Maraykanka oo xoojinaya awoodda milatari ee xulafadiisa Gacanka iyo dalalka uu xoogga saarayo

Maraykanka iyo xulufadiisa Bariga Dhexe

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa oggolaatay iibka suurtagalka ah oo qalab milatari loogu iibinayo Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq, kaas oo ay ku jiraan saanad, matoorro iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca. Tani waxay qayb ka tahay heshiisyadii ugu dambeeyay ee hubka ee Maraykanku la galay labada dal.

Horumarradan ayaa dhacaya xilli qiimaha shidaalku si weyn kor ugu kacay toddobaadkan, iyadoo ay dib u soo cusboonaadeen iska horimaadyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, isla markaana ay sii socoto carqaladaynta maraakiibta mara marin-biyoodka Strait of Hormuz.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay oggolaatay iibka suurtagalka ah ee "Joint Direct Attack Munitions-Large Range (JDAM-ER)" oo loogu talagalay Sacuudi Carabiya, iyadoo qiimaha heshiiska lagu qiyaasay 5 bilyan. Shirkadda Boeing ayaa noqonaysa qandaraaslaha ugu weyn ee heshiiskan.

Wasaaraddu waxay sidoo kale oggolaatay heshiis kale oo suurtagal ah oo looga iibinayo Sacuudi Carabiya matoorro nooca AGT 1500 ah, kaas oo qiimihiisa lagu qiyaasay 750 milyan. Shirkadda Honeywell ayaa noqonaysa qandaraaslaha ugu weyn ee heshiiskan.

Tani waxay qiimaha la qiyaasay ee labada heshiis ee suurtagalka ah ee lala galayo Sacuudi Carabiya ka dhigaysaa 5.75 bilyan.

Horumar kale oo arrintan la xiriira, wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay oggolaatay iib suurtagal ah oo ku kacaya 150 milyan, kaas oo Ciraaq loogu iibinayo diyaaradaha qumaatiga u kaca nooca Bell 412EPX ah iyo qalabkooda la xiriira. Shirkadda Bell Textron ayaa noqonaysa qandaraaslaha ugu weyn ee heshiiskan.

Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Oggolaanshahan ayaa yimid maalmo kadib markii Washington ay ku dhawaaqday inay oggolaatay heshiis milatari oo ka ballaaran oo suurtagal ah oo lala gelayo Ciraaq, kaas oo lagu qiyaasay 800 milyan. Heshiiskaas waxaa ku jira diyaaradaha qumaatiga u kaca nooca Bell 412 EBX iyo Bell 407M ah, iyo sidoo kale hub, , qalab iyo taageero farsamo iyo mid saadka ah.

Washington ayaa sheegtay in heshiiskaas ballaaran uu ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo awoodda Ciraaq ee gaadiidka cirka, sahanka iyo ogaanshaha iyo beegsiga bartilmaameedyada dhulka, iyo sidoo kale in laga caawiyo inay wajahdo khataraha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka.

Oggolaanshaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku macnaheedu ma aha in heshiisyada la dhammeystiray, maadaama uu yahay tallaabo ka mid ah hannaanka Maraykanka ee iibka qalabka milatari ee dalalka shisheeye. Qiimaha ugu dambeeya iyo qalabka ku jiri doona heshiisyadana way isbeddeli karaan ka hor inta aan heshiisyada rasmiga ah la saxiixin.

Wasaaradda qrrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay oggolaatay in suurtagal ahaan Saldanadda Cumaan loo bixiyo adeegyo dayactir oo diyaaradaha F-16 ah iyo qalab kale oo la xiriira, iyadoo kharashka lagu qiyaasay 188 milyan.

Qiimaha shidaalka oo sarreeya iyo carqaladaynta joogtada ah ee gaadiidka maraakiibta shidaalka qaada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay Jimcihii, waxaana toddobaadkan uu ku soo dhammaaday koror weyn, kadib markii uu dib u billowday iska horimaadkii milatari ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran, kaas oo galay bishii toddobaad. Dhanka kale, isu-socodka maraakiibta shidaalka qaada ee Bariga Dhexe ayaa weli wajahaya carqalado.

Toddobaadka oo dhan, saliidda Brent waxay kor u kacday 7.6%, halka saliidda Maraykankuna ay korodhay ku dhowaad 10%, iyadoo waddooyinka sahayda saliidda ee Bariga Dhexe ay weli saameyn ku yeelanayaan dagaalku.

Kororka qiimaha saliidda, oo ay weheliso koror kale oo ku yimid qiimaha shidaalka, ayaa gacan ka geystay sare u qaadista sicir-bararka iyo kharashaadka amaahda ee dowladaha adduunka, taasoo sii xoojinaysa walaaca laga qabo hoos u dhac ku yimaada kobaca dhaqaalaha caalamka haddii cadaadiska ka jira suuqyada tamartu uusan yaraannin.

Inkasta oo dowladda Maraykanku sheegtay in qulqulka saliidda ee ka imanaya Bariga Dhexe uu toddobaadyadii u dambeeyay ku soo noqday heerar ku dhow caadi, falanqeeyayaasha iyo xogta la socodka maraakiibta shidaalka qaada ayaa tilmaamaya in isu-socodka maraakiibtu weli wajahayo carqalado waaweyn.

Xog hordhac ah oo ku saabsan isu-socodka maraakiibta ayaa muujisay in afar markab oo xamuul ah ay Khamiistii ka gudbeen marinka Hormuz, tiradaas oo aad uga hooseysa celceliskii 10-kii maalmood ee ka horreeyay oo ahaa qiyaastii 15 markab.