Maraykanka oo bilaabay qorshe ka dhan ah dal Yurub ah ka dib khilaafka ka dhex taagan

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa qorsheyneysa in 5,000 oo ka mida ciidamadooda ku sugan dalka Jarmalka kala baxaan, iyadoo uu taagan yahay khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha Donald Trump iyo hoggaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz oo ku saabsan dagaalka Iran.

Go'aankan ayaa yimid maalin ka dib markii Trump uu dhaleeceeyay Merz, oo soo jeediyay in Mareykanku "lagu bahdilay" dhinaca wadaxaajoodka Iiraan.

Trump ayaa bartiisa bulshada khamiistii waxaa uu ku baahiyey in Merz uu "qabanayo shaqo xun" islamarkaana ay haystaan "dhibaatooyin nooc kasta ah," oo ay ka mid yihiin arrimaha socdaalka iyo tamarta. Trump sidoo kale wuxuu soo jeediyay inuu ciidamada Mareykanka ka soo saaro Talyaaniga iyo Spain.

Mareykanku wuxuu ku leeyahay joogitaan milateri oo muhiim ah Jarmalka, isagoo ciidmada halkas kaga sugan lagu qiyaaso in ka badan 36,000 oo askari.

Bayaanka, afhayeenka Pentagon Sean Parnell ayaa sheegay in amarka uu ka yimid Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth.

"Go'aankan wuxuu raacayaa dib-u-eegis dhameystiran oo ku saabsan hab-dhiska ciidanka ee Yurub waxaana loo arkayaa baahiyaha goobta iyo xaaladaha dhulka," ayuu yiri.

"Waxaan filaynaa in howsha ka bixitaanka la dhameystiro lix ilaa laba iyo tobanka bilood ee soo socda."

Trump, oo muddo dheer dhaleeceynayey isbahaysiga Nato, ayaa si xooggan uga carooday xulafada sababtoo ah diidmada ay ka muujinayaan ka qeybgalka howlgalada lagu furi lahaa marinka Hormuz.

Markii Khamiistii la weydiiyay inuu sidoo kale ka fiirsan doono ka saarista ciidamada Mareykanka ee Talyaaniga iyo Isbaanishka, Trump wuxuu ku jawaabay: "Waxaa laga yaabaa inaan sameeyo eeg, maxaa i diidaya?"

"Talyaaniga wax gargaar ah nooma uusan fidin, Spaina waxa ay ahaayeen kuwo xun," ayuu intaa ku daray, isagoo ku dhaliilaya jawaabta ay ka bixiyeen dagaalka Iiraan.

"Xaaladdaha oo dhan waxay yiraahdeen, 'Ma doonayo inaan ku lug yeelano.'"

Merz ayaa horaantii toddobaadkan u sheegay ardayda jaamacadda in "Mareykanku si cad uusan lahayn istiraatiijiyad" uuna garan karin "wax ka bixitaan istiraatiijiyad" ah oo ay dooran karaan.

"Iiraan waxay si cad ugu fiican yihiin gorgortanka, ama si sax ah, aad ayey ugu fiican yihiin inaysan gorgortan gelin, iyagoo u oggolaanaya Mareykanka inuu u safro Islamabad ka dibna uu dib u laabto iyada oo aan wax natiijo ah la helin," ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in "qaranka oo dhan" ay "hoos u dhigayaan" hoggaanka Iiraan.

Isagoo ka jawaabaya, Trump ayaa adeegsaday bartiisa Truth Social, halkaas oo uu ku sheegay in Merz uu u maleynayay inay "wanaagsan tahay in Iiraan ay yeelato hub nukliyeer ah" isla markaana uusan "garaneyn waxa uu ka hadlayo".

"Layaab malahan in Jarmalku uu si liidata u shaqeynayo, labadaba dhinaca dhaqaalaha iyo si kaleba!" ayaa layu yiri qoraalka.

BBC-da ayaa la xiriirtay safaaradda Jarmalka ee Washington si ay uga hadlaan arrintan.

Ciidamada Mareykanka ee Jarmalka jooga ayaa ah kuwii ugu badnaa ee Yurub, iyadoo ay jiraan ku dhawaad 12,000 oo askari oo ku sugan Talyaaniga iyo 10,000 oo kale oo ku sugan Boqortooyada UK.

Ciidamo badan ayaa saldhig ku leh garoonka diyaaradaha ee Ramstein oo ku yaalla meel ka baxsan magaalada Kaiserslautern ee koonfur-galbeed Jarmalka.

Trump ayaa horay u soo jeediyay in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ee Jarmalka, balse ilaa hadda ma aysan dhaqangelin.

Dalka Jabaan oo keliya ayaa martigeliya ciidamo Mareykan ah oo kuwa Jarmalka ka badan.

Sanadkii 2020, soo jeedin lagu rari lahaa 12,000 oo askari oo Mareykan ah oo ka yimid Jarmalka, kuwaas oo la geyn lahaa waddamada kale ee NATO ee Yurub ama dib loogu celin lahaa Mareykanka, ayaa waxaa horjoogsaday Koongareeska, ka dibna waxaa ka laabtay Madaxweyne Joe Biden.

Waqtigaas, Trump wuxuu ku eedeeyay Jarmalka inay yihiin kuwo "gabey waajibaadkooda" sababtoo ah kharashkooda militari ayaa aad uga hooseeyay yoolka NATO ee ah 2% wax soo saarka dhaqaalaha (GDP).

Laakiin taasi si weyn ayey isku beddeshay xukuumadda Merz.

Jarmalka ayaa la filayaa inuu ku bixiyo 105.8 bilya kharashaadkiisa difaaca sanadka 2027 – iyadoo wadarta kharashka difaaca ee sanadka soo socda lagu wado inuu gaaro 3.1% ee GDP-ga.

Sannadkii hore, Mareykanka wuxuu go'aansaday inuu yareeyo joogitaanka ciidamadiisa ee Romania, taasoo qayb ka ah qorshaha Trump ee ah inuu diiradda saarayo ballanqaadka militari ee Mareykanka ka wareejiyo Yurub oo uu geeyo gobolka Indo-Baasifigga.

Wasiirka difaaca ee Romania ayaa sheegay in go'aankan la qaatay ka dib markii Hegseth uu u sheegay reer Romania inay u baahan yihiin inay fiiro gaar ah u yeeshaan difaacooda.

Go'aankan ayaa waxaa diidmo kala kulmay qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee ku jira ee Koongareeska, iyo weliba walaac ka yimid dalal kale oo ku yaal Bariga Yurub oo ka cabsi qaba Ruushka.