Waa maxay xanuunka Ebola ee ka dillaacay Congo, sideese la isaga ilaalin karaa?

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Hay'adda ugu sarreysa caafimaadka Afrika ayaa ku dhawaaqday inuu cudurka Ebola ka dilaacay gobolka bari ee Ituri ee dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo.

Qiyaastii 246 xaaladood iyo 65 dhimasho ah ayaa la soo sheegay, kuwaas oo u badan magaalooyinka laga qodo dahabka ee Mongwalu iyo Rwampara, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC).

Bayaan ay soo saartay maanta oo jimce ah ayaa intaas ku daray inay qabanayso kulan ay la yeelanayso DR Congo, dalalka deriska la ah ee Uganda iyo South Sudan, iyo hay'ado kale oo caalami ah si looga wada hadlo mudnaanta koowaad, oo ay ku jiraan dadaallada wax looga qabanayo cudurka iyo kormeerka xuduudaha.

Cudurka Ebola ayaa markii ugu horreysay la helay sannadkii 1976-dii meesha hadda loo yaqaan DR Congo, waxaana la aaminsan yahay inay fiidmeertu ku fafisay. Tani waa markii 17-aad oo uu cudurkaas dilaaga ah ee fayraska ahi ka dillaaco dalkaas.

Dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo, waxaa ganacsiyo ku leh Soomaali badan oo halkaas ku leh ganasiyo kala duwan.

Waa maxay Ebola?

Ebola waa fayras halis ah oo dilaa ah, calaamadaha billowgiisuna ay ka mid noqon karaan qandho degdeg ah, daal aad u daran, murqo xanuun iyo cunaha oo xanuuna.

Marxaladaha dambe waxay keeni karaan matag, shuban, iyo — xaalado qaarkood — dhiig-bax gudaha iyo dibadda ah, kaas oo loo yaqaan haemorrhaging.

Muddada uu fayrasku ku qarsoomi karo jirka, waxay u dhaxaysaa labo maalmood ilaa saddex toddobaad. Calaamadaha Ebola mararka qaarkood waxaa lagu khaldi karaa cudurro kale sida duumada iyo tiifow.

Sidee ayuu Ebola ku faafaa?

Ebola waxay u gudubtaa dadka iyada oo ka timaadda xayawaanno qaba cudurka, sida chimpanzee-yada, bakaylaha duula, iyo antiloobka kaynta.

Hilibka duurjoogta — oo ah xayawaanno kaynjoog ah oo loo ugaarsado si ay dadka u cunaan — ayaa loo maleynayaa inuu yahay meesha uu fayrasku asal ahaan ku nool yahay.

Kadibna wuxuu ku faa'faa dadka isagoo ku gudba taabasho toos ah oo la yeesho dheecaannada jirka ee wasakhaysan sida dhiigga, candhuufta, matag, shahwada, dareeraha siilka, kaadida, saxarada iyo dhididka.

Ragga ka bogsaday Ebola ayaa sidoo kale laga helay in fayrasku ku sii jiri karo shahwadooda muddo ka dib markii ay bogsadaan.

Maxaa laga sameyn karaa ka hortagga?

Si looga hortago caabuqa, khubarada caafimaadku waxay ku talinayaan in laga fogaado dadka qaba cudurka, oo ay ku jirto in la joojiyo is-gacan qaadka, gacmahana lagu dhaqo saabuun iyo biyo, iyo in dusha sare lagu nadiifiyo biyo leh koloriin.

Sidoo kale waa muhiim in la go'doomiyo bukaannada iyo dadka ay la kulmeen. Dalalku badanaa waxay sameeyaan xarumo lagu hayo dadka looga shakiyo cudurka, iyo xarumo lagu daaweeyo kuwa si shaybaar ah looga xaqiijiyay.