Dood ay Afrika qabtay muddo qarniyaal ah oo hadda la ogolaaday, maxayse tahay?

Afrika
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in khariidadda caadiga ah ee dunida lagu beddelo mid si sax ah u muujinaysa cabbirka dhabta ah ee qaaradda Afrika.

Qaraarka cinwaankiisu ahaa "Sax Khariidadda", oo ay soo udbisay dalka Togo isla markaana ay taageereen xubnaha Midowga Afrika, ayaa lagu meel-mariyay taageerada 164 dal, oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska. Mareykanka ayaa ahaa dalkii kaliya ee ka soo horjeestay qaraarka, iyadoo lix dalna ay ka aamuseen codeynta.

Codeyntan Qaramada Midoobay ma aha mid qasab ah, balse waxay horseedi doontaa isbeddello lagu sameeyo khariidadaha ay isticmaalaan hay'adaha kala duwan ee caalamka.

Khariidadda Mercator, oo si weyn loo isticmaalayay tan iyo qarnigii 16-aad, ayaa la kulantay dhaliil maadaama ay Afrika u muujinayso mid cabbir ahaan la mid ah Greenland, inkastoo Afrika ay ka weyn tahay Greenland ilaa 14 jeer.

Dadka dhaliilaya arrintan ayaa sheegaya inay taasi horseeddo in la dhayalsado baahiyaha horumarineed iyo awoodda dalalka ku yaalla dhanka dhul-baraha.

Khariidadda Mercator waxaa sannadkii 1569-kii sameeyay khabiirka khariidadaha ee u dhashay Flanders, Gerardus Mercator, si uu u caawiyo sahamiyayaasha reer Yurub inay ku safraan caalamka.

Qallooca ku jira khariidaddiisa ayaa ka dhashay xaqiiqda ah inay suurtogal ahayn in si sax ah loogu muujiyo dusha sare ee dhulka oo ah qaab wareegsan khariidad laba-cabbir ah oo siman.

Mar kasta oo khariidadda adduunka la sawirayo, waxaa qasab ah in la sameeyo tanaasul.

Khariidadda Mercator waxay muujisaa qallooca Dhulka iyadoo waddamada ku dhow dhulbaraha ka dhigaysa inay u muuqdaan kuwo ka yar cabbirkooda dhabta ah, halka waddamada ku dhow cirifyada ay u muuqdaan kuwo ka weyn.

Si arrintan loo saxo, koox khariidad-sameeyayaal ah ayaa sannadkii 2018 samaysay khariidad ilaalinaysa saamiga saxda ah ee baaxadda dhulka, taas oo ay ugu magac dareen saadaasha Equal Earth.

Bishii Febraayo, 54-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika (AU) ayaa qaatay khariidaddan, waxayna sheegeen inay "si ka sax ah u matasho cabbirrada dhammaan qaaradaha, gaar ahaan Afrika."

Khariida
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kooxda ololaha internetka ee #CorrectTheMap waxay tiri: "Waxaad Afrika gudaheeda ku wada dari kartaa Maraykanka, Shiinaha, Hindiya, Japan, Mexico iyo inta badan Yurub, iyadoo weli uu dhul ka harsan yahay."

Ka hor codeyntii Jimcaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Togo, Robert Dussey, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: "Adduun caddaalad ah wuxuu ka bilaabmaa khariidad caddaalad ah."

Horay, kulan warbixin ah oo Qaramada Midoobay ah ayuu ku sheegay: "Khariidad waligeed dhexdhexaad ma aha. Waxay qaabaysaa aragtida dadka, waxayna saameyn ku yeelataa sida loo fahmo kaalinta ay shucuubta iyo qaaraduhu ku leeyihiin adduunka."

Wuxuu taageero ka helay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot, kaas oo sheegay in wasaaraddiisu ay joojin doonto isticmaalka khariidadda Mercator.

"Beddelidda khariidaddu dabcan ma beddelayso adduunka. Laakiin sixidda matalaad si khaldan u muujinaysa adduunka ayaa durba ah tallaabo lagu xaqiijinayo runta," ayuu yiri.

Laakiin Yaryna Ferencevych, oo ah wakiilka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in qaraarku uu ka dhigayo wax lagu jeesjeeso shaqada iyo ujeeddada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

"Intii ay diiradda saari lahaayeen dhibaatooyinka dhabta ah ee la xiriira nabadda caalamiga ah, barwaaqada ama xiriirrada wanaagsan, golahani wuxuu ka doodayaa mashaariic khariidadeed oo laga soo bilaabo qarnigii 16-aad iyo doorkooda ku aaddan horumarinta magdhowga iyo 'caddaaladda garashada'," ayay tiri.

Bishii Maarso, Maraykanku wuxuu sidoo kale dhaliil u jeediyay markii la ansixiyay qaraar ku dhawaaqayay in ganacsigii addoomaha ee ka gudbi jiray Badweynta Atlaantik uu ahaa "dambigii ugu xumaa ee ka dhan ah aadanaha."

"Si khaldan oo loogu muujiyo Afrika khariidadaha adduunka ma aha oo keliya qalad dhinaca khariidad-samaynta ah, waa arrin la xiriirta sheekada iyo sawirka laga bixiyo Afrika," ayay Lerato Mogoatlhe oo ka tirsan Africa No Filter, oo ka mid ah kooxaha hormuudka ka ahaa ololaha lagu doonayo in laga tago khariidadda Mercator, u sheegtay BBC-da.

Waxay sheegtay in tani ay qayb ka tahay dadaallada lagu joojinayo "xogta khaldan iyo wararka marin-habaabinta ah ee ugu muddada dheer dunida" ee laga faafiyo Afrika.

Juqraafiyahanka reer Kenya, Kioko Muendo, wuxuu aaminsan yahay in khariidadda Mercator ay si dadban u yaraysay muuqaalka baaxadda kheyraadka Afrika, tirada dadka ku nool qaaradda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira.

"Khariidaduhu ma aha oo keliya hagayaal ay dadka safarradu isticmaalaan — waxay sidoo kale qaabeeyaan sida gobollada looga fahmo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha," ayuu u sheegay BBC-da.