Netanyahu oo loo banneeyey hoolka golaha QM, xilli uu jeedin rabay khudbaddiisa

NATENYAAHUU
    • Author, Jaroslav Lukiv
    • Author, Tom Bateman
    • Role, State department correspondent
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay si adag ugu difaacay howlgallada milatari ee ciidamadiisu ka wadaan dalka Iiraan, Qasa, Koofurta Lubnaan iyo meelo kale oo Bariga Dhexe ah.

Balse ka horta inta uusan bilaabin khudbaddiisa waxaa hoolka ka kacay tobannaan wakiillo iyo madax si ay uga mudaaharaadaan markii uu masraxa soo fuulay.

Isaga oo ka jawaabaya wufuuddii ka baxday hoolka, ayuu yiri: "Haddii ay jiraan fulayaal kale oo damiir la' oo aan weli hoolka ka bixin, fadlan hadda baxa".

Hoggaamiyaha Israa'iil ayaa sidoo kale diiday eedeymaha ah in Israa'iil ay xasuuq ka waddo Gaza, Waxa uuna ku dhaartay inuu sii wadi doono dagaalka, isaga oo yiri: "Waan guuleysan doonnaa. Doorasho kale ma lihin".

Saacado ka hor, Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Cabbas ayaa farriin la duubay oo uu u diray Qaramada Midoobay ku sheegay in siyaasadaha Israa'iil, gaar ahaan isku ballaarinta sharci-darrada ah ee deegaannada Yuhuudda laga sameeyo Daanta Galbeed ee la haysto, ay halis ku yihiin "nolosha iyo jiritaanka shacabka Falastiin ee dhulkooda hooyo."

Waxa uu sidoo kale sheegay in arrintani ay khatar ku tahay xalka laba dhinac, kaas oo caalamku taageero si nabad loogu dhex dhiso Israa'iil iyo Falastiin.

Cabbas ayaa sheegay in shacabka Falastiin Gaza ay ciidamada Israa'iil kala kulmayaan "dil, burbur, gaajo iyo isku dayo lagu barakicinayo, iyo sidoo kale dagaal xasuuq ah".

Hoggaamiyaha Falastiin ayaa kulanka sannadlaha ah kaga qaybgalay muuqaal toos ah, kadib markii Mareykanku u diiday fiisaha dal ku galka ah.

Barakacayaal Falastiini ah
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa hore Netanyahu ugu xukuntay in lasoo xiro, kaasoo baxay oo la xiriira eedeymo dambiyo dagaal ah, ayaa weerarro kulul ku qaaday dalal iyo hoggaamiyeyaal dhaliilay siyaasaddiisa.

"Waxay Israa'iil, Israa'iil yar, ku eedeeyaan gumeysi. Yaa na eedeynaya? Waxaa ka mid ah dad ku sugan Ingiriiska iyo Faransiiska, iyaga ayaa eraygaas hindisay," ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku tilmaamay "kaligii-taliye", waxa uuna ku eedeeyay inuu taageero kooxda hubaysan ee Xamaas.

Erdogan ayaa Talaadadii khudbaddiisa uu ka jeediyey kal fadhigaan ku sheegay in caddaalad-darrada dadka Gaza iyo Daanta Galbeed ay wajahayaan ay tahay arrin aad looga xumaado.

Dhanka kale, duqa magaalada New York ee garabka bidix, Zohran Mamdani, oo hore u sheegay inuu Netanyahu xiri doono balse markii dambe sheegay inuusan awood sharci u lahayn arrintaas, ayaa sidoo kale dhaleeceyn kala kulmay hoggaamiyaha Israa'iil.

"Tan iyo markii laguu doortay duqa magaaladan, Yuhuud badan ayaan hadda New York ku dareemayn ammaan", ayuu yiri Netanyahu.

Ololaha Doorashadiisa Netenyaahu

Inta badan khudbaddii Netanyahu waxay ku wajahneyd labada dhinac ee uu u baahan yahay inuu sida ugu weyn ugu qanciyo, Israa'iiliyiinta, xilli ay kusoo food leedahay doorashad Israa'iil ka dhaceysa bisha soo socota, iyo Mareykanka, iyadoo Israa'iil ay sii wajahayo go'doon caalami ah iyo kala qaybsanaan ku saabsan taageerada loo hayo.

Gudaha Israa'iil, sumcaddii Netanyahu ee ahayd "Mudanaha Amniga" oo aan hore loo loollan gelin ayaa si isa soo taraysa loo baarayaa, iyadoo tani tahay doorashadii ugu horreysay ee la qabanayo tan iyo weerarradii 7-dii Oktoobar 2023.

Qaar ka mid ah mucaaradka siyaasadda ayaa ku doodaya inuusan ku habboonayn xilka, kadib warar ay baahiyeen warbaahinta Israa'iil oo uu Netanyahu si adag u diiday, kuwaas oo sheegayay inuusan dheg u dhigin digniino ku saabsan weerar ay Xamaas soo qaadi karto.

Mowqifkiisa adag ee uu caanka ku yahay ee uu ka muujiyay madasha Qaramada Midoobay ayaa mar kale laga yaabaa in loo adeegsado ololaha doorashada, iyadoo isbahaysigiisa garabka midig ee diimeed uu ku jiro meel hoose.

Waxa uu hadalkaas ayaa loo adeegsan karaa dadaalkiisa uu mar kale ku xoojinayo sawirka ah inuu yahay siyaasiga keliya ee Israa'iil ee si dhab ah uga hortagi kara tirada sii kordheysa ee dadka kasoo horjeeda Israa'iil.

Waxaa sidoo kale, jeedintiisa ku jiray farriimo u muuqdau in loogu talagalay dhagaystayaasha Mareykanka, oo ay ku jiraan duqeymihii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iraan iyo ammaanta uu u jeediyay Trump.

Netanyahu oo ku dhashay Israa'iil, balse korriimadiisa waxa uu ku qaatay Pennsylvania, waxa uu muddo dheer isku dayayay inuu isu muujiyo inuu leeyahay awood gaar ah oo uu ku difaaci karo mowqifka Israa'iil gudaha Mareykanka.

Inkastoo Washington ay weli sii waddo taageerada hubka, hadana Netanyahu wuxuu wajahaya diidmo dadweyne oo sii kordhaysa iyo su'aalo laga qaba taageerada Israa'iil.

Dadka ka dibad baxayey Netenyaahu

Tiro dad ah oo ka mudaaharaadayay booqashada Netanyahu ayaa lagu xiray magaalada New York.

Dadkii la xiray waxaa ka mid ahaa atariishada ku guuleysatay abaalmarinta Oscar-ka Susan Sarandon iyo atariishada taxanaha Hacks ee ku guuleysatay Emmy-ga, Hannah Einbinder.

Waxaa sidoo kale la xiray Darializa Avila Chevalier, oo ah musharrax Dimuqraadi ah oo u tartamaya Congress-ka Mareykanka, iyo Chi Osse, oo ah xubin ka tirsan Golaha Magaalada New York.

Afhayeen u hadlay Waaxda Booliiska Magaalada New York (NYPD) ayaa sheegay in askartu ay ka jawaabeen warbixin ku saabsan "mudaaharaad aan horay loo qorsheyn", kaas oo ay dibadbaxayaashu ku xireen waddo isgoys ahayd.

Susan Sarandon

Ciidamada Israa'iil ayaa duullaan dhulka ah ku qaaday Marinka Gaza kadib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ay ku qaaday Israa'iil, kaas oo lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof, halka 251 qofna la qafaashay.

Intii uu socday howlgalkii milatari ee Israa'iil, in ka badan 73,920 qof ayaa lagu dilay Gaza, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas.

Sannadkii hore, Ururka Caalamiga ah ee Aqoonyahannada Daraaseeya Xasuuqa (IAGS) ayaa sheegay in Israa'iil ay xasuuq ka waddo Gaza.

Qaraar uu soo saaray ururka IAGS ayaa sheegay in falalka Israa'iil ay buuxinayaan qeexitaanka sharci ee xasuuqa sida ku cad heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah xasuuqa. Israa'iil ayaa si joogto ah u diidday in falalkeeda Gaza ay yihiin xasuuq, waxayna sheegtay in howlgalladeedu yihiin is-difaac.

28-kii Febraayo, Israa'iil iyo Mareykanka ayaa bilaabay duqeymo waaweyn oo cirka ah oo lagu qaaday Iran, iyaga oo ku eedeeyay Tehran inay si qarsoodi ah u dhisayso hub nukliyeer ah, Iran ayaa eedeyntaas beenisay.

Iran ayaa ka jawaabtay iyadoo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay Israa'iil iyo dalalka Carabta ee Khaliijka ee martigeliya saldhigyada ciidamada Mareykanka.