War deg deg ah, Degdeg: Pakistan iyo Afghanistaan oo xiisadi ka dhex taagantahay
Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Pakistan ayaa sheegtay in maanta, maamulka Daalibaan ee Afghanistan uu afar diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn oo fudud ka soo gudbiyay xadka una soo diray gobolka Balochistan, kuwaas oo ay sheegeen in nidaamka difaaca cirka ee Pakistan uu qabtay kadib markii goor hore la ogaaday.
Bayaan ay ISPR soo saartay caawa ayaa lagu sheegay in diyaaradahaasi ay qayb ka ahaayeen, sida ay hadalka u dhigtay, taageerada iyo garab istaagga ay Daalibaan siiyaan ururrada ay Pakistan ku tilmaanto argagixisada ee ka hawlgala deegaannada ay maamulaan.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in nidaamka difaaca cirka ee Pakistan uu si degdeg ah u aqoonsaday dhammaan afarta diyaaradood, kadibna ciidamada ammaanku ay ku burburiyeen iyagoo adeegsanaya habab casri ah oo difaac.
Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Pakistan ayaa uga digtay maamulka Daalibaan in haddii ay sii wadaan waxa ay ku tilmaantay daandaansiga ka dhanka ah Pakistan, ay la kulmi doonaan jawaab culus oo ay ku bixin doonaan qiimo weyn.
Sida ay sheegtay ISPR, ciidamada qalabka sida ee Pakistan waxay ku jiraan heegan buuxa, isla markaana waxay awood u leeyihiin inay difaacaan dhammaan xuduudaha dalka.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in tallaabo kasta oo xuduudda ka timaadda ama daandaansi kasta oo khatar gelinaya madaxbannaanida Pakistan lagu wajihi doono jawaab degdeg ah, go'aan leh oo xooggan, iyadoo loo marayo howlgalka Ghadb-ul-Haq.