Trump maskax ahaan ma u qalmaa in uu noqdo taliyaha guud Ciidanka Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa markii ugu horreysay tan iyo bilowgii dagaalka Iran hortagey Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Aqalka Wakiillada Arbacadii, halkaas oo uu su'aalo kaga jawaabay sharci-dejiyeyaasha Dimuqraadiga. Dhageysigan oo socday lix saacadood ayaa waxaa ka dhacay su'aalo kulul, jawaabo adag iyo hadallo xanaf leh.
Markii Pete Hegseth uu hortagay guddiga, waxaa la socday Abbaanduulka Taliyeyaasha Isku-dhafka ah, Jeneraal Dan Keane, iyo Madaxa Maaliyadda ee Wasaaradda gaashaandhigga, Jules Hurst.
Ujeeddada dhageysigan waxay ahayd in laga jawaabo su'aalaha ku saabsan codsiga miisaaniyadda milatariga Mareykanka ee gaaraya $1.5 trillion, kaas oo loo soo bandhigay Kongareeska si dib loogu eego loona ansixiyo .
Mike Rogers oo ah Guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Aqalka Wakiillada, ayaa furay dhageysiga isagoo weydiiyay Pete Hegseth, sida ay ciidamada Mareykanka uga faa'ideysteen maalgelintii la bixiyay sannadihii hore.
Isagoo ka jawaabaya, Pete Hegseth wuxuu yiri: "Maalgelintani waxay u suurtagelisay maamulka in uu billaabo horumarinno dhowr meelood oo muhiim u ah difaaca Mareykanka, taas oo ay ku jiraan hagaajinta guryaha iyo xarumaha kale ee loogu talagalay ciidamada."
Intaas kadib, Abbaanduule Dan Kaine, ayaa la weydiiyay muhiimada miisaaniyadda la soo jeediyay ay u leedahay ilaalinta danaha Mareykanka ee caalamka.
Jeneraal Kaine wuxuu sheegay in $1.5 trillion ee ay codsadeen ciidamada uu yahay "maalgelin taariikhi ah" oo lagu sugayo amniga mustaqbalka, taas oo ka caawin doonta Mareykanka in uu ugu hormaro tiknoolajiyada sida degdeg ah isu beddelaysa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xildhibaan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, Adam Smith, ayaa weydiiyey inta lacag ah ee Mareykanku illaa hadda ku bixiyay dagaalka ka dhanka ah Iran, iyo in xubnaha Kongareeska dhowaan la siin doono faahfaahin buuxda oo ku saabsan kharashaadkaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jules Hirst oo ka qayb galay dhageysiga, ayaa sheegay in "qiyaastii $25 bilyan la kharash gareeyay illaa hadda, inta badanna lagu bixiyay hub iyo rasaas."
Kadib wuxuu weydiiyay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth, waxa uu yahay qorshaha dowladda ee lagu baabi'inayo khatarta nukliyeerka ee Iran.
Isagoo ka jawaabaya su'aash, Pete Hegseth wuxuu ku eedeeyay maamulkii hore ee Mareykanka in ay la galeen Iran "heshiisyo xun," wuxuuna tixraacay heshiiskii heshiiska nukliyeerka Iran, kaas oo lagu heshiiyay xilligii madaxweynihii hore Barack Obama.
Codka Adam Smith wuxuu noqday mid adag, isagoo yiri: "Kuwaas waa arrimo hore. Maxay tahay qorshaha mustaqbalka?" Wuxuuna sidoo kale su'aal ka keenay in dhab ahaan ay jirto khatar nukliyeer oo degdeg ah oo ka imaanaysa Iran taasoo dagaal ka dhigaysa mid lama huraan ah.
Pete Hegseth ayaa ku jawaabay in Iran "aysan ka tanaasulin hamigeeda nukliyeerka, taas oo keentay in Mareykanku tallaabo qaado isaga oo la shaqeynaya Israel."
Xildhibaan Dimuqraadi ah oo lagu magacaabo Joe Courtney ayaa soo xigtay qiimeynta Xoghayaha Gaashaandhigga ee ku jirta Istaraatiijiyadda Difaaca Qaranka ee la sii daayay bishii Janaayo, taas oo sheegtay in China ay tahay halista ugu weyn ee Mareykanka, oo ay ku xigaan Russia iyo North Korea, halka Iran waqtigaas lagu tilmaamay "mid ka nugul sidii ay ahayd tobannaan sano."
Xildhibaan Courtney wuxuu sheegay in marka la eego qiimeyntaas, isticmaalka ballaaran ee kheyraadka Mareykanka ee Bariga Dhexe si loola dagaallamo Iran uu muujinayo "isku dheelli-tirnaan la'aan" la xiriirta khataraha ka ka soo foogan adduunka.
Arrintaas waxaaa ka jawaabay Jeneraal Dan Kaine oo sheegay in madaxweynuhu adeegsado awoodda qaranka iyo kheyraadka milatari sida uu u arko in ay ku habboon tahay xaaladda siyaasadeed iyo amni.
Wuxuu intaas ku daray: "Go'aamada noocan oo kale ah mar walba waxay ku lug leeyihiin tanaasul."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xildhibaan Dimuqraadi ah oo lagu magacaabo Seth Moulton ayaa weydiiyay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth, in uu talo siiyay madaxweynaha si loo qaado weerarro ka dhan ah Iran.
Pete Hegseth wuxuu ku jawaabay in madaxweynaha Mareykanka "looga warbixiyay xaaladda dhinac kasta oo suurtagal ah," kadibna wuxuu hadalka u weeciyay hubka nukliyeerka, isagoo guddiga ka codsaday in ay "qiyaasaan sida adduunku ahaan lahaa haddii Iran ay waqtigan haysan lahayd bam nukliyeer ah."
Seth Moulton wuxuu si toos ah u weydiiyay Hegseth in uu u arko in Mareykanku ku guuleysanayo dagaalkan.
Pete Hegseth wuxuu yiri "dabcan," isagoo ku andacooday in uu noqday "guul milatari oo layaab leh" oo laga gaarey goobta dagaalka.
Seth Moulton wuxuu sidoo kale su'aal ka keenay in la tixgeliyay saameynta dagaalkan uu ku leeyahay canshuur-bixiyaha caadiga ah ee Mareykanka, isagoo sheegay in kharashku uu gaarayo qiyaastii $600 qofkiiba.
Pete Hegseth wuxuu ku jawaabay in dagaalkani "uusan socon doonin sannado badan," wuxuuna dhinaca kale weydiiyay: "Maxay noqon lahayd kharashka haddii Iran ay haysato hub nukliyeer ah?"
Intii uu socday kulanka guddiga, Xoghayaha Gaashaandhigga Pete Hegseth iyo Xildhibaanad Dimuqraadi ah Sara Jacobs ayaa is dhaafsaday hadallo kulkulul oo la xiriiray qoraalladii dhowaan uu ku daabacay Donald Trump baraha bulshada ee Truth Social.
Sara Jacobs ayaa weydiisay: "Ma u malaynaysaa in madaxweynuhu maskax ahaan u deggan yahay in uu qabto xilka taliyaha guud?"
Arrintaas, Pete Hegseth wuxuu ku jawaabay: "Isla su'aashaas ayaad weydiisay Joe Biden muddo afar sano ah?"
Arrintaas waxaa kaga jawaabtay Sara Jacobs iyadoo sheegtay in Joe Biden uusan ahayn musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga ee doorashadii madaxtinimo ee 2024.
Dhageysigan wuxuu imaanayaa xilli go'aanka maamulka Donald Trump ee dib u bilaabista duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Iran uu noqday mid murugsan, sababo la xiriira sharciga War Powers Resolution, oo ah xeer 1973 la dejiyay si loo xaddido awoodaha milatari ee madaxweynaha Mareykanka.
Sida uu dhigayo sharcigan, madaxweynuhu wuxuu ciidamada Mareykanka gelin karaa dagaal hubeysan muddo 60 maalmood ah oo keliya, isaga oo aan haysan oggolaanshaha Kongareeska, kadibna waxaa khasab noqota in arrintaas cod loo qaado Kongareeska. Weli ma cadda sida Aqalka Cad u maareyn doono waqtiga kama dambaysta ah oo ku eg 1-da May.
Sida ay sheegayaan khubaradu, codbixinta Kongareeska waxay noqon kartaa tillaabo adag oo hortaagan maamulka Donald Trump. Inkasta oo Xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu haysto aqlabiyadda Aqalka Senate-ka iyo kan Congress-ka labadaba, haddana arrin u culus sida dagaalkan waxay tijaabin karta daacadnimada iyo kala aragti duwanaanta labada xisbi, taas oo ka dhigi karta natiijada codbixinta mid aan la saadaalin karin.

Xigashada Sawirka, Getty Images










