegay in laba qof oo kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen dhacdada.

    Sida ay qortay BBC Persian, waxay weerarka ku tilmaantay "fal argagixiso", iyadoo sheegtay in hay’adaha ay khusayso ay wadaan baaritaan ku saabsan dhacdada.

    Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka.

    Warkani wuxuu imaanayaa xilli maalmo ka hor la soo wariyay iska horimaadyo ciidan oo isdaba joog ah oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Baneh.

    Xilligaas, warbaahinta xiriirka la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex askari ay ku dhinteen dagaallada, halka shan kale ay ku dhaawacmeen.

  8. War deg deg ah, Iiraan oo hanjabaad culus u dirtay wax ay ku tilmaantay cadowgeeda

    Wasiirka gaashaandhigga ku meel gaarka ah ee Iiraan ayaa sheegay in dalkiisu uusan u dulqaadan doonin cadowgiisa isla markaana uu diyaar u yahay inuu iska difaaco weerar kasta. Wuxuu ka digay in haddii lagu xadgudbo heshiiska xabbad-joojinta, Iiraan ay si degdeg ah oo xooggan uga jawaabi doonto.

    Sida uu sheegay, Iiraan mar kasta ayay diyaar u tahay inay isdifaacdo, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciidamada dalka ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay ka hortagaan weerar kasta oo dibadda kaga yimaada.

    Hadalkan ayuu jeediyay intii lagu jiray wada hadal dhinaca taleefanka ah oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca ee Qatar, halkaas oo ay kaga wada hadleen arrimaha amniga iyo suurtagalnimada in la xoojiyo iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal.

    Wasiirku wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan faragelinta ay qaar ka mid ah dalalka shisheeye ku hayaan arrimaha gobolka, isagoo sheegay in faragelintaasi aysan keenin amni, balse ay sii kordhiso colaadaha iyo kalsooni darrada u dhexeysa dalalka. Wuxuu ku baaqay in dalalka gobolka loo daayo inay iyagu maareeyaan amnigooda.

    Hadalkan ayaa imanaya iyadoo xiisaddu cirka isku shareertay tan iyo weerarradii ay Mareykanka iyo Israa’iil qaadeen 28-kii Febraayo, kuwaas oo sababay in Iiraan ay ka aargoosato iyadoo weerartay goobo dhowr ah oo ku yaalla Qatar.

    Hadda, Qatar, iyadoo kaashanaysa Pakistan, waxay isku dayaysaa inay dhexdhexaadiso si loo gaaro heshiis nabadeed oo waara oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

  9. Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha: Xabad joojinta hadda jirta way jilicsan tahay laakiin way ka fiican tahay dagaal

    Kulan uu magaalada Beijing kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa ku baaqay in la sii wado geeddi-socodka wada-hadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

    "Xabbad-joojinta hadda jirta weli waa mid jilicsan, balse wada-hadalku wuu ka wanaagsan yahay dagaalka, gorgortankuna wuu ka wanaagsan yahay iska horimaadka," ayuu yiri Wang Yi, sida ay baahisay wakaaladda wararka dowladda Shiinaha ee Xinhua.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Sacuudiga si loo yareeyo xiisadaha ka taagan gobolka loona hormariyo nabad waarta.

    Saacadihii u dambeeyay, Shiinaha ayaa noqday waddankii labaad, kadib Jarmalka, ee ka digay jilicsanaanta xabbad-joojinta u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka, isla markaana ku baaqay in la sii wado wada-hadallada si loo gaaro heshiis waara.

    Waxaan hore u soo sheegnay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalku ay fariin ay ku daabacday barta X maanta ku sheegtay in "ay lama huraan tahay in hadda la gaaro xal wax ku ool ah oo la hirgelin karo si loo xaqiijiyo marin ammaan ah oo aan carqalad lahayn oo laga maro Marinka Hormuz, isla markaana wax looga qabto barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan."

    Sidoo kale akhri

  10. Madaxwaynaha Somaliland oo farriin u diray dalalka Islamka

    Madaxwaynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulahi Cirro ayaa ka hadlay aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil.

    Waxaa uu sheegay in aqoonsiga uu ahaa mid laba geesood ah oo ay labada dhinac is aqoonsadeen.

    Waxaa u sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ak dib labada dhinac ay ku heshiiyeen in safiiro la is waydaarsado taasi oo dhacday.

    “Israa’iil way na aqoonsatay , anagana iyaga ayaan aqoonsanay, israa’iil markii ay na aqoonsatay dalalka islamka way naga soo horjeesteen dhammaantood, waxay yiraahdeen aqoonsiga Somaliland ma ogolin, waxaan magacaabay safiir, waxay yiraahdeen safiirka ma ogolin, waxaan furay safaarad, waxay yiraahdeen safaaradda ma ogolin, maxay doonayaan, bal idinku ka jawaaba” ayuu yiri mr Cirro.

    Waxaa uu Madaxwaynaha Somaliland fariin u diray dalalka Carabta iyo kuwa muslimiinta.

    “Waxaa uu farriin u diray dalalka Islaamka isaga oo yiri, “walaalayaal waanu idin baahanahay waanu idin jacelnahay walaalaheenna ayaad tihiin na arka” ayuu yiri

    Sidoo kale akhri

  11. Xiisad ka taagan Koonfur Afrika

    Waxaa la Adkeeyay Ammaanka Koonfur Afrika iyadoo Laga Cabsi Qabo Rabshado ka Dhasha Dibadbaxyada Ka Dhanka ah dadka soo galootiga ah ee aan dalkaasi u dhalan.

    Ciidamada ammaanka ayaa si weyn loo xoojiyay guud ahaan dalka Koonfur Afrika, iyadoo laga cabsi qabo in dibadbaxyada looga soo horjeedo muhaajiriinta ay isu beddelaan rabshado.

    Madaxweynaha dalka, Cyril Ramaphosa, ayaa ugu baaqay dadka dibadbaxaya inay muujiyaan cabashadooda si nabad ah, iyagoo aan adeegsan hanjabaad ama rabshado.

    Dibadbaxyadan ayaa yimid kaddib markii kooxo u ololeeya arrimaha socdaalka ay qabteen waqti kama dambeys ah oo aan rasmi ahayn, iyagoo dalbaday in dhammaan ajaanibta aan haysan dukumeenti sharci ah ay ka baxaan dalka.

    Dad badan oo muhaajiriin ah ayaa durba isaga baxay Koonfur Afrika si ay uga fogaadaan hanjabaadaha iyo qalalaasaha. Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in ilaa 25,000 oo qof loo tarxiilay dalalkooda, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda waddamo kale oo Afrika.

    Muhaajir u dhashay Malawi oo aan haysan dukumeenti sharci ah ayaa BBC-da u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa ku laabanayo, balse uu aad uga murugaysan yahay inuu ka tagayo afartiisa carruurta ah ee yaryar.

    Magaalada Johannesburg, oo la filayo inuu ka dhaco mid ka mid ah dibadbaxyada, ayaa maanta ahayd mid aan caadi ahayn oo aad u deggan, iyadoo dhammaan dukaamadii ku yaallay agagaarka goobta dibadbaxa la xiray.

    Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa marar badan ku celceliyay in dibadbaxyadu ay ku dhacaan si nabad ah oo mas’uuliyad leh, isagoo sidoo kale qiray in loo baahan yahay dib-u-habeyn lagu sameeyo siyaasadaha socdaalka.

    Waxa uu shacabka xusuusiyay in qaar ka mid ah ajaanibta ku nool Koonfur Afrika ay si sharci ah dalka u joogaan.

    "Waa dad shaqeeya, wax barta, qoysas dhista, maalgashi ku sameeya dhaqaalaheenna, isla markaana si wanaagsan uga qayb qaata horumarka bulshadeenna,sidoo kale waxay xaq u leeyihiin in ay ilaaliyaan sharciga iyo dastuurka dalka."

    Madaxweyne Ramaphosa ayaa intaas ku daray:"Xuquuqda dibadbaxa iyo xorriyadda hadalku ma siinayaan qofna oggolaansho uu dadka kale ugu hanjabo ama ugu cabsi geliyo, sidoo kalena aysan cudurdaar u noqon karin burburinta hanti ama ku lug lahaanshaha rabshado."

  12. Madaxwaynaha Somaliland oo ka hadlay safaaradda ay Somaliland ka furatay Qudus

    Madaxwaynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulahi Ciro ayaa maanta ka hadlay aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil.

    Waxaa uu madaxwaynaha si gaar ah uga hadlay go’aanka safaaradda ay ka fureen magaalada Qudus.

    “Waxaanu ku heshiinay inaanu safaarado kala furano, safaaraddii waanu furnay, waxaanu ka furnay Qudus, wuxuu ahaa go’aan sax ah, waa go’aan aan ka noqosho lahayn,” ayuu yiri madaxwaynaha Somaliland.

    Madaxwaynaha Somaliland ayaa ku andacooday in goobta ay safaaradda ka fureen ee Qudus ay tahay goob “carabtu u aqoonsan yihiin dhul ay Israa’iil leedahay”.

    “Safaaradu waxaanu ka furnay galbeedka Qudus oo ah dhul ay dalalka carabta u aqoonsan yihiin dhul ay Israa’iil leedahay .

    Madaxwaynaha ayaa hadaladan ka jeediyay shir ay maanta yeesheen xubnaha xisbaga talada haya ee wadani.

    Sidoo kale akhri

  13. Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka: Shiinaha weli waa iibsadaha kaliya ee Shidaalka Iiraan

    Xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegay in Shiinaha uu weli yahay dalka keliya ee iibsada shidaalka Iran, halka dalalka kale ay ka taxaddarayaan iibsashada Shidaalka Iran sababo la xiriira suurtagalnimada in cunaqabatayntii Mareykanka dib loo soo celiyo.

    “Iran ilaa hadda ma awoodin inay iibiso shidaalkeeda, sababtoo ah dalalka iibsanaya waxay ka walwalsan yihiin in cunaqabatayn dib loo soo rogo iyo in kale,” ayuu Scott Besant u sheegay Fox News.

    Kadib isfahamkii Iran iyo Mareykanka, Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay soo saartay oggolaansho guud oo si ku-meel-gaar ah 60 maalmood uga qaaday cunaqabataynta Shidaalka iyo waxyaabaha batroolka ee Iran.

    Xoghayaha Maaliyaddu wuxuu sheegay in marka laga reebo Shiinaha, oo sii waday iibsashadaShidaalka Iran xilligii cunaqabatayntu socotay, aysan jirin dalal kale oo iibsaday Shidaalka Iran, taasina ay sababtay in shidaalka Iran “lagu iibiyo qiimo jaban.”

    Aragtida Mr. Bennett, tirada yar ee iibsadayaasha waxay kordhinaysaa dhiirrigelinta Tehran ee ah inay raadiso feejignaanta Washington.

    Sidoo kale akhri

  14. Ingiriiska oo ku dhawaaqay lacago dheeraad ah oo lagu maalgalinayo difaaca

    Keir Starmer oo Ku Dhawaaqay £15 Bilyan oo Dheeraad ah oo Lagu Kordhinayo Miisaaniyadda Difaaca Britain

    Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa ku dhawaaqay £15 bilyan oo dheeraad ah oo lagu maalgelinayo difaaca dalka, ka hor inta aan maanta la soo bandhigin qorshaha muddada dheer ee kharashaadka dowladda.

    Starmer ayaa sheegay in miisaaniyadda difaaca ee Britain ay gaari doonto £80 bilyan sanadkii marka la gaaro 2029, iyadoo lacagtaasi loo adeegsan doono xoojinta awoodda ciidamada iyo casriyeynta qalabka difaaca.

    Si loo maalgeliyo qorshahan, ayuu sheegay in dowladda ay joojin doonto ama dib u dhigi doonto qaar ka mid ah mashaariicda waddooyinka iyo tamarta, si dhaqaalaha loogu wareejiyo qeybta difaaca.

  15. Iran: Xiriirka u Dhexeeya Tehran iyo Washington Waa Mid Siyaasadeed, Ma Aha Mid Milatari

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka uusan ahayn mid u dhexeeya ciidamada labada dal, balse uu yahay xiriir siyaasadeed oo u dhexeeya hay’adaha dowladda.

    Baghaei ayaa sheegay in dhinaca Iran ay wada-xiriirka u qaabilsan tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, halka dhinaca Mareykankana uu matalo mid ka mid ah mas’uuliyiinta ay arrintani khusayso.

    Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in geeddi-socodka iibinta shidaalka ceyriin iyo waxyaabaha kale ee batroolka ee Iran uu si weyn u fududaaday.

    Dhanka kale, Baghaei ayaa sheegay in berri oo Arbaco ah ay koox khubaro ah oo ka socota Iran wadahadallo kula yeelan doonaan mas’uuliyiinta Qatar magaalada Doxa.

    Sida uu sheegay, kulamadaasi waxay diiradda saari doonaan hirgelinta ballanqaadka la xiriira sii deynta hantida Iran ee dibadda lagu xayiray.

  16. Madaxweynaha Iran: Wadahadalladii Mareykanka Waxay Ku Socdeen Hagidda Hoggaanka Sare

    Madaxweynaha Iran, Massoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dhammaan marxaladihii wadahadallada ay la yeesheen Mareykanka ay ku socdeen "qaab waafaqsan siyaasadaha guud ee nidaamka," isla markaana ay jireen "isku-duwid buuxda oo joogto ah" oo lala lahaa Hoggaamiyaha Sare, Mojtaba Khamenei.

    Isagoo kulan la qaatay xubno ka tirsan Ururka Macallimiinta Madarasada Diinta ee Qom, Pezeshkian ayaa ku tilmaamay heshiiska lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay Iran iyo Mareykanka inuu yahay "guul diblomaasiyadeed."

    Wuxuu sheegay:"Nasiib darro, waxaa jira kooxo la safan ololeyaasha nafsiyeed ee warbaahinta mucaaradka kuwaas oo isku dayaya inay dhaawacaan guushan, iyagoo weeraraya kooxda wadaxaajoodka isla markaana shaki gelinaya go'aannada qaran."

    Madaxweynaha Iran ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ka gaabsatay inay ka jawaabto qaar ka mid ah eedeymaha loo jeediyay, si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

    Kadib markii la saxiixay is-afgaradka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo garabyada siyaasadeed ayaa si kulul u dhaleeceeyay heshiiska.

    Dhaliilaha ayaa sii xoogeystay kaddib markii la baahiyay farriin uu diray Hoggaamiyaha Sare, Mojtaba Khamenei, oo ku saabsan heshiiska is-afgaradka ee Iran iyo Mareykanka.

    Dhaleeceyntu waxay gaartay heer mid ka mid ah dadka taageera Massoud Pezeshkian uu ugu hanjabay dil, isagoo arrinta ka duulaya wadahadallada iyo hirgelinta shuruudaha uu dejiyay Hoggaamiyaha Sare.

    Dowladda Iran ayaa cambaareysay hadalladaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo "aad u gef badan oo aan la aqbali karin."

    Sidoo kale akhri

  17. Xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka: Waan ku faraxsanaa inkooxdii ciyaartoyda Iraan ay ka haraan koobka adduunka

    Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Marquin Mullin, ayaa soo dhoweeyay ka harista xulka qaranka Iran ee Koobka Adduunka, isagoo sheegay inuu "aad ugu faraxsan yahay."

    Isagoo la hadlayay warfidiyeennada shir looga hadlayay ammaanka Koobka Adduunka oo ka dhacay magaalada Washington, Mullin ayaa yiri:"Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inay baxeen. Ma jirin xul nagu abuuray dhibaato sida Iran oo kale."

    Wuxuu intaas ku daray:"Waxaan aad ugu faraxsanahay inay howshoodii dhammaatay oo aysan mar kale soo laaban doonin,Markii ay noo suuragashay inaan baabi'inno fiisooyinkooda oo aan u sheegnay inay ka baxaan Mareykanka, waxaan dareemay farxad aad u weyn, ilaa aan qaaday hees ama laba, isla markaana aan farxad la ciyaaray."

    Xulka qaranka Iran ayaa lagu wadaa inay fiidnimada Talaadada,waqtiga Iran, uga safraan xaruntooda ku taalla Tijuana ee dalka Mexico una duulaan Antalya, halkaasna ay uga sii gudbi doonaan magaalada Tehran.

    Sidoo kale akhri

  18. Cabbaas Araqchi:Tehran "kaliya" ayaa mas'uulka ah in ay si buuxda u furto marinka Hormuz

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi ayaa mar uu Axadii booqasho ku tagay dalka Ciraaq sheegay in Tehran ay "kaliya" mas'uul ka tahay in ay si buuxda u furto marinka Hormuz, sida uu dhigayo heshiiskii ay la galeen Mareykanka, faragelin kastana ay caqabad ku noqon doonto hannaankan, ayna horseedi doonto xiisad colaadeed.

    "Ku xadgudubka qaybo ka mid ah heshiiska Mareykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda [Israa'iil] - gaar ahaan qodobkiisa koowaad - wuxuu caqabad weyn ku noqday soo celinta amniga iyo xasilloonida gobolka," ayuu yiri mar uu la kulmay madaxweynaha Ciraaq Nizar Amidi.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa intaa ku daray inay doonayaan in la dhaqan geliyo qodobada heshiiska, balse ay "qaadi doonaan tillaabooyin adag" oo ay kaga hortagayaan xadgudub kasta oo ka yimaada dhanka kale.

    Waxaa xusid mudan in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ugu yaraan labo markab lagu beegsaday marin biyoodka Hormuz, taasoo keentay in Iran iyo Mareykanka ay weeraro isweydaarsadaan.

    Markabkii ugu horeeyay ayaa la beegsaday maalintii Khamiista, waxaana xigay Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay xeebaha koonfureed ee Iran, Iran ayaa sheegtay inay beegsatay saldhigyada Mareykanka ee gobolka, taasoo jawaab u ah.

    Labada Tehran iyo Washington ayaa midba midka kale ku eedeynayaa inuu jabiyay xabbad joojinta.

    Sidoo kale akhri

  19. Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor?

    Dhowr diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee nuucoodu yahay T129 ATAK ayaa galabta lagu soo badhigay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo la sheegay in lagu xusayay maalinta guusha qaran ee Turkiga sida uu baahiyay talafishinka dowladda Soomaaliya.

    Waxaa goobjoog ahaa goobta munaasabadaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka qaarkooda sida wasiirka gaashaandhigga dalka.

    Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradahu ay muujinayaan taagerada Turkiga ee dhismaha hay'ada difaaca Soomaaliya.

    Maxay tahay T129?

    Diyaaradaha T129 ATAK waa diyaarado siyaabo kala duwan u dagaallama iyagoo loogu talogalay in ay si dhow u taageeraan ciidamada iyo howlgalada sahanka. Diyaaradahan waxay sidoo kale awood u leeyihiin in laba saacadood ay hawada ku jiraan.

    Habka ay u kala wareegayaan iyo sida tooska ah e ay u beegsan karaan cadowgooda ayaa ka dhigay in ay noqdaan kuwa tayadoodu sareyso.

    Waxaa ku xiran diyaaradahan hub casri ah oo ay ku jiraan kuwa darandooriga u dhaca iyo gantaallada. Sidoo kale diyaaradahan qumaatiga u kaca waxaa lagu yaqaan in ay si saxan u weeraraan goobaha ay doonayaan iyagoo degdeg jihada ay doonaan ugu wareegi kara.

    Diyaaradahan qumaatiga u kaca ee wax weerara waxaa la sheegay in ay yihiin helikobtarada ugu waxtarka badan noocyadeeda, waxaana loo adeegsan karaa sidoo kale duqeymaha meelaha aan fogeyn.

    Awooda diyaaradahan waxaa ka mid ah in ay ku dagaallami karaan cimilo kasta, waxaana ujeedkii hore ee loo sameeyay uu ahaa in ay daboolaan baahida ciidamada Turkiga.

  20. Ku simaha wasiirka difaaca iraan: Ma aamineyno cadowga

    Ku simaha wasiirka difaaca ee Iiraan, ayaa sheegay in "haddii ay dhacdo in la jebiyo qodobbada xabad joojinta, ay qaadi doonnaa tallaabo ku habboon oo lagama maarmaan ah".

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee IRNA, Majid Ibn al-Reza ayaa arrintan ku soo qaaday wicitaan taleefan oo uu la yeeshay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Qatar, isla markaana wuxuu muujiyay sida Iran ay diyaar ugu tahay inay ballaariso iskaashiga difaaca ee ay la leedahay Qatar".

    Wasiirka ayaa yiri, "Ma aamini karno cadowga”

    Tan iyo markii weerarrada Israa'iil iyo Mareykanka ay bilowdeen, Iiraan waxay qaadday weerarro aargoosi ah, oo ay ku jiraan bartilmaameedyo ku yaal Qatar".

    Qatar iyo Pakistan ayaa hadda wada howlaha, si Iiraan iyo Mareykanka ay u gaaraan heshiis nabadeed oo joogto ah".

    Sidoo kale akhri