Muxuu Trump ugu hanjabay in uu burburin doono dalka uu 'Isbahaysiga la ah Maraykanka ee' Cumaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii, isagoo la hadlayay wariyeyaasha intii lagu jiray kulan golihiisa wasiirrada ah oo ka dhacay Aqalka Cad, sheegay hadal uu ku yiri: "Cumaan waa inay u dhaqantaa sida dadka kale oo dhan, haddii kale waa inaan burburinnaa."
Trump wuxuu hadalkan sheegay isagoo ka jawaabaya warar sheegaya in Cuman iyo Iran ay ka wada hadlayaan qorshe lagu soo rogo lacag laga qaado maraakiibta dhex marta marin-biyoodka Hormuz.
Warbaahinta Bloomberg ayaa markii ugu horreysay 21-kii May werisay in Iran ay wadahadallo kula jirto Cuman taasi oo ku saabsan lacag laga qaado maraakiibta marta marinka Hormuz.
Wargeyska The New York Times ayaa markii dambe sheegay, isagoo soo xiganaya laba ilo oo xog-ogaal u ah, in dooddu aysan ku saabsanayn canshuur toos ah oo lagu soo rogo maraakiibta maraysa Hormuz, balse ay ahayd lacag lagu qaadayo adeegyada loo fidinayo maraakiibta.
Hanjabaadda Trump ee ah inuu "burburinayo" Cuman ayaa ka yaabisay dad badan oo arrimaha siyaasadda la socda, maadaama Cuman muddo dheer loo arkayay mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Maraykanka ku leeyahay dalalka Khaliijka Carabta.
Labada dal waxay leeyihiin heshiisyo iskaashi difaac oo soo jiray tobannaan sano, kuwaas oo u oggolaanaya militariga Mareykanka inuu isticmaalo dekedaha iyo saldhigyada cirka ee Cuman. Goobahan waxaa loo arkaa kuwo aad muhiim ugu ah howlaha militariga Mareykanka ee gobolka Khaliijka iyo Badweynta Hindiya.
Cuman sidoo kale waxay heshiis ganacsi xor ah la leedahay Mareykanka. Xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal ayaa muddo dheer jiray, inkastoo Cuman aysan ka mid ahayn heshiisyada Abrahamee uu hormuudka ka ahaa Madaxweyne Donald Trump.
Cumaan waa saaxibka ugu dhow ee Maraykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cumaan ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadinta Maraykanka iyo Iran waxayna sidoo kale qayb ka ahayd wada xaajoodyadii qarsoodiga ahaa ee ka horreeyay heshiiskii Nukliyeerka ee 2015.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kahor inta aysan Mareykanka iyo Israa'iil bilaabin howlgalladooda militari ee ka dhanka ah Iran 28-kii Febraayo, Cuman waxay martigelineysay wadahadallo dadban oo u dhexeeyay labada dhinac.
Bilowgii Febraayo, ergayga Bariga Dhexe ee Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa ku kulmay magaalada Muscat si ay uga wada hadlaan arrimaha nukliyeerka, balse wadaxaajoodyadaasi ugu dambeyn way fashilmeen.
Dhanka kale, Muscat waxay sii wadday xiriirka ay la leedahay Iran, waxayna isku dayday inay isu muujiso dhexdhexaadiye xal ka gaara khilaafaadka gobolka.
Arbacadii, Madaxweyne Donald Trump wuxuu sidoo kale tilmaamay in heshiis kasta oo mustaqbalka lala galo Iran laga yaabo inuu ku xirnaado in Sacuudiga iyo dalal kale oo Muslim ah ay caadiyeeyaan xiriirkooda Israel.
Trump wuxuu yiri haddii uu saxiixi waayo, "uma maleynayo inaan heshiiskan sameynno."
Inkasta oo uu toddobaadkii hore sheegay in heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe uu aad ugu dhow yahay, haddana Arbacadii wuxuu muujiyay inuusan degdeg u qabin in heshiis rasmi ah la gaaro.
Maxay Cumaan uga duwan tahay dalalka kale ee Khaliijka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cuman guud ahaan waxay ka ciyaartaa door hoose oo aan buuq badan lahayn marka loo eego dalalka Khaliijka sida Qatar, Sacuudiga, iyo Imaaraadka.
Cuman waxay ahayd dalka kaliya ee ka tirsan golaha iskaashiga Khaliijka ee hambalyo u dirtay Mojtaba Khamenei kadib doorashadiisa hoggaamiye sare ee Iran.
Wax yar ka hor weerarka Iran, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cuman wuxuu wareysi uu siiyay CBS News ugu baaqay in la siiyo waqti dheeraad ah wadahadallada socda.
Bishii Maarso, Wasiirka Arrimaha Dibadda Al-Busaidi wuxuu maqaal ku qoray The Economist isagoo ka digay in Mareykanku uu dhaawacayo sumcaddiisa gobolka isagoo sii wada dagaalka la xiriira Israel.
Wuxuu qoray in "Ameerika ay lumisay xakamayntii siyaasaddeeda dibadda."
Bishii Maarso, qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, Al-Busaydi wuxuu ka soo horjeestay sheegashada maamulka Trump ee ah in Iran ay khatar ku tahay Mareykanka iyo xulafadiisa.
Wax kasta oo aad ka qabto Iran, ma aysan bilaabin dagaalkan," ayuu qoray.
Sida Qatar, Bahrain, Imaaraadka Carabta, iyo Sacuudi Carabiya, Cumaan sidoo kale waxaa jooga ciidan Maraykan ah.












