Tallaal ma looga hortagi karaa xanuunka asaasaqa/sirqowga?

maskax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Caddeymaha ayaa si aamusnaan ah isu ururinayay in ka badan toban sano. Hadda khubaradu waxay aaminsan yihiin in aan mar dambe la iska indho tiri karin.

La dagaallanka asaasaqa waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee haysta nidaamka caafimaadka adduunka. In ka badan 55 milyan oo qof oo adduunka oo dhan ah ayaa hadda la nool cudurka, tiradaasna waxaa la filayaa inay si degdeg ah u korto tobanaanka sano ee soo socda sababtoo ah tirada dadka waayeelka ah ee sii kordheysa.

Marka la gaaro 2050, khubaradu waxay filayaan in ka badan 140 milyan oo qof ay la nool yihiin nooc ka mid ah asaasaqa. Marka laga soo tago saameynta bukaanada iyo qoysaskooda, kharashka daryeelka iyo daaweynta ayaa la filayaa inuu culeys weyn ku noqdo dhaqaalaha adduunka.

In kasta oo tobanaan sano oo cilmi baaris ah la sameeyay, horumarka daaweynta ayaa xaddidan. Inta badan daawooyinka hadda la heli karo waxay gacan ka geystaan ​​​​yareynta calaamadaha qaarkood ama dib u dhigista hoos u dhaca awoodda fikirka muddo gaaban, laakiin ma joojin karaan horumarka cudurka.

Dhibaatada weyn ayaa ah marka calaamaduhu bilaabaan inay soo muuqdaan, waxaa badanaa jira dhaawac maskaxeed oo weyn oo aan la hagaajin karin.

Hase yeeshee, hadda waxaa jira calaamado muujinaya in jawaabtu ay taallay tan iyo bilowgii, meel aan cidna filayn in laga helo: tallaal.

Isku-day aan ula kac ahayn

Sannadkii 2013-kii, maamulka Wales ayaan bilaabay barnaamij qaran oo tallaalka cudurka shingles-ka ah. Tallaalka waxaa la siinayay dadka da'doodu tahay 70 sano iyo ka kor.

Go'aankaas looguma talagelin haba yaraatee in wax laga qabto cudurka dhimirka ee ee asaasaqa. Ujeeddadu waxay ahayd in la yareeyo saameynta cudurka shingles-ka, kaas oo ah cudur uu keeno fayraska loo yaqaan varicella-zoster—waana isla fayraska keena cudurka bus-buska.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laakiin qaabkii qorshaha loo hirgeliyay ayaa noqday arrin muhiim ah.

Dadkii gaaray da'da 70-ka sano marka la gaaro 1-dii Sebtembar 2013-kii ayaa xaq u lahaa inay qaataan tallaalka, halka kuwa da'daas gaaray waqti yar ka hor taariikhdaas aysan xaq u lahayn.

Cilmi-baarayaasha, xaaladdani waxay abuurtay waxa loo yaqaan "tijaabo dabiici ah." Labo kooxood oo dad ah oo ku dhawaad ​​isku mid ahaa dhinac walba ayaa isku arkay inay kala qaybsan yihiin iyadoo lagu salaynayo oo kaliya taariikhda dhalashadooda.

Professor Pascal Geldsetzer, oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada faafa kana tirsan Jaamacadda Stanford ee dalka Mareykanka, ayaa sheegaya in xaaladdani ay siisay cilmi-baarayaasha fursad naadir ah oo ay ku barbar-dhigaan caafimaadka labo kooxood oo ku dhawaad ​​wax walba isaga mid ah.

"Waa sida inaad nasiibkaaga tijaabiso," ayuu yiri.

Haddii kun qof oo dhashay hal toddobaad iyo kun qof oo dhashay toddobaadka ku xiga ay ku nool yihiin deegaanno isku mid ah oo ay leeyihiin dhaqanno isku mid ah, markaas kala duwanaansho kasta oo muhiim ah oo soo baxa mar dambe ayaa si fudud loogu aaneyn karaa tallaalka.

.

Xigashada Sawirka, Alamy

Natiijooyinku waxay yaab galiyeen cilmi-baarayaasha.

Sannadkii 2025-kii, Geldsetzer iyo asxaabtiisa ayaa falanqeeyay xogta caafimaad ee kumanaan qof oo ku nool Wales.

Waxay ogaadeen wax aan la filayn.

Dadka la tallaalay si looga hortago cudurka shingles (finanka xanuunka badan leh ee maqaarka) ayaa wajahayay khatar ku dhawaad ​​20 boqolkiiba ka yar oo ah inay qaadaan cudurka dhimirka ee asaasaqa, marka la barbar dhigo kuwa aan tallaalka qaadan.

Dhanka cilmi-baarista cudurka asaasaqa farqiga 20 boqolkiiba ah waxaa loo arkaa mid aad u weyn.

Saameyntani waxay u muuqatay mid ka weyn tallaabooyin badan oo la xiriira qaab-nololeedka, kuwaas oo muddo dheer lala xiriirinayay yaraynta khatarta cudurkan.

Daraasado daba-gal ah ayaa sidoo kale muujiyay in tallaalku uu yeelan karo awood uu ku gaabiyo horumarka cudurka dadka qaarkood ee horey u bilaabay inay dareemaan calaamadaha.

Haddii natiijooyinkan lagu xaqiijiyo daraasado dheeraad ah oo mustaqbalka la sameeyo, waxay si buuxda u beddeli karaan sida khubaradu u arkaan ka-hortagga cudurka asaasaqa.

Caddayn ka timid waddan kale

.

Xigashada Sawirka, National Institute on Aging, NIH

Sayniska dhexdiisa, hal daah-fur oo keliya kuma filna.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii la daabacay natiijooyinkii laga helay Wales, cilmi-baarayaashu waxay arkeen isbeddello la mid ah oo ka jira dhowr waddan oo kale.

Warbixinno ka kala yimid England, Scotland, Canada iyo Australia ayaa muujiyay in dadka qaatay tallaalka cudurka shingles ay u muuqdaan inay leeyihiin khatar ka hooseysa inuu ku dhaco xanuunka dhimirka ee asaasaqa marka ay da'doodu weynaato.

"Waxa runtii xiisaha leh ayaa ah inaan sii wadno aragga natiijooyinkan oo ka soo baxaya xog-ururinno kala duwan," ayuu yiri Geldsetzer.

"Mar kasta oo aan eegno xogta laga helay goob kale, waxaan aragnaa isbeddel la mid ah."

Xaaladdan ayaa xoojisay aaminsanaanta cilmi-baarayaasha ee ah inay jiri karto xiriir dhab ah oo u baahan in si qoto dheer loo sii baaro.

Waa maxay doorka uu leeyahay fayraska herpes-ka?

Daahfurka ayaa dib u soo nooleeyay dood dheer oo ku saabsan suurtagalnimada in fayrasyadu ay door ka ciyaaraan cudurka Alzheimers.

Fayraska herpes waa koox fayras ah oo loo yaqaan awooddooda inay ku sii jiraan jirka muddo dheer ka dib markii uu ku dhaco cudurka bilowga ah.

Sannado badan, daraasado ayaa muujiyay in dadka qaba caabuqyada herpes ee daran ay halis ugu jiraan inay qaadaan cudurka Alzheimers.

Intaa waxaa dheer, daraasado qaar ayaa muujiyay in bukaanada lagu daaweeyay daawooyinka fayraska ka hortaga ay u muuqdeen inay leeyihiin khatar yar oo ah inay qaadaan cudurka dambe.

Kadib waxaa yimid caddayn muujinaysa fayraska herpes zoster, kaasoo sababa shingles.

In kasta oo caddayntu aysan caddayn in fayrasku yahay sababta tooska ah ee cudurka Alzheimers, haddana waxay kordhisay dhiirigelinta raadinta macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya caabuqa, habdhiska difaaca jirka iyo caafimaadka maskaxda.

Ma aha oo kaliya tallaalka cudurka shingles-ka.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wax kale oo yaab ku noqday cilmi-baarayaasha ayaa ah inaysan ahayn oo kaliya tallaalka cudurka shingles (finanka xanuunka badan leh) kan lala xiriiriyay hoos u dhaca khatarta cudurka dhimirka ee asaasaqa.

Sanadkii 2019-kii, cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in tallaalka BCG, oo loo isticmaalo ka hortagga cudurka qaaxada, uu sidoo kale xiriir la leeyahay khatar hoose oo ah in qofku uu qaado cudurka Alzheimer-ka.

Kadibna waxaa yimid tallaalka hargabka.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Falanqayn ballaaran oo la sameeyay 2023 oo isku dartay natiijooyinka dhowr daraasadood ayaa lagu ogaaday in dadka da'da ah ee qaatay tallaalka hargabka ay u badan tahay inay qiyaastii 31 boqolkiiba halis u galaan xanuunka asaasaqa.

Daraasado qaar ayaa sidoo kale muujiyay in dadka si joogto ah u qaata tallaalka hargabka sannad kasta ay helaan gaashaan weyn.

Si kale haddii loo dhigo, inta uu qofku qaato tallaalka, ayaa faa'iidadu u muuqata inay sii badanayso.

Waxaa jira wax gaar ah oo ku saabsan tallaallada.

Sannadkii 2022, David Lathe iyo asxaabtiisa ka socda Edinburgh waxay go'aansadeen inay arrintan ku baaraan aragti ka duwan kuwii hore.

Waxay qiimeeyeen 744 daawo oo dhakhtar qoray si ay u arkaan haddii ay jiraan wax yareyn kara khatarta xanuunka.

Natiijooyinka waxay ahaayeen kuwo cajiib ah.

In kasta oo daawooyin badan ay muujiyeen saameyn, haddana qaar badan ayaa u muuqday inay kordhinayaan khatarta.

Afar daawo oo keliya ayaa muujiyay awoodda lagu yarayn karo khatarta cudurka, dhammaantoodna waxay ahaayeen tallaallo.

Sahamintu waxay keentay su'aal muhiim ah: maxay tallaalladu u muuqdaan inay maskaxda ka ilaaliyaan cudur aan loogu talagelin inay ka hortagaan?

Nidaamka difaaca jirka ayaa laga yaabaa inuu yahay furaha

Mid ka mid ah sharraxaadaha ugu badan ee laga wada hadlay waa waxa loo yaqaan "difaaca la tababaray".

Sida laga soo xigtay aragtidan, tallaalladu ma baraan jirka oo keliya inuu la dagaallamo cudur-sidaha gaarka ah.

Taa beddelkeeda, waxay hagaajin karaan sida habdhiska difaaca jirka uu u shaqeeyo guud ahaan muddada dheer.

Lathe wuxuu leeyahay tallaalku wuxuu u muuqdaa inuu yareeyo bararka daba dheeraada ee jirka isla markaana uu unugyada difaaca jirka ka dhigo kuwo si wax ku ool ah u shaqeeya xitaa sannado ka dib marka qofku la tallaalo.

Marka laga eego aragtidaas, tallaalladu waxay gacan ka geysan karaan ilaalinta maskaxda hababka bararka iyo burooyinka ee lala xiriiriyay horumarinta cudurka Alzheimers.