Waa kuwee ciyaartoyda kubbadda cagta adduunka ugu qanisan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa laga joogaa 10 sano markii Cristiano Ronaldo uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee kubadda cagta ah ee noqda bilyaneer.
Markii uu ka tagay Real Madrid oo uu u wareegay Juventus, hantidiisu waxay gaartay heerkeedii ugu sarreeyay. Wuxuu markaas lagu tilmaamay bilyaneer.
Ronaldo hadda waxaa soo gasha in ka badan $300 milyan sanadkii. Waxa ku xiga Lionel Messi, oo ah ciyaaryahan hadda ciyaara.
Karim Benzema wuxuu qaataa $104 milyan sanadkii. Kylian Mbappé ayaa ku xiga isagoo hela $95 milyan. Tani waa dakhliga kaliya ee hal sano, waxaana ku jirta mushaharka iyo sidoo kale dakhliga xayeysiisyada kala duwan.
Laakiin waa kee ciyaaryahanka kubadda cagta ee hantida ugu badan adduunka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
1. Christian Ronaaldo
Waxa uu ku guulaystey oo uu gaaray heerka ugu sareya ee qof bini'aadam ah ka gaari karo kubada cagta. Xitaa isaga oo jira da'da 41, haraadka uu u qabo inuu guuleysto waa mid cajiib.
Xataa maanta, haddii naadigiisa laga badiyo, wuu ooyaa. Luminta iyo quusashada maaha aqoonsiga Ronaldo.
Waxba kama harin kubadda cagta oo aan ahayn inuu ku guuleysto Koobka Adduunka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu taas ka sameyn karaa dalkiisa Portugal koobka adduunka ee sanadkan, kaas oo ay wada martigalinayaan Mareykanka, Mexico, iyo Canada.
Wuxuu ku soo koray xaalad aad u adag; aabihiis oo aysan wax cunto ah haysan mararka qaar ayaa ka baryi jiray pizza, sababo la xiriira culayska dhaqaale ee qoyska.
Cristiano Ronaldo maanta waa mid ka mid ah bilyaneerada adduunka.
Wuxuu sidoo kale iibsaday 25% kooxda heerka labaad ee Spain ee UD Almería.
Wuxuu hanti badan ka sameeyay dhismaha hoteello raaxo leh oo ku yaalla Portugal, sidoo kale wuxuu leeyahay mid ka mid ah matxafyada ugu booqashada badan magaalada Lisbon.
Wuxuu leeyahay diyaarad khaas ah iyo gawaari qaali ah oo badan. Tan iyo markii uu u wareegay Al Nassr, wuxuu kasbadaa ilaa £200 milyan sanadkii. Sidoo kale wuxuu lacag badan ka sameeyaa heshiisyada Nike iyo astaanta CR7.
Sida laga soo xigtay wargeyska wax ka qora dad maalqabeenada ee Forbes, hantidiisa guud waxay gaareysaa ku dhowaad $1.4 bilyan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2- David Beckham
Ciyaaryahankii hore ee England iyo Manchester United, David Beckham, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee UK ah ee gala liiska bilyaneerada.
Sida uu sheegay majaladda Sunday Times Rich, Beckham iyo xaaskiisa Victoria Beckham hantidooda wadajirka ah waxay gaartay £1.185 bilyan.
David Beckham sidoo kale waa milkiilaha kooxda Inter Miami CF, taas oo lagu qiimeeyo ilaa £1.45 bilyan.
Wuxuu sidoo kale la shaqeeyay shirkado waaweyn sida Adidas iyo Hugo Boss isagoo ahaa safiir sumcad . Xaaskiisa Victoria Beckham-na waxay qayb weyn ka qaadataa dakhliga qoyska, gaar ahaan dhinaca moodalka iyo naqshadaynta dharka.
3. Lionel Messi

Xigashada Sawirka, Getty Images
3. Lionel Messi
Waxaa la sheegaa in uusan jirin ciyaaryahan la mid ah taariikhda kubadda cagta. Wuxuu ku guuleystay wax walba, oo ay ku jirto koobka adduunka.
Wuxuu soo maray FC Barcelona, Paris Saint-Germain, haatanna Inter Miami CF, Lionel Messi ayaa jabiyay rikoodhyo badan oo horyaallada kala duwan ah. Wuxuu sameeyay 64 ciyaarood isagoo dhaliyay ama gacan ka geystay 100 gool.
Ciyaaryahan kale oo ka tirsan Major League Soccer ma gaarin heerkan isagoo ciyaaro yar sameeyay.
Sannadkan waxaa la sheegay inuu helay $28.3 milyan, lacagtaas oo ka badan waxa ay wada haystaan 28-ka kooxood ee horyaalka.
Wuxuu ka caawiyay Inter Miami CF inay ku guuleysato koobab muddo kooban gudahood tan iyo markii la aasaasay.
Wuxuu leeyahay diyaarad khaas ah iyo gawaari raaxo oo qaali ah oo badan.
Dakhligiisa kuma koobna mushahar kaliya, balse sidoo kale wuxuu ka helaa heshiisyo waaweyn sida Adidas iyo Apple TV. Waxaa sidoo kale la sheegay in Al Hilal SFC ay u soo bandhigtay mushahar aad u weyn.
Wuxuu dhowaan iibsaday guri ku yaalla Barcelona oo qiimihiisu yahay $13 milyan.
Lionel Messi hantidiisa guud waxay ka badan tahay $1 bilyan, wuxuuna sidoo kale saxiixay heshiis uu kula sii joogo Inter Miami CF.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4- Neymar
Neymar ayaa si weyn u caan noqday tan iyo markii uu ku biiray FC Barcelona. Wuxuu noqday milyaneer isagoo aad u da'a yar. Neymar, oo adduunka ku madadaaliyay xirfaddiisa kubadda cagta isagoo Barcelona kula ciyaarayay Lionel Messi iyo Luis Suárez, ayaa markaas kadib ku biiray Paris Saint-Germain heshiis rikoodh ahaa.
Kadib markii uu ka tagay PSG, wuxuu saxiixay heshiis laba sano ah oo uu ugu wareegay Al Hilal SFC, kaas oo lagu sheegay inuu gaari karo ilaa £400 milyan sanadkii.
Inkastoo dhaawacyo muddo dheer a soo gaareen, haddana wuxuu weli helay malaayiin doollar oo mushahar ah iyo heshiisyo xayeysiis ah.
Neymar sidoo kale wuxuu ku lug leeyahay ganacsi, gaar ahaan dhismaha guryaha iyo hantida ma guurtada ah . Shirkaddiisa NR waxay ku lug leedahay hawlo ganacsi oo kala duwan.
Wuxuu ku jiraa heshiis xayeysiin oo qiyaastii $30 milyan ah oo uu la leeyahay Puma, sidoo kale wuxuu la shaqeeyaa shirkado waaweyn sida Red Bull.
Sida laga soo xigtay Forbes, hantidiisa guud waxay ka badan tahay $350 milyan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
5- Kilian Mbappe
Kylian Mbappé waxa uu ka dhashay qoys ciyaartooy ah. Aabihiis waa asal ahaan Cameroon halka hooyadiis ay ka timid Algeria, iyaduna waxay ahayd qof ciyaaraha jecel.
Kylian Mbappé wuxuu mushahar aad u sarreeya bilaabay inuu helo markii uu 17 jir ka ahaa, xilligaas oo uu uga wareegay AS Monaco kuna biiray Paris Saint-Germain heshiis weyn oo lagu sheegay qiyaastii £180 milyan.
Waxaa la sheegay inuu leeyahay hanti iyo maalgelinno malaayiin doollar ah, inkastoo wararka sheegaya $250 milyan oo lacag caddaan ah aysan si madax-bannaan loo xaqiijin.
Kylian Mbappé ayaa hadda u ciyaara Real Madrid CF kadib markii uu ka tagay PSG.
6- Karim Benzema

Xigashada Sawirka, Getty Images
Karim Benzema ayaa laga yaabaa in aan lagu amaanin qaab ciyaareedkiisa kubada cagta.
Laakiin markii uu joogay Real Madrid aad looma ammaanin sababtoo ah waxaa joogay Ronaldo iyo Gareth Bale. Laakiin si fiican ayuu labadaba u soo bandhigay dhamaadkii wuxuuna muujiyay nooca ciyaartoyga Benzema.
Benzema ayaa sidoo kale mushaar sare ka qaadan jiray Real Madrid. Maadaama uu si lama filaan ah u tagay Al-Itixaad waxa uu qaadan jiray mushahar badan.
Al Etihad, waxa uu ka qaadan jiray in ka badan $100 milyan sannadkii. Gaar ahaan, waxay kor u qaadaa shirkadaha udgoonka sida Asafi iyo Riif.
Tani waxay ka dhigeysaa wadarta hantidiisa $220.
Zlatan Ibrahimovic waxa uu ku fadhiyaa $190 milyan, Wayne Rooney waxa uu haystaa $170 milyan, Erling Haaland waxa uu ku fadhiyaa $100 milyan.
Mohamed Salah ayaa hadda ka mid ah ciyaartoyda Afrikaanka ah ee ugu mushaharka badan waxaana lagu qiyaasaa in uu haysto lacag dhan 90 milyan oo doolar.










