Shan cunto oo Afrikaan ah oo uu saynisku u aqoonsan yahay inay caafimaadka u fiican yihiin

Masaggo

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Patricia KOUAKAP
    • Role, BBC News Afrique
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Marka laga soo bilaabo Moringa ilaa Fonio, haddana lagu daro Baobab-ka, Masagada iyo Teff-ka, waxaa jira cuntooyin Afrikaan ah oo badan oo caan ku ah hodantinnimada nafaqo ee ay leeyihiin. Qaar ka mid ah xitaa waxaa loogu yeeraa "superfoods" sababtoo ah heerka sare ee nafaqooyinka ku jira iyo faa'iidooyinka caafimaad ee faraha badan ee ay bixiyaan.

Aynu eegno qaar ka mid ah:

1- Moringa

Moringa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan waxaa loogu yeeraa "geedka mucjisada", sababtoo ah sifooyinka badan ee loo aaneeyo, Moringa Oleifera wuxuu ka mid yahay dhirta si gaar ah hodanka ugu ah nafaqooyinka. Faytamiin A iyo C, borotiin, bir, kaalshiyam, potaasiyam, magneesiyam, dufan, karbohaydrayt, iyo faybar ayaa ka dhigaya cunto aad u xiiso badan marka laga eego dhinaca nafaqada.

Geedkan oo asalkiisu yahay Afrika iyo Koonfurta Aasiya, Moringa wuxuu caan ku yahay inuu bixiyo difaac ka dhan ah isku-oksaydhka, taas oo ka timid nafaqooyinka ku jira. Sidaas awgeed, wuxuu ka caawiyaa unugyada inay iska difaacaan dhaawaca ay geystaan maaddooyin loo yaqaan xagjirrada xorta ah.

Inkastoo caleemihiisa ay yihiin kuwa ugu muhiimsan marka la eego qiimaha nafaqo, isla markaana la cuni karo iyagoo cusub, la qalajiyay ama budo laga dhigay, haddana qaybaha kale ee geedka sida miraha, ubaxyada, xididdada iyo jilifka ayaa sidoo kale la adeegsadaa.

Waxaa intaa dheer, moringa wuxuu leeyahay maaddooyin antioksidan ah oo taageera caafimaadka maskaxda, sidaas awgeedna waxaa laga yaabaa inuu waxtar u yeesho ka hortagga hilmaanka iyo cudurka Alzheimer-ka.

Cilmi-baarisyo lagu sameeyay sheybaarka ayaa muujinaya in laga soosaaray caleentiisa, midhihiisa ama xididdadiisa ay wax ka beddeli karaan hababka keena bararka jirka.

Tani waa arrin aad muhiim u ah, maaddaama bararku uu door weyn ka ciyaaro soo ifbaxa cudurrada daba-dheeraada oo ay ka mid yihiin cayilka iyo macaanka.

Moringa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daraasado qaar ayaa sidoo kale soo jeedinaya in Moringa uu gacan ka geysan karo nidaaminta sonkorta dhiigga. Cilmi-baarisyo lagu sameeyay gaar ahaan caleemihiisa, ayaa muujinaya inay kicin karaan unugyada ganaca, kuwaas oo mas'uul ka ah soo saarista insuliinta, hormoonka caawiya nidaaminta heerka gulukooska ee dhiigga.

Faa'iidooyinkiisa waxaa ka mid ah in cilmi-baarisyo dhowaan la sameeyay ay muujiyeen inuu leeyahay awood la dagaallanka kansarka, gaar ahaan kansarka beerka, iyo sidoo kale inuu wax ka tari karo niyad-jabka.

Waxaa kale oo uu leeyahay sifo kale oo cajiib ah: wuxuu u baxaa si xowli ah, abaartana aad buu ugu adkaystaa, taas oo ka dhigaysa geed ku habboon deegaannada kulul iyo kuwa qalalan.

2- Fooniyaha

Teff

Iyadoo jiritaankiisu ka badan yahay 5,000 sano, Foniyaha waxaa lagu beeraa ilaa toban waddan oo ku yaal Galbeedka Afrika, gaar ahaan Guinea, Mali, Benin, Senegal, Burkina Faso, Togo iyo Niger.

Miraha Foniyaha waa kuwo aad u yaryar oo u eg ciid, sidaas darteed waxaa lagu naanaysaa "hadhuudhka miraha yaryar". Waxaa lagu yaqaanaa nafaqo badan iyo inuu caloosha ku fudud yahay. Maadaama uusan lahayn gluten, wuxuu hodan ku yahay macdanta birta, magnesium, zinc, calcium iyo fiber.

Sidaas awgeed, wuxuu ka caawiyaa ka hortagga dhiig-yarida, wuxuu yareeyaa walbahaarka, wuxuuna xoojiyaa difaaca jirka. Si kastaba, khubarrada nafaqadu waxay ku talinayaan in marka la cuno fooniyaha biyo badan laga daba cabbo, si dheefshiidkiisu u fududaado jirkuna si fiican u nuugo.

3- Baobab

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Geed kale oo Afrika aad looga yaqaanno waa Baobabka. Waxaa la cunaa labadaba midhihiisa iyo caleentiisaba.

Midhaha Baobabka waxaa badanaa laga sameeyaa casiir macaan. Saxarka midhaha ayaa biyo lagu qooyaa kadibna la miiraa, waxaana lagu dari karaa caano ama waxyaabo kale si dhadhankiisa loo kordhiyo.

Waxaa loo jecel yahay dhadhankiisa macaan dartii, iyo weliba nafaqada badan ee uu leeyahay. Miraha Baobabku wuxuu qani ku yahay maaddooyinka la dagaallama gabowga jirka iyo fiber-ka, wuxuuna leeyahay potassium iyo Vitamin C badan. Taasina waxay ka caawisaa in qofku dhereg dareemo muddo dheer, sidoo kalena waxay ka taageertaa ilaalinta miisaanka caafimaadka qaba.

Caleemaha geedka Baobabka waxaa cunto ahaan looga isticmaalaa waddamo badan oo Galbeedka Afrika ah sida Benin, Togo iyo Ghana. Waxaa laga sameeyaa maraq caan ah oo la yiraahdo "maraqa caleenta Baobabka", waa maraq xoogaa xabag leh balse dadku aad u jecel yahay. Caleentiisu waxay hodan ku tahay calcium, potassium, bir, borotiin, Vitamin B iyo C, iyo Vitamin A. Sidaas darteed waxay ka hortagtaa dhiig-yarida, waxay xoojisaa difaaca jirka, waxayna jirka ka caawisaa la dagaallanka caabuqyada.

4- Masaggada

Teff

Xigashada Sawirka, Getty Images

Masagadu waa badar qani ku ah nafaqooyinka sida fiber-ka iyo magnesium-ka, waxaana ku jira maaddooyin dabiici ah oo jirka u fiican.

Waa mid ka mid ah dalagyada ugu badan ee laga beero Afrika, gaar ahaan dalalka Saxaraha ka hooseeya, maantana waxaa si aad ah loogu beeraa Yurub, sida dalka Faransiiska oo wax-soo-saarkiisu sii kordhayo.

Masaggadu dabiici ahaan gluten malahan, dufanna aad ayuu ugu yar yahay. Waxaa loo cuni karaa siyaabo badan - waxaa loo kariyaa sida bariiska oo kale, bur ayaa laga dhigi karaa, waxaana laga sameeyaa cuntooyin dhaqameed oo kala duwan.

Waxay leedahay faa'iidooyin caafimaad oo badan, daraasado qaar waxay sheegayaan inay ka caawiso yareynta bararka jirka iyo inay ka hortagto gabowga unugyada.

5- Teff

Teff

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa nooc ka mid ah badarka ugu qadiimsan, waxaana inta badan lagu beeraa dalka Itoobiya. Waxa uu caan ku yahay nafaqo badan oo jirka u fiican.

Marka la barbar dhigo badarka kale, teff-ku wuxuu leeyahay calcium aad u badan. Sidoo kale ma laha gluten, wuxuuna qani ku yahay birta, fiber-ka, borotiinka, iyo macdanno kale oo muhiim ah sida magnesium-ka. Sababtaas awgeed, waa cunto ay ciyaartoydu aad u jecel yihiin oo ay ku taliyaan.