Waa kuma Maxamed Warsame oo loo xushay in uu xubin ka noqdo Guddiga Adeegga Garsoorka Kenya?

Maxamed Warsame

Xigashada Sawirka, Social Media

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Guddiga Adeegga Garsoorka Kenya ee magacooooda loo soo gaabiyo JSC ayaa garyaqaan Maxamed Cabdullaahi Warsame oo ka tirsan maxkamadda racfaanka u xushay in uu garsoore ka noqdo maxkamadda Sare ee dalka, ka dib wareysiyo furan oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

Guddiga JSC oo habeennimadii Arbacada ku dhawaaqay xulashadiisa ayaa sheegay in Garyaqaan Warsame ku soo baxay hannaan kala reeb ku saleysan karti iyo hufnaan, kaas oo diiradda lagu eegayey sumcadda, karaanka xirfadeed iyo fahamka dastuurka ee tartameyaasha.

Xulashada ayaa hadda u gudbeysa jagiga xiga ee magacaabista, iyadoo lagu wado in madaxweyne William Ruto uu si rasmi ah ugu dhawaaqo magacaabista Garyaqaan Maxamed Warsame, ka hor inta aan Golaha baarlamaanka la horkeyn si ay u ansixiyaan.

Haddii la meelmariyo magacaabista garyaqaanka, wuxuu ku biirayaa xubnaha maxkamadda Sare, asagoo noqonaya garsooraha 14-aad ee Maxkamadda Sare, ku waas oo looga fadhiyo in ay gorfeeyaan go'aamo ku qotoma maranno dastuuri ah iyo doorashooyinka madaxtinimo.

Garyaqaanka Guud ee Kenya Martha Koome oo ku dhawaaqaysey go'aanka ayaa sheegtay in hannaanka xulashadu uu tixgeliyey dhammaan saamileyda garsoorka, islamarkaana uu dhegeystey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xulushada garyaqaan Maxamed Warsame ayaa dabasocota dadaallo lagu buuxinayo booskii uu banneeyey Garyaqaan Maxamed Ibraahim oo ka tirsanaa Maxkamadda Sare, kaas oo oo geeriyoodey 2025. Waxayna tani dhammeystiri doontaa fadhiga garyaqaannada 7 ah, ku waas oo isha ku hayn doona xilliga kala guurka siyaasadda oo dalku uu isku diyaarinayo doorashooyinka Guued ee 2027.

Maxamed Warsame

Xigashada Sawirka, Social Media

Qoraalka sawirka, JSC oo Maxkamadda Sare u xushay Garyaqaan Maxamed Warsame

Heerka Aqoonta

Shahaadada Bachelor Sharciga (LLB) oo uu ka qaatay University of Nairobi iyo Dibloomada Sharciga oo uu ka qaatay Kenya School of Law.

Ka hor inta aan loo magacaabin Court of Appeal of Kenya sannadkii 2012, Garsoore Warsame wuxuu ka soo shaqeeyay Maxkamadda Sare isagoo ahaa Garsoore ka tirsan Qaybta Ganacsiga, Qaybta Dambiyada, sidoo kalena wuxuu mas'uul ka ahaa Qaybta Dib-u-eegista Garsoorka ee Maxkamadda Sare.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Garsoore Warsame wuxuu leeyahay rikoor aad u wanaagsan oo ku saabsan xawaaraha lagu soo gabagabeeyo dacwadaha maxkamaddiisa.

Dhanka aqoonsiisa, Garsoore Sare Mohamed Warsame wuxuu haystaa Garsoore Sare Warsame sidoo kale wuxuu soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Bulshada iyo Sii-daynta Dambiilayaasha (Probation Committee). Intii uu guddoomiyaha ahaa, wuxuu xabsiyada dalka oo dhan ka sii daayay in ka badan 7,000 oo dambiilayaal fudud ah.

Ka hor magacaabistiisa Maxkamadda Sare sannadkii 2003, wuxuu ahaa qareen si firfircoon uga shaqeeya Maxkamadda Sare ee Kenya.

Sannadkii 2013, waxaa loo doortay in uu noqdo Wakiil (Commissioner) ka tirsan Guddiga Adeegga Garsoorka Kenya (JSC) isagoo ay doorteen Garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka, sida uu dhigayo Qodobka 171 (2) (c) ee Dastuurka Kenya.

Garsoore Warsame wuxuu xubin ka ahaa labada Guddi ee Maaliyadda iyo Maamulka iyo Guddiga Kheyraadka Aadanaha ee JSC.

Garsoore Warsame wuxuu sidoo kale ku lug leeyahay hawlo samafal iyo ururo kala duwan.