"Aabbo, waan baqayaa!": BBC oo booqatay bartamaha Riyadh, xilli ay sii kordhayaan weerarrada diyaaradaha iyo gantaallada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah caasimadda Sacuudiga

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
- Author, نوال المغافي
- Role, مراسل استقصائي دولي أول
- Reporting from, الرياض
- Published
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
"Waxaan ka soo baxay Sanca, aniga oo ka tallaabay jiidda hore ee dagaalka," ayuu yiri Abu Khaliil, oo toban maalmood kaddib markii uu ka soo cararay gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca, hadda sharabaado ama sigsaan ku iibiya waddooyinka magaalada Riyadh ee Sacuudiga.
Waxa uu sheegay inuu baabuur ku soo gaaray Sacuudiga.
Abu Khaliil ayaa sheegay in qoysaska ku nool Yemen ay ku dhibban yihiin sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha carruurtooda, isaga laftiisuna uu isku dayayo inuu helo lacag uu qoyskiisa ugu diro dalkiisa.
Waxa uu naga codsaday inaanan isticmaalin magaciisa oo buuxa, maadaama xaaskiisa iyo afarta carruurtiisa ah ay weli ku sugan yihiin magaalada Sanca. Waxa uu sheegay inuu aad uga baqayo in la aqoonsado, kaddib markii uu ka hadlay arrimo uu kaga soo horjeedo Xuutiyiinta.
"Waan ka baxsaday Xuutiyiinta, balse qoyskayga ma aanan awoodin inaan la soo baxo. Ilaahay ha ilaaliyo," ayuu yiri.
Tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Yemen in ka badan toban sano ka hor, kooxda hubaysan ee taageerada ka hesha Iiraan ayaa gacanta ku haysay inta badan waqooyiga dalkaas, halkaas oo ay kula dagaallamaysay dowladda caalamku aqoonsan yahay, oo taageero ka hesha Sacuudiga oo deris la ah Yemen.
Hadda, magaalooyinka Sacuudiga qaarkood, oo ay ku jirto caasimadda Riyadh, ayaa si joogto ah ula kulmaya weerarro loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ay soo qaadaan isla kooxda uu Abu Khaliil ka soo cararay ee Xuutiyiinta.

Xigashada Sawirka, Saudi Ministry of Media/Reuters
Xabbad-joojintii aan rasmiga ahayn ee Yemen ayaa burburtay bishii July. Tan iyo markii uu dagaalku sii xoogaystay, Xuutiyiintu waxay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadayaan Sacuudiga.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in weerarradoodu ay jawaab u yihiin duqeymaha cirka ee Sacuudigu ka fuliyo Yemen, kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan, iyo waxa ay ku tilmaameen go'doomin uu Sacuudigu ku hayo dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee deegaannada ay maamulaan.
Mid ka mid ah weerarradii Xuutiyiintu ay 10-kii Oktoobar ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh ayaa sababay dhimashada 13 qof iyo dhaawaca in ka badan 300 oo kale.
Weerarkaas ayaa lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee muddo sannado ah ka dhaca gudaha dhulka Sacuudiga.
Kaddib markii aan oggolaansho gaar ah oo dhif ah u helnay inaan warbixinno ka soo dirno magaalada Riyadh, waxaan la hadalnay qaar ka mid ah dadka deegaanka, oo uu ku jiro Majid, oo ah injineer 25 jir ah kana shaqeeya shirkadda shidaalka ee dowladda Sacuudiga, Aramco.
Maalintaas waxa uu marayay garoonka diyaaradaha, isaga oo ku degdegayay inuu raaco diyaarad u socotay magaalada Jeddah, si uu u soo guto waajibaadka Xajka.
Waxa uu sheegay inuu arkayay hooyo carruurteeda ku riixaysa gaari carruurta lagu qaado, xilli bam lagu weeraray qaybta rakaabka soo degta ee garoonka.
Waxa uu xusuustaa inuu arkay nin dhiig ka da'ayo.
"Anigoo naxsan ayaan u tagay, waxaanan weydiiyey: Ma fiican tahay?" ayuu yiri.
Waxa uu sheegay inuu arkay rakaab dhaawac ah iyo kuwo miyir daboolmay oo loo qaaday xarunta gargaarka degdegga ah ee garoonka.
"Qaar ka mid ah dadkaas weli ma garanayo inay nool yihiin iyo in kale," ayuu yiri.
Inkasta oo dhacdadaasi si weyn u saamaysay, haddana waxa uu ii sheegay in:
"Khatar jirto, balse uma oggolaan doono Xuutiyiinta inay igu abuuraan cabsi aan ku dareemo inaan dalkayga ammaan ku joogin."

Xigashada Sawirka, BBC/Liam Weir
Majid wuxuu ku adkaysanayaa in aanu weerarradu saameyn ku yeelan nolol maalmeedkiisa.
Weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ma ahayn dhacdo gooni ah. Falanqayn ay BBC-du ku samaysay xogta hay'adda ACLED, oo ah urur aan macaash doon ahayn oo fadhigiisu yahay Mareykanka, kana shaqeeya la socodka colaadaha hubaysan iyo rabshadaha siyaasadeed ee dunida, ayaa muujisay in Sacuudiga lagu qaaday 274 weerar muddo ku dhow shan bilood ah, intii u dhaxaysay 1-dii Luulyo iyo 25-kii Nofeembar.
Sida ay sheegtay hay'adda ACLED, inta badan weerarradaas waa la fashiliyey, balse ugu yaraan 41 ka mid ah ayaa gaaray bartilmaameedyadoodii.
Haraadiga gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la soo riday qaarkood ayaa sidoo kale sababay khasaare dheeraad ah.
Xogta ayaa muujinaysa in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ku dhowaad saddex-meelood laba meel weerarrada, halka gantaallada riddada dheer loo adeegsaday in ka badan kala bar.
Shantii bilood ee la soo dhaafay, ACLED waxay diiwaangelisay hal weerar oo keliya oo Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas.
Iyaga oo taageero ka helaya Iiraan, Xuutiyiintu waxay horumariyeen hub casri ah oo awooddooda u kordhiyey inay weerarro isdaba joog ah ka geystaan gudaha dhulka Sacuudiga, kana fog xuduudda Yemen.
Muddo sannado ah, weerarrada Xuutiyiintu waxay inta badan ku koobnaayeen deegaannada u dhow xuduudda Yemen, halka magaalada Riyadh ay weerarro ku yaraayeen.
Hase yeeshee, tan iyo markii ay burburtay xabbad-joojintii aan rasmiga ahayn, caasimadda Sacuudiga ee Riyadh, oo in ka badan 700 oo kiiloomitir u jirta xuduudda Yemen, ayaa si joogto ah weerarro loola beegsanayey.
Marka laga soo tago garoonka diyaaradaha, xarumaha shidaalka iyo dhismayaasha waaweyn ee caasimadda ayaa iyaguna halis galay.
Sacuudiga ayaa balaayiin doollar ku bixiyey horumarinta magaalooyinkiisa, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo sidii uu dunida ugu soo bandhigi lahaa dal ammaan ah oo lagu noolaan karo, lagana shaqaysan karo, laguna soo dalxiisi karo.
Weerarrada soo noqnoqday ayaa hadda imtixaan geliyey sumcaddaas amni ee uu dalku doonayey inuu dhisto.
Bishan, laba dhisme oo dhaadheer oo si weyn looga yaqaan magaalada Riyadh ayaa lagu weeraray aagga dhaqaalaha ee caasimadda.

Xigashada Sawirka, Saudi Press Agency/Reuters
Kow iyo toban qof ayaa ku dhaawacmay weerar lagu qaaday dhismaha Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sacuudiga (Public Investment Fund), kaas oo ah dhismaha ugu dheer dalka, isla markaana xarun u ah sanduuqa hantida qaranka.
Weerarka kale ayaa lagu qaaday dhismaha shirkadda Aramco, oo ah xarunta dhexe ee shirkadda shidaalka ee dowladda Sacuudiga.
Markii aan baabuur ku marnay dhismaha dhaadheer ee Aramco, burburka ka muuqday ayaa si cad u muujinayay khatarta weli ku soo fool leh boqortooyada Sacuudiga.
Hase yeeshee, maalmo gudahood ayaa gebi ahaanba dib loo hagaajiyey wejiga hore ee dhismaha, waxaana la tirtiray dhammaan raadadkii muuqday ee weerarka.
Tallaabadaasi waxay muujinaysay sida ay Sacuudigu uga go'an tahay inuu dunida tuso in xaaladdu deggan tahay, noloshuna ay caadi ku soo laabatay, inkasta oo weerarradu sii socdeen.
Dhankeeda, dowladda Sacuudiga ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay "weerarro argagixiso oo lagu bartilmaameedsaday xarumo rayid iyo kuwo dhaqaale", waxayna sheegtay inay qaadi doonto "dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah" si ay isu difaacdo.
Si kastaba ha ahaatee, duullimaadyadii ku wajahnaa caasimadda Riyadh ayaa hakad iyo carqalad la kulmay weerarrada awgood. Weerarrada ayaa sidoo kale lala beegsaday goobo kale, oo ay ku jiraan magaalada Madiina iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Dammam ee bariga dalka.
Rakaab badan oo u socda Riyadh ayaa lagu hagayaa inay maraan garoomo diyaaradeed oo kale, ka hor inta aysan qaybta ugu dambaysa ee safarkooda dhulka ku soo dhammaystirin.
Diyaaraddii aan ku raacnay magaalada Dammam waxay ahayd mid ku dhowaad madhan, balse waddooyinka Riyadh waxay muujinayeen xaalad ka duwan.

Xigashada Sawirka, BBC/Liam Weir
Makhaayadaha ku yaalla caasimadda Riyadh ayaa waxaa buux dhaafiyey macaamiil, qoysas ayaa ku tamashleeya xarumaha ganacsiga, halka dadkuna ay fiidkii u baxaan hawlahooda caadiga ah. Waxay u muuqataa in khatarta weerarrada ee hawada ka jirta aanay dadka ka hor istaagin inay noloshooda maalinlaha ah sii wataan.
Hase yeeshee, ma fududa in dadka lagu qanciyo inay si furan uga hadlaan colaadda, maadaama dalka ay ka jiraan sharciyo adag oo faafreebka warbaahinta ah iyo xayiraado saaran xorriyadda hadalka. Taasi waxay dad badan ka dhigaysaa kuwo ka caga-jiida inay la hadlaan warbaahinta.
Inta badan dadkii aan la hadalnay waxay muujiyeen kalsooni ay ku qabaan awoodda dalkooda ee ilaalinta amnigooda.
Suuq mashquul badan dhexdiisa, nin lagu magacaabo Badr ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha uu walaac geliyey, balse noloshu si dhaqso ah caadi ugu soo noqotay. Waxa uu ammaanay ciidamada ammaanka ee dalka, isaga oo yiri: "Habeenkii hurdo fiican ayaan seexdaa."
Nin kale oo lagu magacaabo Rashid ayaa tilmaamay meheradaha ganacsi ee hareeraheenna ku yaallay, isaga oo yiri: "Suuqu waa mashquul. Dadku wax bay iibsanayaan, waxna way iibinayaan, ganacsigoodana way wataan. Wax walba waa hagaagsan yihiin."
Hase yeeshee, nolosha caadiga ah ee uu Rashid ka hadlayo waxaa mararka qaarkood hakad geliya dhawaaqa taleefannada gacanta oo dadka uga digaya weerar soo socda, ka hor inta aan la maqlin guuxa nidaamyada difaaca cirka oo hawada ku qabta gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Waxaan digniin noocan oo kale ah maqalnay afartii aroornimo. Xaqiiqda ah in ay jiraan weerarro aan la awoodin in hawada lagu qabto ayaa iyaduna cabsi ku abuuri karta dadka.

Xigashada Sawirka, BBC/Liam Weir
Ajnabiga u dhashay Britain ee Alex Malouf, oo tan iyo sannadkii 2006 marar kala duwan ku noolaa Sacuudiga, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay saameynta nafsaaniga ah ee weerarrada iyo digniinaha amni ay ku yeelanayaan gabadhiisa oo 11 jir ah, taas oo digniinaha amniga ku aragtay dugsigeeda.
"Waxaa jiray marar ay gabadhaydu igu tiri: 'Aabbo, waan baqayaa.' Waxaan aaminsanahay in arrintaasi ay wax weyn ka beddeshay dareenkeennii ammaan," ayuu yiri.
Dhanka kale, inkasta oo weerarradu socdaan, Abu Khaliil ayaa sheegay inuu Sacuudiga ku dareemayo ammaan ka badan dalkiisa Yemen, halkaas oo dagaalladu sii xoogaysanayaan.
Weerarada cusub ee kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ay ka waddo galbeedka Yemen ayaa yimid kaddib markii kooxdu ay la wareegtay dhul ku teedsan xeebaha Badda Cas.
Hadda waxay sidoo kale khatar ku tahay waddooyinka istaraatiijiga ah ee taga magaalada Cadan ee koonfurta Yemen, taas oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowladda dalkaas.

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock























