TOOS, Qaraxyo laga maqlayo gudaha Iiraan Xilli Maraykanku ku dhawaaqay weeraro cusub

Goor sii horaysay ayuu Mareykanku sheegay in ay qarka u saaran yihiin bixinta amar lagu weerarayo goobo cayiman oo ku yaal Iran

Kooban

Tebin toos ah

  1. 22 waddan ayaa Iran uga digay weerarrada ka dhanka ah shakhsiyaadka ee ay ka geysato dalalka kale

    Dalalkan ayaa digniin u diray Iran

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Dalalkan ayaa digniin u diray Iran

    Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo dhowr dal oo Yurub ah, ayaa Khamiistii soo saaray bayaan wadajir ah oo uga digaya Iran inay joojiso weerarrada lagu beegsanayo dadka ku sugan dhulkooda.

    Bayaankaas waxaa lagu cambaareeyay hay’adaha ammaanka ee Iran, iyadoo lagu eedeeyay inay si “aad u xun” u adeegsadeen shabakado dambiilayaal caalami ah iyo kuwo maxalli ah si ay uga fuliyaan qorshayaal ka dhacay Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Australia.

    Bayaanka, oo la sii daayay 11-kii Juun, ayaa lagu yiri:“Isku-dayga dilka, afduubka, dhibaataynta, cabsi-gelinta, ama weerar kasta oo lagu qaado shakhsiyaad ku sugan dhulka dalalkayaga waxay jebinayaan madaxbannaanida qaran iyo xeerarka caalamiga ah. Falalkan waa in si degdeg ah loo joojiyaa.”

    Dalalkan ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda sirdoonka eeilaalada Kacaanka Iran iyo Quds Force ay ku lug lahaayeen “qorshaynta hawlgallo dhimasho sbabay iyo falal waxyeello lagu geystay” oo lagu bartilmaameedsanayo mucaaradka Iran, suxufiyiinta, iyo sidoo kale bulshooyinka Yuhuudda iyo Israa’iiliyiinta.

    Bayaanka ayaa sii raaciyay:“Waxaan ka mideysan nahay go’aankeenna ah inaan dalalkeenna iyo shacabkeenna ka difaacno hanjabaadahan,Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waa inay si degdeg ah u joojisaa falalkan.”

    Dalalkan waxay Iran ku eedeeyeen inay ka dambeysay weerarro kala duwan oo ka dhacay Yurub kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday bulshooyinka Yuhuudda, suxufiyiinta Iran iyo suxufiyiin Maraykan ah.

    Weerarradan ayaa la sheegay inay sheegatay koox lagu magacaabo Ashab al-Yamin al-Islamiya Movement oo lagu tilmaamay inay xiriir la leedahay Iran.

    Kooxdan oo aan si weyn loo aqoon ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro dab-qabadsiin ah oo lagu qaaday goobo macbadyo ah iyo xarumo bulsho oo ku yaalla deegaanka Golders Green ee London, halkaas oo ay ku nool yihiin mid ka mid ah bulshooyinka Yuhuudda ee ugu badan London.

  2. Kuwait ayaa si ku-meel-gaar ah u xirtay hawadeeda sababo la xiriira weerarrada Iran.

    Kuwait ayaa ku dhawaaqday inay si ku-meel-gaar ah u xirtay hawadeeda kadib weerarro ay sheegtay inay ka yimaadeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Maamulka Guud ee Duulista Rayidka ee Kuwait ayaa bayaan ku sheegay:"Tallaabadan waxaa la qaaday kadib weerarrada Iran iyo khataraha ay u keeni karaan duulimaadyada rayidka ah ee gobolka."

    Hay’addu waxay sidoo kale intaas ku dartay:"Isu socodka hawada ayaa dib loo bilaabi doonaa marka xaaladda hadda jirta ay dhammaato iyo marka meesha laga saaro arrimaha khatarta ah, iyadoo lagu salaynayo qiimeynta hay’adaha awoodda u leh arrintan."

  3. Qiimaha Shidaalka oo mar kale cirka isku-shareeray

    Subaxnimada hore ee Khamiista, suuqyada Eeshiya ayaa si degdeg ah uga falceliyay colaadda cusub ee u dhexeysa Maraykanka iyo Iran.

    Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay wax yar kadib markii la shaaciyay xiritaanka gebi ahaanba ee marinka maraakiibta iyo wararka sheegaya suurtagalnimada weerarro lagu qaado maraakiibta.

    Qiimaha shidaalka ceeriin ee nooca Brent, ayaa ka gudbay $95 halkii foosto.

    mar waliba oo xiisadda u dhaxeysa mareykanka iyo iiraan ay sii korodha waxaa sare u kaca qiimaha shidaalka.

  4. Sababta korista Jaranjarada ay faa'iido ugu leedahay jirkaaga iyo maskaxdaada

    .
    Qoraalka sawirka, .

    In kasta oo aan isku dayno inaan qaadano wiishka, beddelka jaranjarooyinka, koritaanka dhowr dabaq maalintii waxa ay kor u qaadi kartaa caafimaadka maskaxda iyo awoodda. Inta badan oo aad socotid, waa inta ay sii badato in aad daal badan dareento.

    Bishii Sebtembar 3, 2021, Sean Greasley waxa uu koray oo uu ka soo degay 8,849 mitir in ka yar 23 saacadood, masaafo geyn lahayd meesha ugu sarreysa buurta ugu sarreysa adduunka. Dhamaadkii, wuu dhididsanaa oo si dhib leh ayuu u socon karay. Wuxuuna ku sameeyay dhiirigelinta qoyskiisa.

    Greasley waxa uu haystaa rikoorka adduunka ee wakhtiga ugu dhakhsaha badan ee la koro ama looga soo dego masaafada la mid ah kan Mount Everest ee jaranjarada oo ah 22 saacadood, 57 daqiiqo iyo 2 ilbiriqsi.

  5. Carruur la sameeyay iyadoo la adeegsanayo DNA ga saddex qof oo dhashay iyaga oo aan cillad qabin

    Siddeed caruur ah ayaa ku dhashay Ingiriiska iyaga oo isticmaalaya walxaha hidde-sidaha ee saddex qof si ay uga hortagaan xaalado halis ah oo inta badan dilaa ah, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

    Habkan oo ay hormuud ka ahaayeen saynis yahano u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa isugu jira ukunta iyo shahwada hooyada iyo aabaha iyo ukun labaad oo ay leedahay haweenay ku deeqday.

    Farsamadani ayaa halkan sharci ka ahayd muddo toban sano ah, laakiin hadda waxaan haynaa caddaynta ugu horreysa ee u horseedaysa carruurta ku dhasha iyaga oo ka madax bannaan cudurrada (mitochondrial) ee aan la daweyn karin.

  6. Ibrahim Traore: Macluumaad khaldan oo loo adeegsan jiray ammaanta hoggaamiyahan milatariga ah

    Qiic kasoo baxaya dhismo sida Beyoncé, kuna labisan dhar milatari, oo ay fuulayso baabuur gaashaaman. Kabtan Ibrahim Traoré, hogaamiyaha militariga Burkina Faso, ayaa sidoo kale ku jira muusikada muuqaalka, isaga oo xabad ridaya. "Ilaahay ha ku xafido Ibrahim Traoré dagaalka aad u galayso dadka, jebinta silsiladaha boqortooyada" ayaa ereyada heesta ka mid ah.

    Laakiin ma aha Beyoncé ama Ibrahim Traoré. Fiidiyowgu waa mid qoto dheer, nooc nuxurkiisa si xariifnimo leh loogu farsameeyay si uu ugu ekaado mid dhab ah.

    Boqolaal fiidiyow oo AI lagu soo saaray ayaa muujinaya Traoré inuu yahay geesi Afrikaan ah, oo badankoodu ay ku jiraan macluumaad been ah, kuwaasi oo qulqulaya baraha bulshada guud ahaan Afrikada Saxaraha ka hooseeya tan iyo dhammaadkii bishii Abriil.

  7. War deg deg ah, Trump oo sheegay weerarada ay ku joojinayaan codsi uga yimd Iiraan

    Diyaarad dagaal oo markab ka dul kacaysa

    Xigashada Sawirka, EPA / Reuters

    Qoraalka sawirka, Diyaarad dagaal oo markab ka dul kacaysa

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerarrada ay “joojin doonaan dhowaan” kadib codsi ka yimid Iran.

    Sida ay ku warrantay Fox News, Trump wuxuu wareysi ku sheegay inuu amar ku bixiyay in la hakiyo weerarro cusub oo ka dhan ah Iran kadib “wicis taleefoon oo toos ah oo ka yimid Iran” iyo codsi uu sameeyay mas’uul sare oo dalkaasi ah.

    Dhanka kale, warbaahinta rasmiga ah ee ku dhow Ilaalada Kacaanka (IRGC) ee Iran ayaa si cad u diiday sheegashadaas, iyagoo ku tilmaamay “been” in Iran ay codsatay joojinta weerarrada.

    Wariyaha Fox News ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu ku xusay wicitaanka telefoonka ah in weerarro lagu qaaday gudaha Iran ay ku lug lahaayeen gantaallada Tomahawk oo lagu bartilmaameedsaday raadaarada difaaca, xarumaha difaaca, iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

    Weerarradaas ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha Iran, dhowr kiilomitir meel u jira magaalada caasimada ah ee Tehran.

    Markii la weydiiyay su’aal ku saabsan suuragalnimada in Iran ay diido heshiiska uu Mareykanku soo jeediyay, Trump wuxuu ku jawaabay: “haddii ay diidaan, mar kale waa la duqeeyn doonaa.”

  8. War deg deg ah, Ciidamada badda Iiraan oo beegsaday Maraakiib ay ku tilmaameen kuwa xadgudbay

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .

    Sida ay sheegtay wakaaladda Wararka ee Fars, ciidamada badda IRGC ayaa ku dhawaaqay in ay bartilmaameedsadeen laba markab oo ay ku tilmaameen “kuwa xadgudbay” oo isku dayayay in si sharci‑darro ah ay uga gudbaan marin‑biyaha Hormuz.

    Warbixintan ayaa la sii daayay daqiiqado yar kadib markii xarunta Khatam al‑Anbiya ay ku dhawaaqday in Gacanka Hormuz gebi ahaanba laga xiray dhammaan maraakiibta, taas oo jawaab u ahayd weerar cusub oo ay Mareykanku qaaday.

  9. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlayo gobolo ku yaala Koonfurta Iiraan

    Diyaarada dagaalka Maraykanka ee US F-35 Lightning II

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Diyaarada dagaalka Maraykanka ee US F-35 Lightning II

    Wakaalada wararka rasmiga ee IIraan ayaa sheegtay in la maqlayo qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay goobaha ku hareeraysan Minhab iyo gobolkka Sirirk ee Koonfurta dalka Iiraan.

    Si kastaba ha ahaatee isla wakaaladaasi ayaa diiday warbixinada in qaraxyo laga maqlayo Qeshm iyo Kish

  10. Maraykanka: Saacadaha soo socda waxaan duqaynaynaa goobaha muhiimka ee Iiraan

    Wasiirka difaaca Maraykanka Pete Hegseth
    Qoraalka sawirka, Wasiirka difaaca Maraykanka Pete Hegseth

    Xooghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in goobaha muhiimka ah ee ku yaalla Iran la beegsan doono duqaymo Mareykanku fulin doono saacadaha soo socda, kadib markii Madaxweyne Trump uu goor sii horeysay ku dhawaaqay weerarro cusub.

    Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (US Central Command) ayaa xaqiijiyay waxa ay ugu yeereen “weerarro dheeraad ah oo is‑difaac ah” oo ka dhan ah bartilmaameedyo badan oo Iran leedahay.

    Madaxweyne Trump ayaa hore u ballanqaaday inuu Iran si adag u garaaci doonaan, isagoo ku eedeeyay Tehran inay wakhti badan ku qaadatay saxiixa heshiis nabadeed.

    Dhankiisa, Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dalkiisu “si adag uga soo horjeedi doono cadaadis kasta ama hanjabaad kasta,” wuxuuna ku tilmaamay hanjabaadaha lagu beegsanayo kaabayaasha inay yihiin calaamad muujinaysa quus.

    Isu‑dhaca cusub ayaa sii adkeeyay xabbad‑joojinta jilicsanayd ee dhaqan gashay bishii Abriil.

  11. War deg deg ah, Bill Gates oo ka shalaysan kulamadii uu la yeeshay Epstein

    Aasaasaha shirkada Microsoft Bill Gates

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Aasaasaha shirkada Microsoft Bill Gates

    Bill Gates oo ah aasaasaha shirkada Microsoft ayaa sheegay inuu Jeffrey Epstein uu doonayay xiriir shakhsi ah.

    Gates wuxuu ku adkeeyay inuusan waligiis ku xadgudbin qofna, xilli uu wajahayo su’aalo uga imaanaya guddi Kongarees ah oo baaraya xiriirka kala dhexeeyay Epstein — dambiile galmo oo geeriyooday — iyo dadka taajiriinta ah iyo kuwa awoodda leh, ee uu isagu ku jiro.

    Gates wuxuu ku sheegay hadal uu hore u diyaariyay (oo uu ku daabacay boggiisa gaarka ah) inuusan waligiis tegin jasiiradda Epstein, beeraha, ama gurigiisa Florida. Isaga oo intaas ku daray inuusan wax calaamad ah ka helin in Epstein uu ku lug lahaa falal dambiyeed.

    Ganacsadaha bilyaneerka ah ayaa mar kale caddeeyay inuu ka qoomameeynayo kulamadii uu la yeeshay Epstein, isaga oo ku tilmaamay khalad weyn oo xagga garashada ah. Wuxuu ku adkeeyay in kulamadoodu ay ku koobnaayeen wadahadallo ku saabsan gargaar iyo maalgelinta hay’addiisa samafalka.

  12. War deg deg ah, Cumar Cartan ‘’Soomaaliya annagaa iska leh, ha xumaato ama ha wanaagsanaato’’

    Garsoore Cumar Cartan iyo soo dhoweyntii loogu sameeyay garoonka Stadium Mogadishu

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Garsoore Cumar Cartan iyo soo dhoweyntii loogu sameeyay garoonka Stadium Mogadishu

    "Waxaan idiin ballan qaadayaa in haddii Alle yiraahdo midda xigta aan aadi doono... shacabka Soomaaliyeedna ay ku farxaan, waana inaan dhammaanteen difaacno magaca Soomaaliya," ayuu yiri.

    Cartan oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda fiinaal-ka Koobka Adduunka, ayaa Isniintii laga saaray liiska mas'uuliyiinta, kaddib markii laga hor istaagay inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee Miami ee Mareykanka.

    Isagoo ka hadlayay imaatinkiisa kadib, waxa uu ka codsaday dhalinyarada in aysan ka rajo dhigin dalkooda.

    "Soomaaliya annagaa iska leh, ha wanaasanaato ama ha xumaato, dalkaas annagaa iska leh, baasaboorkaasna waanu leennahay, waanu wadaagnaa, waanu wada difaaceynaa".

  13. War deg deg ah, Madaxa FIFA oo nasiib daro ku tilmaamay wixii ku dhacay Cumar Cartan

    Madaxa xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA, Gianni Infantino

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxa xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA, Gianni Infantino

    Madaxa xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA, Gianni Infantino ayaa difaacay xiriirka sida uu u maamulayo Koobka Adduunka, maalin kahor furitaanka koobka.

    Shir jaraa’id oo u uku qabtay Mexico ayuu Infantino ku sheegay in FIFA aysan ahayn boqorada adduunka oo xukumi kara dowladaha, aysana wax walba maamulin.

    Laakiin waxa uu nasiib daro ku tilmaamay wixii ku dhacay garsooraha Soomaaliga Cumar Cartan oo la filayay inuu garsoore ka noqdo koobka addunka, waxaa loo diiday inuu galo Maraykanka.

    Infantino waxaa uu difaacay qiimaha tikirka koobka adduunka, kadib cabashooyin ballaaran oo laga muujiyay.

    Beri oo Khamiis ah ayaa la filayaa inuu furmo Koobka Adduunka , iyada oo mid kamid ah martigaliyayaasha koobka oo ah Mexico ay caasimada dalkaasi kula ciyaaraysi dalka Koonfur Afrika.